< Ayuub 10 >
1 Naftaydu noloshadayday la daallan tahay, Oo joojinla'aan waan ku sii caban doonaa, Oo qadhaadhka naftayda waan ku hadli doonaa.
My soul is weary of my life. I will give free reign to my complaint. I will speak in the bitterness of my soul.
2 Waxaan Ilaah ku odhan doonaa, Ha i xukumine. Bal waxaad i tustaa waxa aad aawadood iila diriraysid.
I will say to God, Do not condemn me. Show me why thou contend with me.
3 Bal miyey kuu wanaagsan tahay inaad cidhiidhisid Oo aad quudhsatid shuqulkii gacantaada, Oo haddana aad iftiimisid kuwa sharka ah taladooda?
Is it good to thee that thou should oppress, that thou should despise the work of thy hands, and shine upon the counsel of the wicked?
4 Ma waxaad leedahay indho binu-aadmi, Mase sida dadkaad wax u aragtaa?
Have thou eyes of flesh? Or do thou see as man sees?
5 Wakhtigaagu ma sida wakhtiga dadkoo kalaa? Cimrigaaguse ma sida cimriga dadkoo kalaa?
Are thy days as the days of man, or thy years as man's days,
6 Oo bal ma sidaas daraaddeed baad xumaantayda u daba joogtaa, Oo aad dembigayga u baadhaysaa,
that thou inquire after my iniquity, and search after my sin,
7 In kastoo aad ogtahay inaanan sharrow ahayn, Oo uusan jirin mid gacantaada iga samatabbixinaya?
although thou know that I am not wicked. And there is none that can deliver out of thy hand?
8 Gacmahaaga ayaa i qabanqaabiyey oo i dhisay dhammaantay, Laakiin haddana intaad igu soo jeesato ayaad i duminaysaa.
Thy hands have made me and fashioned me together round about, yet thou destroy me.
9 Bal xusuuso waan ku baryayaaye inaad ii dhoobtay sidii wax dhoobo laga sameeyey, Haddaba ma boodhkaad dib iigu celinaysaa?
Remember, I beseech thee, that thou have fashioned me as clay. And will thou bring me into dust again?
10 War sow sidii caano iima aadan daadin, Oo sidii gadhoodh oo kale sow iigama aadan dhigin?
Have thou not poured me out as milk, and curdled me like cheese?
11 Waxaad i huwisay harag iyo hilib, Oo waxaad dhammaantay igu dhistay lafo iyo seedo.
Thou have clothed me with skin and flesh, and knit me together with bones and sinews.
12 Waxaad i siisay nolol iyo raallinimo, Oo booqashadaadiina waxay xannaanaysay ruuxayga.
Thou have granted me life and loving kindness, and thy visitation has preserved my spirit.
13 Laakiin waxyaalahaas qalbigaaga waad ku qarisay; Oo waan ogahay in taasu ay kugu jirto.
Yet these things thou hid in thy heart. I know that this is with thee.
14 Haddaan dembaabo waad iska kay fiirsataa, Oo ma aad caddaysid inaan dembi la'ahay.
If I sin, then thou mark me. And thou will not acquit me from my iniquity.
15 Haddaan sharrow ahay, anaa iska hoogay, Oo haddaan xaq ahayna, innaba madaxayga kor u qaadi maayo Anigoo ceeb ka buuxa Oo dhibaatadayda fiirinaya.
If I be wicked, woe to me. And if I be righteous, yet I shall not lift up my head, being filled with shame, and looking upon my affliction.
16 Oo haddii madaxaygu kor isu qaadona, waxaad ii ugaadhsataa sida libaax oo kale, Oo haddana wax laga yaabo ayaad igu samaysaa.
And if my head exalts itself, thou hunt me as a lion. And again thou show thyself marvelous upon me.
17 Waxaad ii keensataa markhaatiyaal cusub, Oo dhirifkaagana waad igu sii kordhisaa, Oo hadba waxaad igu soo daysaa col iyo belaayo isu kay bedbeddela.
Thou renew thy witnesses against me, and increase thine indignation upon me. Changes and warfare are with me.
18 Bal maxaad iiga soo bixisay uurkii hooyaday? Waxaa wanaagsanaan lahayd in naftu iga baxdo iyadoo aan iluna i arag!
Why then have thou brought me forth out of the womb? I would have given up the spirit, and no eye had seen me.
19 Waxaa igu habboonaan lahayd inaan ahaado sidii wax aan jirin, Oo waxaa ii roonaan lahayd in qabriga la ii qaado isla markii aan uurka hooyaday ka soo baxay.
I should have been as though I had not been. I should have been carried from the womb to the grave.
20 War cimriga noloshaydu sow wax yar ma aha? Haddaba iska kay daa Oo i dhaaf, aan in yar nastee,
Are not my days few? Cease then, and let me alone, that I may take comfort a little
21 Intaanan tegin meesha aanan ka soo noqonayn, Oo ah dalka gudcur iyo hooska dhimashada,
before I go where I shall not return, to the land of darkness and of the shadow of death,
22 Kaasoo ah gudcur qaro weyn oo ah sida mugdi dam ah, Dalkaas oo ah hooska dhimashada, oo aan innaba nidaam lahayn, Halkaas oo iftiinku yahay sida mugdi oo kale.
the land dark as midnight, of the shadow of death, without any order, and where the light is as midnight.