< Yeremyaah 39 >

1 Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii sagaalaad, bisheedii tobnaad ayay Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon iyo ciidankiisii oo dhammu Yeruusaalem ku keceen, wayna hareereeyeen,
Katika mwaka wa tisa na mwezi wa kumi wa Sedekia mfalme wa Yuda, Nebukadreza mfalme wa Babeli alikuja pamoja na jeshi lake lote dhidi ya Yerusalem na kuizingira.
2 Boqor Sidqiyaah sannaddiisii kow iyo tobnaad, bisheedii afraad, maalinteedii sagaalaad ayaa meel magaalada ahayd la jebiyey,
Katika mwaka wa kumi na moja na mwezi wa nne wa Sekeia, siku ya tisa ya mwezi, mji uliharibiwa.
3 markaas Yeruusaalem waa la qabtay oo amiirradii boqorka Baabuloon oo dhammu intay galeen ayay iriddii dhexe fadhiisteen, oo waxay ahaayeen Neergal Shareser, iyo Samgar Nebuu, iyo Sarsekiim, iyo Rab Saariis, iyo Neergal Shareser, iyo Rab Maag iyo intii kale ee saraakiishii boqorka Baabuloon oo dhan.
Kisha maafisa wote wa mfalme wa Babeli walikuja na kukaa kwenye lango la katikati: Nergali Sharezeri, Samgari Nebo, na Sarsechimu, afisa muhimu. Nerga Sharezeri alikuwa afisa mkuu na wote waliobaki maafisa wa mfalme wa Babeli.
4 Oo Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah iyo raggii dagaalka oo dhammuba markay iyagii arkeen ayay carareen, oo waxay goor habeennimo ah magaaladii kaga bexeen jidkii beerta boqorka ee u dhowaa iriddii labada derbi u dhaxaysay, oo isna wuxuu maray jidkii Caraabaah.
Ilitokea kwamba wakati Sedekia, mfalme wa Yuda, na wanaume wapiganaji wake wote walipowaona, walikimbia. Walitoka nje usiku toka kwenye mji kwa njia ya bustani ya mfalme, kupitia lango la kati la kuta mbili. Mfalme alitoka nje katika mwelekeo wa Arabah.
5 Laakiinse ciidankii reer Kaldayiin ayaa iyagii eryaday, oo waxay Sidqiyaah ku gaadheen bannaannadii Yerixoo, oo markay qabsadeen ayay Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon ugu geeyeen Riblaah oo ku tiil dalka Xamaad, wuuna xukumay.
Lakini jeshi la Wakaldayo walimfatilia na kumpata Sedekia kwenye tambarare za mto Yordani karibu na Yeriko. Kisha walimshika na kumleta kwa Nebukadreza, mfalme wa Babeli, Riblah kwenye nchi ya Hamath, ambapo Nebukadreza alipitisha sentensi juu yake.
6 Markaasaa boqorkii Baabuloon Sidqiyaah wiilashiisii Riblaah ku laayay aabbahood oo arkaya, oo weliba boqorkii Baabuloon wuxuu kaloo laayay kuwii gobta ahaa ee dalka Yahuudah oo dhan.
Mfalme wa Babeli alimchinja binti wa Sedekia mbele ya macho yake huko Ribla. Pia aliwachinja wanaume wote wa heshima wa Yuda.
7 Oo weliba Sidqiyaahna indhihii buu ka riday, oo silsilado ku xidhxidhay si uu Baabuloon ugu kaxaysto.
Kisha alingoa macho ya Sedekia na kumfunga mnyororo wa shaba ili kusudi kumpeleka Babeli.
8 Markaasay reer Kaldayiin dab ku gubeen gurigii boqorka iyo guryihii dadkaba, oo derbiyadii Yeruusaalemna way wada dumiyeen.
Kisha Wakaldayo walichoma nyumba ya mfalme na nyumba za watu. Pia walivunja kuta za Yerusalem.
9 Markaasaa Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta wuxuu Baabuloon maxaabiis ahaan ugu kaxaystay dadkii magaalada ku hadhay, iyo kuwii cararay ee isaga u galay, iyo dadka intiisii kale ee hadhayba.
