< Ayuub 17 >

1 Ruuxaygii waa tabardarnaaday, cimrigaygiina waa dhammaaday, Oo qabrigu waa ii diyaar.
我的心灵消耗,我的日子灭尽; 坟墓为我预备好了。
2 Sida xaqiiqada ah waxaa ila jooga majaajilowyo, Oo ishayduna waxay fiiro u leedahay ka cadhaysiintooda.
真有戏笑我的在我这里, 我眼常见他们惹动我。
3 Haddaba rahaamad i sii, oo dammiin ii noqo; Bal yaa jooga oo gacanta dhaar iigu dhiibaya?
愿主拿凭据给我,自己为我作保。 在你以外谁肯与我击掌呢?
4 Waayo, qalbigooda waxgarashadii waad ka qarisay, Oo sidaas daraaddeed iyaga ma aad sarraysiin doontid.
因你使他们心不明理, 所以你必不高举他们。
5 Kii saaxiibbadiis u yeedha inay maal ka qaybgeliyaan, Carruurtiisu way indha beeli doonaan.
控告他的朋友、以朋友为可抢夺的, 连他儿女的眼睛也要失明。
6 Oo weliba isagu wuxuu iga dhigay wax ay dadku ku halqabsadaan, Oo waxaan noqday mid ay dadku candhuuf ku tufaan.
神使我作了民中的笑谈; 他们也吐唾沫在我脸上。
7 Indhahaygii murug bay la arag daranyihiin, Oo xubnahaygii oo dhammuna waxay noqdeen sidii hoos oo kale.
我的眼睛因忧愁昏花; 我的百体好像影儿。
8 Dadkii toolmoonu waxan way la yaabayaan, Oo kan aan xaqa qabinuna wuxuu ku kacayaa cibaadalaawaha.
正直人因此必惊奇; 无辜的人要兴起攻击不敬虔之辈。
9 Laakiinse kii xaq ahu jidkiisa wuu ku sii adkaysan doonaa, Oo kii gacmo nadiifsan lahuna aad iyo aad buu u sii xoogaysan doonaa.
然而,义人要持守所行的道; 手洁的人要力上加力。
10 Laakiinse idinku dhammaantiin bal soo noqda oo ii kaalaya, Oo anna nin xigmad leh idinkama heli doono.
至于你们众人,可以再来辩论吧! 你们中间,我找不着一个智慧人。
11 Cimrigaygii waa dhammaaday, Oo qasdigaygii iyo fikirradii qalbigayguba waa baabbe'een.
我的日子已经过了; 我的谋算、我心所想望的已经断绝。
12 Habeenka waxay u beddelaan maalin, Oo waxay yidhaahdaan, Iftiinku waa u dhow yahay gudcurka.
他们以黑夜为白昼, 说:亮光近乎黑暗。
13 Haddaan She'ool u rajeeyo sida gurigaygii oo kale, Ama haddaan gogoshayda gudcurka ku dhex fidsado, (Sheol h7585)
我若盼望阴间为我的房屋, 若下榻在黑暗中, (Sheol h7585)
14 Oo haddaan qudhunka ku idhaahdo, Adigu waxaad tahay aabbahay, Oo aan dirxigana ku idhaahdo, Adigu waxaad tahay hooyaday iyo walaashay,
若对朽坏说:你是我的父; 对虫说:你是我的母亲姊妹;
15 Bal markaas meeday rajadaydu? Oo bal yaase rajadayda arki doona?
这样,我的指望在哪里呢? 我所指望的谁能看见呢?
16 Waxay hoos ugu dhaadhici doontaa qataarrada She'ool, Markaannu ciidda wada galno. (Sheol h7585)
等到安息在尘土中, 这指望必下到阴间的门闩那里了。 (Sheol h7585)

< Ayuub 17 >