< Yeremyaah 7 >

1 Kanu waa eraygii Yeremyaah uga yimid xagga Rabbiga, isagoo leh,
Mawu amene Yehova anayankhula kwa Yeremiya ndi awa,
2 Guriga Rabbiga iriddiisa istaag, oo waxaad halkaas ka naadisaa eraygan, oo waxaad tidhaahdaa, Kuwiinna dadka Yahuudah oo irdahan u gala inaad Rabbiga caabuddaanow, kulligiin bal erayga Rabbiga maqla.
“Ima pa chipata cha Nyumba ya Yehova ndipo kumeneko ukalalikire uthenga uwu: “‘Imvani mawu a Yehova, inu nonse anthu a ku Yuda amene mumalowa pa chipata ichi kudzapembedza Yehova.
3 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Jidadkiinna iyo falimihiinnaba hagaajiya, oo anna waan idinka yeeli doonaa inaad meeshan degganaataan.
Yehova Wamphamvuzonse, Mulungu wa Israeli akuti: Konzani makhalidwe anu ndi zochita zanu, ndipo ndidzakulolani kukhala pa malo ano.
4 Ha isku hallaynina erayo been ah oo leh, Macbudkii Rabbiga, Macbudkii Rabbiga, Macbudkii Rabbigu waa kan.
Musamakhulupirire mawu anu achinyengo onena kuti, ‘Ino ndi Nyumba ya Yehova, Nyumba ya Yehova, Nyumba ya Yehova!’
5 Waayo, haddaad jidadkiinna iyo falimihiinnaba wada hagaajisaan, oo aad caddaalad ugu garsoortaan nin iyo deriskiisa,
Ngati mutasinthadi makhalidwe anu ndi zochita zanu, ndi kumachitirana zolungama,
6 iyo haddaydnan dulmin shisheeyaha iyo agoonta iyo carmalka, oo aydaan meeshan ku daadin dhiig aan xaq qabin, oo aydaan ilaahyo kale waxyeelladiinna u daba gelin,
ngati mutaleka kuzunza mlendo, ana amasiye kapena akazi amasiye ndi kuleka kupha anthu osalakwa pa malo ano, ndipo ngati muleka kutsatira milungu ina, kuti ingakuwonongeni,
7 de markaas waxaan idinka yeeli doonaa inaad degganaataan meeshan, oo ah dalkii aan waa hore awowayaashiin u siiyey inay weligood lahaadaan.
Ine ndidzakulolani kukhala pa malo ano, mʼdziko limene ndinapatsa makolo anu mpaka muyaya.
8 Bal eega, idinku waxaad isku hallaysaan erayo been ah oo aan waxba idin tari karin.
Koma onani, inu mukudalira mawu abodza amene alibe phindu.
9 Intaad wax xaddaan, oo dhiig daadisaan, oo sinaysataan, oo been ku dhaarataan, oo Bacal foox u shiddaan, oo ilaahyo kale oo aydaan aqoon daba gashaan,
“Kodi inu muziba ndi kupha, kuchita chigololo ndi kulumbira monama, kufukiza lubani kwa Baala ndi kutsatira milungu ina imene simunayidziwe,
10 miyaad i hor imanaysaan, oo gurigan laygu magacaabay gudihiisa soo istaagaysaan, oo odhanaysaan, Annaga waa nala samatabbixiyey, si aad haddana karaahiyadan oo dhan u sii samaysaan?
ndipo kenaka nʼkubwera kudzayima pamaso panga mʼNyumba ino, Nyumba imene imadziwika ndi Dzina langa, inu nʼkumati, ‘Tapulumuka.’ Mwapulumuka kuti muzichitabe zonyansazi?
11 Gurigan laygu magacaabay ma wuxuu hortiinna ku noqday god tuugo? Bal eega, Rabbigu wuxuu leeyahay, Aniguba waan arkay.
Kodi Nyumba ino imene imadziwika ndi Dzina langa, yasanduka phanga la anthu olanda zinthu anzawo mwachifwamba inu mukuona? Komatu ndakhala ndi kuziona zonsezi! akutero Yehova.”
12 Laakiinse haatan bal taga meeshaydii Shiiloh ku oolli jirtay, oo aan markii ugu horraysay magacayga dejiyey, oo bal soo arka wixii aan ugu sameeyey xumaantii dadkayga reer binu Israa'iil aawadeed.
“‘Pitani tsopano ku malo anga ku Silo, malo amene poyamba ankadziwika ndi Dzina langa, ndipo mukaone zimene ndinachita kumeneko chifukwa cha kuyipa kwa anthu anga Aisraeli.
