< Ayuub 16 >

1 Markaasaa Ayuub u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
Then Job answered and said:
2 Anigu waan maqlay waxyaalo badan oo caynkaas ah. Idinku dhammaantiin waxaad tihiin qalbiqabowjiyayaal qalqalloocan.
I have heard many such things; sorry comforters are ye all.
3 Hadal dabayl ahu miyuu dhammaadaa? Balse maxaa kaa dhirfinaya oo aad u jawaabaysaa?
Shall windy words have an end? Or what provoketh thee that thou answerest?
4 Haddii naftiinnu ahaan lahayd naftayda, Anigu waan u hadli kari lahaa sidiinna oo kale, Oo hadal waan idinku kor tuuli kari lahaa, Oo madaxaygana waan idinku ruxruxi kari lahaa.
I also could speak as ye do; if your soul were in my soul's stead, I could join words together against you, and shake my head at you.
5 Laakiinse anigu afkayga waan idinku xoogayn lahaa, Oo tacsiyaynta bushimahayguna way idin qalbi qabowjin lahayd.
I would strengthen you with my mouth, and the moving of my lips would assuage your grief.
6 Anigu haddaan hadlo xanuunkaygu igama yaraado, Oo haddaan iska aamusona miyaan in ka yar xanuunsadaa?
Though I speak, my pain is not assuaged; and though I forbear, what am I eased?
7 Laakiinse haatan wuu i daaliyey, Oo guutadaydii oo dhan cidlo baad ka dhigtay.
But now He hath made me weary; Thou hast made desolate all my company.
8 Waad i qabsatay, taasuna waa marag iga gees ah, Oo waxaa igu kaca macluulkayga, oo fool ka fool ayuu igu markhaati furaa.
And Thou hast shrivelled me up, which is a witness against me; and my leanness riseth up against me, it testifieth to my face.
9 Isagoo cadhaysan ayuu i dildillaacsaday, oo wuu i silciyey, Wuuna igu ilko jirriqsaday, Oo cadowgaygii indhuhuu igu caddeeyey.
He hath torn me in His wrath, and hated me; He hath gnashed upon me with His teeth; mine adversary sharpeneth his eyes upon me.
10 Iyagu afkay ii kala qaadeen, Oo quudhsasho ayay dhabanka igaga dharbaaxeen, Oo dhammaantoodna way isu kay wada urursadaan.
They have gaped upon me with their mouth; they have smitten me upon the cheek scornfully; they gather themselves together against me.
11 Ilaah wuxuu gacantooda i geliyaa cibaadalaawayaasha, Oo wuxuu igu dhex tuuraa gacmaha kuwa sharka ah.
God delivereth me to the ungodly, and casteth me into the hands of the wicked.
12 Anigoo iska istareexsan ayuu i kala jejebiyey, Oo intuu surka i qabtay ayuu i kala burburiyey, Oo weliba intuu meel i qotomiyey ayuu goolibaadh iga dhigtay.
I was at ease, and He broke me asunder; yea, He hath taken me by the neck, and dashed me to pieces; He hath also set me up for His mark.
13 Qaansoolayaashiisii ayaa i hareereeya, Oo kelyahaygii ayuu kala googooyaa, Oo xammeetidaydiina dhulkuu ku daadshaa.
His archers compass me round about, He cleaveth my reins asunder, and doth not spare; He poureth out my gall upon the ground.
14 Isagu wuu i jejebiyaa oo nabarba nabar buu iiga kor mariyaa; Oo sidii nin xoog badan ayuu orod igula soo kacaa.
He breaketh me with breach upon breach; He runneth upon me like a giant.
15 Korkayga waxaan ku tolay joonyad, Oo xooggaygiina ciiddaan ku riday.
I have sewed sackcloth upon my skin, and have laid my horn in the dust.
16 Wejigaygii oohin buu la beddelmay, Oo indhaha daboolkoodana waxaa ii jooga hooskii dhimashada,
My face is reddened with weeping, and on my eyelids is the shadow of death;
17 In kastoo aanay xaqdarro ku jirin gacmahayga, Oo uu baryootankayguna daahir yahay.
Although there is no violence in my hands, and my prayer is pure.
18 Dhulkow, dhiiggayga ha qarinin, Oo qayladayduna yaanay meelay ku nasato lahaan.
O earth, cover not thou my blood, and let my cry have no resting-place.
19 Oo hadda bal eeg, markhaatigaygii wuxuu joogaa samada, Oo kii ii dammiintaana xagga saruu joogaa.
Even now, behold, my Witness is in heaven, and He that testifieth of me is on high.
20 Saaxiibbaday way igu qoslaan, Laakiinse indhahaygu ilmo bay u daadiyaan xag Ilaah.
Mine inward thoughts are my intercessors, mine eye poureth out tears unto God;
21 Bal muu jiro mid dadka Ilaah ula hadla, Siduu nin deriskiisa ugu hadlo oo kale.
That He would set aright a man contending with God, as a son of man setteth aright his neighbour!
22 Waayo, markii dhawr sannadood dhaafaan, Waxaan mari doonaa jidka aanan mar kale dib uga soo noqonayn.
For the years that are few are coming on, and I shall go the way whence I shall not return.

< Ayuub 16 >