< Ayuub 12 >

1 Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
ויען איוב ויאמר
2 Shakila'aan waxaad tihiin dadkii, Oo xigmad baa idinla dhiman doonta.
אמנם כי אתם-עם ועמכם תמות חכמה
3 Laakiinse aniguba waxgarasho baan leeyahay sidiinna oo kale, Oo weliba idinkama aan liito. Bal waxyaalahan oo kale kan aan garanaynu waa ayo?
גם-לי לבב כמוכם--לא-נפל אנכי מכם ואת-מי-אין כמו-אלה
4 Waxaan la mid ahay sida mid saaxiibkiisu ku maadaysto, Anoo Ilaah baryay oo isna uu ii jawaabay, Ninkii xaq ah oo qumman waa lagu maadaystaa.
שחק לרעהו אהיה--קרא לאלוה ויענהו שחוק צדיק תמים
5 Kii istareexsan fikirkiisu waa yaraystaa nasiibdarrada, Laakiinse diyaar bay u tahay kuwa cagtoodu simbiriirixato.
לפיד בוז לעשתות שאנן-- נכון למועדי רגל
6 Kuwa wax dhaca teendhooyinkoodu way barwaaqoobaan, Oo kuwa Ilaah ka cadhaysiiyaana ammaan bay ku joogaan, Oo Ilaahna gacmahooduu wax kasta uga buuxshaa.
ישליו אהלים לשדדים ובטחות למרגיזי אל-- לאשר הביא אלוה בידו
7 Laakiinse haatan bal xayawaanka wax weyddii, oo iyana wax bay ku bari doonaan, Iyo haadka hawada, oo iyana wax bay kuu sheegi doonaan,
ואולם--שאל-נא בהמות ותרך ועוף השמים ויגד-לך
8 Amase bal dhulka la hadal, oo isna wax buu ku bari doonaa, Oo kalluunka badduna wax buu kuu sheegi doonaa.
או שיח לארץ ותרך ויספרו לך דגי הים
9 Bal yuu yahay kan aan waxyaalahan oo dhan ka garanayn Inay gacanta Rabbigu waxan samaysay?
מי לא-ידע בכל-אלה כי יד-יהוה עשתה זאת
10 Kaasoo gacantiisa ku haya nafta wax kasta oo nool Iyo neefta binu-aadmiga oo dhan.
אשר בידו נפש כל-חי ורוח כל-בשר-איש
11 War sow dhegtu erayada ma kala soocdo, Sida dhanxanagguba cuntadiisa u dhadhamiyo?
הלא-אזן מלין תבחן וחך אכל יטעם-לו
12 Odayaashu waxay leeyihiin xigmad, Oo cimriga dheerna waxaa laga helaa waxgarasho.
בישישים חכמה וארך ימים תבונה
13 Isagu wuxuu leeyahay xigmad iyo xoog, Oo wuxuu leeyahay talo iyo waxgarasho.
עמו חכמה וגבורה לו עצה ותבונה
14 Bal eeg, isagu wax buu dumiyaa, Oo wuxuu dumiyana mar dambe lama dhisi karo, Nin buu xidhaa oo wax furi kara lama arko.
הן יהרוס ולא יבנה יסגר על-איש ולא יפתח
15 Biyuhuu celiyaa, oo way iska gudhaan, Oo haddana wuu soo daayaa, markaasay dhulka qarqiyaan.
הן יעצר במים ויבשו וישלחם ויהפכו ארץ
16 Xoog iyo xigmaduba isagay la jiraan, Oo kan la khiyaaneeyey iyo kan wax khiyaaneeyaba isagaa iska leh.
עמו עז ותושיה לו שגג ומשגה
17 Taliyayaasha wuxuu u kaxaystaa sida booli la dhacay, Xaakinnadana nacasyo buu ka dhigaa.
מוליך יועצים שולל ושפטים יהולל
18 Wuxuu furaa boqorrada xidhan, Oo dhex-xidh buuna u xidhaa.
מוסר מלכים פתח ויאסר אזור במתניהם
19 Wadaaddadana sida booli la dhacay buu u kaxaystaa, Oo kuwa xoogga badanna wuu afgembiyaa.
מוליך כהנים שולל ואתנים יסלף
20 Kuwa la aaminayna wuu hadal beeliyaa, Oo odayaashana waxgarashaduu ka qaadaa.
מסיר שפה לנאמנים וטעם זקנים יקח
21 Amiirrada wuxuu ku shubaa quudhsasho, Kuwa xoogga badanna suunkooduu debciyaa.
שופך בוז על-נדיבים ומזיח אפיקים רפה
22 Wuxuu gudcurka ka soo saaraa waxyaalo mool dheer, Oo hooska dhimashadana iftiinkuu u soo bixiyaa.
מגלה עמקות מני-חשך ויצא לאור צלמות
23 Quruumaha wuu badiyaa, oo haddana wuu wada baabbi'iyaa, Oo quruumaha wuu ballaadhiyaa, oo haddana wuu kexeeyaa,
משגיא לגוים ויאבדם שטח לגוים וינחם
24 Wuxuu caqliga ka qaadaa madaxda dadyowga dhulka, Oo wuxuu iyaga ku warwareejiyaa meel cidla ah oo aan jid lahayn.
מסיר--לב ראשי עם-הארץ ויתעם בתהו לא-דרך
25 Waxay wax ka haabhaabtaan gudcurka iyagoo aan iftiin lahayn, Oo wuxuu iyaga ka dhigaa inay u dhacdhacaan sida nin sakhraan ah.
ימששו-חשך ולא-אור ויתעם כשכור

< Ayuub 12 >