13 Oo haatan Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinku waxaad samayseen shuqulladan oo dhan, oo anna goor wanaagsan waan idinla hadlay, laakiinse ima aydaan maqlin, waanan idiin dhawaaqay, laakiinse iima aydaan jawaabin,
Tsono popeza munkachita zonsezi, ngakhale Ine kukuyankhulani koma inu osamvera, kukuyitanani koma inu osayankha,
14 sidaas daraaddeed gurigan laygu magacaabay, oo aad isku hallaynaysaan, iyo meeshii aan siiyey idinka iyo awowayaashiinba ayaan ku samayn doonaa wixii aan Shiiloh ku sameeyey oo kale.
choncho ndidzachita pa Nyumba imene imadziwika ndi Dzina langayi, Nyumba ya Yehova imene mumayidalira, malo amene ndinapereka kwa inu ndi makolo anu, zomwe ndinachita ku Silo.
15 Oo idinkana hortaydaan idinka xoori doonaa sidaan u xooray dhammaan walaalihiinna ah farcankii Efrayim oo dhan.
Ndidzakuthamangitsani pamaso panga, ngati momwe ndinachitira abale anu onse, anthu a Efereimu.’”
16 Sidaas daraaddeed dadkan ha u ducayn, oo baryootan iyo salaad midna iyaga aawadood ha u samayn, oo hana ii baryin iyaga aawadood, waayo, innaba ku maqli maayo.
“Choncho iwe Yeremiya usawapempherere anthu awa ngakhale kuwapepesera kapenanso kuwapembedzera; usandidandaulire, chifukwa Ine sindidzakumvera.
17 War miyaadan arkayn waxay ku dhex sameeyaan magaalooyinka dalka Yahuudah iyo jidadka Yeruusaalemba?
Kodi sukuona zimene akuchita mʼmizinda ya ku Yuda ndi mʼmisewu ya ku Yerusalemu?
18 Carruurtu qoryay soo guraan, aabbayaashuna dabkay shidaan, naaguhuna bur bay cajiimaan inay kibis u sameeyaan boqoradda samada, oo ay ilaahyo kale qurbaanno cabniin ah u daadiyaan, si ay iga cadhaysiiyaan.
Ana akutorera nkhuni, abambo akusonkha moto, ndipo amayi akukanda ufa kuti aphike makeke oti akapereke nsembe kwa mfumukazi yazakumwamba. Iwo amathira nsembe ya zakumwa kwa milungu ina kuti andipsetse mtima.
19 Rabbigu wuxuu leeyahay, Ma aniga baa kan ay ka cadhaysiiyaan? Sow iyagu iskagama ay cadhaysiin ceebta ay isku soo jiideen?
Koma kodi akuvutitsa Ine? Kodi sakungodzivuta okha, ndi kudzichititsa manyazi? akutero Yehova.”
20 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, xanaaqayga iyo cadhadayda ayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka iyo duunyada, iyo dhirta duurka, iyo midhaha dhulkaba. Cadhadaydu way wada gubi doontaa oo lamana demin doono.
“Nʼchifukwa chake Ambuye Yehova akuti: Ndidzatsanulira mkwiyo wanga pa Nyumba yangayi, anthu, nyama, mitengo ndi zipatso zomwe. Mkwiyowo udzakhala ngati moto wosazimitsika.
21 Rabbiga ciidammada oo Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu leeyahay, Qurbaannadiinna la gubo allabaryadiinna ku darsada, oo hilibkana iska cuna.
“Yehova Wamphamvuzonse, Mulungu wa Israeli akuti: Wonjezerani nsembe zanu zopsereza pa nsembe zanu zinazo ndipo mudye nyama yakeyo!
22 Waayo, waagii aan awowayaashiin dalka Masar ka soo bixiyey kalama hadlin, kumana amrin wax ku saabsan qurbaanno la gubo iyo allabaryo toona,
Pakuti pamene ndinatulutsa makolo anu ku Igupto ndi kuyankhula nawo, sindinawalamulire kuti azipereka nsembe zopsereza kapena nsembe zinazo,
23 laakiinse waxaan iyaga ku amray, oo aan ku idhi, Codkayga dhegaysta, oo anigu waxaan idiin noqon doonaa Ilaah, idinkuna waxaad ahaan doontaan dadkayga oo ku socda jidkii aan idinku amray oo dhan, si aad u nabdoonaataan.
koma ndinawalamula kuti: Mverani Ine, ndipo ndidzakhala Mulungu wanu ndipo inu mudzakhala anthu anga. Muzitsata zonse zimene ndakulamulirani, ndipo zinthu zidzakuyenderani bwino.
24 Laakiinse ima ay dhegaysan, dhegna iima dhigin, illowse waxay ku socdeen talooyinkii iyo caasinimadii qalbigooda sharka ah, oo dib bay u socdeen, horena uma dhaqaaqin.
