< Ayuub 14 >

1 Ninkii naagu dhashaba Cimrigiisu waa maalmo yar iyo dhibaato miidhan.
“Mutum haihuwar mace kwanakinsa kaɗan ne, kuma cike da wahala.
2 Wuxuu u soo baxaa sida ubax oo kale, oo haddana waa la gooyaa, Oo wuxuu u cararaa sida hoos oo kale, oo innaba siima raago.
Yana tasowa kamar fure yana kuma shuɗewa; kamar inuwa, ba ya daɗewa.
3 Haddaba ma mid sidaas oo kalaad indhaha u kala qaadaysaa? Oo ma anigaad xukun ila soo gelaysaa?
Za ka zura ido a kan irin wannan ne? Za ka kawo shi gaba don ka yi masa shari’a?
4 Bal yaa wax wasakh ah wax nadiif ah ka soo bixin kara? Xataa mid qudha oo saas yeeli karaa ma jiro.
Wane ne zai iya kawo abin da yake da tsarki daga cikin abu marar tsarki? Babu!
5 Maxaa yeelay, dadka cimrigiisu waa go'an yahay, oo inta bilood oo uu jirayo tiradoodana adigaa haya, Oo waxaad u dhigtay soohdin uusan dhaafi karin.
An lissafta kwanakin mutum; ka riga ka ɗibar masa watanni, ka yi masa iyaka, ba zai iya wuce iyakar ba.
6 Bal ha nastee isaga ka sii jeeso, Ilaa uu cimrigiisa ka dhammaysanayo sida shaqaale maalintiisa u dhammaysto.
Saboda haka ka kawar da kanka daga gare shi, ka rabu da shi har sai ya cika lokacinsa kamar mutumin da aka ɗauki hayarsa.
7 Waayo, geed dheer haddii la gooyo rajuu leeyahay inuu mar kale soo biqlo, Iyo in laantiisa curdanka ahu ayan joogsan.
“Aƙalla itace yana da bege. In an sare shi, zai sāke tsira, zai tohu da kyau.
8 In kastoo xididkiisu uu ciidda ku dhex gaboobo, Oo ay jirriddiisiina dhulka dhexdiisa ku dhimato,
Ko da jijiyoyin itacen sun tsufa a cikin ƙasa kuma kututturensa ya mutu a cikin ƙasa.
9 Biyaha urkooda ayuu ku biqli doonaa, Oo waxaa ka soo bixi doona laamo curdan ah oo dhalato la moodo.
Daga ya ji ƙanshin ruwa zai tohu yă yi tsiro kamar shuka.
10 Laakiinse ninku wuu dhintaa, wuuna iska baabba'aa, Oo ninka naftu waa ka dhacdaa, oo bal xaggee buu joogaa isagu?
Amma mutum yana mutuwa a bizne shi; daga ya ja numfashinsa na ƙarshe, shi ke nan.
11 Biyuhu badda way ka dhammaadaan, Oo webiguna waa gudhaa oo waa iska engegaa,
Kamar yadda ruwa yake bushewa a teku ko a gaɓar rafi sai wurin yă bushe,
12 Sidaas oo kalaa dadku u jiifsada oo mana uu kaco, Oo jeeray samooyinku wada baabba'aan iyagu sooma toosi doonaan, Oo hurdadoodana kama kici doonaan.
haka mutum zai kwanta ba zai tashi ba; har sai duniya ta shuɗe mutane ba za su farka ba, ba za su tashi daga barcinsu ba.
13 Hahe bal maad She'ool igu qarisid, Oo bal maad meel qarsoon igu haysid ilaa cadhadaadu dhaafto, Oo bal maad wakhti go'an ii qabatid, oo aad i soo xusuusatid! (Sheol h7585)
“Da ma za ka ɓoye ni a cikin kabari ka ɓoye ni har sai fushinka ya wuce! In da za ka keɓe mini lokaci sa’an nan ka tuna da ni! (Sheol h7585)
14 Mar hadduu nin dhinto, miyuu soo noolaanayaa? Maalmaha dadaalkayga oo dhan waan iska sugi lahaa Ilaa uu isbeddelkaygu yimaado.
In mutum ya mutu, ko zai sāke rayuwa? In haka ne zan daure kwanakin da nake shan wahala har su wuce.
15 Waad ii yeedhi lahayd, oo anna waan kuu jawaabi lahaa; Oo adna waxaa damac kaa geli lahaa shuqulkii gacmahaaga.
Za ka kira zan kuwa amsa maka; za ka yi marmarin abin da hannunka ya halitta.
16 Laakiinse haatan waad tirisaa tallaabooyinkayga, Balse miyaadan dembigayga isha ku hayn?
Ba shakka a lokacin ne za ka lura da matakaina amma ba za ka kula da zunubaina ba.
17 Xadgudubkaygii kolay baa lagu xidhay, Oo xumaantaydiina meel baad ku dhuujisay.
Za a daure laifofina a cikin jaka; za ka rufe zunubaina.
18 Oo sida xaqiiqada ah buurtii dhacdaa waa baabba'daa, Oo dhagaxiina meeshiisii wuu ka dhaqaaqaa.
“Amma kamar yadda manyan duwatsu suke fāɗuwa su farfashe su kuma gusa daga wurarensu,
19 Biyuhu dhagaxyaday lisaan, Oo daadkooduna wuxuu qaada ciidda dhulka, Oo adna sidaasoo kalaad u baabbi'isaa binu-aadmiga rajadiisa.
yadda ruwa yakan zaizaye duwatsu ruwa mai ƙarfi kuma yă kwashe turɓayar ƙasa, haka kake barin mutum ba bege.
20 Weligaaba waad ka adkaataa isaga, oo isna wuu iska baxaa, Oo jaahiisa waad beddeshaa, oo waad iska dirtaa isaga.
Ka sha ƙarfinsa gaba ɗaya, sai ya ɓace, ka sauya yanayinsa ka kuma kore shi.
21 Wiilashiisa waa la sharfaa, laakiinse isagu waxba kama oga; Oo haddana hoos baa loo ridaa, laakiinse isagu waxba kama garto iyaga.
Ko an martaba’ya’yansa maza, ba zai sani ba; Ko an wulaƙanta su, ba zai gani ba.
22 Laakiinse xanuunka jidhkiisa oo keliya buu gartaa, Oo nafsaddiisa oo keliya ayuu u baroortaa.
Zafin jikinsa kaɗai yake ji yana kuka wa kansa ne kaɗai.”

< Ayuub 14 >