< Ayuub 18 >
1 Markaasaa Bildad oo ahaa reer Shuuxii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
書亞人比勒達回答說:
2 War ilaa goormaad hadallo sii wadaysaan? War bal fiirsada, oo annana dabadeed baannu hadlaynaa.
你尋索言語要到幾時呢? 你可以揣摩思想,然後我們就說話。
3 War bal maxaa sida xayawaan naloogu tiriyaa? Oo bal maxaannu hortiinna ugu nijaasownay?
我們為何算為畜生, 在你眼中看作污穢呢?
4 War waa adiga xanaaq daraaddiis isla jeexjeexayaye Dhulka ma daraaddaa baa looga tegayaa? Mase dhagaxa ayaa meeshiisa laga rujinayaa?
你這惱怒將自己撕裂的, 難道大地為你見棄、 磐石挪開原處嗎?
5 Hubaal iftiinka sharrowgu wuu demi doonaa, Oo ololka dabkiisuna siima iftiimi doono.
惡人的亮光必要熄滅; 他的火焰必不照耀。
6 Iftiinka teendhadiisu wuxuu ahaan doonaa gudcur, Oo laambaddiisa kor taalna way demi doontaa.
他帳棚中的亮光要變為黑暗; 他以上的燈也必熄滅。
7 Tallaabooyinka itaalkiisu way iscidhiidhin doonaan, Oo taladiisu isagay hoos u ridi doontaa.
他堅強的腳步必見狹窄; 自己的計謀必將他絆倒。
8 Waayo, isagu wuxuu cagta gashadaa shabag, Oo wuxuu ku kor socdaa dabin.
因為他被自己的腳陷入網中, 走在纏人的網羅上。
9 Waxaa isaga cedhibta ku dhegi doona dabin, Oo qool baana qabsan doona.
圈套必抓住他的腳跟; 機關必擒獲他。
10 Waxaa dhulka ugu qarsan siriq, Oo jidkana waxaa u yaal dabin.
活扣為他藏在土內; 羈絆為他藏在路上。
11 Dhinac kasta waxaa ka bajin doona cabsi, Oo xataa gadaalna way ka soo eryan doontaa.
四面的驚嚇要使他害怕, 並且追趕他的腳跟。
12 Xooggiisa waxaa dili doonta gaajo, Oo belaayona agtiisay diyaar ku tahay.
他的力量必因飢餓衰敗; 禍患要在他旁邊等候。
13 Oo waxay baabbi'in doontaa xubnaha jidhkiisa, Oo curadka dhimashada ayaa xubnihiisa baabbi'in doona.
他本身的肢體要被吞吃; 死亡的長子要吞吃他的肢體。
14 Oo isaga waa laga rujin doonaa teendhadiisa uu isku halleeyo, Oo waxaa loo keeni doonaa boqorka cabsida.
他要從所倚靠的帳棚被拔出來, 帶到驚嚇的王那裏。
15 Teendhadiisa waxaa ku jiri doona wax aan wixiisii ahayn, Oo hoygiisana waxaa lagu soo kor firdhin doonaa baaruud.
不屬他的必住在他的帳棚裏; 硫磺必撒在他所住之處。
16 Xididdadiisa hoose way qallali doonaan, Oo laamihiisa sarena waa la jari doonaa.
下邊,他的根本要枯乾; 上邊,他的枝子要剪除。
17 Dhulka laguma xusuusan doono, Oo jidkana magac kuma uu yeelan doono.
他的記念在地上必然滅亡; 他的名字在街上也不存留。
18 Isaga iftiin baa gudcur looga kaxayn doonaa, Oo dunidana waa laga eryi doonaa.
他必從光明中被攆到黑暗裏, 必被趕出世界。
19 Oo isagu dadkiisa kuma dhex lahaan doono wiil uu dhalay iyo mid uu wiilkiisii dhalay toona, Ama mid ku hadha meelihii uu degganaan jiray.
在本民中必無子無孫; 在寄居之地也無一人存留。
20 Dadka ka dambeeyaa waxay ka yaabi doonaan wakhtigiisa, Sidii ay kuwii horeba uga baqeen.
以後來的要驚奇他的日子, 好像以前去的受了驚駭。
21 Sida xaqiiqada ah guryaha kuwa aan xaqa ahayn waa sidaas oo kale, Oo kii aan Ilaah aqoon meeshiisiina waa tan.
不義之人的住處總是這樣; 此乃不認識上帝之人的地步。