< Ayuub 20 >

1 Markaasaa Soofar oo ahaa reer Nacamaatii u jawaabay, oo wuxuu yidhi,
Pamenepo Zofari wa ku Naama anayankha kuti
2 Haddaba waxaa ii jawaaba fikirradayda, Oo sababtu waxay tahay degdegga igu jira.
“Kuvutika kwa mʼmaganizo kwanga kwandifulumiza kuti ndiyankhe chifukwa ndasautsidwa kwambiri.
3 Waxaan maqlay canaanta i ceebaysa, Oo waxaa ii jawaabta waxgarashadayda.
Ndikumva kudzudzula kondinyoza, ndipo kumvetsetsa kwanga kwa zinthu kwandifulumiza kuti ndiyankhe.
4 Miyaadan ogayn in waayihii hore iyo Tan iyo waagii binu-aadmiga dhulka la saaray
“Ndithudi iwe ukudziwa momwe zinthu zakhala zikuchitikira kuyambira kale, kuchoka nthawi imene munthu analengedwa pa dziko lapansi,
5 Ay guulaysashada sharrowyadu gaaban tahay, Oo farxadda cibaadalaawayaashuna ay daqiiqad qudha tahay?
kuti chisangalalo cha woyipa nʼchosachedwa kutha, chimwemwe cha wosapembedza Mulungu nʼchakanthawi kochepa.
6 In kastoo sarrayntiisu ay samada korto, Oo madaxiisuna uu daruuraha gaadho,
Ngakhale atamayenda mapewa ake ali mmwamba ndipo mutu wake uli nengʼaa,
7 Wuxuu weligiis u baabbi'i doonaa sida saxaradiisa oo kale. Oo kuwii isaga arki jiray waxay odhan doonaan, War meeh isagii?
iye adzatheratu monga momwe imatayikira ndowe yake yomwe; iwo amene ankamuona adzati, ‘Kodi uje uja ali kuti?’
8 Sida riyo ayuu u libdhi doonaa, oo lama heli doono, Hubaal waxaa loo eryi doonaa sida riyada habeenka.
Adzazimirira ngati maloto ndipo sadzapezekanso, adzachotsedwa ngati masomphenya a usiku.
9 Ishii isaga aragtay mar dambe ma ay arki doonto, Oo meeshiisiina mar dambe uma ay jeedi doonto.
Diso limene linamuona silidzamuonanso; sadzapezekanso pamalo pake.
10 Carruurtiisu waxay wax ka baryi doonaan masaakiinta, Oo gacmahooduna dib bay u celin doonaan maalkiisa.
Ana ake adzabwezera zonse zimene iyeyo analanda anthu osauka;
11 Lafihiisana waxaa ka buuxa xoogga dhallinyaranimada, Laakiinse ciidda dhexdeeduu la jiifsan doonaa.
Mphamvu zaunyamata zimene zili mʼthupi mwake zidzagona naye limodzi mʼfumbi.
12 In kastoo xumaantu afkiisa la macaan tahay, In kastoo uu carrabkiisa ku hoos qarsado,
“Ngakhale zoyipa zili zozuna mʼkamwa mwake ndipo amazibisa kunsi kwa lilime lake,
13 In kastoo uu kaydsado, oo uusan iska sii dayn, Laakiinse uu afkiisa ku sii haysto,
ngakhale salola kuzilavula, ndipo amazisunga mʼkamwa mwake,
14 Kolleyba cuntadiisu mindhicirkiisay ku beddelantaa, Oo waxay uurkiisa ku noqataa waabayo jilbis.
koma chakudya chake chidzawawasa mʼmimba mwake; chidzasanduka ngati ndulu ya njoka mʼkati mwa iyeyo.
15 Isagu maal buu liqay, laakiinse mar kaluu soo mantagi doonaa, Oo Ilaah baa calooshiisa ka soo saari doona.
Adzachisanza chuma chimene anachimeza; Mulungu adzachitulutsa mʼmimba mwa munthuyo.
