< Yeremyaah 7 >

1 Kanu waa eraygii Yeremyaah uga yimid xagga Rabbiga, isagoo leh,
耶和华的话临到耶利米说:
2 Guriga Rabbiga iriddiisa istaag, oo waxaad halkaas ka naadisaa eraygan, oo waxaad tidhaahdaa, Kuwiinna dadka Yahuudah oo irdahan u gala inaad Rabbiga caabuddaanow, kulligiin bal erayga Rabbiga maqla.
“你当站在耶和华殿的门口,在那里宣传这话说:你们进这些门敬拜耶和华的一切犹大人,当听耶和华的话。
3 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Jidadkiinna iyo falimihiinnaba hagaajiya, oo anna waan idinka yeeli doonaa inaad meeshan degganaataan.
万军之耶和华—以色列的 神如此说:你们改正行动作为,我就使你们在这地方仍然居住。
4 Ha isku hallaynina erayo been ah oo leh, Macbudkii Rabbiga, Macbudkii Rabbiga, Macbudkii Rabbigu waa kan.
你们不要倚靠虚谎的话,说:‘这些是耶和华的殿,是耶和华的殿,是耶和华的殿!’
5 Waayo, haddaad jidadkiinna iyo falimihiinnaba wada hagaajisaan, oo aad caddaalad ugu garsoortaan nin iyo deriskiisa,
“你们若实在改正行动作为,在人和邻舍中间诚然施行公平,
6 iyo haddaydnan dulmin shisheeyaha iyo agoonta iyo carmalka, oo aydaan meeshan ku daadin dhiig aan xaq qabin, oo aydaan ilaahyo kale waxyeelladiinna u daba gelin,
不欺压寄居的和孤儿寡妇,在这地方不流无辜人的血,也不随从别神陷害自己,
7 de markaas waxaan idinka yeeli doonaa inaad degganaataan meeshan, oo ah dalkii aan waa hore awowayaashiin u siiyey inay weligood lahaadaan.
我就使你们在这地方仍然居住,就是我古时所赐给你们列祖的地,直到永远。
8 Bal eega, idinku waxaad isku hallaysaan erayo been ah oo aan waxba idin tari karin.
“看哪,你们倚靠虚谎无益的话。
9 Intaad wax xaddaan, oo dhiig daadisaan, oo sinaysataan, oo been ku dhaarataan, oo Bacal foox u shiddaan, oo ilaahyo kale oo aydaan aqoon daba gashaan,
你们偷盗,杀害,奸淫,起假誓,向巴力烧香,并随从素不认识的别神,
10 miyaad i hor imanaysaan, oo gurigan laygu magacaabay gudihiisa soo istaagaysaan, oo odhanaysaan, Annaga waa nala samatabbixiyey, si aad haddana karaahiyadan oo dhan u sii samaysaan?
且来到这称为我名下的殿,在我面前敬拜;又说:‘我们可以自由了。’你们这样的举动是要行那些可憎的事吗?
11 Gurigan laygu magacaabay ma wuxuu hortiinna ku noqday god tuugo? Bal eega, Rabbigu wuxuu leeyahay, Aniguba waan arkay.
这称为我名下的殿在你们眼中岂可看为贼窝吗?我都看见了。这是耶和华说的。
12 Laakiinse haatan bal taga meeshaydii Shiiloh ku oolli jirtay, oo aan markii ugu horraysay magacayga dejiyey, oo bal soo arka wixii aan ugu sameeyey xumaantii dadkayga reer binu Israa'iil aawadeed.
