< Yeremyaah 33 >

1 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah mar labaad u yimid intuu weli barxaddii xabsiga ku xidhnaa, oo wuxuu ku yidhi,
Herrens ord kom anden gang til Jeremias, medens han endnu sad fængslet i Vagtforgården, således:
2 Rabbiga waxyaalahaas sameeya, oo u yeela inuu sii adkeeyo aawadeed, magiciisu waa Rabbiga, oo wuxuu leeyahay,
Så siger HERREN, som skabte Jorden og dannede den, idet han grundfæstede den, han, hvis Navn er HERREN:
3 I bari, waanan kuu jawaabi doonaa, oo waxaan ku tusi doonaa waxyaalo waaweyn oo qarsoon oo aadan aqoon.
Kald på mig, så vil jeg svare dig og kundgøre dig store og lønlige Ting, du ikke kender.
4 Waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay guryaha magaaladan iyo guryaha boqorrada dalka Yahuudah oo loo dumiyey in la sameeyo wax lagaga daafaco tuulmooyinkii dagaalka iyo seefta,
Thi så siger HERREN, Israels Gud, om denne Bys Huse og om Judas Kongers Huse, som nedbrødes for at bruges til Volde og Mur,
5 Iyagu waxay u imanayaan inay reer Kaldayiin la diriraan, laakiinse waxay meeshan ka buuxin doonaan dad dhintay meydadkood, kuwaasoo aan cadhadayda iyo xanaaqayga ku laayay, oo aan dhammaantood xumaantooda aawadeed magaaladan wejigayga uga qariyey.
da man gav sig til at stride imod Kaldæerne, og som fyldtes med Ligene af de Mennesker, jeg slog i min Vrede og Harme, og for hvem jeg skjulte mit Åsyn for al deres Ondskabs Skyld:
6 Bal ogaada, anigu waxaan iyada u keeni doonaa caafimaad iyo fayoobi, waanan bogsiin doonaa, oo waxaan iyaga u muujin doonaa nabad iyo run badan.
Se, jeg vil lade Byens Sår heles og læges, og jeg helbreder dem og oplader for dem en Rigdom af Fred og Sandhed.
7 Oo maxaabiistii dadka Yahuudah, iyo maxaabiistii dadka Israa'iilba waan soo celin doonaa, oo iyagaan u dhisi doonaa sidii markii hore oo kale.
Jeg vender Judas og Israels Skæbne og opbygger dem som tilforn.
8 Xumaantoodii ay igu dembaabeen oo dhan waan ka nadiifin doonaa, oo xumaatooyinkoodii ay igu dembaabeen oo ay igu xadgudbeen oo dhanna waan ka cafiyi doonaa.
Jeg renser dem for al deres Brøde, med hvilken de syndede imod mig, og tilgiver alle deres Misgerninger, med hvilke de syndede og forbrød sig imod mig.
9 Oo magaaladanu waxay igu noqon doontaa magac farxadeed, oo ammaan iyo sharaf ku hor leh quruumaha dunida oo maqli doona wanaagga aan iyaga u sameeyo oo dhan hortooda, oo iyagu waxay la cabsan doonaan oo la wada gariiri doonaan wanaagga iyo nabadda aan u yeelo oo dhan.
Byen skal blive til Glæde, til Pris og Ære blandt alle Jordens Folk; og når de hører om alt det gode, jeg gør den, skal de frygte og bæve over alt det gode og al den Lykke, jeg lader den times.
10 Rabbigu wuxuu leeyahay, Meeshan aad tidhaahdaan, Waa cidla aan dad iyo duunyo toona lahayn, taasoo ah magaalooyinka dalka Yahuudah iyo jidadka Yeruusaalem, oo ah baabba' cidla ah, oo aan lagu arag dad, iyo wax deggan, iyo duunyo toona, waxaa mar kale laga dhex maqli doonaa
Så siger HERREN: På dette Sted, som I siger er ødelagt, uden Mennesker og Kvæg, i Judas Byer og på Jerusalems Gader, der er lagt øde, uden Mennesker og kvæg,
11 codka farxadda, iyo codka rayraynta, iyo codka arooska, iyo codka aroosadda, iyo codka kuwa leh, Rabbiga ciidammada u mahadnaqa, waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa, iyo kuwa guriga Rabbiga allabaryo mahadnaqid ah keena. Waayo, maxaabiista dalka waan soo celin doonaa sidii markii hore oo kale, ayaa Rabbigu leeyahay.
skal atter høres Fryderåb og Glædesråb, Brudgoms Røst og Bruds Røst, Råb af Folk, som siger: "Tak Hærskarers HERRE; thi HERREN er god, og hans Miskundhed varer evindelig!" og som bringer Takoffer til HERRENs Hus; thi jeg vender Landets Skæbne, så det bliver som tilforn, siger HERREN.
12 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeshan cidlada ah oo aan dad iyo duunyo toona lahayn, iyo magaalooyinkeeda oo dhanba waxaa mar kale jiri doona rug adhijirro adhyahooda fadhiisiya.
