< Yeremyaah 45 >
1 Kanu waa eraygii uu Nebi Yeremyaah kula hadlay Baaruug ina Neeriiyaah markuu erayadan kitaab kaga qoray afkii Yeremyaah, taasoo ahayd sannaddii afraad ee Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah uu dalka Yahuudah boqorka ka ahaa, oo wuxuu ku yidhi, Baaruugow,
Слово, що говорив пророк Єремія до Баруха, Нерійїного сина, коли той писав ці слова́ в книзі з Єреміїних уст, за четвертого року Єгоякима, сина Йосіїного, царя Юдиного, кажучи:
2 Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu kugu leeyahay,
„Так говорить Господь, Бог Ізраїлів, про тебе, Бару́ху:
3 Adigu waxaad tidhi, Anigaa iska hoogay haatan, waayo, Rabbigu xanuunkaygii murug buu iigu sii daray. Taahiddaydii, waan la daalay, oo innaba nasasho ma aan helin.
Ти сказав був: „Ой горе мені, бо додав Господь сму́тку до бо́лю мого! Я змучивсь зідха́нням своїм, і не знайшов відпочинку“!
4 Waxaad isaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Wixii aan dhisay waan dumin doonaa, oo wixii aan beerayna waan rujin doonaa, taasuna waa dalka oo dhan.
Так скажеш йому: Так говорить Господь: Ось Я поруйную, що Я збудував, а що Я насади́в, те Я вирву, також усю землю Свою.
5 Ma nafsaddaadaad waxyaalo waaweyn u doondoonaysaa? Ha doondoonin, waayo, bal ogow, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu masiibaan binu-aadmiga oo dhan ku soo dejin doonaa, laakiinse meel alla meeshii aad tagtidba naftaadaan booli ahaan kuu siin doonaa.
А ти ось шукаєш для себе великого. Не шукай, бо ось Я наведу́ зло на кожне тіло, — говорить Господь, — а тобі дам душу твою за здо́бич на всіх тих місцях, де́ ти будеш ходити!“