< Yeremyaah 51 >

1 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu Baabuloon iyo kuwa dalka reer Kaldayiin dhex degganba waxaan ku soo kicin doonaa dabayl wax baabbi'isa.
Yehova akuti, “Taonani, ndidzadzutsa mphepo yowononga kuti iwononge Babuloni pamodzi ndi anthu a ku Lebi Kamai.
2 Oo Baabuloonna waxaan u soo diri doonaa haadiyayaal, oo iyaday haadin doonaan, oo dalkeedana way madhin doonaan, waayo, maalinta dhibaatada dhinac kastay kaga soo duuli doonaan.
Ndidzatuma alendo ku Babuloni kudzamupeta ndi kuwononga dziko lake kotheratu. Iwo adzalimbana naye ku mbali zonse pa tsiku la masautso ake.
3 Kii qaanso xoota iyo kii dharkiisa birta ah la sara kacaba qaansoluhu qaansadiisa ha u xooto, oo barbaarradeedana ha u tudhina, oo ciidankeeda oo dhanna wada baabbi'iya.
Okoka uta musawalekerere kapena wonyadira chovala chawo chankhondo. Musawasiye anyamata ake kuti akhale ndi moyo; koma muwononge ankhondo ake kotheratu.
4 Oo kuwa la layn doono waxay ku dhex dhici doonaan dalka reer Kaldayiin, oo kuwa la dooxdooxi doonona waxay ku dhici doonaan jidadkeeda.
Adzavulazidwa ndi kufera mʼdziko la Babuloni lomwelo ndi mʼmisewu yawo yomwe.
5 Waayo, dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudah toona Ilaahooda ah Rabbiga ciidammadu innaba ma dayrin, in kastoo dalkoodii uu ka buuxsamay dembi ay ku sameeyeen Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.
Pakuti Yuda ndi Israeli sanasiyidwe ngati amasiye ndi Mulungu wawo, Yehova Wamphamvuzonse, koma ngakhale dziko la Babuloni ndi lodzaza ndi machimo pamaso pa Woyerayo wa Israeli.
6 Baabuloon dhexdeeda ka carara, oo nin kastaaba naftiisa ha la baxsado. Xumaanteeda ha ku dhex baabbi'ina, waayo, haatan waa wakhti uu Rabbigu ka aarsan doono, oo iyada wuu abaalmarin doonaa.
“Thawaniko ku Babuloni! Aliyense apulumutse moyo wake! Musawonongeke naye pamodzi chifukwa cha machimo ake. Imeneyi ndi nthawi yoti Yehova amulange; Yehova adzamulipsira.
7 Baabuloon waxay ahayd koob dahab ah oo Rabbiga gacantiisa ku jira oo dunida oo dhan sakhraamiyey. Quruumuhu waxay cabbeen khamrigeedii, oo sidaas daraaddeed quruumihii way wada waasheen.
Babuloni anali ngati chikho cha golide mʼdzanja la Yehova; kuti aledzeretse dziko lonse lapansi. Mitundu yambiri ya anthu inamwa vinyo wake; nʼchifukwa chake tsopano inachita misala.
8 Baabuloon dhaqso bay u dhacday, wayna baabba'day. Iyada u baroorta oo xanuunkeeda beeyo dawo ah u qaada, hadday saas ku bogsanayso.
Babuloni wagwa mwadzidzidzi ndi kusweka. Mulireni! Mfunireni mankhwala opha ululu wake; mwina iye nʼkuchira.”
9 Annagu Baabuloon waannu dawayn lahayn, laakiinse iyadu ma ay bogsan. Iyada ka taga oo midkeen kastaaba dalkiisii ha tago, waayo, xukunkeedii wuxuu gaadhay tan iyo samada, oo waxaa kor loogu qaaday tan iyo cirka.
Ena anati, “‘Ife tinayesa kumupatsa mankhwala Babuloni, koma sanachire; tiyeni timusiye ndipo aliyense apite ku dziko la kwawo, pakuti mlandu wake wafika mpaka mlengalenga, wafika mpaka kumwamba.’
10 Rabbigu wuxuu soo saaray xaqnimadeennii, ina keena oo aynu Siyoon ka caddayno shuqulka Rabbiga Ilaaheenna ah.
“‘Yehova waonetsa poyera kuti ndife osalakwa; tiyeni tilengeze mu Ziyoni zimene Yehova Mulungu wathu wachita.’