你们且往示罗去,就是我先前立为我名的居所,察看我因这百姓以色列的罪恶向那地所行的如何。”
13 Oo haatan Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinku waxaad samayseen shuqulladan oo dhan, oo anna goor wanaagsan waan idinla hadlay, laakiinse ima aydaan maqlin, waanan idiin dhawaaqay, laakiinse iima aydaan jawaabin,
耶和华说:“现在因你们行了这一切的事,我也从早起来警戒你们,你们却不听从;呼唤你们,你们却不答应。
14 sidaas daraaddeed gurigan laygu magacaabay, oo aad isku hallaynaysaan, iyo meeshii aan siiyey idinka iyo awowayaashiinba ayaan ku samayn doonaa wixii aan Shiiloh ku sameeyey oo kale.
所以我要向这称为我名下、你们所倚靠的殿,与我所赐给你们和你们列祖的地施行,照我从前向示罗所行的一样。
15 Oo idinkana hortaydaan idinka xoori doonaa sidaan u xooray dhammaan walaalihiinna ah farcankii Efrayim oo dhan.
我必将你们从我眼前赶出,正如赶出你们的众弟兄,就是以法莲的一切后裔。”
16 Sidaas daraaddeed dadkan ha u ducayn, oo baryootan iyo salaad midna iyaga aawadood ha u samayn, oo hana ii baryin iyaga aawadood, waayo, innaba ku maqli maayo.
“所以,你不要为这百姓祈祷;不要为他们呼求祷告;也不要向我为他们祈求,因我不听允你。
17 War miyaadan arkayn waxay ku dhex sameeyaan magaalooyinka dalka Yahuudah iyo jidadka Yeruusaalemba?
他们在犹大城邑中和耶路撒冷街上所行的,你没有看见吗?
18 Carruurtu qoryay soo guraan, aabbayaashuna dabkay shidaan, naaguhuna bur bay cajiimaan inay kibis u sameeyaan boqoradda samada, oo ay ilaahyo kale qurbaanno cabniin ah u daadiyaan, si ay iga cadhaysiiyaan.
孩子捡柴,父亲烧火,妇女抟面做饼,献给天后,又向别神浇奠祭,惹我发怒。”
19 Rabbigu wuxuu leeyahay, Ma aniga baa kan ay ka cadhaysiiyaan? Sow iyagu iskagama ay cadhaysiin ceebta ay isku soo jiideen?
耶和华说:“他们岂是惹我发怒呢?不是自己惹祸,以致脸上惭愧吗?”
20 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, xanaaqayga iyo cadhadayda ayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka iyo duunyada, iyo dhirta duurka, iyo midhaha dhulkaba. Cadhadaydu way wada gubi doontaa oo lamana demin doono.
所以主耶和华如此说:“看哪,我必将我的怒气和忿怒倾在这地方的人和牲畜身上,并田野的树木和地里的出产上,必如火着起,不能熄灭。”
21 Rabbiga ciidammada oo Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu leeyahay, Qurbaannadiinna la gubo allabaryadiinna ku darsada, oo hilibkana iska cuna.
万军之耶和华—以色列的 神如此说:“你们将燔祭加在平安祭上,吃肉吧!
22 Waayo, waagii aan awowayaashiin dalka Masar ka soo bixiyey kalama hadlin, kumana amrin wax ku saabsan qurbaanno la gubo iyo allabaryo toona,
因为我将你们列祖从埃及地领出来的那日,燔祭平安祭的事我并没有提说,也没有吩咐他们。
23 laakiinse waxaan iyaga ku amray, oo aan ku idhi, Codkayga dhegaysta, oo anigu waxaan idiin noqon doonaa Ilaah, idinkuna waxaad ahaan doontaan dadkayga oo ku socda jidkii aan idinku amray oo dhan, si aad u nabdoonaataan.
我只吩咐他们这一件说:‘你们当听从我的话,我就作你们的 神,你们也作我的子民。你们行我所吩咐的一切道,就可以得福。’
24 Laakiinse ima ay dhegaysan, dhegna iima dhigin, illowse waxay ku socdeen talooyinkii iyo caasinimadii qalbigooda sharka ah, oo dib bay u socdeen, horena uma dhaqaaqin.
