< Ayuub 15 >

1 Markaasaa Eliifas kii reer Teemaan isagii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
Então Elifaz, o temanita, respondeu, dizendo:
2 War nin xigmad lahu miyuu ku jawaabaa aqoon aan waxba tarayn, Oo bal miyuu calooshiisa ka buuxiyaa dabaysha bari?
Por acaso o sábio dará como resposta vão conhecimento, e encherá seu ventre de vento oriental?
3 Miyayse ku habboon tahay inuu ku xaajowdo hadal aan faa'iido lahayn, Amase hadallo uusan innaba wanaag ku samayn karin?
Repreenderá com palavras que nada servem, e com argumentos que de nada aproveitam?
4 Cabsida waad baabbi'isaa, Oo cibaadadana Ilaah hortiisa waad ka joojisaa.
Porém tu destróis o temor, e menosprezas a oração diante de Deus.
5 Waayo, afkaaga waxaa wax bara xumaantaada, Oo waxaad doorataa carrabka khaa'inka.
Pois tua perversidade conduz tua boca, e tu escolheste a língua dos astutos.
6 Haddaba waxaa ku xukuma afkaaga oo aniga ma aha; Hubaal bushimahaaga qudhooda ayaa kugu marag fura.
Tua boca te condena, e não eu; e teus lábios dão testemunho contra ti.
7 War ma ninkii binu-aadmiga ugu hor dhashaad tahay? Mase buuraha hortood baad soo dhalatay?
Por acaso foste tu o primeiro ser humano a nascer? Ou foste gerado antes dos morros?
8 War talada qarsoon oo Ilaah miyaad maqashay? Oo nafsaddaada miyaad xigmad ula hadhay?
Ouviste tu o segredo de Deus? Reténs tu [apenas] contigo a sabedoria?
9 War maxaad og tahay, oo aannan annagu ogayn? Oo bal maxaad garanaysaa, oo aannan garanayn?
O que tu sabes que nós não saibamos? [O que] tu entendes que não tenhamos [entendido]?
10 Waxaa nala jooga rag cirro leh iyo odayaal da' weyn, Oo aabbahaa ka sii fil weyn.
Entre nós também há os que tenham cabelos grisalhos, também há os que são muito mais idosos que teu pai.
11 Ma kugu yar yihiin qalbiqabowjiska Ilaah Iyo erayga sida qabow kuula macaamiloodaa?
Por acaso as consolações de Deus te são poucas? As mansas palavras voltadas a ti?
12 Bal maxaa qalbigaagu kuu fogeeyaa? Maxaase indhahaagu u gabgab leeyihiin?
Por que o teu coração te arrebata, e por que centelham teus olhos,
13 Oo aad ruuxaaga Ilaah ugu soo jeedisaa, Oo erayo caynkaas ah aad afkaaga uga soo daysaa?
Para que vires teu espírito contra Deus, e deixes sair [tais] tais palavras de tua boca?
14 Bal binu-aadmigu muxuu yahay oo uu daahir ahaado? Kii naagu dhashayse muxuu yahay oo uu xaq ahaado?
O que é o homem, para que seja puro? E o nascido de mulher, para que seja justo?
15 Bal eeg, Ilaah ma aamino kuwiisa quduuska ah, Oo xataa samooyinku hortiisa daahir kuma aha.
Eis que [Deus] não confia em seus santos, nem os céus são puros diante de seus olhos;
16 Haddaba bal sidee buu u daahir ahaanayaa nin karaahiyo iyo wasakhaan ah, Oo dembiga sida biyo u cabbaa!
Quanto menos o homem, abominável e corrupto, que bebe a maldade como água?
17 Bal i maqal, wax baan ku tusayaa, Oo wixii aan arkay oo dhan waan kuu sheegayaa;
Escuta-me; eu te mostrarei; eu te contarei o que vi.
18 (Kuwaasoo rag xigmad lahu ay awowayaashood ka heleen, Oo ayan qarin,
(O que os sábios contaram, o que não foi encoberto por seus pais,
19 Kuwaasoo dalka keligood la siiyey, Oo uusan shisheeye innaba dhex mari jirin.)
A somente os quais a terra foi dada, e estranho nenhum passou por meio deles):
20 Ninkii shar ahu sida naag u foolato oo kale ayuu u xanuunsadaa cimrigiisa oo dhan, Intaas oo ah sannadihii loo kaydiyey kuwa wax dulma.