11 Fallaadhaha afaysta, oo gaashaammada qaada, waayo, Rabbigu wuxuu sara kiciyey ruuxii boqorradii reer Maaday, waayo, qasdigiisu waa inuu Baabuloon baabbi'iyo, maxaa yeelay, taasu waa aarsashadii Rabbiga, taasoo ah aarsashadii macbudkiisa.
“Yehova wadzutsa mitima ya mafumu a Amedi, popeza cholinga chake ndi kuwononga Babuloni. Motero adzalipsira Ababuloni chifukwa chowononga Nyumba yake. Ndiye Yehova akuti, ‘Nolani mivi, tengani zishango.’
12 Kor u qaada calan ku col ah derbiyada Baabuloon, oo ilaalladana sii xoogeeya, oo waardiyayaasha taaga, oo gaadmada diyaariya, waayo, Rabbigu wuxuu u qasdiyey oo weliba sameeyey waxyaalihii uu kaga hadlay kuwa Baabuloon deggan.
Kwezani mbendera yankhondo kuti muwononge malinga a Babuloni! Limbitsani oteteza, ikani alonda pa malo awo, konzekerani kulalira. Pakuti Yehova watsimikiza ndipo adzachitadi zomwe ananena za anthu a ku Babuloni.
13 Taadan biyaha badan ag deggan oo khasnadaha badanay, dhammaadkaagii waa yimid iyo qiyaastii faa'iidadaada xaqdarrada ahu.
Inu muli ndi mitsinje yambiri ndi chuma chambiri. Koma chimaliziro chanu chafika, moyo wanu watha.
14 Rabbiga ciidammadu wuxuu ku dhaartay nafsaddiisa, oo wuxuu yidhi, Sida xaqiiqada ah waxaan kaa buuxin doonaa rag sida koronkorro u faro badan, oo iyana way kugu qaylin doonaan.
Yehova Wamphamvuzonse analumbira pali Iye mwini kuti: Ndidzakutumizira adani ochuluka ngati dzombe, kuti adzakuthire nkhondo ndipo adzafuwula kuonetsa kuti apambana.
15 Isagu dhulka xooggiisuu ku sameeyey, dunidana xigmaddiisuu ku dhisay, oo samooyinkana waxgarashadiisuu ku kala bixiyey.
“Yehova analenga dziko lapansi ndi mphamvu zake; Iye anapanga dziko lonse ndi nzeru zake ndipo anayala thambo mwaluso lake.
16 Markuu codkiisa ku hadlo biyo badan guuxooda baa samooyinka laga maqlaa, oo isagaa ka dhiga in dhulka darafyadiisa uumi ka soo kaco, roobkana wuxuu u sameeyaa hillaac, oo dabayshana isagaa khasnadihiisa ka soo saara.
Iye akayankhula, kumamveka mkokomo wamadzi akumwamba. Iyeyo amabweretsa mitambo kuchokera ku malekezero a dziko lapansi. Amabweretsa mphenzi pamodzi ndi mvula ndi kutulutsa mphepo yamkuntho kumalo kumene amasungira.
17 Nin kastaaba wuxuu noqday doqon aan aqoon lahayn, oo dahabshube kastaaba wuxuu ku ceeboobay sanamkiisii la xardhay, waayo, sanamkiisii la shubay waa been oo innaba neef ma leh.
“Anthu onse ndi opusa ndiponso opanda nzeru; mmisiri aliyense wosula golide akuchita manyazi ndi mafano ake. Mafano akewo ndi abodza; alibe moyo mʼkati mwawo.
18 Iyagu waa wax aan waxtar lahayn iyo shuqul lagu majaajilowdo, oo wakhtiga ciqaabiddoodana way wada baabbi'i doonaan.
Mafanowo ndi achabechabe, zinthu zosekedwa nazo. Pamene anthuwo azidzaweruzidwa mafanowo adzawonongedwa.
19 Kan Yacquub qaybta u ah iyaga la mid ma aha, waayo, isagu waa kan wax kasta abuuray, oo reer binu Israa'iilna waa qoladii dhaxalkiisa, oo magiciisuna waa Rabbiga ciidammada.