Så siger Hærskarers HERRE: På dette ødelagte Sted, som er uden Mennesker og Kvæg, og i alle dets Byer skal der atter være Græsgange, hvor Hyrder lader deres Hjorde ligge;
13 Magaalooyinka buuraha, iyo magaalooyinka dooxada, iyo magaalooyinka koonfureed, iyo dalka reer Benyaamiin, iyo meelaha Yeruusaalem ku wareegsan, iyo magaalooyinka dalka Yahuudahba adhyuhu mar kalay hoos mari doonaan kan tirinaya gacmihiisa, ayaa Rabbigu leeyahay.
i Bjerglandets, Lavlandets og Sydlandets Byer, i Benjamins land, i Jerusalems Omegn og i Judas Byer skal Småkvæget atter gå forbi under Tællerens Hånd, siger HERREN.
14 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti aan wada oofin doona wixii wanaagsanaa ee aan dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba kaga hadlay.
Se, Dage skal komme, lyder det fra HERREN, da jeg opfylder den Forjættelse, jeg udtalte om Israels og Judas Hus.
15 Wakhtigaas iyo waagaasba waxaan Daa'uud u soo bixin doonaa biqil xaq ah, oo isna wuxuu dalka ku dhex samayn doonaa caddaalad iyo xaqnimo.
I hine Dage og til hin Tid lader jeg en Retfærds Spire fremspire for David, og han skal øve Ret og Retfærd i Landet.
16 Wakhtigaas dadka Yahuudah waa la badbaadin doonaa, oo Yeruusaalemna ammaan bay ku degganaan doontaa, oo kanuna waa magaca iyada lagu magacaabi doono, Rabbigu waa xaqnimadayadii.
I hine Dage skal Juda frelses og Jerusalem bo trygt, og man skal kalde det: HERREN vor Retfærdighed.
17 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Daa'uud marnaba ma waayi doono nin carshiga reer binu Israa'iil ku fadhiista.
Thi så siger HERREN: David skal ikke fattes en Mand til at sidde på Israels Huss Trone.
18 Oo wadaaddada reer Laawina marnaba ma waayi doonaan nin hortayda jooga inuu qurbaanno la gubo bixiyo, iyo inuu qurbaanno hadhuudh ah gubo, iyo inuu had iyo goorba allabaryo.
Og Levitpræsterne skal aldrig fattes en Mand til at stå for mit Åsyn og frembære Brændoffer, brænde Afgrødeoffer og ofre Slagtoffer.
19 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah u yimid, oo wuxuu ku yidhi,
Og HERRENs Ord kom til Jeremias således:
20 Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad jebin karaysaan axdigayga habeenka, amase axdigayga maalinta, si habeen iyo maalinu ayan xilligooda u ahaanin,
Så siger HERREN Hvis min Pagt med Dagen og Natten brydes, så det ikke bliver Dag og Nat, når Tid er inde,
21 markaas axdigayga aan addoonkayga Daa'uud la dhigtayna waa jabi karayaa si uusan u helin wiil carshigiisa ka dul taliya, iyo kii aan la dhigtay wadaaddada reer Laawi oo midiidinnadayda ah.
da skal også min Pagt med min Tjener David brydes, så han ikke har nogen Søn til at sidde som Konge på sin Trone, og med Levitpræsterne, som tjener mig.
22 Sida aan ciidammada samada loo tirin karin, amase aan ciidda badda loo qiyaasi karin, ayaan u tarmin doonaa farcanka addoonkayga Daa'uud, iyo reer Laawiga ii adeegaba.
Som Himmelens Hær ikke kan tælles og Havets Sand ikke måles, således vil jeg mangfoldiggøre min Tjener Davids Afkom og Leviterne, som tjener mig.
23 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah u yimid, oo wuxuu ku yidhi,
Og HERRENs Ord kom til Jeremias således:
24 Miyaadan ka fikirayn waxa dadkanu ku hadleen iyagoo leh, Labadii qolo ee uu Rabbigu doortayba wuu xooray? Oo saasay dadkayga u quudhsadaan si ayan iyagu mar dambe hortooda quruun ugu ahaan.
Har du ikke lagt Mærke til, hvorledes dette Folk siger: "De to Slægter, HERREN udvalgte, har han forkastet!" Og de smæder mit Folk, fordi det i deres Øjne ikke 1ner er et Folk.
25 Rabbigu wuxuu leeyahay, Hadduusan axdigayga habeenka iyo maalintu sii jirin, ama haddaanan waajib ka dhigin qaynuunnada samada iyo dhulkaba,
Så siger HERREN: Hvis jeg ikke har fastsat min Pagt med Dag og Nat, givet Love for Himmel og Jord,
26 markaas waxaan xoori doonaa farcankii Yacquub, iyo addoonkaygii Daa'uudba, si aanan farcankiisa qaarna uga dhigin inay taliyayaal u ahaadaan farcankii Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, waayo, maxaabiistooda waan soo celin doonaa, waanan u naxariisan doonaa.
så vil jeg også forkaste Jakobs Afkom og min Tjener David og ikke af hans Afkom tage Herskere oer Abrabams, Isaks og Jakobs Afkom; thi jeg vender deres Skæbne og forbarmer mig over dem.

< Yeremyaah 33 >