< Yeremyaah 9 >

1 Bal muu madaxaygu biyo noqdo, oo bal may indhahayguna il biyood oo ilmo daadisa noqdaan, si aan habeen iyo maalinba ugu ooyo kuwa laga laayay dadkayga!
Кто даст главе моей воду и очесем моим источник слез? И плачуся день и нощь о побиенных дщере людий моих.
2 Bal maan cidlada ku lahaado hoy ay socotooyinku ku dhaxaan, si aan dadkayga uga tago, oo aan iyaga uga fogaado! Waayo, iyagu dhammaantood waxay noqdeen dhillayo, iyo urur khaa'inno ah.
Кто даст мне в пустыни виталище последнее? И оставлю люди моя и отиду от них: понеже вси любодействуют, соборище преступников.
3 Carrabkooda ayay been ugu xoodaan sida qaanso oo kale, oo dhulkay ku xoogaysteen, runtase uma aha, waayo, sharba shar bay uga sii gudbaan, oo ima ay yaqaaniin, ayaa Rabbigu leeyahay.
И налякоша язык свой яко лук: лжа и неверство укрепишася на земли, ибо от злых во злая произыдоша и Мене не познаша, рече Господь.
4 Midkiin kastaaba deriskiisa ha iska jiro oo walaalna ha isku hallaynina, waayo, walaal kastaaba waa khaa'in, oo deris kastaaba xan buu la wareegaa.
Кийждо от искренняго своего да стрежется, и на братию свою не уповайте, ибо всяк брат запинанием запнет, и всяк друг льстивно наскочит.
5 Midkood kastaaba wuxuu khiyaaneeyaa deriskiisa, oo runtana kuma ay hadlaan. Waxay carrabkooda bareen inuu been ku hadlo, oo waxay isku daaliyaan inay xumaan sameeyaan.
Кийждо другу своему посмеется, истины не возглаголют: научиша язык свой глаголати лжу, неправдоваша и не восхотеша обратитися.
6 Rabbigu wuxuu leeyahay, Rugtaadu waxay ku dhex jirtaa khiyaano, oo khiyaano aawadeed ayay u diidaan inay i aqoonsadaan.
Лихва на лихву и лесть на лесть: не восхотеша уведети Мене, рече Господь.
7 Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, iyagaan dhalaalin doonaa, waanan tijaabin doonaa, waayo, bal maxaa kaloo aan sameeyaa, dadkayga dartiis?
Сего ради тако глаголет Господь Сил: се, Аз разжегу их и искушу их: что бо ино сотворю от лица лукавства дщери людий Моих?
8 Carrabkoodu waa sida fallaadh wax dilaysa oo kale. Khiyaanuu ku hadlaa. Mid waluba deriskiisa nabad buu afka uga sheegaa, laakiinse uurka wuu uga gabbadaa.
Стрела уязвляющая язык их, льстивии глаголы уст их: приятелю своему глаголет мирная, внутрь же себе имеет вражду.
9 Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaanan iyaga waxyaalahan u ciqaabayn? Miyaanse naftaydu ka aarsanayn quruun tanoo kale ah?
Еда на сих не посещу? Рече Господь: или людем таковым не отмстит душа Моя?
10 Waxaan oohin iyo baroor kor ugu qaadi doonaa buuraha aawadood, oo daaqsimaha cidladana waan u barooran doonaa, maxaa yeelay, way gubteen si aan ciduna u dhex marin. Oo ninna codkii lo'da kama maqli karo, haaddii samada iyo dugaaggiiba way carareen oo way tageen.
На горах восприимите плачь и тужение и на стезях пустыни рыдание, яко оскудеша, за еже не быти человеком преходящым: не слышаша гласа обитания от птиц небесных и даже до скотов, ужасошася, отидоша.
11 Oo waxaan Yeruusaalem ka dhigi doonaa tuulmooyin burbur ah, iyo meel ay dawacooyinku ku hoydaan. Oo magaalooyinka dalka Yahuudahna waxaan ka dhigi doonaa cidla aan ciduna degganayn.
И дам Иерусалим в преселение и в жилище змием и грады Иудины положу в разорение, яко не будет обитающаго.
12 Waa kuma ninka xigmadda leh oo waxan garan karaa? Oo kan Rabbiga afkiisu la hadlay inuu waxyaalahan sheegi karaa waa kuma? Bal maxaa dalku u halligmay, oo uu sidii cidlo oo kale ugu gubtay, si aan ciduna u dhex marin?
Кто муж премудр, и уразумеет сие? И к немуже слово уст Господних, да возвестит вам, чесо ради погибе земля, сожжена есть яко пустыня, еяже никтоже проходит?