Koma Yehova amene ndi Cholowa cha Yakobo sali ngati mafanowo. Iyeyu ndi Mlengi wa zinthu zonse, kuphatikizapo mtundu umene anawusankha kuti ukhale anthu ake. Dzina lake ndi Yehova Wamphamvuzonse.
20 Adigu waxaad ii tahay dubbahaygii iyo hubkaygii dagaalka, oo adigaan quruumaha kugu burburin doonaa, oo adigaan boqortooyooyin kugu baabbi'in doonaa.
“Iwe Babuloni ndi ndodo yanga, chida changa chankhondo. Ndi iwe ndimaphwanya mitundu ya anthu, ndi iwe ndimawononga maufumu,
21 Oo adigaan kugu burburin doonaa faraska iyo kan fuushanba, oo adigaan kugu burburin doonaa gaadhifaraska iyo kan fuushanba,
ndi iwe ndimaphwanya kavalo ndi wokwerapo, ndi iwe ndimaphwanya galeta ndi woyendetsa wake.
22 oo weliba adigaan kugu burburin doonaa ragga iyo dumarkaba, oo adigaan kugu burburin doonaa odayga iyo barbaarkaba, oo adigaan kugu burburin doonaa wiilka iyo gabadhaba,
Ndi iwe ndimaphwanya mwamuna ndi mkazi, ndi iwe ndimaphwanya nkhalamba ndi wachinyamata, ndi iwe ndimaphwanya mnyamata ndi namwali.
23 oo weliba adigaan kugu burburin doonaa adhijirka iyo adhigiisaba, oo adigaan kugu burburin doonaa ninkii beerrey ah iyo dibidiisba, oo adigaan kugu burburin doonaa taliyayaasha iyo saraakiishaba.
Ndi iwe ndimaphwanya mʼbusa ndi ziweto, ndi iwe ndimaphwanya mlimi ndi ngʼombe, ndi iwe ndimaphwanya abwanamkubwa ndi atsogoleri a ankhondo.
24 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Baabuloon iyo dalka Kalday dadka deggan oo dhanba waxaan ka abaalmarin doonaa sharkii ay Siyoon iyo adiga hortaadaba ku sameeyeen.
“Inu mukuona ndidzalanga Babuloni ndi onse amene amakhala mʼdziko la Babuloni chifukwa cha zolakwa zonse anachita ku Ziyoni,” akutero Yehova.
25 Buurta wax baabbi'isa oo dunida oo dhan halligaysay, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu col baan kugu ahay, oo gacantaydaan kugu dul fidin doonaa, oo waxaan hoos kaga soo giringirin doonaa dhagaxyada dushooda, oo waxaan kaa dhigi doonaa buur gubatay.
“Taonani, ndikukuzenga mlandu, iwe phiri lowononga, amene umawononga dziko lonse lapansi,” akutero Yehova. “Ndidzatambalitsa dzanja langa pofuna kukulanga, kukugubuduzira pansi kuchokera pa matanthwe ako, ndi kukusandutsa kukhala phiri lopserera.
26 Rabbigu wuxuu leeyahay, Lagaama qaadan doono dhagax rukun noqon kara iyo dhagax aasaas noqon kara toona, laakiinse adigu weligaaba cidla baad ahaan doontaa.
Palibe ngakhale ndi mwala wako umodzi umene anthu adzawutenga kuti awugwiritse ntchito kumangira nyumba, chifukwa iwe udzakhala chipululu mpaka muyaya,” akutero Yehova.
27 Dalka calan ka dhex taaga, oo quruumahana buunka ka dhex yeedhiya, oo quruumaha u soo wada diyaariya, inay iyada ku kacaan, oo waxaad u wada yeedhaan boqortooyooyinka Araarad, iyo Minnii, iyo Ashkenas inay ku kacaan, oo sirkaal iyada col ku ah doorta, oo fardahana ugu sii daaya sida koronkorro baas oo kale.
“Kwezani mbendera ya nkhondo mʼdziko! Lizani lipenga pakati pa mitundu ya anthu! Konzekeretsani mitundu ya anthu kuti ikamuthire nkhondo; itanani maufumu awa: Ararati, Mini ndi Asikenazi kuti adzamuthire nkhondo. Ikani mtsogoleri wankhondo kuti amenyane naye; tumizani akavalo ochuluka ngati magulu a dzombe.
