< Ayuub 19 >

1 Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu yidhi,
پس ایوب در جواب گفت:۱
2 War ilaa goormaad naftayda dhibaysaan Oo aad erayo igu burburinaysaan?
«تا به کی جان مرا می‌رنجانید؟ و مرا به سخنان خود فرسوده می‌سازید؟۲
3 Toban jeer baad i caydeen, Haddaba miyaydaan ka xishoonayn inaad saas oo xun iila macaamilootaan?
این ده مرتبه است که مرا مذمت نمودید، و خجالت نمی کشید که با من سختی می‌کنید؟۳
4 Oo sida xaqiiqada ah haddaan qaldamay, Qaladkaygu aniguu igu hadhayaa.
و اگر فی الحقیقه خطا کرده‌ام، خطای من نزد من می‌ماند.۴
5 Oo sida xaqiiqada ah haddaad iska kay weynaynaysaan, Oo aad ceebtayda igu caddaysaan inaan dembi leeyahay,
اگر فی الواقع بر من تکبر نمایید و عار مرا بر من اثبات کنید،۵
6 Haddaba bal ogaada in Ilaah i afgembiyey, Oo uu shabagtiisii igu wareejiyey.
پس بدانید که خدا دعوی مرا منحرف ساخته، و به دام خود مرا احاطه نموده است.۶
7 Bal eega, dulunka daraaddiis waan u qayliyaa, laakiin lay maqli maayo, Oo caawimaad waan u qayshadaana, caddaaladduse ma jirto.
اینک از ظلم، تضرع می‌نمایم و مستجاب نمی شوم و استغاثه می‌کنم و دادرسی نیست.۷
8 Jidkaygii ayuu ooday si aanan u dhaafi karin, Oo wadiiqooyinkaygiina gudcur buu ka dhigay.
طریق مرا حصارنموده است که از آن نمی توانم گذشت و برراههای من تاریکی را گذارده است.۸
9 Ammaantaydii wuu iga xayuubiyey, Oo taajkiina madaxayga wuu ka qaaday.
جلال مرا ازمن کنده است و تاج را از سر من برداشته،۹
10 Xagga iyo xaggaaba wuu iga dumiyey, oo baabba' waan noqday, Oo rajadaydiina sidii geed oo kale ayuu u rujiyey.
مرا ازهر طرف خراب نموده، پس هلاک شدم. و مثل درخت، ریشه امید مرا کنده است.۱۰
11 Aad buu iigu cadhooday, Oo sida mid cadowgiisa ah ayuu igu tiriyaa.
غضب خودرا بر من افروخته، و مرا یکی از دشمنان خودشمرده است.۱۱
12 Ciidammadiisii oo dhammu way wada yimaadaan, Oo jid bay dhistaan si ay iigu kacaan, Oo teendhadayda hareeraheeda ayay degaan.
فوجهای او با هم می‌آیند و راه خود را بر من بلند می‌کنند و به اطراف خیمه من اردو می‌زنند.۱۲
13 Walaalahay wuu iga fogeeyey, Oo kuwii aan iqiinna way iga wada shisheeyoobeen.
«برادرانم را از نزد من دور کرده است وآشنایانم از من بالکل بیگانه شده‌اند.۱۳
14 Ehelkaygii way i dayriyeen, Oo saaxiibbadaydiina way i illoobeen.
خویشانم مرا ترک نموده و آشنایانم مرا فراموش کرده‌اند.۱۴
15 Kuwa reerkayga ku hoyda, iyo gabdhaha addoommahayga ahuba waxay igu tiriyaan shisheeye, Oo hortooda waxaan ku ahay ajanabi.
نزیلان خانه‌ام و کنیزانم مرا غریب می‌شمارند، و در نظر ایشان بیگانه شده‌ام.۱۵
16 Waxaan u yeedhaa addoonkaygii, Oo in kastoo aan afkayga ku baryo, iima jawaabo innaba.
غلام خود راصدا می‌کنم و مرا جواب نمی دهد، اگر‌چه او را به دهان خود التماس بکنم.۱۶
17 Naagtaydu waxay nacdaa neeftayda, Oo carruurtii hooyaday dhashayna waxay nacaan baryootankayga.
نفس من نزد زنم مکروه شده است و تضرع من نزد اولاد رحم مادرم.۱۷
18 Xataa dhallaanka yaryaru way i quudhsadaan, Oo haddaan sara joogsado way i caayaan.
بچه های کوچک نیز مرا حقیرمی شمارند و چون برمی خیزم به ضد من حرف می‌زنند.۱۸
19 Saaxiibbadaydii aan ku kalsoonaa oo dhammu way i karahsadaan, Oo kuwii aan jeclaana way igu soo jeesteen.
همه اهل مشورتم از من نفرت می‌نمایند، و کسانی را که دوست می‌داشتم از من برگشته‌اند.۱۹
20 Haraggayga iyo hilibkaygu waxay ku dhegaan lafahayga, Oo dirqi baan ku baxsaday.
استخوانم به پوست و گوشتم چسبیده است، و با پوست دندانهای خودخلاصی یافته‌ام.۲۰
21 Saaxiibbadayow, ii naxa, oo ii naxa, Waayo, gacantii Ilaah baa i taabatay.
بر من ترحم کنید! ترحم کنیدشما‌ای دوستانم! زیرا دست خدا مرا لمس نموده است.۲۱
22 Maxaad sidii Ilaah iigu silcisaan? Oo bal maxaad dhibaatada jidhkayga uga dhergi weydeen?
چرا مثل خدا بر من جفا می‌کنید وازگوشت من سیر نمی شوید.۲۲
23 Waxaan jeclaan lahaa in erayadayda la qoro! Iyo in kitaab gudihiis lagu qoro!
کاش که سخنانم الان نوشته می‌شد! کاش که در کتابی ثبت می‌گردید،۲۳
24 Iyo inay weligood dhagax kula qornaadaan Qalin bir ah iyo rasaas!
و با قلم آهنین و سرب بر صخره‌ای تا به ابد کنده می‌شد!۲۴
25 Laakiinse waan ogahay in kii i soo furtay nool yahay, Iyo inuu ugudambaysta dhulka ku istaagi doono.
و من می‌دانم که ولی من زنده است، و در ایام آخر، بر زمین خواهدبرخاست.۲۵
26 Oo markii haraggaygu sidaas u baabba'o dabadeed, Ayaan anigoo aan jiidh lahayn Ilaah arki doonaa,
و بعد از آنکه این پوست من تلف شود، بدون جسدم نیز خدا را خواهم دید.۲۶
27 Kaasoo aan aniga qudhaydu arki doono, Oo indhahaygu ay fiirin doonaan, oo aanay kuwa mid kale arkayn. Qalbigaygu waa taag daranyahay.
ومن او را برای خود خواهم دید. و چشمان من بر اوخواهد نگریست و نه چشم دیگری. اگر‌چه گرده هایم در اندرونم تلف شده باشد.۲۷
28 Haddaad istidhaahdaan, War xaalkan salkiisu isagaa laga helay, Bal maxaannu isaga u silcinnaa?
اگربگویید چگونه بر او جفا نماییم و حال آنگاه اصل امر در من یافت می‌شود.۲۸
29 Si aad u ogaataan in xukun jiro, Waxaad ka cabsataan seefta, Maxaa yeelay, cadhadu waxay keentaa taqsiirta seefta.
پس از شمشیربترسید، زیرا که سزاهای شمشیر غضبناک است، تا دانسته باشید که داوری خواهد بود.»۲۹

< Ayuub 19 >