13 Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyagu sharcigaygii aan hortooda dhigay way ka tageen, oo codkaygiina ma ay addeecin, kumana ay dhex socon,
И рече Господь ко мне: понеже оставиша закон Мой, егоже дах пред лицем их, и не послушаша гласа Моего и не ходиша по нему,
14 laakiinse waxay iska daba galeen caasinimadii qalbigooda, iyo Bacaliim oo ay awowayaashood iyaga bareen,
но поидоша по изволению сердца своего лукаваго и вслед идолов, имже научиша их отцы их:
15 oo sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Dadkan waxaan ku quudin doonaa dacar, oo waxaan cabsiin doonaa biyo xammeetiyeed.
сего ради тако глаголет Господь Сил, Бог Израилев: се, Аз напитаю люди сия теснотами и в питие дам им воду желчную,
16 Oo iyaga waxaan ku kala dhex firdhin doonaa quruumaha iyaga iyo awowayaashood toona ayan aqoonin, oo waxaan iyaga ka daba diri doonaa seef jeeraan baabbi'iyo.
и расточу их во языки, ихже не знаша тии и отцы их, и послю на них мечь, дондеже истлятся.
17 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Aad u fiirsada, oo u yeedha naagaha baroorta ha yimaadeene, waxaad u cid dirtaan naagaha aad baroorta u yaqaan ha yimaadeene.
Сия рече Господь Сил: призовите плачевниц, и да приидут, и ко женам премудрым послите, и да вещают
18 Oo iyagu ha soo dhaqsadeen, oo aad ha noogu baroorteen, si ay indhahayaga ilmo uga soo daadato oo ay biyona uga soo butaacaan.
и да приимут над вами плачь, и да изведут очи ваши слезы, и вежди ваши да излиют воду:
19 Waayo, waxaa Siyoon ka yeedhaya cod baroor ah oo leh, Sidee baannu u baabba'nay! Aad iyo aad baannu u ceebownay, maxaa yeelay, dalkii waannu ka tagnay, oo hoyaashayadiina waa nalaga dumiyey.
зане глас плача слышан бысть во Сионе: како бедни быхом, постыждени зело, яко оставихом землю и отринухом жилища наша?
20 Dumarow, bal erayga Rabbiga maqla, oo dhegihiinnuna erayga afkiisa ha aqbaleen, oo gabdhihiinnana baroorashada bara, oo middiin kastaaba teeda kale ha barto.
Темже слышите, жены, слово Господне, и приимите ушима вашима словеса уст Его, и научите дщери вашя рыданию, и каяждо искреннюю свою плачу:
21 Waayo, geeri baa daaqadahayaga nooga soo dustay, oo waxay soo gashay daarahayaga inay carruurta dibadda ka baabbi'iso, oo ay barbaarradana jidadka ka baabbi'iso.
понеже взыде смерть сквозе окна ваша и вниде в землю вашу погубити отрочата отвне и юношы от стогн.
22 Waxaad tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka meydkiisu wuxuu u soo daadan doonaa sida digo berrin bannaan taal oo kale iyo sida gacan muggeed oo ka hadhay nin beer soo goostay, oo ciduna sooma ururin doonto.
(Глаголи: ) сия рече Господь: и будут мертвии человецы в пример на лицы поля земли вашея, яко сено созади жнущаго, и не будет собирающаго.
23 Rabbigu wuxuu leeyahay, Kii xigmad lahu yuusan xigmaddiisa ku faanin, oo kii xoog badanuna yuusan xooggiisa ku faanin, oo kii taajir ahuna yuusan maalkiisa ku faanin,
Тако глаголет Господь: да не хвалится мудрый мудростию своею, и да не хвалится крепкий крепостию своею, и да не хвалится богатый богатством своим:
24 laakiinse kii faanaa ha ku faano inuu i garanayo oo uu i yaqaan inaan anigu ahay Rabbiga dhulka ku sameeya raxmadda, iyo caddaaladda, iyo xaqnimada, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxyaalahaasaan ku farxaa.
но о сем да хвалится хваляйся, еже разумети и знати, яко Аз есмь Господь творяй милость и суд и правду на земли, яко в сих воля Моя, глаголет Господь.
25 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhtigii aan ciqaabi doono kuwa gudan oo uurka ka buuryaqabka ah oo dhan,
Се, дние грядут, глаголет Господь, и посещу на всех, иже обрезаную имут плоть свою:
26 kuwaasoo ah reer Masar, iyo dadka Yahuudah, iyo reer Edom, iyo reer Cammoon, iyo reer Moo'aab, iyo kuwa timaha madaxa dhinac ka jara oo cidlada jooga oo dhan, waayo, quruumahaas oo dhammu waa wada buuryaqab, oo dadka Israa'iil oo dhammu xagga qalbigay buuryaqab ka yihiin.
на Египет и на Идумею, и на Едом и на сыны Аммони, и на сыны Моавли и на всякаго остризающаго власы по лицу своему, обитающыя в пустыни, яко вси языцы необрезани плотию, весь же дом Израилев необрезани суть сердцы своими.

< Yeremyaah 9 >