Todos os dias do perverso são sofrimento para si, o número de anos reservados ao opressor.
21 Oo sanqadh cabsi leh ayaa dhegihiisa gasha, Oo wakhtiga barwaaqadana baabbi'iyuhu waa u soo iman doonaa.
Ruídos de horrores estão em seus ouvidos; até na paz lhe sobrevém o assolador.
22 Isagu ma rumaysto inuu gudcurka ka noqon doono, Iyo inay seeftu isaga sugayso.
Ele não crê que voltará da escuridão; ao contrário, a espada o espera.
23 Meel meel buu cunto u wareegaa isagoo leh, Meeday? Oo wuxuu og yahay inay maalinta gudcurku isaga u diyaar tahay.
Anda vagueando por comida, onde quer que ela esteja. Ele sabe que o dia das trevas está prestes a acontecer.
24 Waxaa isaga bajiya dhib iyo cidhiidhi, Oo isagay uga adkaadaan sida boqor dagaal isu diyaariyey,
Angústia e aflição o assombram, [e] prevalecem contra ele como um rei preparado para a batalha;
25 Maxaa yeelay, isagu gacantiisuu Ilaah ku taagay, Oo Ilaaha Qaadirka ah kibir buu ku caasiyaa.
Porque ele estendeu sua mão contra Deus, e se embraveceu contra o Todo-Poderoso,
26 Wuxuu kula ordaa madax adag Iyo gaashaammadiisa biro ku taagan yihiin.
Corre contra ele com [dureza] de pescoço, e como seus escudos grossos e levantados.
27 Maxaa yeelay, wejiga ayuu ka cayilay, Oo bowdooyinkana baruur buu ku yeeshay,
Porque cobriu seu rosto com sua gordura, e engordou as laterais de seu corpo.
28 Oo wuxuu degay magaalooyin baabba' ah, Iyo guryo aan lagu hoyan, Oo u diyaarsan inay tuulmooyin burbur ah noqdaan.
E habitou em cidades desoladas cidades, em casas desabitadas; que estavam prestes a desmoronar.
29 Isagu taajir noqon maayo, oo maalkiisuna sii raagi maayo, Oo dhulkana ku sii waari maayo.
Ele não enriquecerá, nem seu patrimônio subsistirá, nem suas riquezas se estenderão pela terra.
30 Isagu marnaba gudcur ka bixi maayo, Oo laamihiisa olol baa qallajin doona, Oo neefta afkiisa ayaa qaadi doonta.
Não escapará das trevas; a chama secará seus ramos, e ao sopro de sua boca desparecerá.
31 Yuusan wax aan waxba tarayn isku hallayn, isagoo iskhiyaaneeya, Waayo, wax aan waxba tarayn ayaa abaalgudkiisa ahaan doona.
Não confie ele na ilusão para ser enganado; pois a sua recompensa será nada.
32 Wakhtigiisii ka hor buu dhammaan doonaa, Oo laantiisuna ma cagaaroobi doonto.
Não sendo ainda seu tempo, ela se cumprirá; e seu ramo não florescerá.
33 Sida canabka ayuu midhihiisa ceedhiin iska ridi doonaa, Oo sida saytuunka ayuu ubaxiisa iska daadin doonaa.
Sacudirá suas uvas antes de amadurecerem como a vide, e derramará sua flor como a oliveira.
34 Waayo, ururka cibaadalaawayaashu wuxuu ahaan doonaa wax aan waxba dhalin, Oo teendhooyinka kuwa laaluushka qaatana dab baa baabbi'in doona.
Pois a ajuntamento dos hipócritas será estéril, e fogo consumirá as tendas do suborno.
35 Iyagu waxay uuraystaan belaayo, xumaanna way dhalaan, Oo calooshooduna waxay diyaarisaa khiyaano.
Eles concebem a maldade, e dão à luz a perversidade; e o ventre deles prepara enganos.

< Ayuub 15 >