< Ayuub 16 >

1 Markaasaa Ayuub u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
Sai Ayuba ya amsa,
2 Anigu waan maqlay waxyaalo badan oo caynkaas ah. Idinku dhammaantiin waxaad tihiin qalbiqabowjiyayaal qalqalloocan.
“Na ji abubuwa da yawa kamar waɗannan; dukanku ba ku iya ta’aziyya ba!
3 Hadal dabayl ahu miyuu dhammaadaa? Balse maxaa kaa dhirfinaya oo aad u jawaabaysaa?
Dogayen surutanku ba sa ƙare ne? Me yake sa kuke ta yin waɗannan surutai har kuke cin gaba da yin gardama?
4 Haddii naftiinnu ahaan lahayd naftayda, Anigu waan u hadli kari lahaa sidiinna oo kale, Oo hadal waan idinku kor tuuli kari lahaa, Oo madaxaygana waan idinku ruxruxi kari lahaa.
Ni ma zan iya yin maganganu kamar yadda kuke yi in da kuna cikin halin da nake; zan iya faɗar duk abubuwan da kuke faɗi, in kaɗa muku kaina.
5 Laakiinse anigu afkayga waan idinku xoogayn lahaa, Oo tacsiyaynta bushimahayguna way idin qalbi qabowjin lahayd.
Amma bakina zai ƙarfafa ku; ta’aziyyar da za tă fito daga bakina za tă kawar muku da ɓacin zuciyarku.
6 Anigu haddaan hadlo xanuunkaygu igama yaraado, Oo haddaan iska aamusona miyaan in ka yar xanuunsadaa?
“Duk da haka in na yi magana, ba na samun sauƙi; in ma na yi shiru zafin ba ya tafiya.
7 Laakiinse haatan wuu i daaliyey, Oo guutadaydii oo dhan cidlo baad ka dhigtay.
Ba shakka ya Allah ka gajiyar da ni; ka ɓata gidana gaba ɗaya.
8 Waad i qabsatay, taasuna waa marag iga gees ah, Oo waxaa igu kaca macluulkayga, oo fool ka fool ayuu igu markhaati furaa.
Ka daure ni, ya kuma zama shaida; yadda na rame sai ƙasusuwa, wannan ya sa ake gani kamar don ni mai zunubi ne shi ya sa.
9 Isagoo cadhaysan ayuu i dildillaacsaday, oo wuu i silciyey, Wuuna igu ilko jirriqsaday, Oo cadowgaygii indhuhuu igu caddeeyey.
Allah ya kai mini hari ya yi kaca-kaca da ni cikin fushinsa yana cizon haƙoransa don fushin da yake yi da ni; ya zura mini ido.
10 Iyagu afkay ii kala qaadeen, Oo quudhsasho ayay dhabanka igaga dharbaaxeen, Oo dhammaantoodna way isu kay wada urursadaan.
Mutane suka buɗe baki suka yi mini riyar reni; suka yi mini ba’a suka haɗu suka tayar mini.
11 Ilaah wuxuu gacantooda i geliyaa cibaadalaawayaasha, Oo wuxuu igu dhex tuuraa gacmaha kuwa sharka ah.
Allah ya bashe ni ga mugayen mutane, ya jefa ni hannun mugaye.
12 Anigoo iska istareexsan ayuu i kala jejebiyey, Oo intuu surka i qabtay ayuu i kala burburiyey, Oo weliba intuu meel i qotomiyey ayuu goolibaadh iga dhigtay.
Dā ina zamana lafiya kome yana tafiya daidai; amma ya ragargaza ni; ya shaƙe ni a wuya; ya murƙushe ni na zama abin barata gare shi;
13 Qaansoolayaashiisii ayaa i hareereeya, Oo kelyahaygii ayuu kala googooyaa, Oo xammeetidaydiina dhulkuu ku daadshaa.
maharbansa sun kewaye ni. Ba tausayi, ya soke ni a ƙodata har jini ya zuba a ƙasa.
14 Isagu wuu i jejebiyaa oo nabarba nabar buu iiga kor mariyaa; Oo sidii nin xoog badan ayuu orod igula soo kacaa.
Ya ji mini rauni a kai a kai ya auko mini kamar mai yaƙi.
15 Korkayga waxaan ku tolay joonyad, Oo xooggaygiina ciiddaan ku riday.
“Ina makoki saye da tsummoki na ɓoye fuskata a cikin ƙura.
16 Wejigaygii oohin buu la beddelmay, Oo indhaha daboolkoodana waxaa ii jooga hooskii dhimashada,
Fuskata ta yi ja don kuka idanuna sun kukumbura;
17 In kastoo aanay xaqdarro ku jirin gacmahayga, Oo uu baryootankayguna daahir yahay.
duk da haka hannuwana ba su aikata ɓarna ba kuma addu’ata mai tsabta ce.
18 Dhulkow, dhiiggayga ha qarinin, Oo qayladayduna yaanay meelay ku nasato lahaan.
“Ya duniya, kada ki ɓoye jinina; bari yă yi kuka a madadina!
19 Oo hadda bal eeg, markhaatigaygii wuxuu joogaa samada, Oo kii ii dammiintaana xagga saruu joogaa.
Ko yanzu haka shaidata tana sama; wanda zai tsaya mini yana sama.
20 Saaxiibbaday way igu qoslaan, Laakiinse indhahaygu ilmo bay u daadiyaan xag Ilaah.
Shi mai yin roƙo a madadina abokina ne yayinda nake kuka ga Allah;
21 Bal muu jiro mid dadka Ilaah ula hadla, Siduu nin deriskiisa ugu hadlo oo kale.
a madadin mutum ya yi roƙo ga Allah kamar yadda mutum yakan yi roƙo domin abokinsa.
22 Waayo, markii dhawr sannadood dhaafaan, Waxaan mari doonaa jidka aanan mar kale dib uga soo noqonayn.
“Shekaru kaɗan suka rage in kama hanyar da ba a komawa.

< Ayuub 16 >