28 Oo waxaad iyada u soo diyaarisaan quruumaha, iyo boqorrada reer Maaday, iyo taliyayaashooda iyo saraakiishooda oo dhan, iyo dalka taliskiisa ku jira oo dhanba.
Konzekeretsani mitundu ya anthu. Amenewa ndiwo mafumu a Amedi, abwanamkubwa awo, atsogoleri a ankhondo, ndiponso ankhondo a mayiko amene amawalamulira, kuti idzathire nkhondo Babuloni.
29 Dalku wuu gariiraa, wuuna xanuunsadaa, waayo, qasdi kasta oo Rabbigu uu Baabuloon ugu qasdiyeyba waa la oofiyaa si uu dalka Baabuloon uga dhigo cidla aan ciduna degganayn.
Dziko likunjenjemera ndi kunthunthumira, chifukwa zidzachitikadi zimene Yehova wakonzera Babuloni; kusakaza dziko la Babuloni kuti musapezeke wokhalamo.
30 Raggii xoogga badnaa ee Baabuloon dagaalkay ka joogsadeen, oo waxay ku hadheen qalcadahoodii. Way taag gabeen, oo waxay noqdeen sidii naago oo kale. Meelaheedii lagu hoyan jiray way gubeen, oo qataarradeediina way kala jabeen.
Ankhondo a ku Babuloni aleka kuchita nkhondo; iwo angokhala mʼmalinga awo. Mphamvu zawo zatheratu; ndipo akhala ngati akazi. Malo ake wokhala atenthedwa; mipiringidzo ya zipata zake yathyoka.
31 Wargeeysba wargeeys buu ku orday, oo farriinqaadeba farriinqaaduu ku orday inuu boqorka Baabuloon u sheego in magaaladiisii dhan kasta laga qabsaday,
Othamanga akungopezanapezana, amithenga akungotsatanatsatana kudzawuza mfumu ya ku Babuloni kuti alande mzinda wake wonse.
32 oo meelihii webiga laga gudbi jirayna la wada xidhay, oo cawsduurkiina dab lagu gubay, oo raggii dagaalkuna ay wada cabsadeen.
Madooko onse alandidwa, malo onse obisalamo alonda atenthedwa ndi moto, ndipo ankhondo onse asokonezeka.”
33 Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Dadka Baabuloon waa sidii meel hadhuudh lagu tumo, oo haatan waa wakhtigii la tumi lahaa, in yar dabadeedna waxaa u iman doona wakhtigii beergoosashada.
Yehova Wamphamvuzonse, Mulungu wa Israeli akuti, “Babuloni wokongola uja wakhala ngati malo opunthirapo tirigu pa nthawi yake yopuntha tirigu; A ku Yerusalemu akuti, Posachedwapa nthawi yake yomukolola ifika.”
34 Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ayaa i baabbi'iyey, wuu i burbursaday, oo weel madhan buu iga dhigay, wuuna i liqay sidii bahal weyn oo kale, oo wuxuu calooshiisa ka buuxsaday cuntadaydii macaanayd, oo dibadduu ii xooray.
A ku Yerusalemu akuti, “Nebukadinezara mfumu ya ku Babuloni watiwononga, watiphwanya, ndi kutitaya ngati mbiya yopanda kanthu. Watimeza ngati ngʼona, wakhuta ndi zakudya zathu zokoma, kenaka nʼkutilavula.”
35 Kan Siyoon degganu wuxuu odhan doonaa, Dulmigii aniga iyo jidhkayga lagu sameeyey Baabuloon ha saarnaado. Yeruusaalem waxay odhan doontaa, Dhiiggaygu dadka dalka Kalday deggan ha saarnaado.
Anthu a ku Ziyoni anene kuti, “Zankhanza zimene anatichitira ife ziwabwerere Ababuloni.” Anthu okhala mu Yerusalemu anene kuti, “Magazi athu amene anakhetsedwa akhale pa amene akukhala ku Babuloni.”
36 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, anigu dacwadaada waan kuu qaadi doonaa, waanan kuu aari doonaa, oo baddeeda waan engejin doonaa, oo isheedana waan qallajin doonaa.
Nʼchifukwa chake Yehova akuti, “Taona, ndidzakumenyera nkhondo ndi kukulipsirira; ndidzawumitsa nyanja yake ndipo akasupe ake adzaphwa.
