< Yeremyaah 6 >

1 Reer Benyaamiinow, Yeruusaalem dhexdeeda ka carara, oo buunka Teqooca ka yeedhiya, oo Beyd Hakeremna calaamad kor uga qaada, waayo, waxaa xagga woqooyi ka soo socda masiibo iyo halligaad weyn.
Tafuteni mahali salama, enyi watu wa Benjamini, kwa kuondoka Yerusalemu. Pigeni tarumbeta zaTekoa. Simamisheni ishara juu ya Beth- Hakeremu, kwa uovu unaonekana ukitokea kaskazinni; pigo kubwa linakuja.
2 Magaalada Siyoon oo u eg naag suurad wacan oo jilicsan ayaan baabbi'in doonaa.
Binti za Sayuni, warembo na mwororo, wataangamizwa.
3 Waxaa iyada u iman doona adhijirro adhyahoodii wata, oo teendhooyinkooda ayay hareeraheeda ka dhisan doonaan, oo midkood kastaaba wuxuu iska daaqsan doonaa meeshiisa.
Wachungaji na kondoo wao watawaendea; wataweka hema zao zikiwazunguka pande zote; kila mtu atachunga kwa mkono wake.
4 Isu diyaariya inaad iyada dagaal ugu kacdaan, sara joogsada, oo ina keena aan iyada hadhka weerarnee. Annagaa iska hoognay, waayo, gabbalkii waa dhacay, oo hooskii habeennimo ayaa sii dheeraaday.
Jitakaseni wenyewe kwa miungu kwa ajili ya vita. Twendeni tukamvamie wakati wa adhuhuri. Ni vibaya sana kwamba mchana unatoweka na vivuli vya jioni vinakuja.
5 Sara joogsada, oo ina keena aynu iyada habeennimo weerarnee, oo aynu daaraheeda waaweyn wada duminnee.
Lakini tumvamieni usiku na na tuharibu ngome zake.
6 Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu yidhi, Dhirteeda jara, oo Yeruusaalem tuulmo ku tuula, waayo, tanu waa magaalada la ciqaabayo, oo waxaa ka buuxa dulmi miidhan.
Kwa kuwa BWANA wa majeshi asema hivi: Kateni miti yake, na tengenezeni vifusi vya kuitekea Yerualemu. Huu ndio mji sahihi kuuteka, Kwa sababu umejaa ukandamizaji.
7 Sidii ili biyaheeda u soo burqiso oo kale ayay sharnimadeeda u soo burqisaa had iyo goorba, dhexdeedana waxaa laga maqlaa dulmi iyo kharribaad, oo had iyo goorna waxaa hortayda yaal cudur iyo nabro.
Kama vile kisima kitoavyo maji, vivyo hivyo mji huu uzaavyo uovu. Uaribifu na jeuri vimesikika kwake. Mateso na tauni viko mbele yangu daima.
8 Yeruusaalemay, si aan naftaydu kaaga tegin, oo aanan kaaga dhigin cidlo iyo dal aan ciduna degganayn, edeb qaado.
Uadhibiswhe, ee Yerusalemu, vingenevyo nitaondoka kwako na kukufanya ukiwa, na nchi isiyokaliwa na watu.
9 Rabbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Kuwa dadka Israa'iil ee hadhay waxaa loo wada xaabxaabi doonaa sida geedcanab oo kale, Sida mid canab guranaya oo kale gacanta dambiisha ku soo celiya.
BWANA wa majeshi asema hivi, “Hakika wataokota mabaki ya Isreli waliobaki kama zabibu. Nyosha mkono wako ili uchume zabibu.
10 Inay i maqlaan bal yaan la hadlaa oo aan u digaa? Bal eega, dhegahoodu ma xalaalaysna, oo waxba ma ay maqli karaan. Bal eega, erayga Rabbigu cay buu iyaga u noqday, oo innaba kuma ay farxaan.
Nitamwambia nani na kumwonya nani ili wasikilize? Tazama! Masikio yao hayakutahariwa; hayawezi kutilia manani! Tazama! Neno la BWANA limekuja kuwarudi, lakini hawalitaki.”
