< Ayuub 17 >
1 Ruuxaygii waa tabardarnaaday, cimrigaygiina waa dhammaaday, Oo qabrigu waa ii diyaar.
我的氣息已斷,壽命已盡,而且墳墓已為我做好。
2 Sida xaqiiqada ah waxaa ila jooga majaajilowyo, Oo ishayduna waxay fiiro u leedahay ka cadhaysiintooda.
我豈不是成了笑罵的對象﹖我的眼睛豈不是在酸苦中過夜﹖
3 Haddaba rahaamad i sii, oo dammiin ii noqo; Bal yaa jooga oo gacanta dhaar iigu dhiibaya?
求你將我的抵押放在你那裏! 誰還敢與我擊掌作保﹖
4 Waayo, qalbigooda waxgarashadii waad ka qarisay, Oo sidaas daraaddeed iyaga ma aad sarraysiin doontid.
因為你蒙蔽了他們的心,不叫他們明白,他們纔不敢舉起手來。
5 Kii saaxiibbadiis u yeedha inay maal ka qaybgeliyaan, Carruurtiisu way indha beeli doonaan.
人請自己的朋友分享所有,但自己的子女卻餓的眼目昏花。
6 Oo weliba isagu wuxuu iga dhigay wax ay dadku ku halqabsadaan, Oo waxaan noqday mid ay dadku candhuuf ku tufaan.
我成了人民取笑的資料,人人在我臉上可吐唾沫。
7 Indhahaygii murug bay la arag daranyihiin, Oo xubnahaygii oo dhammuna waxay noqdeen sidii hoos oo kale.
我的眼睛因愁悶而昏花,我的肢體消失有如蔭影。
8 Dadkii toolmoonu waxan way la yaabayaan, Oo kan aan xaqa qabinuna wuxuu ku kacayaa cibaadalaawaha.
正直人因此而驚異,無罪者憤起攻擊惡人。
9 Laakiinse kii xaq ahu jidkiisa wuu ku sii adkaysan doonaa, Oo kii gacmo nadiifsan lahuna aad iyo aad buu u sii xoogaysan doonaa.
義人堅持自己的道,手淨的人倍增勇氣。
10 Laakiinse idinku dhammaantiin bal soo noqda oo ii kaalaya, Oo anna nin xigmad leh idinkama heli doono.
你們眾人,請你們再回來,但在你們中我找不到一個智者。
11 Cimrigaygii waa dhammaaday, Oo qasdigaygii iyo fikirradii qalbigayguba waa baabbe'een.
我的時日已過去,我志所謀,我心所愛,都已落空。
12 Habeenka waxay u beddelaan maalin, Oo waxay yidhaahdaan, Iftiinku waa u dhow yahay gudcurka.
他們將黑夜變為白天,使光明靠近黑暗;
13 Haddaan She'ool u rajeeyo sida gurigaygii oo kale, Ama haddaan gogoshayda gudcurka ku dhex fidsado, (Sheol )
若是我還有希望,即以陰府為我的家;在憂暗之處,舖設我的床榻。 (Sheol )
14 Oo haddaan qudhunka ku idhaahdo, Adigu waxaad tahay aabbahay, Oo aan dirxigana ku idhaahdo, Adigu waxaad tahay hooyaday iyo walaashay,
我對墓穴說:你作我父! 對蛆蟲說:你作我母,我妹!
15 Bal markaas meeday rajadaydu? Oo bal yaase rajadayda arki doona?
我的希望究在何處﹖我的幸福,有誰注意﹖
16 Waxay hoos ugu dhaadhici doontaa qataarrada She'ool, Markaannu ciidda wada galno. (Sheol )
這一切只有和我一同降入陰府,一同安息在灰塵中。 (Sheol )