< Yeremyaah 46 >
1 Kanu waa Eraygii Rabbiga oo Nebi Yeremyaah u yimid ee quruumaha ku saabsanaa.
上主傳給耶肋米亞先知論及外邦的話。
2 Wuxuu ka hadlay Masar, iyo Fircoon Nekoo oo ahaa boqorkii Masar ciidankiisii, kaasoo joogay Karkemiish Webi Yufraad agtiisa, oo uu Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon wax ku dhuftay sannaddii afraad ee Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo boqorkii dalka Yahuudah ahaa.
關於埃及:對於埃及王法郎乃苛,於猶大王約史的兒子約雅金第四年,在幼發拉的河附近的加克米士,被巴比倫王拿步高擊敗的軍隊:
3 Gaashaanka yar iyo kan weynba diyaariya oo dagaalka u soo dhowaada.
你們應準備盾牌鎧甲,衝鋒上陣!
4 Fardoleydoy, fardaha heenseeya oo fuula, oo isa soo safa idinkoo koofiyadihiinna dagaalka qaba, oo warmaha afaysta, oo waxaad soo xidhataan dharka birta ah.
騎士,你們應裝備戰馬,快騎上,戴上盔,磨快槍,披甲出陣!
5 Bal maxaan u arkay? Way nexeen oo dib bay u sii noqdeen, oo kuwoodii xoogga badnaa waa la wada dilay, oo degdeg bay u carareen, dibna uma ay soo jeesan, waayo, cabsi baa dhinac kasta kaga hareeraysnayd, ayaa Rabbigu leeyahay.
怎麼﹖我看見他們驚惶潰退,他們的勇士遭受襲擊,急速奔逃,不敢回顧,竟然恐怖四起﹖──上主的斷語。
6 Kan dheereeyaa yuusan cararin, oo kan xoogga badanuna yuusan baxsan. Xagga woqooyi iyo Webi Yufraad agtiisa ayay ku turunturoodeen, wayna ku dheceen.
敏捷的不能逃脫,英勇的不能自救,在靠近幼發拉的河的北岸,瓦解覆滅!
7 Yuu yahay kan u soo kaca sida Webi Niil, oo biyihiisu ay sida webiyaasha u rogrogmadaan?
那如尼羅,水波起伏如河流,湧上來的是誰﹖
8 Dalka Masar ayaa u kaca sida Webi Niil, oo biyihiisuna way u rogrogmadaan sida webiyaasha oo kale, oo wuxuu leeyahay, Anigu waan kacayaa, oo dhulkaan dabooli doonaa, waanan baabbi'in doonaa magaalada iyo dadka dhex degganba.
埃及如尼羅,水波起伏如河流,湧上來說:「我湧上來淹沒大地,掃滅城市和城中的居民。
9 Fardahow, kaca, oo gaadhifardoodyadow, yaaca. Ragga xoogga badanuna ha bexeen, kuwaasoo ah reer Kuush iyo kuwa reer Fuud oo gaashaanka gacanta ku haya, iyo kuwa reer Luud oo qaansada xoodi yaqaan.
戰馬上前,戰車急馳,戰士出陣,持盾的雇士人和普特人,張弓的路丁人!
10 Waayo, taasu waa maalintii Sayidka ah Rabbiga ciidammada, waana maalin aarsasho, oo uu cadaawayaashiisa ka aarsan doono. Seeftuna way wada baabbi'in doontaa, wayna ka dhergi doontaa, oo dhiiggooday ku sakhraami doontaa, waayo, Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu qurbaan ku samaynayaa dalka woqooyi Webi Yufraad agtiisa.
這一天正是我主萬軍的上主,報復自己仇敵的復仇日,刀劍必要吞噬、飽嘗、痛飲他們的鮮血;在靠近幼發拉的河北岸,我主萬軍的上主必要執行一場大屠殺。
11 Dadka Masar ee sida bikrad oo kale ahow, waxaad tagtaa Gilecaad, oo beeyo dawo ah soo qaado. Waxtarla'aan baad dawooyin badan u qaadataa, illowse bogsiini kuuma jirto.
埃及的處女! 你儘管上基肋阿得去拾取香草,只是徒然增添藥材;你已無法治療!
12 Quruumuhu waxay maqleen ceebtaada, oo qayladaaduna waxay ka buuxsantay dalka oo dhan, waayo, kuwii xoogga badnaa ayaa midba kan kale ku turunturooday, oo labadoodiiba way wada dheceen.
萬民聞知了你的羞辱,大地充滿了你的哀哭;噫! 勇士衝向勇士,雙方同時倒仆。
13 Kanu waa eraygii Rabbigu uu kula hadlay Nebi Yeremyaah, oo ku saabsanaa sida Nebukadresar oo boqorka Baabuloon ahu uu u iman doono, oo uu dalka Masar wax ugu dhufan doono.
上主論及巴比倫王拿步高前來攻擊埃及地,對耶肋米亞先知說的話:
14 Masar ka dhex sheega, oo Migdol ka dhex naadiya, oo weliba ka dhex naadiya Nof iyo Taxfanxeesba, oo waxaad tidhaahdaan, Istaag oo isdiyaari, waayo, intii kugu wareegsanayd oo dhan seef baa baabbi'isay.
