< Yeremyaah 43 >

1 Oo markii Yeremyaah uu wada dhammeeyey dadka oo dhan lahadliddiisii uu u sheegayay erayadii Rabbiga Ilaahooda ah oo dhan, ee Rabbiga Ilaahooda ahu uu ugu soo dhiibay, kuwaasoo ah erayadan oo dhan,
Ilitokea kwamba Yeremia alimaliza kuhubiri kwa watu wote maneno yote ya Yahwe Mungu wao kwamba Yahwe Mungu wao alimwambia kusema.
2 ayaa waxaa hadlay Casaryaah ina Hooshacyaah, iyo Yooxaanaan ina Qaaree'ax, iyo raggii kibirsanaa oo dhan, oo waxay Yeremyaah ku yidhaahdeen, Been baad sheegaysaa. Rabbiga Ilaaheenna ahu kuuma soo dirin inaad tidhaahdid, Masar ha tegina inaad halkaas joogtaan,
Azaria mwana wa Hoshaia, Yonathani mwana wa Karea, na watu wenye kiburi walisema kwa Yeremia, “Unasema uongo. Yahwe Mungu wetu hajakutuma wewe kusema, 'Usiende Misri kuishi huko.'
3 laakiinse Baaruug ina Neeriiyaah ayaa nagu soo kaa diray, si uu gacanta reer Kaldayiin noogu rido inay na laayaan, oo ay maxaabiis ahaan Baabuloon noogu kaxaystaan.
Kwa kuwa Baruku mwana wa Neria anakuchochea dhidi yetu kututoa sisi kwenye mkono wa Wakaldayo, kwa kuwa wewe umesababisha kifo chetu na kutufanya sisi mateka huko Babeli.”
4 Markaasay Yooxaanaan ina Qaaree'ax, iyo saraakiishii ciidammada oo dhan, iyo dadkii oo dhammuba addeeci waayeen codkii Rabbiga inay dalkii Yahuudah degganaadaan.
Basi Yonathani mwana wa Karea, wakuu wa jeshi, na watu wote walikataa kusikiliza sauti ya Yahwe kuishi kwenye nchi ya Yuda.
5 Laakiinse dadkii Yahuudah ee hadhay oo dhan oo ka soo noqday quruumihii loo kala kaxaystay oo dhan si ay dalkii Yahuudah u degganaadaan waxaa kexeeyey Yooxaanaan ina Qaaree'ax iyo saraakiisha ciidammada oo dhan.
Yonathani mwana wa Karea na amri jeshi wote waliwachukua mabaki wa Yuda ambao walikuwa wamerudi kutoka mataifa yote ambapo walikuwa wametawanyika kuishi katika nchi ya Yuda.
6 Dadkaasu waxay ahaayeen raggii, iyo naagihii, iyo carruurtii, iyo gabdhihii boqorka, iyo qof kasta oo Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii waardiyayaashu uu kaga tegey Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan, iyo Nebi Yeremyaah, iyo Baaruug ina Neeriiyaah.
Waliwachukua wanaume na wanawake, watoto na mabinti wa mfalme, na kila mtu ambaye Nebuzaradani, nahodha wa walinzi wa mfalme, waliruhusu kubaki pamoja na Gedali mwana wa Ahikam mwana wa Shafan. Pia walimchukua Yeremia nabii na Baruku mwana wa Neria.
7 Oo waxay yimaadeen dalkii Masar, waayo, ma ay addeecin codkii Rabbiga, oo waxay yimaadeen ilaa Taxfanxees.
Walienda nchi ya Misri, kwa Tahpanhesi, kwa sababu hawakusikiliza sauti ya Yahwe.
8 Markaas Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah ugu yimid Taxfanxees, oo wuxuu ku yidhi,
Basi neno la Yahwe lilikuja kwa Yeremia huko Tahpanhesi na kusema,
9 Dhagxan waaweyn gacanta ku qaad, oo iyadoo ay dadka dalka Yahuudah u wada jeedaan waxaad ku dhex qarisaa meesha lebenku yaal ee iridda laga galo guriga Fircoon ee Taxfanxees ku yaal.
“Chukua mawe makubwa mkononi mwako, na, kwenye macho ya watu wa Yuda, yafiche kwenye chokaa kwenye njia ya kuingia katika nyumba ya Farao huko Tahpanhesi.
10 Oo waxaad iyaga ku tidhaadaa, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan soo kaxayn doonaa addoonkayga Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo carshigiisaan ka dul qotomin doonaa dhagaxantan aan qariyey, oo isna wuxuu ku dul fidin doonaa taambuuggiisa boqornimo.
Kisha wakasema nao, “Yahwe wa majeshi, Mungu wa Israel, asema hivi, 'Ona, nimekaribia kutuma wajumbe kumchukua Nebukadreza mfalme wa Babeli kama mtumwa wangu. Nitaweka kiti cha enzi juu ya mawe haya ambayo wewe, Yeremia, umeyazika. Nebukadreza ataweka banda lake juu yao.
11 Oo isagu wuu iman doonaa oo wax buu dalka Masar ku dhufan doonaa, oo kuwii dhimasho ku waajibtay dhimashuu siin doonaa, kuwii maxaabiisnimo ku waajibtayna maxaabiis ahaan buu u kaxaysan doonaa, oo kuwii seefu ku waajibtayna seef buu ku layn doonaa.
Kwa kuwa atakuja na kuvamia nchi ya Misri. Yeyote aliyeandikiwa kufa atakufa. Yeyote aliyeandikiwa mateka atachukuliwa mateka. Na yeyote aliyeandikiwa kwa upanga atakufa kwa upanga.
12 Oo waxaan dab ku dayn doonaa guryaha ilaahyada Masar, oo isna wuu gubi doonaa, oo maxaabiis ahaan buu u kaxaysan doonaa, oo isagu wuxuu dalka Masar u huwan doonaa sida adhijir uu dharkiisa u huwado oo kale, oo halkaasna nabad buu kaga bixi doonaa.
Kisha nitawasha moto katika mahekalu ya miungu ya Misri. Nebukadreza atawachoma na kuwashika. Atasafisha nchi ya Misri kama wachungaji wanavyosafisha wanyama waharibio nguo zao. Ataenda nje kutoka eneo hilo kwa ushindi.
13 Oo weliba wuxuu wada burburin doonaa tiirarka Beytshemesh oo dalka Masar ku dhex taal, oo guryaha ilaahyada Masarna dab buu ku wada gubi doonaa.
Atavunja nguzo za mawe huko Heliopolisi kwenye nchi ya Misri. Atachoma mahekalu ya miungu ya Misri.”

< Yeremyaah 43 >