< Ayuub 12 >
1 Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
Ndipo Ayubu akajibu:
2 Shakila'aan waxaad tihiin dadkii, Oo xigmad baa idinla dhiman doonta.
“Bila shaka ninyi ndio watu, nayo hekima itakoma mtakapokufa!
3 Laakiinse aniguba waxgarasho baan leeyahay sidiinna oo kale, Oo weliba idinkama aan liito. Bal waxyaalahan oo kale kan aan garanaynu waa ayo?
Lakini mimi ninao ufahamu kama ninyi; mimi si duni kwenu. Ni nani asiyejua mambo haya yote?
4 Waxaan la mid ahay sida mid saaxiibkiisu ku maadaysto, Anoo Ilaah baryay oo isna uu ii jawaabay, Ninkii xaq ah oo qumman waa lagu maadaystaa.
“Nimekuwa mtu wa kuchekwa na rafiki zangu, ingawa nilimwita Mungu naye akanijibu: mimi ni mtu wa kuchekwa tu, ingawa ni mwadilifu na nisiye na hatia!
5 Kii istareexsan fikirkiisu waa yaraystaa nasiibdarrada, Laakiinse diyaar bay u tahay kuwa cagtoodu simbiriirixato.
Wanadamu wakiwa katika utulivu huwa na dharau kwa wale wenye msiba kana kwamba ndiyo haki ya wale ambao miguu yao inateleza.
6 Kuwa wax dhaca teendhooyinkoodu way barwaaqoobaan, Oo kuwa Ilaah ka cadhaysiiyaana ammaan bay ku joogaan, Oo Ilaahna gacmahooduu wax kasta uga buuxshaa.
Hema za wanyangʼanyi hazisumbuliwi, wale wanaomghadhibisha Mungu wako salama: wale wamchukuao mungu wao mikononi mwao.
7 Laakiinse haatan bal xayawaanka wax weyddii, oo iyana wax bay ku bari doonaan, Iyo haadka hawada, oo iyana wax bay kuu sheegi doonaan,
“Lakini ulizeni wanyama, nao watawafundisha, au ndege wa angani, nao watawaambia;
8 Amase bal dhulka la hadal, oo isna wax buu ku bari doonaa, Oo kalluunka badduna wax buu kuu sheegi doonaa.
au zungumzeni na dunia, nayo itawafundisha, au acheni samaki wa baharini wawape taarifa.
9 Bal yuu yahay kan aan waxyaalahan oo dhan ka garanayn Inay gacanta Rabbigu waxan samaysay?
Ni nani miongoni mwa hawa wote asiyejua kwamba mkono wa Bwana ndio uliofanya hili?
10 Kaasoo gacantiisa ku haya nafta wax kasta oo nool Iyo neefta binu-aadmiga oo dhan.
Mkononi mwake kuna uhai wa kila kiumbe, na pumzi ya wanadamu wote.
11 War sow dhegtu erayada ma kala soocdo, Sida dhanxanagguba cuntadiisa u dhadhamiyo?
Je, sikio haliyajaribu maneno kama vile ulimi uonjavyo chakula?
12 Odayaashu waxay leeyihiin xigmad, Oo cimriga dheerna waxaa laga helaa waxgarasho.
Je, hekima haipatikani katikati ya wazee? Je, maisha marefu hayaleti ufahamu?
13 Isagu wuxuu leeyahay xigmad iyo xoog, Oo wuxuu leeyahay talo iyo waxgarasho.
“Hekima na nguvu ni vya Mungu; shauri na ufahamu ni vyake yeye.
14 Bal eeg, isagu wax buu dumiyaa, Oo wuxuu dumiyana mar dambe lama dhisi karo, Nin buu xidhaa oo wax furi kara lama arko.
Kile anachokibomoa hakiwezi kujengeka tena; mtu aliyefungiwa naye hawezi kufunguliwa.
15 Biyuhuu celiyaa, oo way iska gudhaan, Oo haddana wuu soo daayaa, markaasay dhulka qarqiyaan.
Akizuia maji, huwa pana ukame; akiyaachia maji, huharibu nchi.
16 Xoog iyo xigmaduba isagay la jiraan, Oo kan la khiyaaneeyey iyo kan wax khiyaaneeyaba isagaa iska leh.
Kwake kuna nguvu na ushindi; adanganywaye na adanganyaye, wote wawili ni wake.
17 Taliyayaasha wuxuu u kaxaystaa sida booli la dhacay, Xaakinnadana nacasyo buu ka dhigaa.
Yeye huwaondoa washauri wakiwa wametekwa nyara, naye huwapumbaza wanaotoa maamuzi.
18 Wuxuu furaa boqorrada xidhan, Oo dhex-xidh buuna u xidhaa.
Huondoa pingu zilizofungwa na wafalme, na kuwafunga mishipi ya kiunoni.
19 Wadaaddadana sida booli la dhacay buu u kaxaystaa, Oo kuwa xoogga badanna wuu afgembiyaa.
Huwaondoa makuhani wakiwa wametekwa nyara, na kuwaangusha waliojiimarisha muda mrefu.
20 Kuwa la aaminayna wuu hadal beeliyaa, Oo odayaashana waxgarashaduu ka qaadaa.
Hunyamazisha midomo ya washauri wanaoaminika, na kuondoa busara ya wazee.
21 Amiirrada wuxuu ku shubaa quudhsasho, Kuwa xoogga badanna suunkooduu debciyaa.
Huwamwagia dharau wanaoheshimika, na kuwavua silaha wenye nguvu.
22 Wuxuu gudcurka ka soo saaraa waxyaalo mool dheer, Oo hooska dhimashadana iftiinkuu u soo bixiyaa.
Hufunua mambo ya ndani ya gizani, na kuyaleta nuruni yale yaliyositirika sana.
23 Quruumaha wuu badiyaa, oo haddana wuu wada baabbi'iyaa, Oo quruumaha wuu ballaadhiyaa, oo haddana wuu kexeeyaa,
Huyafanya mataifa yatukuke na kuyaangamiza; hufanya mataifa kuwa makubwa, naye huyatawanya.
24 Wuxuu caqliga ka qaadaa madaxda dadyowga dhulka, Oo wuxuu iyaga ku warwareejiyaa meel cidla ah oo aan jid lahayn.
Huwaondolea viongozi wa nchi akili zao; huwapeleka watangetange nyikani pasipo na njia.
25 Waxay wax ka haabhaabtaan gudcurka iyagoo aan iftiin lahayn, Oo wuxuu iyaga ka dhigaa inay u dhacdhacaan sida nin sakhraan ah.
Hupapasa gizani pasipokuwa na mwanga; huwafanya wapepesuke kama walevi.