37 Baabuloon waxay noqon doontaa tuulmooyin burbur ah iyo meel dawacooyinku ay ku hoydaan, iyo wax laga yaabo oo lagu foodhyo, oo aan ciduna degganayn.
Motero Babuloni adzasanduka mulu wa nyumba zogumuka, malo okhala nkhandwe, malo ochititsa mantha ndi onyozedwa, malo wopanda aliyense wokhalamo.
38 Iyagu dhammaantood waxay u ciyi doonaan sida libaaxyo aaran ah oo kale, oo waxay u guuxi doonaan sida dhal libaax oo kale.
Anthu ake onse adzabangula ngati mkango, adzadzuma ngati ana amkango.
39 Rabbigu wuxuu leeyahay, Markay kululaadaan ayaan diyaafad u samayn doonaa, oo waan wada sakhraamin doonaa si ay u reyreeyaan oo ay u seexdaan hurdo weligeed ah oo ayan ka soo toosin.
Ngati achita dyera ndiye ndidzawakonzera madyerero ndi kuwaledzeretsa, kotero kuti adzasangalala, kenaka nʼkugona tulo mpaka muyaya ndipo sadzadzukanso,” akutero Yehova.
40 Oo waxaan iyaga u soo kaxayn doonaa sida baraar la gowracayo iyo sida wanan iyo orgiyo oo kale.
“Ine ndidzawatenga kuti akaphedwe ngati ana ankhosa onenepa, ngati nkhosa zazimuna ndi mbuzi.
41 Sidee baa Sheeshag loo qabsaday, sidee baa ammaantii dunida oo dhan loo argaggixiyey, oo sidee baa Baabuloon ay wax laga yaabo quruumaha dhexdooda ugu noqotay!
“Ndithu Babuloni walandidwa, mzinda umene dziko lonse lapansi limanyadira wagwidwa! Taonani, mmene Babuloni wasandukira chinthu chochititsa mantha pakati pa mitundu ya anthu!
42 Baabuloon baddii baa ku soo kor butaacday, oo waxaa qarqiyey hirarkeedii badnaa.
Nyanja yakwera ndi kumiza Babuloni; mafunde ake okokoma aphimba Babuloni.
43 Magaalooyinkeedii waxay noqdeen cidla iyo dhul engegan, iyo lamadegaan, iyo dal aan ciduna degganayn, ama aan binu-aadmi innaba soo ag marin.
Mizinda yake yasanduka bwinja, dziko lowuma ndi lachipululu, dziko losakhalamo wina aliyense, dziko losayendamo munthu aliyense.
44 Oo Beelna waxaan ku ciqaabi doonaa Baabuloon dhexdeeda, oo waxaan afkiisa ka soo bixin doonaa wixii uu liqay, oo quruumuhuna innaba mar dambe isaga uma ay soo qulquli doonaan, hubaal, derbiga Baabuloon wuu dumi doonaa.
Ndidzalanga Beli mulungu wa Ababuloni, ndidzamusanzitsa zimene anameza. Mitundu ya anthu sidzapitanso kwa iye. Malinga a Babuloni agwa.
45 Dadkaygiiyow, iyada ka dhex baxa, oo ninkiin kastaaba naftiisa ha kala baxsado Rabbiga cadhadiisa kulul.
“Tulukani mʼBabuloni anthu anga! Pulumutsani miyoyo yanu! Thawani mkwiyo woopsa wa Yehova.
46 Ha qalbi jebin, hana ka cabsan warka belefta ah ee dalka laga dhex maqli doono, waayo, sannad war baa iman doona oo haddana sannadda kalena war kalaa iman doona, oo dalka dhexdiisa waxaa jiri doona dulmi, oo taliyeba taliyuu ku kici doonaa.
Musataye mtima kapena kuchita mantha pamene mphekesera zikumveka mʼdziko mwanu. Chaka ndi chaka pamabuka mphekesera za ziwawa mʼdziko lapansi, ndiponso yakuti mfumu yakuti ikuthira nkhondo mfumu ina.
47 Sidaas daraaddeed waxaa iman doona wakhti aan xukun ku soo dejin doono sanamyada xardhan ee Baabuloon, oo dalkeeda oo dhammuna wuu ceeboobi doonaa, oo kuweeda la laayay oo dhammuna iyaday ku dhex dhici doonaan.
