< Yeremyaah 35 >

1 Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid wakhtigii Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah uu boqorka ka ahaa dalka Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi,
کلامی که از جانب خداوند در ایام یهویاقیم بن یوشیا پادشاه یهودا بر ارمیا نازل شده، گفت:۱
2 Waxaad u tagtaa reer Reekaab, oo la hadal, oo guriga Rabbiga qolladihiisa middood geli, waxaanad siisaa khamri ay cabbaan.
«به خانه رکابیان برو و به ایشان سخن گفته، ایشان را به یکی از حجره های خانه خداوند بیاور و به ایشان شراب بنوشان.»۲
3 Markaasaan soo kaxaystay Ya'asanyaah ina Yeremyaah oo ahaa ina Habasinyaah, iyo walaalihiis, iyo wiilashiisii oo dhan, iyo qoyskii reer Reekaab oo dhan,
پس یازنیا ابن ارمیا ابن حبصنیا و برادرانش وجمیع پسرانش و تمامی خاندان رکابیان رابرداشتم،۳
4 oo gurigii Rabbigana waan keenay, oo waxaan soo geliyey qolladdii ilma Xaanaan kaasoo ahaa ina Yigdalyaah oo ahaa nin Ilaah u go'ay, taasoo ku dhinac tiil qolladdii amiirrada, oo ka sii korraysay qolladdii Macaseeyaah ina Shalluum ee iridjooge ahaa.
و ایشان را به خانه خداوند به حجره پسران حانان بن یجدلیا مرد خدا که به پهلوی حجره سروران و بالای حجره معسیا ابن شلوم، مستحفظ آستانه بود آوردم.۴
5 Markaasaan wiilashii reer Reekaab soo hor dhigay weelal khamri ka buuxo iyo koobab, oo waxaan ku idhi, Khamrigan cabba.
و کوزه های پر ازشراب و پیاله‌ها پیش رکابیان نهاده، به ایشان گفتم: «شراب بنوشید.»۵
6 Laakiinse waxay yidhaahdeen, Innaba khamri cabbi mayno, waayo, awowgayo Yoonaadaab oo ahaa ina Reekaab ayaa nagu amray oo nagu yidhi, Weligiin idinka iyo wiilashiinnuba waa inaydaan khamri cabbin.
ایشان گفتند: «شراب نمی نوشیم زیرا که پدرما یوناداب بن رکاب ما را وصیت نموده، گفت که شما و پسران شما ابد شراب ننوشید.۶
7 Oo innaba guri ha dhisanina, abuurna ha daadinina, oo beercanabna ha beeranina, hana yeelanina, laakiinse cimrigiinna oo dhan waxaad degganaataan teendhooyin si aad wakhti dheer u sii joogtaan dalka aad deggan tihiin.
و خانه هابنا مکنید و کشت منمایید و تاکستانها غرس مکنید و آنها را نداشته باشید بلکه تمامی روزهای خود را در خیمه‌ها ساکن شوید تا روزهای بسیاربه روی زمینی که شما در آن غریب هستید زنده بمانید.۷
8 Oo annagu waannu addeecnay codkii awowgayo Yoonaadaab ina Reekaab oo nagu amray inaannan innaba khamri cabbin cimrigayaga oo dhan, annaga, iyo naagahayaga, iyo wiilashayada, iyo gabdhahayaguba,
و ما به سخن پدر خود یوناداب بن رکاب و بهر‌چه او به ما امر فرمود اطاعت نموده، درتمامی عمر خود شراب ننوشیدیم، نه ما و نه زنان ما و نه پسران ما و نه دختران ما.۸
9 iyo inaannan guryo aan ku degnona innaba dhisan, oo weliba annagu ma aannu lihin beercanab, ama beer kale, amase abuurba,
و خانه‌ها برای سکونت خود بنا نکردیم و تاکستانها و املاک ومزرعه‌ها برای خود نگرفتیم.۹
10 laakiinse teendhooyin baannu ku degganayn, oo waannu addeecnay, waanan wada samaynay sidii awowgayo Yoonaadaab uu nagu amray oo dhan.
و در خیمه هاساکن شده، اطاعت نمودیم و به آنچه پدر مایوناداب ما را امر فرمود عمل نمودیم.۱۰
11 Laakiinse markii Nebukadresar oo boqorka Baabuloon ahu uu dalka yimid ayaannu isnidhi, Ina keena aynu Yeruusaalem u guurnee, waana cabsida aannu ciidanka reer Kaldayiin, iyo ciidanka reer Suuriya ka cabsannay aawadeed, oo sidaas daraaddeed ayaannu Yeruusaalem ku deggan nahay.