11 Sidaas daraaddeed waxaa iga buuxda cadhadii Rabbiga, oo inaan isceliyo waan ku daalay. Haddaba cadhadii ku deji carruurta jidka joogta iyo shirka barbaarrada oo dhan, waayo, xataa nin iyo naagtiisaba waa la kaxayn doonaa, oo odayga iyo kan cimriga dheerba waa la isla wada kaxayn doonaa.
Lakini nimejazwa na hasira za BWANA. Nimechoka kuizuia. Aliniambia, “Imwage mbele ya watoto mitaani na katika makundi ya vijana. Kwa kuwa kila mume atachukuliwa pamoja na mke wake; na kila mzee mwenye miaka mingi.
12 Oo guryahooda, iyo beerahooda, iyo naagahoodaba kuwa kalaa la siin doonaa dhammaantoodba, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan gacantayda ku fidin doonaa dadka dalka deggan.
Nyumba zao watapewa watu wengine, kwa kuwa nitawavamia wakazi wa nchi kwa mkono wangu - asema BWANA wa majeshi.
13 Waayo, kooda ugu yar ilaa kooda ugu weyn midkood kastaaba wuxuu u go'ay damacxumaan, oo nebiga iyo xataa wadaadka inta ka dhexle midkood kastaaba been buu ku macaamiloodaa.
BWANA amesema hayo kutoka kwa mdogo hadi kwa mkubwa, kila mmoja anatamani mapato ya udanganyifu. Kuanzia kuhani hadi nabii, Kila mmoja anafanya hila.
14 Oo iyagu dhaawicii dadkayga ayay si fudud u bogsiiyeen, oo iyadoo aan innaba nabadu jirin ayay yidhaahdaan, Waa nabad! Waa nabad!
Lakini wameponya vidonda vya watu wangu kwa juu juu tu. Wanasema, 'Amani! Amani! na kumbe amani haipo.
15 Markay karaahiyada sameeyeen miyey xishoodeen? Maya, innaba ma ay xishoon, ceebna ma garan, sidaas daraaddeed waxay la dhici doonaan kuwa dhacaya. Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigii aan iyaga soo ciqaabo ayay hoos u dhici doonaan.
Je, waliona aibu walipofanya machukizo? Hasha, hawakuona aibu! Hawakuwa na aibu. Kwa hiyo wataanguka pamoj na wale watakaoanguka wakati nitakpowaadhibu. Wataangushwa chini,” asema BWANA.
16 Rabbigu wuxuu leeyahay, Jidadka dhex istaaga, oo bal wax fiiriya, oo bal dhabbayaashii hore haybsada, oo waxaad tidhaahdaan, Meeh jidkii wanaagsanaa? Oo markaas ku socdaa, oo naftiinna nasashaad u heli doontaan. Laakiinse iyagu waxay yidhaahdeen, Annagu ku socon mayno jidkaas.
BWANA asema hivi, `Simama kwenye njia panda utazame; uliza nzile njia za zamani, 'Je, hii tabia njema iko wapi?' Kisha endelea nayo na tafuta mahali pa kupumzika. Lakini watu wanasema, 'Hatutaenda.'
17 Oo weliba waxaan idiin dhigay waardiyayaal, oo waxaan idinku idhi, Buunka dhawaaqiisa dhegaysta. Laakiinse iyagu waxay yidhaahdeen, Annagu waxba dhegaysan mayno.
Niliweka walinzi juu yenu ili wasikilize tarumbeta. Lakini walisema, 'Hatutasikiliza.'
18 Sidaas daraaddeed, quruumahow bal maqla, oo ururkow, bal ogow waxa kuwan ku dhici doona.
Kwa hiyo, sikilizeni, enyi mataifa! Tazameni, enyi mashahidi, muone kile kitakachowapata.
19 Dhulkow, bal maqal, oo bal ogow, dadkan masiibaan ku soo dejin doonaa taasoo ah waxay fikirradoodii keeneen, waayo, erayadaydii ma ayan dhegaysan, sharcigaygiina way diideen.
Sikia, wewe dunia! Tazama, niko tayari kuleta janga kwa watu hawa - matunda ya fikra zao. Hawakusikiliza neno langu wala sheria zangu, badala yake walizikataa.
20 Fooxa Shebaa ka yimid iyo qasabka macaan ee dal fog laga keenay maxay ii taraan? Qurbaannadiinna la gubo aqbali maayo, oo allabaryadiinnuna iga farxin maayaan.