Pakuti taonani, nthawi ikubwera ndithu pamene ndidzalanga mafano a ku Babuloni; dziko lake lonse lidzachita manyazi ndi ophedwa ake onse adzakhala ngundangunda pakati pake.
48 Rabbigu wuxuu leeyahay, Markaasay samada iyo dhulka iyo waxa ku jira oo dhammuba farxad ku heesi doonaan Baabuloon aawadeed, waayo, kuwa iyada baabbi'in doona ayaa xagga woqooyi uga iman doona.
Pamenepo kumwamba ndi dziko lapansi ndi zonse zili mʼmenemo zidzayimba mokondwa chifukwa cha kugwa kwa Babuloni. Anthu owononga ochokera kumpoto adzamuthira nkhondo,” akutero Yehova.
49 Baabuloon sidii ay u daadisay kuwii reer binu Israa'iil laga laayay, sidaas oo kale ayaa Baabuloon waxaa ugu dhex daadan doona kuwa dhulka laga laayay oo dhan.
“Babuloni anapha anthu ambiri pa dziko lapansi. Tsono, nawo anthu a ku Babuloni ayenera kuphedwa chifukwa anapha anthu a ku Yerusalemu.
50 Kuwiinna seefta ka baxsadayow, taga, oo ha joogsanina. Rabbiga meel fog ka soo xusuusta, oo Yeruusaalemna maankiinna ha soo gasho.
Inu amene munapulumuka ku nkhondo ya Babuloni, chokani pano ndipo musazengereze! Kumbukirani Yehova ngakhale muli ku mayiko akutali, ganizirani za Yerusalemu.”
51 Annagu waannu ceeboonnay, maxaa yeelay, waxaannu maqalnay cay xun, oo ceeb baa wejigayagii qarisay, waayo, shisheeyayaal ayaa meelaha quduuska ah ee guriga Rabbiga soo dhex galay.
Inu mukuti, “Tikuchita manyazi, chifukwa tanyozedwa ndipo nkhope zathu zili ndi manyazi, chifukwa anthu achilendo alowa malo opatulika a Nyumba ya Yehova.”
52 Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaas daraaddeed waxaa iman doona wakhti aan xukun ku soo dejin doono sanamyadeeda xardhan, oo dalkeeda oo dhanna dadka dhaawaca ah baa ka dhex taahi doona.
Nʼchifukwa chake Yehova akuti, “Masiku akubwera pamene ndidzalanga mafano ake, ndipo mʼdziko lake lonse anthu ovulala adzabuwula.
53 Rabbigu wuxuu leeyahay, Baabuloon in kastoo ay tan iyo samada korto, iyo in kastoo ay meelaheeda dhaadheer ee xoogga badan sii adkayso, kolleyba waxaa iyada u tegi doona baabbi'iyayaal iga yimid.
Ngakhale Babuloni atadzikweza mpaka mlengalenga ndi kulimbitsa nsanja zake, ndidzatuma anthu owononga kudzamenyana naye,” akutero Yehova.
54 Baabuloon qaylaa ka yeedhaysa, oo dalka reer Kaldayiinna baabba' weyn baa ka dhex sanqadhayaa,
“Imvani mfuwu wolira kuchokera ku Babuloni. Imvani phokoso lachiwonongeko chachikulu kuchokera mʼdziko la Babuloni.
55 maxaa yeelay, Rabbigu Baabuloon wuu baabbi'iyaa, oo codkii weynaana dhexdeeda wuu ka aamusiiyaa, oo mawjadahoodu way u guuxaan sida biyo badan, qaylada codkoodana kor bay u qaadaan,
Pakuti Yehova akuwononga Babuloni, ndipo akuthetsa phokoso lake lalikulu. Mfuwu wa adani ukumveka ngati mkokomo wa madzi ambiri. Phokoso lawo likunka likwererakwerera.
56 maxaa yeelay, waxaa Baabuloon ku soo degay baabbi'iyihii, oo raggeedii xogga badanna waa la qabtay, oo qaansooyinkoodiina way jabeen, waayo, Rabbigu waa Ilaahii abaalmarinta, oo sida xaqiiqada ah isagu wuu u abaalgudi doonaa.
