< Yeremyaah 26 >
1 Bilowgii boqornimadii Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo boqor ka ahaa dalka Yahuudah ayaa erayganu xagga Rabbiga ka yimid, isagoo leh,
In the beginning of the reign of Jehoiakim, the son of Josiah, king of Judah, came this word from Jehovah, saying: —
2 Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad istaagtaa guriga Rabbiga barxaddiisa, oo dadka magaalooyinka dalka Yahuudah oo u yimid inay Rabbiga gurigiisa ku caabudaan oo dhan la hadal, oo erayada aan kugu amro inaad kula hadashid erayna ha ka reebin.
Thus saith Jehovah: Stand in the court of the house of Jehovah, and speak to those who come from all the cities of Judah to worship in the house of Jehovah all the words which I have commanded thee to speak to them; abate not a word.
3 Mindhaa waxaa suurtowda inay ku maqlaan oo mid kastaaba ka soo noqdo jidkiisa sharka ah, inaan anigu ka soo noqdo masiibadii aan u qasdiyey inaan iyaga ku sameeyo sharka falimahooda aawadiis.
If peradventure they will hearken and turn every one from his evil way, that I may repent me of the evil which I purpose to do to them because of their evil doings.
4 Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad i maqli weydaan si aad ugu socotaan sharcigayga aan idin hor dhigay,
And thou shalt say to them, Thus saith Jehovah: If ye will not hearken to me, to walk in my law which I have set before you,
5 oo aad u maqashaan erayada nebiyada addoommadayda ah oo aan idiin soo diro, anigoo goor wanaagsan idiin soo diraya, laakiin innaba ma aydaan dhegaysan,
to hearken to the words of my servants the prophets, whom I sent to you, rising early and sending, and ye have not hearkened,
6 markaas gurigan waxaan ka dhigi doonaa sida Shiiloh oo kale, oo magaaladanna quruumaha dunida oo dhan ayaan habaar uga dhigi doonaa.
then will I make this house like Shiloh, and this city will I make a curse to all the nations of the earth.
7 Oo wadaaddadii iyo nebiyadii iyo dadkii oo dhammuba waxay maqleen Yeremyaah oo erayadan gurigii Rabbiga kagaga dhex hadlaya,
And the priests and the prophets and all the people heard Jeremiah speaking these words in the house of Jehovah.
8 oo markii Yeremyaah uu wada dhammeeyey hadalkii uu Rabbigu ku amray inuu dadka oo dhan kula hadlo ayaa wadaaddadii, iyo nebiyadii, iyo dadkii oo dhammu isagii qabteen, oo waxay ku yidhaahdeen, Hubaal waa inaad dhimataa!
And when Jeremiah had made an end of speaking all that Jehovah had commanded him to speak to all the people, then the priests and the prophets and all the people seized him, and said, Thou shalt surely die!
9 Bal maxaad magaca Rabbiga wax ugu sii sheegtay adigoo leh, Guriganu wuxuu noqon doonaa sidii Shiiloh oo kale, oo magaaladanuna waxay noqon doontaa cidla oo aan ciduna degganayn? Oo dadkii oo dhammuna Yeremyaah ayay gurigii Rabbiga ugu soo wada urureen.
Why dost thou prophesy in the name of Jehovah, and say, This house shall be as Shiloh, and this city shall be made desolate without an inhabitant? And all the people were assembled together against Jeremiah in the house of Jehovah.
10 Oo amiirradii dalka Yahuudahna markay waxyaalahaas maqleen ayay gurigii boqorka ka soo bexeen oo waxay yimaadeen gurigii Rabbiga, wayna fadhiisteen meesha laga soo galo iridda cusub ee guriga Rabbiga.
When the princes of Judah heard these things, they went up from the king's house to the house of Jehovah, and sat in the entrance of the new gate of the house of Jehovah.
11 Markaasaa wadaaddadii iyo nebiyadii la hadleen amiirradii iyo dadkii oo dhan, oo waxay yidhaahdeen, Ninkanu dhimashuu istaahilaa, waayo, magaaladan ayuu wax ka sii sheegay sidii idinkuba aad dhegihiinna ku maqasheen.
Then spake the priests and the prophets to the princes and to all the people, saying: This man is worthy to die; for he hath prophesied against this city, as ye have heard with your ears.
12 Markaas Yeremyaah wuxuu la hadlay amiirradii oo dhan iyo dadkii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga ayaa ii soo diray inaan gurigan iyo magaaladanba ka sii sheego erayadii aad maqasheen oo dhan.
Then spake Jeremiah to all the princes and to all the people, saying: Jehovah hath sent me to prophesy against this house, and against this city, all the words which ye have heard.
13 Haddaba jidadkiinna iyo falimihiinnaba hagaajiya, oo codka Rabbiga Ilaahiinna ah addeeca, oo Rabbiguna wuu ka soo noqon doonaa masiibadii uu idinkaga hadlay.
But now amend ye your ways and your doings, and obey the voice of Jehovah, your God, and Jehovah will repent of the evil which he hath pronounced against you.