Huu ubani kutoka sheba unaopanda una maana gani kwangu? Au huu uudi kutoka nchi ya mbali? Sadaka zenu za kuteketezwa hazikubaliki kwangu wala dhabihu zenu.
21 Oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan dadkan hor dhigi doonaa wax lagu turunturoodo, oo aabbayaasha iyo wiilashuba way ku wada turunturoon doonaan, oo deriska iyo saaxiibkiisba way wada halligmi doonaan.
Kwa hiyo BWANA asema hivi, 'Tazama, 'Niko tayari kuweka kikwazo dhidi ya watu hawa. Watajikwaa juu yake - baba na watoto wao kwa pamoja watajikwaa. Wakazi na jirani zao pia watapotea.'
22 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, dadyow baa dalka woqooyi ka iman doona, oo quruun weyn ayaa dhulka darafyadiisa ka soo kici doonta.
BWANA asema hivi, 'Tazama watu wanakuja toka nchi ya kaskazini. Kwa kuwa taifa kubwa limechochewa kutoka nchi ya mbali.
23 Oo waxay sitaan qaansooyin iyo warmo, oo waa calool adag yihiin, oo innaba naxariis ma leh. Codkoodana waxaa la moodaa sida bad guuxaysa oo kale, oo farday fuulaan. Siyoonay, mid kastaaba wuxuu kuugu soo safan yahay sida nin dagaal diyaar u ah oo kale.
Watachukua pinde na mishale yao. Ni wakatili na hawana huruma. Sauti yao ni kama muungurumo wa bahari, na wapanda farasi katika mfumo wa wanaume wa vita, enyi binti wa Sayuni,”'
24 Waxaannu maqalnay warkoodii, oo gacmahayagii way taag gabeen, oo cidhiidhi iyo xanuun baa noo qabtay sida naag foolanaysa oo kale.
Tumesikia habai zao. Mikono yetu inalegea kwa dhiki. Na maumivu yametukamata kama utungu wa mwanamke anayezaa.
25 Berrinka ha u bixina, oo jidkana ha marina, waayo, seeftii cadowga iyo cabsi baa dhan kasta idinka jirta.
Usiende nje mashambani, na usitembee barabarani, kwa kuwa upanga wa adui na hofu vimekaribia.
26 Dadkaygow, joonyad xidho, oo dambas ku galgalo, oo waxaad u baroorataa sida wiil madi ah loogu baroorto, oo waxaad ku ooydaa baroor aad u qadhaadh, waayo, waxbaabbi'iyihii dhaqsuu inoogu soo degi doonaa.
Binti za watu wangu, jivikeni magunia na kugaagaa kwenye majivu ya maombolezo ya mwana pekee. Ombolezeni kwa huzuni kuu, kwa kuwa anayewaangamiza anakuja kwetu ghafula juu yetu.
27 Waxaan dadkayga dhexdiisa kuu dhigay inaad ahaatid imtixaame, si aad jidkooda u ogaatid oo aad u imtixaantid.
“Nimekufanya wewe, Yeremia, kuwajaribu watu wangu kama mtu anayepima fedha, kwa hiyo utachunguza na kupima njia zao.
28 Iyagu waa caasiyiin fallaagoobay, oo xan bay la ordaan oo iyagu waa naxaas iyo bir, oo kulligoodna waa kuwa wax kharriba.
Wao ni watu wasumbufu miongoni mwa watu, wanaoenda huko na kule wakisingizia wengine. Wote ni shaba na chuma, wakitenda kwa dhuluma.
29 Buufinkii aad buu wax u buufiyaa, oo laxaamaddiina dabkaa baabba'saday, oo lacag shubihiina waxtarla'aan buu wax u sii dhalaalinayaa, waayo, sharrowyadii weli ma soocna.
Mifuo inafukuta kwa moto unaoziunguza; risasi inaunguzwa na moto. Risasi tu ndiyo inayotoka kati yake, lakini haifai kitu kwa sababu uovu haujaondolewa.
30 Waxaa iyaga loogu yeedhi doonaa, Lacag la nacay, waayo, Rabbigu iyaguu nacay.
Wataitwa taka za fedha, kwa sababu BWANA amewakataa.

< Yeremyaah 6 >