< Yeremyaah 37 >

1 Oo Boqor Sidqiyaah oo ahaa ina Yoosiyaah ayaa boqor ka noqday meeshii Konyaah ina Yehooyaaqiim, kaasoo ahaa kii Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon uu isaga boqor uga dhigay dalkii Yahuudah.
וימלך מלך צדקיהו בן יאשיהו תחת כניהו בן יהויקים אשר המליך נבוכדראצר מלך בבל בארץ יהודה׃
2 Laakiinse isagii, iyo addoommadiisii, iyo dadkii dalka toona midkoodna ma maqlin erayadii Rabbiga ee uu isagu kaga hadlay Nebi Yeremyaah.
ולא שמע הוא ועבדיו ועם הארץ אל דברי יהוה אשר דבר ביד ירמיהו הנביא׃
3 Oo Boqor Sidqiyaah wuxuu Nebi Yeremyaah u soo diray Yehuukal ina Shelemyaah, iyo Sefanyaah ina wadaadka Macaseeyaah, oo wuxuu ku soo yidhi, Bal Rabbiga Ilaaheenna ah noo bari.
וישלח המלך צדקיהו את יהוכל בן שלמיה ואת צפניהו בן מעשיה הכהן אל ירמיהו הנביא לאמר התפלל נא בעדנו אל יהוה אלהינו׃
4 Oo markaas Nebi Yeremyaah dadka dhexdiisa ayuu gudaha u soo geli jiray oo dibadda uga bixi jiray, waayo, weli ma ay xabbisin.
וירמיהו בא ויצא בתוך העם ולא נתנו אתו בית הכליא׃
5 Oo ciidankii Fircoon ayaa Masar ka soo baxay, oo reer Kaldayiinkii Yeruusaalem ku hareeraysnaana markay warkoodii maqleen ayay Yeruusaalem ka kala tageen.
וחיל פרעה יצא ממצרים וישמעו הכשדים הצרים על ירושלם את שמעם ויעלו מעל ירושלם׃
6 Markaasaa eraygii Rabbigu Nebi Yeremyaah u yimid, oo wuxuu ku yidhi,
ויהי דבר יהוה אל ירמיהו הנביא לאמר׃
7 Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Boqorka dalka Yahuudah oo ii soo kiin diray inuu wax i weyddiisto waxaad ku tidhaahdaan, Bal eeg, ciidanka Fircoon oo u soo baxay inuu ku caawiyo, waxay ku noqon doonaan dalkoodii Masar.
כה אמר יהוה אלהי ישראל כה תאמרו אל מלך יהודה השלח אתכם אלי לדרשני הנה חיל פרעה היצא לכם לעזרה שב לארצו מצרים׃
8 Oo reer Kaldayiinna way soo noqon doonaan, oo magaaladan bay la diriri doonaan, wayna qabsan doonaan, oo dab bay ku gubi doonaan.
ושבו הכשדים ונלחמו על העיר הזאת ולכדה ושרפה באש׃
9 Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinku ha iskhiyaanaynina, oo ha isku odhanina, Hubaal reer Kaldayiin way naga tegayaan, maxaa yeelay, iyagu ma ay tegi doonaan.
כה אמר יהוה אל תשאו נפשתיכם לאמר הלך ילכו מעלינו הכשדים כי לא ילכו׃
10 Waayo, in kastoo aad ciidanka reer Kaldayiin ee idinla diriraya wada baabbi'in lahaydeen, oo rag dhaawac ah mooyaane aan iyaga wax kale ka hadhin, haddana iyaga midkood kastaaba wuxuu ka soo kici lahaa teendhadiisa, oo dab bay magaaladan ku gubi lahaayeen.
כי אם הכיתם כל חיל כשדים הנלחמים אתכם ונשארו בם אנשים מדקרים איש באהלו יקומו ושרפו את העיר הזאת באש׃
11 Oo markii ciidankii reer Kaldayiin ay Yeruusaalem uga kala tageen cabsi ay ka qabaan ciidankii Fircoon aawadiis
והיה בהעלות חיל הכשדים מעל ירושלם מפני חיל פרעה׃
12 ayaa Yeremyaah Yeruusaalem ka baxay oo wuxuu galay dalkii reer Benyaamiin si uu meeshaas qaybtiisa dadka uga dhex helo.