14 Bal eega, anigu gacmihiinnaan ku jiraa, haddaba iigu sameeya sida idinla wanaagsan oo idinla qumman.
And as for me, behold, I am in your hands; do to me as it seemeth good and right in your eyes.
15 Laakiinse bal si xaqiiq ah u ogaada, haddaad i dishaan, waxaad nafsaddiinna iyo magaaladan iyo dadka degganba u soo jiidaysaan dhiig aan xaq qabin, waayo, sida runta ah Rabbiga ayaa ii soo diray xaggiinna inaan dhegihiinna oo dhan erayadan maqashiiyo.
But know ye for certain that, if ye put me to death, ye shall surely bring innocent blood upon yourselves, and upon this city, and its inhabitants; for of a truth Jehovah hath sent me to you to speak all these words in your ears.
16 Markaasaa amiirradii iyo dadkii oo dhammu waxay wadaaddadii iyo nebiyadii ku yidhaahdeen, Ninkanu dhimasho ma istaahilo, waayo, wuxuu nagula hadlay magicii Rabbiga Ilaaheenna ah.
Then said the princes and all the people to the priests and the prophets: This man is not worthy to die, for he hath spoken to us in the name of Jehovah, our God.
17 Markaas waxaa istaagay qaar ka mid ah waayeelladii dalka oo waxay la hadleen shirkii dadka oo dhan, iyagoo leh,
Certain elders of the land also rose up, and spoke to all the assembly of the people, saying:
18 Miikaah kii reer Mooreshed ayaa wax sii sheegay wakhtigii Xisqiyaah uu boqorka ka ahaa dalka Yahuudah, oo dadka Yahuudah oo dhan ayuu la hadlay, oo wuxuu yidhi, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Siyoon waxaa loo jeexi doonaa sida beer oo kale, oo Yeruusaalemna waxay noqon doontaa taallooyin burbur ah, oo buurta guriguna waxay noqon doontaa sidii meelaha sarsare ee kaynta ku yaal oo kale.
Micah, the Morasthite, prophesied in the days of Hezekiah, king of Judah, and spake to all the people of Judah, saying, Thus saith Jehovah of hosts: Zion shall be ploughed like a field, and Jerusalem shall become heaps of stones, and the mountain of the house [[of Jehovah]] as the heights of a forest.
19 Haddaba Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo dadka Yahuudah oo dhammu miyey isagii dileen? Oo miyuusan isagu Rabbiga ka cabsan, oo uusan Rabbiga baryin, oo Rabbiguna miyuusan ka soo noqon masiibadii uu iyaga kaga hadlay? Innagu masiibo weyn ayaynu nafteenna u soo jiidi lahayn haddaan isaga dilno.
Did Hezekiah, king of Judah, and all Judah, put him to death? Did he not fear Jehovah, and beseech Jehovah, so that Jehovah repented of the evil which he had pronounced against them? Shall we then bring so great an evil upon ourselves?
20 Oo weliba waxaa kaloo jiray nin magaca Rabbiga wax ku sii sheegay, waana Uuriyaah ina Shemacyaah oo ahaa reer Qiryad Yecaariim, oo isna wuxuu magaaladan iyo dalkanba ka sii sheegay wax erayada Yeremyaah oo dhan waafaqsan.
There was also another man that prophesied in the name of Jehovah, Urijah, the son of Shemaiah of Kirjath-jearim, who prophesied against this city and this land, according to all the words of Jeremiah;
21 Oo markii Boqor Yehooyaaqiim, iyo raggiisii xoogga badnaa oo dhan, iyo amiirradii oo dhammu ay erayadiisii maqleen ayaa boqorkii damcay inuu isaga dilo, laakiinse Uuriyaah markuu xaalkaas maqlay ayuu baqay, oo intuu cararay ayuu dalkii Masar tegey.
and when Jehoiakim the king, and all his mighty men, and all the princes, heard his words, the king sought to put him to death. But when Urijah heard it, he was afraid, and fled and went into Egypt.
22 Markaasaa Boqor Yehooyaaqiim rag u diray dalkii Masar, waxayna ahaayeen Elnaataan ina Cakboor iyo rag kale oo isaga dalkii Masar u raacay.
But Jehoiakim the king sent men into Egypt, Elnathan the son of Achbor, and certain men with him into Egypt,
23 Oo iyana dalkii Masar ayay Uuriyaah ka soo bixiyeen, oo waxay u keeneen Boqor Yehooyaaqiim, oo isna seef buu isagii ku dilay, oo meydkiisiina wuu ku dhex tuuray qabuuraha dadka.
and they brought Urijah out of Egypt, and carried him to King Jehoiakim, who slew him with the sword, and cast his dead body into the graves of the common people.
24 Habase ahaatee Axiiqaam ina Shaafaan gacantiisu way la jirtay Yeremyaah inayan isaga ku ridin dadka gacantiisa si ay u dilaan.
Nevertheless, the hand of Ahikam, the son of Shaphan, was with Jeremiah, that he should not be delivered into the hand of the people, to be put to death.