Koma anthuwo sanamvere kapena kulabadira; mʼmalo mwake anapitirira kusamvera ndi mitima yawo yoyipa. Iwo anabwerera mʼmbuyo mʼmalo mopita patsogolo.
25 Tan iyo maalintii ay awowayaashiin dalkii Masar ka soo bexeen iyo ilaa maantadan la joogo waxaan maalin kasta idiin soo diri jiray midiidinnadayda nebiyadii addoommadaydii ahaa oo dhan, anigoo goor wanaagsan diraya.
Kuyambira tsiku limene makolo awo anachoka ku Igupto mpaka lero lino, ndakhala ndikuwatumizira atumiki anga, aneneri.
26 Laakiinse ima ay dhegaysan, dhegna iima ay dhigin, illowse way sii madax adkaadeen, oo waxay sameeyeen wax ka sii xun wixii ay awowayaashood samayn jireen.
Koma anthuwo sanandimvere kapena kusamalira. Anawumitsa mitima yawo ndi kuchita zoyipa kuposa makolo awo.
27 Haddaba waa inaad erayadan oo dhan u sheegtaa, laakiinse iyagu kuma ay dhegaysan doonaan, oo weliba waa inaad u dhawaaqdaa, laakiinse innaba kuuma ay jawaabi doonaan.
“Ngakhale iwe uwawuze zonsezi koma sadzakumvera. Ngakhale uwayitane koma sadzakuyankha.
28 Oo waxaad ku tidhaahdaa, Tanu waa quruun aan codka Rabbiga Ilaahooda dhegaysan, oo aan innaba edeb qaadan. Runtii way baabba'day, oo afkooday ka go'day.
Nʼchifukwa chake udzawawuze kuti, ‘Uwu ndi mtundu wa anthu umene sunamvere Yehova Mulungu wake, wosalola kulangizidwa. Choonadi chatha; chazimirira pa milomo yawo.’
29 Timahaaga iska xiir oo iska xoor, oo waxaad ku baroorataa meelaha dhaadheer, waayo, Rabbigu waa nacay oo waa ka tegey qarniga cadhadiisu ku dhacday.
“Tsono meta tsitsi lako ndi kulitaya. Ulire kwambiri pa zitunda zopanda zomera, pakuti Yehova waukana ndi kuwusiya mʼbado umene wamukwiyitsawu.”
30 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Yahuudah wax hortayda shar ku ah ayay sameeyeen. Si ay gurigii laygu magacaabay u nijaaseeyaan ayay karaahiyadoodii dhex qotomiyeen.
“Anthu a ku Yuda achita zoyipa pamaso panga, akutero Yehova. Ayimika mafano awo onyansa mʼnyumba imene imadziwika ndi Dzina langa ndipo ayipitsa.
31 Oo waxay dhisteen meelaha sarsare ee Tofed oo ku dhex yaal dooxada ina Xinnom, si ay wiilashooda iyo gabdhahoodaba dab ugu dhex gubaan, taasoo aanan iyaga ku amrin, oo aan innaba qalbigayga soo gelin.
Amanga nsanja yopembedzera Tofeti mʼChigwa cha Hinomu kuti apserezereko ana awo aamuna ndi aakazi. Zimenezi Ine sindinawalamulire ngakhale kuziganizira nʼkomwe.
32 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iman doona wakhti aan mar dambe loogu yeedhi doonin Tofed, amase dooxadii ina Xinnom, laakiinse waxaa lagu magacaabi doonaa Dooxadii Gowracidda, waayo, waxay meydad ku aasi doonaan Tofed, maxaa yeelay, meel kalaa la waayi doonaa.
Nʼchifukwa chake masiku akubwera, akutero Yehova, pamene anthu sadzawatchulanso malowo Tofeti kapena Chigwa cha Hinomu, koma adzawatchula Chigwa cha Imfa, chifukwa adzakwirira anthu akufa ku Tofeti mpaka osapezekanso malo owayika.
33 Waayo, dadkan meydkoodu wuxuu cunto u noqon doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulka, oo ciduna kama ay eryi doonto.
Ndipo mitembo ya anthu amenewa idzakhala chakudya cha mbalame zamlengalenga ndi zirombo zakuthengo, ndipo palibe wina amene adzazipirikitse.
34 Oo markaasaan magaalooyinka dalka Yahuudah iyo jidadka Yeruusaalemba ka joojin doonaa codka rayraynta, iyo codka farxadda, iyo codka arooska, iyo codka aroosaddaba, waayo, dalku wuxuu noqon doonaa cidla.
Ndidzathetsa nyimbo zonse zachisangalalo ndi zachikondwerero mʼmizinda ya ku Yuda ndi mʼmisewu ya ku Yerusalemu. Sikudzamvekanso mawu a chikondwerero a mkwatibwi ndi mkwati pakuti dzikolo lidzasanduka chipululu.”

< Yeremyaah 7 >