你們在埃及宣傳,在米革多耳傳報,在諾夫及塔黑培乃斯傳布說:你起來準備! 刀劍已在你四周撕殺。
15 Kuwaagii xoogga badnaa bal maxaa loo kala xaaqay? Iyagu ma ay istaagin, waayo, Rabbiga ayaa riday.
怎麼,阿丕斯逃跑了,你的牛神也站立不住﹖原來上主已將牠推倒。
16 Kuwa badan ayuu turuntureeyey, oo midba midka kaluu ku dhacay. Oo waxay isku yidhaahdeen, Kaca oo ina keena, aynu dadkeennii iyo dalkii aynu ku dhalannay u tagnee, oo aynu seefta ina dulmaysa ka cararnee.
你的混合部隊已離心潰退,各向自己的同僚說:起來,回到我們的民族,我們的生身地去,遠避吞殺的刀劍!
17 Waxay halkaas kaga qayliyeen, Fircoon oo ah boqorka Masar waa sanqadh keliya, wakhtigiina wuu dhaafiyey.
人應給埃及王法郎起個綽號,叫「時機過後的叫囂。」
18 Boqorka magiciisu yahay Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye. Sida xaqiiqada ah isagu wuxuu u iman doonaa sida Taaboor oo buuraha ku dhex taal, iyo sida Karmel oo badda u dhow.
我永在──那稱謂萬軍上主的君王的斷語──有一位必要前來,勢如群山中的大博爾,又如海濱的加爾默耳。
19 Dadka Masar degganow, in maxaabiis ahaan laguu kaxaysto u alaab ururso, waayo, Nof waxay noqon doontaa meel cidla iyo baabba' ah oo aan ciduna degganayn.
寄居在埃及的女兒! 請你自備流徙的行裝,因為諾夫將要變為荒野,被火焚燒,再沒有人居住。
20 Masar waa qaalin lo'aad oo qurxoon, laakiinse halligaad baa xagga woqooyi uga timid, wayna gaadhay.
埃及是一頭美麗的小母牛,但是有一隻牛蠅從北方向她撲來。
21 Oo weliba raggiisa la soo kiraystay oo isaga dhex joogaana waa sida weylo cayilay, waayo, dib bay u noqdeen, oo dhammaantood way isla wada carareen, oo innaba ma ay joogsan, waayo, waxaa soo gaadhay maalintii masiibadooda iyo wakhtigii ciqaabiddooda.
她的傭兵在她內雖像肥胖的牛犢,也一同轉身逃遁,不能抵抗,因為他們遭殃的日子,受罰的時期,已來到他們身上。
22 Sanqadhiisu waa sida abeeso sii gurguuranaysa, waayo, iyagu ciidan bay kula soo socon doonaan, oo faasas bay kula soo duuli doonaan sida kuwa qoryo jaraya.
她發聲嘶嘶好像蛇行,因為敵人正在率軍前進,好像伐木的樵夫,帶著斧鉞向她衝來:
23 Rabbigu wuxuu leeyahay, In kastoo aan la dhex baadhi karin, kayntiisa waa la wada jari doonaa, maxaa yeelay, iyagu ayaxa way ka fara badan yihiin, oo waa wax aan la tirin karin.
砍伐她的森林──上主的斷語──雖然它稠密得不可侵入,因為他們多於蝗蟲,不可勝數。
24 Dadka Masar way ceeboobi doonaan, waayo, waxaa lagu ridi doonaa gacanta dadka woqooyi.
埃及女兒,已被交在北方民族手裏,遭受污辱。
25 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waan wada ciqaabi doonaa Aamoon oo ah ilaaha Noo, iyo Fircoon, iyo Masar, iyo ilaahyadiisa, iyo boqorradiisa, iyo xataa Fircoon iyo kuwa isaga isku halleeyaba.
萬軍的上主,以色列的天主說:「看,我必懲罰諾地的阿孟,法郎和埃及,埃及的神祇和君王,以及信賴法郎的人,
26 Oo waxaan ku ridi doonaa gacanta kuwa naftooda doondoonaya, iyo gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, iyo gacanta addoommadiisa, oo markaas dabadeedna waa loo degi doonaa sidii waayihii hore, ayaa Rabbigu leeyahay.
將他們交在圖謀他們性命的巴比倫王拿步高和他臣僕的手中;但是以後,埃及仍如昔日有人居住──上主的斷語。
27 Laakiinse, addoonkayga reer Yacquubow, ha cabsan, hana nixin, reer binu Israa'iilow, waayo, bal eeg, meel fog baan kaa badbaadin doonaa, oo farcankaagana waxaan ka badbaadin doonaa dalka ay maxaabiista ku yihiin, oo reer Yacquub wuu soo noqon doonaa oo wuu iska xasilloonaan doonaa oo iska istareexi doonaa, oo ciduna ma cabsiin doonto innaba.
至於你,我的僕人雅各伯,你不用害怕;以色列,你不必驚慌;因為,看,我必從遠方救出你來;從充軍之地,救出你的後裔;雅各伯必將歸來,居享安寧,無所恐懼。
28 Rabbigu wuxuu leeyahay, Addoonkayga reer Yacquubow, innaba ha cabsan, waayo, waan kula jiraa, oo quruumihii aan ku kala kexeeyey oo dhanna waan wada baabbi'in doonaa, laakiinse adiga ku wada baabbi'in maayo, caddaalad baanse kugu edbin doonaa, oo sinaba ciqaabidla'aan kuugu dayn maayo.
雅各伯,我的僕人! 你不用害怕──上主的斷語──有我與你同在;誠然,對我使你流徙所至的各民族,我要加以毀滅;但是你,我必不毀滅,只依照正義懲罰你,不讓你全然免罰。