< Ayuub 11 >

1 Markaasaa Soofar oo ahaa reer Nacamaatii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
Saa tog Na'amatiten Zofar til Orde og sagde:
2 War sow waajib ma aha in laga jawaabo erayada faraha badan? Balse ninka hadalka badan xaq ma laga dhigaa?
Skal en Ordgyder ej have Svar, skal en Mundheld vel have Ret?
3 Amase faankaagu miyuu dadka aamusiin karaa? Oo markaad majaajilootid miyaan ninna ku kashifi karin?
Skal Mænd vel tie til din Skvalder, skal du spotte og ikke faa Skam?
4 Waayo, waxaad leedahay, Cilmigaygu waa daahir, Oo nadiif baan ku ahay indhahaaga hortooda.
Du siger: »Min Færd er lydeløs, og jeg er ren i hans Øjne!«
5 Bal muu Ilaah hadlo! Oo bal muu bushimihiisa furo isagoo kaa gees ah!
Men vilde dog Gud kun tale, oplade sine Læber imod dig,
6 Oo bal muu ku tuso waxyaalaha qarsoon ee xigmadda ah, Waayo, way badan yihiin. Haddaba bal ogow in Ilaah kaa jisaynayo in ka sii yar ciqaabta dembigaagu istaahilo.
kundgøre dig Visdommens Løndom, thi underfuld er den i Væsen; da vilde du vide, at Gud har glemt dig en Del af din Skyld!
7 War miyaad baadhi kartaa Ilaah axwaalkiisa moolka dheer? Miyaadse Ilaaha Qaadirka ah si kaamil ah u garan kartaa?
Har du loddet Bunden i Gud og naaet den Almægtiges Grænse?
8 Xigmaddiisu way u sarraysaa sida samada, ee bal maxaad samayn kartaa? Oo She'oolna way ka sii mool dheer tahay, ee maxaad garan kartaa? (Sheol h7585)
Højere er den end Himlen — hvad kan du? Dybere end Dødsriget — hvad ved du? (Sheol h7585)
9 Qiyaasteeduna waa ka sii dheer tahay dhulka, waana ka sii ballaadhan tahay badda oo dhan.
Den overgaar Jorden i Vidde, er mere vidtstrakt end Havet.
10 Oo isagu hadduu dhex gudbo, wax kastana xidho, Oo uu garsoorid isugu yeedho, bal yaa isaga hor joogsan kara?
Farer han frem og fængsler, stævner til Doms, hvem hindrer ham?
11 Waayo, wuu gartaa dadka waxmatarayaasha ah, Weliba xumaantana wuu arkaa, sow kama fikirin?
Han kender jo Løgnens Mænd, Uret ser han og agter derpaa,
12 Laakiinse ninkii waxmatare ahu waxgarasho waa ka madhan yahay, Hubaal dadku wuxuu u dhashaa sida qayl dameerdibadeed,
saa tomhjernet Mand faar Vid, og Vildæsel fødes til Menneske.
13 Haddaad qalbigaaga hagaajisid, Oo aad isaga gacmaha u fidsatid,
Hvis du faar Skik paa dit Hjerte og breder dine Hænder imod ham,
14 Haddii xumaanu gacantaada ku jirto iska fogee, Oo xaqdarrona yaanay teendhooyinkaaga degin.
hvis Uret er fjern fra din Haand, og Brøde ej bor i dit Telt,
15 Hubaal markaasaad wejigaaga kor u qaadi doontaa isagoo aan ceeb lahayn; Oo waad adkaan doontaa, mana aad baqi doontid,
ja, da kan du lydefri løfte dit Aasyn og uden at frygte staa fast,
16 Waayo, dhibaatadaada waad illoobi doontaa, Oo waxaad u xusuusan doontaa sidii biyo ku dhaafay,
ja, da skal du glemme din Kvide, mindes den kun som Vand, der flød bort;
17 Oo noloshaaduna way ka sii dhalaal dheeraan doontaa hadhkii, Oo in kastoo gudcur jiro, waxay ahaan doontaa sida subaxda.
dit Liv skal overstraale Middagssolen, Mørket vorde som lyse Morgen.
18 Oo ammaan baad ahaan doontaa, maxaa yeelay, rajaa jirta, Hareerahaagaad fiirin doontaa, oo nabaadiinona waad ku nasan doontaa.
Tryg skal du være, fordi du har Haab; du ser dig om og gaar trygt til Hvile,
19 Weliba waad jiifsan doontaa, oo waxba kuma cabsiin doonaan; Hubaal kuwa badan ayaa raallinimo kaa baryi doona.
du ligger uden at skræmmes op. Til din Yndest vil mange bejle.
20 Laakiinse kuwa sharka ahu way indhabbeeli doonaan. Mana ay heli doonaan jid ay ku cararaan, Rajadooduna waxay ahaan doontaa nafta oo ka dhacda.
Men de gudløses Øjne vansmægter; ude er det med deres Tilflugt, deres Haab er blot at udaande Sjælen!

< Ayuub 11 >