Pakuti wowononga wafika kudzamenyana ndi Babuloni, ankhondo ake agwidwa, ndipo mauta awo athyoka. Paja Yehova ndi Mulungu wobwezera chilango; adzabwezera kwathunthu.
57 Oo waxaan wada sakhraamin doonaa amiirradeeda, iyo raggeeda xigmadda leh, iyo taliyayaasheeda, iyo saraakiisheeda, iyo raggeeda xoogga badanba, oo waxay seexan doonaan hurdo weligeed ah, oo ayan ka soo toosin, ayaa Boqorka magiciisa la yidhaahdo Rabbiga ciidammadu leeyahay.
Ndidzaledzeretsa akuluakulu ake pamodzi ndi anzeru ake, abwanamkubwa ake, atsogoleri a ankhondo pamodzinso ndi ankhondo; adzagona kwamuyaya osadzukanso,” akutero Mfumu, amene dzina lake ndi Yehova Wamphamvuzonse.
58 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Derbiyada balballaadhan ee Baabuloon waa la wada dumin doonaa, oo irdaheeda dhaadheerna dab baa lagu gubi doonaa, oo dadku waxtarla'aan buu u hawshoon doonaa, quruumuhuna dab, wayna daali doonaan.
Yehova Wamphamvuzonse akuti, “Malinga aakulu a Babuloni adzasalazidwa ndipo zipata zake zazitali zidzatenthedwa; mitundu ya anthu inangogwira ntchito pachabe. Anthu anatopa ndi kumanga zimene tsopano zikupsa ndi moto.”
59 Kanu waa eraygii Nebi Yeremyaah uu ku amray Seraayaah ina Neeriiyaah oo ahaa ina Maxseeyaah markuu Baabuloon u raacay Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddii afraad ee boqornimadiisa. Seraayaah wuxuu ahaa amiirkii reer boqor maamulaha u ahaa.
Zedekiya mfumu ya Yuda inali ndi phungu wake wamkulu amene dzina lake linali Seraya mwana wa Neriya chidzukulu cha Maseya. Mʼchaka chachinayi cha ulamuliro wake, Zedekiya anapita ndi Seraya ku Babuloni. Tsono mneneri Yeremiya anamupatsirako uthenga Serayayo.
60 Markaas Yeremyaah kitaab buu ku qoray masiibadii Baabuloon ku soo degi lahayd oo dhan, waana erayadan Baabuloon ku saabsan ee uu qoray.
Yeremiya anali atalemba mʼbuku za masautso onse amene adzafike pa Babuloni ndi zina zonse zokhudza Babuloni.
61 Oo Yeremyaah wuxuu Seraayaah ku yidhi, Markaad Baabuloon tagtid oo aad aragtid, erayadan oo dhan wada akhri,
Yeremiya anawuza Seraya kuti, “Ukakafika ku Babuloni, ukaonetsetse kuti wawawerengera anthu onse mawu onsewa.
62 oo markaas waxaad tidhaahdaa, Rabbiyow, adigu waxaad ka hadashay meeshan inaad baabbi'inaysid, si aan waxba gudaheeda ugu hadhin dad iyo duunyo toona, laakiinse ay weligeedba cidla ahaan doonto.
Ndipo ukanene kuti, ‘Inu Yehova, mwanena kuti mudzawononga malo ano, kotero kuti simudzatsala munthu kapena nyama mʼdziko muno; lidzakhala chipululu mpaka muyaya.’
63 Oo markaad kitaabkan akhrintiisa dhammaysid waa inaad isaga dhagax ku xidhaa oo aad Webi Yufraad dhexdiisa ku tuurtaa.
Ukakatha kuwerenga bukuli, ukalimangirire ku mwala ndipo ukaliponye pakati pa mtsinje wa Yufurate.
64 Oo waxaad tidhaahdaa, Baabuloon sidaasay u tiimban doontaa, oo kamana soo sara kici doonto masiibada aan iyada ku soo dejin doono aawadeed, oo iyagu way daali doonaan. Intaasu waa erayadii Yeremyaah.
Ndipo ukanene kuti, ‘Umu ndi mmene adzamirire Babuloni ndipo sadzadzukanso chifukwa cha masautso amene adzamugwere.’” Mawu a Yeremiya athera pamenepa.

< Yeremyaah 51 >