< Ayuub 18 >

1 Markaasaa Bildad oo ahaa reer Shuuxii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
Sai Bildad mutumin Shuwa ya amsa,
2 War ilaa goormaad hadallo sii wadaysaan? War bal fiirsada, oo annana dabadeed baannu hadlaynaa.
“Yaushe za ka gama maganganun nan? Ka dawo da hankalinka sa’an nan za mu iya yin magana.
3 War bal maxaa sida xayawaan naloogu tiriyaa? Oo bal maxaannu hortiinna ugu nijaasownay?
Don me muke kamar shanu a wurinka, ka ɗauke mu mutanen wofi?
4 War waa adiga xanaaq daraaddiis isla jeexjeexayaye Dhulka ma daraaddaa baa looga tegayaa? Mase dhagaxa ayaa meeshiisa laga rujinayaa?
Kai da ka yayyage kanka don haushi, za a yashe duniya saboda kai ne? Ko kuma duwatsu za su matsa daga wurinsu?
5 Hubaal iftiinka sharrowgu wuu demi doonaa, Oo ololka dabkiisuna siima iftiimi doono.
“An kashe fitilar mugu; harshen wutarsa ya daina ci.
6 Iftiinka teendhadiisu wuxuu ahaan doonaa gudcur, Oo laambaddiisa kor taalna way demi doontaa.
Wutar cikin tentinsa ta zama duhu; fitilar da take kusa da shi ta mutu.
7 Tallaabooyinka itaalkiisu way iscidhiidhin doonaan, Oo taladiisu isagay hoos u ridi doontaa.
Ƙarfin takawarsa ya ragu; dabararsa ta ja fāɗuwarsa.
8 Waayo, isagu wuxuu cagta gashadaa shabag, Oo wuxuu ku kor socdaa dabin.
Ƙafafunsa sun kai shi cikin raga, yana ta yawo a cikin ragar.
9 Waxaa isaga cedhibta ku dhegi doona dabin, Oo qool baana qabsan doona.
Tarko ya kama ɗiɗɗigensa; tarko ya riƙe shi kam.
10 Waxaa dhulka ugu qarsan siriq, Oo jidkana waxaa u yaal dabin.
An ɓoye masa igiya da za tă zarge shi a ƙasa; an sa masa tarko a kan hanyar da zai bi.
11 Dhinac kasta waxaa ka bajin doona cabsi, Oo xataa gadaalna way ka soo eryan doontaa.
Tsoro duk ya kewaye shi ta kowane gefe yana bin shi duk inda ya je.
12 Xooggiisa waxaa dili doonta gaajo, Oo belaayona agtiisay diyaar ku tahay.
Masifa tana jiransa; bala’i yana shirye yă fāɗa masa a lokacin da zai fāɗi.
13 Oo waxay baabbi'in doontaa xubnaha jidhkiisa, Oo curadka dhimashada ayaa xubnihiisa baabbi'in doona.
Ya cinye wani sashe na gaɓar jikinsa; ɗan fari na mutuwa ya cinye ƙafafunsa.
14 Oo isaga waa laga rujin doonaa teendhadiisa uu isku halleeyo, Oo waxaa loo keeni doonaa boqorka cabsida.
An yage shi daga zaman lafiyar da yake yi a cikin tentinsa aka sa shi tsoro sosai.
15 Teendhadiisa waxaa ku jiri doona wax aan wixiisii ahayn, Oo hoygiisana waxaa lagu soo kor firdhin doonaa baaruud.
Wuta ta cinye tentinsa; farar wuta ta rufe wurin da yake zama.
16 Xididdadiisa hoose way qallali doonaan, Oo laamihiisa sarena waa la jari doonaa.
Jijiyoyinsa sun bushe a ƙasa rassansa sun mutu a sama.
17 Dhulka laguma xusuusan doono, Oo jidkana magac kuma uu yeelan doono.
An manta da shi a duniya; ba wanda yake ƙara tunawa da shi.
18 Isaga iftiin baa gudcur looga kaxayn doonaa, Oo dunidana waa laga eryi doonaa.
An tura shi daga cikin haske zuwa cikin duhu, an kore shi daga duniya.
19 Oo isagu dadkiisa kuma dhex lahaan doono wiil uu dhalay iyo mid uu wiilkiisii dhalay toona, Ama mid ku hadha meelihii uu degganaan jiray.
Ba shi da’ya’ya ko zuriya cikin mutanensa, ba sauran wanda yake a raye a wurin da ya taɓa zama.
20 Dadka ka dambeeyaa waxay ka yaabi doonaan wakhtigiisa, Sidii ay kuwii horeba uga baqeen.
Mutanen Yamma suna mamakin abin da ya faru da shi; tsoro ya kama mutanen gabas.
21 Sida xaqiiqada ah guryaha kuwa aan xaqa ahayn waa sidaas oo kale, Oo kii aan Ilaah aqoon meeshiisiina waa tan.
Ba shakka haka wurin zaman mugun mutum yake, haka wurin zaman wanda bai san Allah ba yake.”

< Ayuub 18 >