Nebukadreza, nahodha wa walinzi wa mfalme, waliwachukua katika mateka watu wengine waliobaki katika mji. Hii ilijumuisha watu waliotoka jangwa kwenda Wakaldayo na watu wengine walioachwa katika mji.
10 Laakiinse Nebuusaradaan oo sirkaalkii askarta ahaa wuxuu dalka Yahuudah kaga tegey dadkii waddanka ugu liitay oo aan waxba haysan, oo wuxuu isla markaasba iyagii siiyey beero canab ah, iyo beero kaleba.
Lakini Nebukadreza nahodha wa walinzi wa mfalme aliwaruhusu watu maskini ambayo hawakuwa na chochote wao kubaki katika chi ya Yuda. Aliwapa mashamba ya mizabibu na maeneo katika siku ile.
11 Haddaba Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon wuxuu Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta siiyey amar ku saabsan Yeremyaah, oo wuxuu isagii ku yidhi,
Nebukadreza mfalme wa Babeli alikuwa ametoa amri kuhusu Yeremia kwa Nebuzaradani nahodha wa walinzi wa mfalme. Alikuwa amesema,
12 Isaga kaxee, oo si wanaagsan u ilaali, oo innaba waxba ha yeelin, laakiinse waxaad u samaysaa wax alla wixii uu ku yidhaahdo.
“Mchukue na umjali. Usimdhuru. Fanya kwa ajili yake chochote anachokuambia.”
13 Sidaas daraaddeed Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta iyo Nebuushasbaan, iyo Rab Saariis, iyo Neergal Shareser, iyo Rab Maag, iyo saraakiishii sare oo boqorka Baabuloon oo dhammuba
Basi Nebuzaradani nahodha wa walinzi wa mfalme, Nebushazbani mkuu wa matoashi, Nergali Sharezeri afisa mkuu, na wote maafisa wa muhimu wa mfalme wa Babeli walituma watu nje.
14 waxay u soo cid direen Yeremyaah, oo intay barxaddii waardiyayaasha ka soo bixiyeen ayay u dhiibeen Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan inuu gurigiisa u kaxeeyo, markaasuu dadka dhexdiisa joogay.
Watu wao walimchukua Yeremia kutoka uwanja wa mlinzi na kumkabidhi kwa Gedalia mwana wa Ahikami mwana wa Shafani, kumchua nyumbani, basi Yeremia alibaki miongoni mwa watu.
15 Haddaba eraygii Rabbigu wuxuu u yimid Yeremyaah intuu ku xidhnaa barxaddii waardiyayaasha, isagoo leh,
Sasa neno la Yahwe lilikuwa limekuja kwa Yeremia wakati alipokuwa chini ya kifungo kwenye uwanja wa mlinzi, na alisema,
16 Tag, oo Cebedmeleg kan reer Itoobiya la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogow, erayadayda ayaan magaaladan ugu soo dejin doonaa inaan masiibo u keeno, ee mana ahaa wanaag, oo maalintaasay hortaada ku dhici doonaan.
“Zungumza kwa Ebedi Meleki Mkushi na sema, 'Yahwe wa majeshi, Mungu wa Israel, asema hivi: Ona, Nimekaribia kubeba maneno yangu dhidi ya mji huu kwa ajili ya janga na si kwa uzuri. Kwa kuwa yatakuwa kweli mbele yako katika siku hiyo.
17 Laakiinse maalintaas waan ku samatabbixin doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay, oo laguma gelin doono gacanta dadka aad ka baqaysid.
Lakini nitakuokoa katika siku hiyo - hili ni tamko la Yahwe - na hautatiwa katika mkono wa wanaume ambayo unawaogopa.
18 Waayo, hubaal waan ku badbaadin doonaa, oo innaba seef kuma aad dhiman doontid, laakiinse naftaadu waxay kuu ahaan doontaa sida booli oo kale, maxaa yeelay, waad isku kay hallaysay, ayaa Rabbigu leeyahay.
Kwa kuwa nitakuokoa hakika. Hautaanguka kwa upanga. Utatoroka pamoja na maisha yako, kwani unanitumaini - hili lilikuwa tamko la Yahwe.”

< Yeremyaah 39 >