16 Wuxuu nuugi doonaa mariidka jilbisyada, Oo waxaa isaga dili doona mas carrabkiis.
Iye adzayamwa ndulu ya njoka ndipo ululu wa mphiri udzamupha.
17 Oo ma uu fiirin doono webiyada, Iyo durdurrada la barwaaqaysan malabka iyo subagga.
Sadzasangalala ndi timitsinje, mitsinje yoyenda uchi ndi mafuta.
18 Wixii uu ku hawshooday wuu soo celin doonaa, oo ma uu liqi doono, Oo maalka uu faa'iidada u helayna siduu yahay uguma uu farxi doono.
Ayenera kubweza zimene anazigwirira ntchito osazidya; sadzasangalala ndi phindu la malonda ake.
19 Waayo, wuxuu dulmay oo dayriyey masaakiinta, Oo wuxuu xoog ku qaatay guri uusan dhisin.
Pakuti iye anapondereza anthu osauka ndipo anawasiya wopanda thandizo; iyeyo analanda nyumba zimene sanamange.
20 Uurkiisu xasilloonaan ma lahayn, Taas daraaddeed waxa uu jecel yahay oo dhan waxba kama uu badbaadin doono.
“Chifukwa choti umbombo wake sutha, sadzatha kusunga chilichonse chimene amakondwera nacho.
21 Wuxuu liqay wax ka hadhay lama arkin, Sidaas daraaddeed barwaaqadiisu siima raagi doonto.
Palibe chatsala kuti iye adye; chuma chake sichidzachedwa kutha.
22 Markuu dheregsan yahay ayuu cidhiidhi dhex geli doonaa, Oo mid kasta oo belaayaysan gacantiisa ayaa ku soo degi doonta.
Ngakhale ndi munthu wachuma, mavuto adzamugwera; mavuto aakulu adzamugwera.
23 Markuu ku dhow yahay inuu calooshiisa buuxsado, Ayaa Ilaah wuxuu ku soo tuuri doonaa kulaylka cadhadiis, Oo wuu ku soo shubi doonaa intuu wax cunayo.
Akadya nʼkukhuta, Mulungu adzamugwetsera ukali wamoto ngati mvula yosalekeza.
24 Wuu ka carari doonaa hubka birta ah, Oo qaansada naxaasta ahu fallaadh bay ka dhex dusin doontaa.
Ngakhale athawe mkondo wachitsulo, muvi wamkuwa wosongoka udzamulasa.
25 Wuu soo jiidaa, kolkaasay jidhkiisa ka soo baxdaa, Hubaal caaradda dhalaalaysa ayaa beerkiisa ka soo baxda, Oo cabsi baa isaga ku dhacda.
Muviwo adzawutulutsira ku msana, songa yake yowala kuchoka mʼmphafa mwake. Adzagwidwa ndi mantha aakulu;
26 Gudcurka oo dhanna waxaa meel loogu kaydiyey khasnadihiisa; Oo dab aan la afuufin ayaa isaga dhammayn doona, Wuuna baabbi'in doonaa waxa teendhadiisa ku dhex hadhay.
mdima wandiweyani ukudikira chuma chake. Moto wopanda wowukoleza udzamupsereza ndi kuwononga zonse zotsala mʼnyumba yake.
27 Samooyinku waxay daaha ka qaadi doonaan xumaantiisa, Oo dhulkuna isaguu ku kici doonaa.
Zamumlengalenga zidzawulula kulakwa kwake; dziko lapansi lidzamuwukira.
28 Hodanka reerkiisu wuu ka dhammaan doonaa, Oo maalinta cadhada Ilaah ayaa maalkiisu libdhi doonaa.
Chigumula cha madzi chidzawononga nyumba yake, katundu wake adzatengedwa pa tsiku la ukali wa Mulungu.
29 Intaasu waxaa weeye qaybta ninkii shar ahu uu xagga Ilaah ka helayo, Iyo wixii Ilaah dhaxal ahaan ugu amray.
Izi ndi zimene Mulungu amasungira anthu oyipa, mphotho imene Mulungu amayikira iwowo.”

< Ayuub 20 >