< Yeremyaah 28 >
1 Oo isla sannaddaasba, bilowgii boqornimadii Sidqiyaah uu boqorka ka ahaa dalka Yahuudah, sannaddii afraad bisheedii shanaad ayaa Xananyaah ina Casuur oo ahaa nebigii Gibecoon ka yimid igula hadlay guriga Rabbiga dhexdiisa iyadoo ay wada joogaan wadaaddadii iyo dadkii oo dhammu, oo wuxuu igu yidhi,
And it came to pass in the same year, in the beginning of the reign of Zedekiah, king of Judah, in the fourth year, in the fifth month, that Hananiah, the son of Azur the prophet, who was of Gibeon, spoke to me in the presence of the priests and of all the people, saying,
2 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu harqoodkii boqorka Baabuloon waan jebiyey.
Thus saith Jehovah of hosts, the God of Israel: “I will break the yoke of the king of Babylon.
3 Intaanay laba sannadood dhammaan ayaan halkan ku soo celin doonaa weelashii guriga Rabbiga oo uu Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon halkan ka qaatay, oo uu Baabuloon la tegey.
Within two full years will I bring again to this place all the vessels of the house of Jehovah, which Nebuchadnezzar the king of Babylon took from this place, and carried to Babylon.
4 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan halkan ku soo celin doonaa Yekonyaah ina Yehooyaaqiim oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo maxaabiistii dadka Yahuudah ee Baabuloon lala tegey oo dhan, waayo, harqoodka boqorka Baabuloon waan jebin doonaa.
And Jeconiah, the son of Jehoiakim, king of Judah, and all the captives of Judah that went to Babylon, will I bring again to this place, saith Jehovah; for I will break the yoke of the king of Babylon.”
5 Markaas Nebi Yeremyaah baa la hadlay Nebi Xananyaah iyadoo ay wada joogaan wadaaddadii iyo dadkii guriga Rabbiga dhex taagnaa oo dhammu.
Then Jeremiah the prophet spake to Hananiah the prophet, in the presence of the priests, and in the presence of all the people that stood in the house of Jehovah.
6 Oo Nebi Yeremyaah wuxuu yidhi, Aamiin, Rabbigu saas ha yeelo. Rabbigu ha wada sameeyo erayadii aad sii sheegtay oo weelashii guriga Rabbiga ha soo celiyo, oo kuwii maxaabiis ahaanta loo kaxaystay oo dhan Baabuloon ha ka soo celiyo oo meeshan ha keeno.
And Jeremiah the prophet said, Amen! So may Jehovah do! May Jehovah fulfill thy words which thou hast prophesied, and bring back the vessels of the house of Jehovah, and all the captives from Babylon to this place!
7 Hase ahaatee bal adigu haatan maqal eraygan aan kula hadlayo dhegahaaga iyo dhegaha dadkan oo dhan.
Nevertheless, hear now this word, which I speak in thine ears, and in the ears of all the people.
8 Nebiyadii waayihii hore oo aniga iyo adigaba inaga sii horreeyey waxay waddammo badan iyo boqortooyooyin waaweyn wax kaga sii sheegeen dagaal iyo masiibo iyo belaayo.
The prophets who have been before me and before thee from ancient times have also prophesied against many nations, and against great kingdoms, of war, of calamity, and of pestilence.
9 Nebigii nabad wax ka sii sheega, oo uu eraygii nebigaasu run noqdo, markaas nebigaas waxaa loo aqoonsadaa in Rabbigu isaga dhab ahaan u soo diray.
The prophet who prophesieth of peace, when the word of the prophet shall come to pass, then shall he be known as a prophet whom Jehovah hath truly sent.
10 Kolkaasaa Nebi Xananyaah harqoodkii qoortii Nebi Yeremyaah ka qaaday oo uu kala jebiyey.
Then Hananiah the prophet took the yoke from the prophet Jeremiah's neck, and broke it.
11 Markaasaa Xananyaah dadkii oo dhan hortiisa ku hadlay oo wuxuu yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaas oo kale intaanay laba sannadood dhammaan ayaan quruumaha oo dhan uga jebin doonaa harqoodka Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon. Kolkaasaa Nebi Yeremyaah iska tegey.
And Hananiah spake in the presence of all the people, saying, Thus saith Jehovah: In this manner will I break the yoke of Nebuchadnezzar, the king of Babylon, from the neck of all the nations, within the space of two full years. And the prophet Jeremiah went his way.
12 Oo markii Nebi Xananyaah uu harqoodkii ka jebiyey qoortii Nebi Yeremyaah dabadeed ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Yeremyaah, isagoo leh,
Then came the word of Jehovah to Jeremiah, after that Hananiah the prophet had broken the yoke from the neck of the prophet Jeremiah, saying:
13 Tag, oo waxaad Xananyaah ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Adigu waxaad jebisay harqoodkii qoriga ahaa, laakiinse waxaad meeshiisa ka yeelan doontaa harqood bir ah.
Go and tell Hananiah, saying: Thou hast broken a yoke of wood, but thou shalt make instead of it a yoke of iron.
14 Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Quruumahan oo dhan waxaan qoortooda kor saaray harqood bir ah, si ay ugu adeegaan boqorka Baabuloon oo ah Nebukadnesar, oo iyana way u adeegi doonaan, oo weliba xayawaanka duurkana isagaan siiyey.
For thus saith Jehovah of hosts, the God of Israel: A yoke of iron do I put upon the neck of all these nations, that they may serve Nebuchadnezzar, king of Babylon; and they shall serve him. The beasts of the field also do I give to him.
15 Markaas Nebi Yeremyaah wuxuu Nebi Xananyaah ku yidhi, Xananyaahow, bal haatan i maqal. Rabbigu kuma soo dirin, laakiinse waxaad dadkan ka dhigaysaa inay been isku halleeyaan.
Jeremiah the prophet said also to Hananiah the prophet: Hear now, Hananiah! Jehovah hath not sent thee; but thou makest this people to trust in a lie.
16 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, anigu waan kaa fogayn doonaa dhulka korkiisa, oo isla sannaddan ayaad dhiman doontaa, maxaa yeelay, waxaad ku hadashay caasinimo Rabbiga ka gees ah.
Therefore thus saith Jehovah: Behold, I will cast thee off from the face of the earth. This year thou shalt die; for thou hast spoken rebellion against Jehovah.
17 Sidaas daraaddeed Nebi Xananyaah isla sannaddaas bisheedii toddobaad ayuu dhintay.
And Hananiah the prophet died in the same year, in the seventh month.