他们却不听从,不侧耳而听,竟随从自己的计谋和顽梗的恶心,向后不向前。
25 Tan iyo maalintii ay awowayaashiin dalkii Masar ka soo bexeen iyo ilaa maantadan la joogo waxaan maalin kasta idiin soo diri jiray midiidinnadayda nebiyadii addoommadaydii ahaa oo dhan, anigoo goor wanaagsan diraya.
自从你们列祖出埃及地的那日,直到今日,我差遣我的仆人众先知到你们那里去,每日从早起来差遣他们。
26 Laakiinse ima ay dhegaysan, dhegna iima ay dhigin, illowse way sii madax adkaadeen, oo waxay sameeyeen wax ka sii xun wixii ay awowayaashood samayn jireen.
你们却不听从,不侧耳而听,竟硬着颈项行恶,比你们列祖更甚。
27 Haddaba waa inaad erayadan oo dhan u sheegtaa, laakiinse iyagu kuma ay dhegaysan doonaan, oo weliba waa inaad u dhawaaqdaa, laakiinse innaba kuuma ay jawaabi doonaan.
“你要将这一切的话告诉他们,他们却不听从;呼唤他们,他们却不答应。
28 Oo waxaad ku tidhaahdaa, Tanu waa quruun aan codka Rabbiga Ilaahooda dhegaysan, oo aan innaba edeb qaadan. Runtii way baabba'day, oo afkooday ka go'day.
你要对他们说:这就是不听从耶和华—他们 神的话、不受教训的国民;从他们的口中,诚实灭绝了。”
29 Timahaaga iska xiir oo iska xoor, oo waxaad ku baroorataa meelaha dhaadheer, waayo, Rabbigu waa nacay oo waa ka tegey qarniga cadhadiisu ku dhacday.
耶路撒冷啊,要剪发抛弃, 在净光的高处举哀; 因为耶和华丢掉离弃了惹他忿怒的世代。
30 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Yahuudah wax hortayda shar ku ah ayay sameeyeen. Si ay gurigii laygu magacaabay u nijaaseeyaan ayay karaahiyadoodii dhex qotomiyeen.
耶和华说:“犹大人行我眼中看为恶的事,将可憎之物设立在称为我名下的殿中,污秽这殿。
31 Oo waxay dhisteen meelaha sarsare ee Tofed oo ku dhex yaal dooxada ina Xinnom, si ay wiilashooda iyo gabdhahoodaba dab ugu dhex gubaan, taasoo aanan iyaga ku amrin, oo aan innaba qalbigayga soo gelin.
他们在欣嫩子谷建筑陀斐特的邱坛,好在火中焚烧自己的儿女。这并不是我所吩咐的,也不是我心所起的意。”
32 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iman doona wakhti aan mar dambe loogu yeedhi doonin Tofed, amase dooxadii ina Xinnom, laakiinse waxaa lagu magacaabi doonaa Dooxadii Gowracidda, waayo, waxay meydad ku aasi doonaan Tofed, maxaa yeelay, meel kalaa la waayi doonaa.
耶和华说:“因此,日子将到,这地方不再称为陀斐特和欣嫩子谷,反倒称为杀戮谷。因为要在陀斐特葬埋尸首,甚至无处可葬;
33 Waayo, dadkan meydkoodu wuxuu cunto u noqon doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulka, oo ciduna kama ay eryi doonto.
并且这百姓的尸首必给空中的飞鸟和地上的野兽作食物,并无人哄赶。
34 Oo markaasaan magaalooyinka dalka Yahuudah iyo jidadka Yeruusaalemba ka joojin doonaa codka rayraynta, iyo codka farxadda, iyo codka arooska, iyo codka aroosaddaba, waayo, dalku wuxuu noqon doonaa cidla.
那时,我必使犹大城邑中和耶路撒冷街上,欢喜和快乐的声音,新郎和新妇的声音,都止息了,因为地必成为荒场。”

< Yeremyaah 7 >