< Ayuub 13 >

1 Bal eega, waxan oo dhan ishaydu waa aragtay, Dhegtayduna waa maqashay oo way garatay.
這一切,我眼都見過; 我耳都聽過,而且明白。
2 Wixii aad taqaaniin, anna waan aqaan sidoo kale, Anigu idinkama liito innaba.
你們所知道的,我也知道, 並非不及你們。
3 Sida xaqiiqada ah waxaan doonayaa inaan Ilaaha Qaadirka ah la hadlo, Oo waxaan jeclahay inaan Ilaah la xaajoodo.
我真要對全能者說話; 我願與上帝理論。
4 Laakiinse idinku waxaad tihiin kuwa beenta hindisa, Oo dhammaantiin waxaad tihiin dhakhtarro aan waxtar lahayn.
你們是編造謊言的, 都是無用的醫生。
5 Bal maad iska aamustaan! Taasu xigmad bay idiin ahaan lahayd.
惟願你們全然不作聲; 這就算為你們的智慧!
6 Haddaba bal xaajadayda maqla, Oo baryootanka bushimahayga dhegaysta.
請你們聽我的辯論, 留心聽我口中的分訴。
7 War ma Ilaah aawadiis baad xaqdarro wax ugu odhanaysaan, Oo ma isaga aawadiis baad khiyaano ugu hadlaysaan?
你們要為上帝說不義的話嗎? 為他說詭詐的言語嗎?
8 War ma isagaad u eexanaysaan? Oo ma Ilaah aawadiis baad u diriraysaan?
你們要為上帝徇情嗎? 要為他爭論嗎?
9 War miyey idiin wanaagsan tahay inuu idin baadho? Mase sida nin loo khiyaaneeyo ayaad isaga u khiyaanaynaysaan?
他查出你們來,這豈是好嗎? 人欺哄人,你們也要照樣欺哄他嗎?
10 Sida xaqiiqada ah haddaad qarsoodi dadka ugu kala eexatan Isagu wuu idin canaanan doonaa.
你們若暗中徇情, 他必要責備你們。
11 War sow sarraysnaantiisu idin cabsiin mayso? Oo sow baqdintiisu idinku dhici mayso?
他的尊榮豈不叫你們懼怕嗎? 他的驚嚇豈不臨到你們嗎?
12 Hadalkiinna xusuusta lahu waa maahmaahyo dambas ah, Oo dhufaysyadiinnuna waa dhufaysyo dhoobo ah.
你們以為可記念的箴言是爐灰的箴言; 你們以為可靠的堅壘是淤泥的堅壘。
13 Haddaba iska aamusa, oo iska kay daaya aan iska hadlee, Oo wixii dhici lahaaba ha igu dheceen.
你們不要作聲,任憑我吧! 讓我說話,無論如何我都承當。
14 Haddaba hilibkayga ayaan ilkahayga ku qaadayaa, Oo noloshaydana gacantaydaan ku ridayaa.
我何必把我的肉掛在牙上, 將我的命放在手中。
15 Oo in kastoo uu i dilo, weli waan rajaynayaa, Habase yeeshee hortiisaan kula xaajoonayaa.
他必殺我;我雖無指望, 然而我在他面前還要辯明我所行的。
16 Oo weliba kaasu wuxuu ahaan doonaa badbaadadayda, Waayo, nin aan cibaado lahaynu hortiisa iman maayo.
這要成為我的拯救, 因為不虔誠的人不得到他面前。
17 Hadalkayga aad u dhegaysta, Oo warramiddaydu dhegihiinna ha gasho.
你們要細聽我的言語, 使我所辯論的入你們的耳中。
18 Bal eega, hadda xaalkayga waan soo hagaajiyey, Oo waan ogahay in xaq layga dhigayo.
我已陳明我的案, 知道自己有義。
19 Bal yuu yahay kan ila doodayaa? Waayo, hadda waan iska aamusayaa oo naftuna waa iga dhacaysaa.
有誰與我爭論, 我就情願緘默不言,氣絕而亡。
20 Laba waxyaalood oo keliya ha igu samayn, Oo anna markaas nafsaddayda wejigaaga ka qarin maayo.
惟有兩件不要向我施行, 我就不躲開你的面:
21 Gacantaada iga fogee, Oo waxyaalahaaga laga cabsadona yaanay i bajin.
就是把你的手縮回,遠離我身; 又不使你的驚惶威嚇我。
22 Oo markaas ii yeedh, oo anna waan kuu jawaabi doonaa, Amase anigu aan hadlo oo adigu ii jawaab.
這樣,你呼叫,我就回答; 或是讓我說話,你回答我。
23 Bal xumaatooyinkayga iyo dembiyadaydu waa immisa? Bal xadgudubkayga iyo dembigayga i ogeysii.
我的罪孽和罪過有多少呢? 求你叫我知道我的過犯與罪愆。
24 Bal maxaad wejigaaga u qarinaysaa, Oo aad iigu haysataa sidii mid cadow kuu ah?
你為何掩面、 拿我當仇敵呢?
25 Ma waxaad dhibaysaa caleen iska bidaysa? Oo ma waxaad eryanaysaa xaab engegay?
你要驚動被風吹的葉子嗎? 要追趕枯乾的碎稭嗎?
26 Waayo, waxyaalo qadhaadh baad iga qortaa, Oo waxaad i dhaxalsiisaa xumaatooyinkii dhallinyaranimadayda.
你按罪狀刑罰我, 又使我擔當幼年的罪孽;
27 Oo weliba cagahayga waxaad gelisaa jeebbooyin, Oo jidadkayga oo dhanna waad wada fiirisaa, Cagahaygana xad baad u dhigtaa.
也把我的腳上了木狗, 並窺察我一切的道路, 為我的腳掌劃定界限。
28 Oo waxaan la mid ahay wax qudhmay oo baabba'aya, Iyo sida dhar aboor cunay oo kale.
我已經像滅絕的爛物, 像蟲蛀的衣裳。

< Ayuub 13 >