لیکن وقتی که نبوکدرصر پادشاه بابل به زمین برآمدگفتیم: بیایید از ترس لشکر کلدانیان و لشکرارامیان به اورشلیم داخل شویم پس در اورشلیم ساکن شدیم.»۱۱
12 Markaasaa eraygii Rabbigu Yeremyaah u yimid, isagoo leh,
پس کلام خداوند بر ارمیا نازل شده، گفت:۱۲
13 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Tag, oo dadka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganba waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, War, tacliin miyeydaan qaadanayn inaad erayadayda maqashaan?
«یهوه صبایوت خدای اسرائیل چنین می‌گوید: برو و به مردان یهودا و ساکنان اورشلیم بگو که خداوند می‌گوید: آیا تادیب نمی پذیرید وبه کلام من گوش نمی گیرید؟۱۳
14 Yoonaadaab ina Reekaab erayadiisii uu wiilashiisa ku amray inayan innaba khamri cabbin waa la wada oofiyey, oo ilaa maantadan la joogo iyagu khamrina ma cabbaan, waayo, waxay addeecaan amarkii awowgood, aniguse waan idinla hadlay, anigoo goor wanaagsan idinla hadlaya, laakiinse innaba ima aydaan dhegaysan.
سخنان یوناداب بن رکاب که به پسران خود وصیت نمود که شراب ننوشید استوار گردیده است و تا امروز شراب نمی نوشند و وصیت پدر خود را اطاعت می‌نمایند، اما من به شما سخن گفتم و صبح زودبرخاسته، تکلم نمودم و مرا اطاعت نکردید.۱۴
15 Oo weliba waxaan idiin soo diray nebiyadii addoommadayda ahaa anigoo goor wanaagsan idiin soo diraya, oo idinku leh, Midkiin kastaaba haatan jidkiisa sharka ah ha ka soo noqdo, oo falimihiinnana hagaajiya, oo ilaahyo kale ha daba gelina inaad u adeegtaan aawadeed, oo markaas waxaad iska degganaan doontaan dalkii aan siiyey idinka iyo awowayaashiinba, laakiinse idinku dheg iima aydaan dhigin, oo innaba ima aydaan dhegaysan.
وبندگان خود انبیا را نزد شما فرستادم و صبح زودبرخاسته، ایشان را ارسال نموده، گفتم هر کدام ازراه بد خود بازگشت نمایید و اعمال خود رااصلاح کنید و خدایان غیر را پیروی منمایید وآنها را عبادت مکنید تا در زمینی که به شما و به پدران شما داده‌ام ساکن شوید. اما شما گوش نگرفتید و مرا اطاعت ننمودید.۱۵
16 Yoonaadaab ina Reekaab wiilashiisii way wada oofiyeen amarkii awowgood uu iyaga ku amray, laakiinse dadkanu aniga ima ay dhegaysan,
پس چونکه پسران یوناداب بن رکاب وصیت پدر خویش راکه به ایشان فرموده است اطاعت می‌نمایند و این قوم مرا اطاعت نمی کنند،۱۶
17 sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, dadka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem deggan oo dhanba waxaan ku soo dejin doonaa masiibadii aan iyaga kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, waan la hadlay, laakiinse ima dhegaysan, waanan u yeedhay, laakiinse iima ay jawaabin.
بنابراین یهوه خدای صبایوت خدای اسرائیل چنین می‌گوید: اینک من بر یهودا و بر جمیع سکنه اورشلیم تمامی آن بلا را که درباره ایشان گفته‌ام وارد خواهم آوردزیرا که به ایشان سخن گفتم و نشنیدند و ایشان راخواندم و اجابت ننمودند.»۱۷
18 Markaas Yeremyaah wuxuu reer Reekaab ku yidhi, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Idinku waxaad addeecdeen amarkii awowgiin Yoonaadaab, oo qaynuunnadiisii oo dhanna waad dhawrteen, oo waxaad wada samayseen wixii uu idinku amray oo dhan,
و ارمیا به خاندان رکابیان گفت: «یهوه صبایوت خدای اسرائیل چنین می‌گوید: چونکه شما وصیت پدر خود یوناداب را اطاعت نمودیدو جمیع اوامر او را نگاه داشته، بهر‌آنچه او به شماامر فرمود عمل نمودید،۱۸
19 haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Yoonaadaab ina Reekaab marnaba weligiis ma waayi doono nin hortayda istaaga.
بنابراین یهوه صبایوت خدای اسرائیل چنین می‌گوید: ازیوناداب بن رکاب کسی‌که دایم به حضور من بایستد کم نخواهد شد.»۱۹

< Yeremyaah 35 >