ויצא ירמיהו מירושלם ללכת ארץ בנימן לחלק משם בתוך העם׃
13 Oo markuu iriddii reer Benyaamiin joogay waxaa isna halkaas joogay sirkaal waardiyayaasha madax u ahaa, oo magiciisa la odhan jiray Yiriyaah ina Shelemyaah, oo ahaa ina Xananyaah, oo isna Yeremyaah buu qabtay oo wuxuu ku yidhi, Adigu waxaad u gelaysaa reer Kaldayiin.
ויהי הוא בשער בנימן ושם בעל פקדת ושמו יראייה בן שלמיה בן חנניה ויתפש את ירמיהו הנביא לאמר אל הכשדים אתה נפל׃
14 Markaas Yeremyaah wuxuu ku yidhi, Taasu waa been, anigu reer Kaldayiin u geli maayo. Laakiinse isagu innaba ma uu dhegaysan, sidaas daraaddeed Yiriyaah wuxuu soo qabtay Yeremyaah, oo amiirradii u keenay.
ויאמר ירמיהו שקר אינני נפל על הכשדים ולא שמע אליו ויתפש יראייה בירמיהו ויבאהו אל השרים׃
15 Amiirradiina Yeremyaah bay u cadhoodeen, oo intay garaaceen ayay gurigii Yoonaataan oo karraanigii ahaa ku xabbiseen, waayo, kaasay xabsi ka dhigeen.
ויקצפו השרים על ירמיהו והכו אתו ונתנו אותו בית האסור בית יהונתן הספר כי אתו עשו לבית הכלא׃
16 Markii Yeremyaah uu gurigii godka ahaa galay iyo weliba qolalkii hoose, oo uu halkaas maalmo badan ku jiray,
כי בא ירמיהו אל בית הבור ואל החניות וישב שם ירמיהו ימים רבים׃
17 ayaa waxaa isagii u soo cid diray Boqor Sidqiyaah, oo soo bixiyey. Markaasaa boqorkii si qarsoodi ah gurigiisa gudihiisa wax ugu weyddiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Eray Rabbiga ka yimid miyuu jiraa? Kolkaasaa Yeremyaah ku yidhi, Waa jiraa. Oo wuxuu kaloo yidhi, Adigu waxaa laguu gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon.
וישלח המלך צדקיהו ויקחהו וישאלהו המלך בביתו בסתר ויאמר היש דבר מאת יהוה ויאמר ירמיהו יש ויאמר ביד מלך בבל תנתן׃
18 Oo weliba Yeremyaah wuxuu Boqor Sidqiyaah ku yidhi, Bal maxaan adiga, amase addoommadaada, amase dadkan u dhimay, oo aad ii xabbisteen?
ויאמר ירמיהו אל המלך צדקיהו מה חטאתי לך ולעבדיך ולעם הזה כי נתתם אותי אל בית הכלא׃
19 Haddaba bal meeye nebiyadaadii wax idiin sii sheegay, oo idinku yidhi, Boqorka Baabuloon ku soo duuli maayo idinka iyo dalkanba?
ואיו נביאיכם אשר נבאו לכם לאמר לא יבא מלך בבל עליכם ועל הארץ הזאת׃
20 Haddaba boqorow, sayidkaygiiyow, bal baryadayda maqal, oo waan ku baryayaaye baryootankayga xaggaaga ha laga aqbalo, oo gurigii karraaniga Yoonaataan ha igu celin, waaba intaasoo aan halkaas ku dhintaaye.
ועתה שמע נא אדני המלך תפל נא תחנתי לפניך ואל תשבני בית יהונתן הספר ולא אמות שם׃
21 Markaas Boqor Sidqiyaah wuxuu ku amray in Yeremyaah barxaddii waardiyayaasha lagu daayo, oo waxaa dharaar kasta jidka kibisdubayaasha laga siin jiray xabbad kibis ah, ilamaa kibistii magaaladu ay wada dhammaatay. Oo sidaasuu Yeremyaah barxaddii waardiyayaasha ugu sii hadhay.
ויצוה המלך צדקיהו ויפקדו את ירמיהו בחצר המטרה ונתן לו ככר לחם ליום מחוץ האפים עד תם כל הלחם מן העיר וישב ירמיהו בחצר המטרה׃

< Yeremyaah 37 >