< Yeremyaah 24 >

1 Markii Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon uu maxaabiis ahaan u kaxaystay Yekonyaah ina Yehooyaaqiim oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo amiirradii dadka Yahuudah, iyo saanacyadii, iyo birtumayaashiiba oo uu ka kaxaystay Yeruusaalem oo Baabuloon geeyey dabadeed Rabbigu wax buu i tusay, oo waxaan arkay laba dambiilood oo berde ah oo macbudka Rabbiga hor yaal.
Bwana alinionyeshea kitu. Tazama, vikapu viwili vya tini viliwekwa mbele ya hekalu la Bwana. (Maono haya yalitokea baada ya Nebukadreza, mfalme wa Babeli, kumchukua mateka Yekonia mwana wa Yehoyakimu, mfalme wa Yuda, maofisa wa Yuda, mafundi na wafua vyuma kutoka Yerusalemu na kuwapeleka Babeli.)
2 Oo dambiilaha midkood waxaa ku jiray berde aad u wanaagsan, oo la moodo sidii midho berde oo hore u bislaaday, oo dambiisha kalena waxaa ku jiray midho berde oo aad u xun, oo xumaantooda aawadeedna aan innaba la cuni karin.
Kikapu kimoja cha tini kilikuwa nzuri sana, kama tini za kwanza zilizoiva, lakini kikapu kingine cha tini zilizokuwa mbaya sana zisizoweza kuliwa.
3 Markaas Rabbigu wuxuu igu yidhi, Yeremyaahow, maxaad aragtaa? Oo aniguna waxaan idhi, Waxaan arkaa midho berde. Midhaha berde oo wanaagsan aad bay u wanaagsan yihiin, kuwa xumuna aad bay u xun yihiin, oo xumaantooda aawadeed innaba lama cuni karo.
Bwana akaniambia, “Unaona nini Yeremia?” Nikasema, “Tini. Tini ambazo ni nzuri sana na tini ambazo ni mbaya sana haziwezi kuliwa.”
4 Markaas waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo leh,
Ndipo neno la Bwana likanijia, kusema,
5 Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Sida midhahaas berde oo wanaagsan ayaan wanaag aawadiis u aqoonsan doonaa maxaabiista dadka Yahuudah oo aan meeshan ka diray, oo aan dalka reer Kaldayiin u geeyey.
“Bwana, Mungu wa Israeli, asema hivi: nitawaangalia mateka wa Yuda kwa manufaa yao, kama vile tini hizi nzuri, nilipowatoa mateka kutoka hapa mpaka nchi ya Wakaldayo.
6 Waayo, waxaan indhahayga iyaga ugu hayn doonaa wanaag aawadiis, oo dalkan baan ku soo celin doonaa, waanan dhisi doonaa, oo innaba ma aan dumin doono, waanan beeri doonaa, oo innaba ma aan rujin doono.
Nitaweka macho yangu kwao wapate mema na kuwarejeshea nchi hii. Nitawajenga, wala sitawaangamiza.
7 Oo waxaan iyaga siin doonaa qalbi ay igu gartaan, si ay u ogaadaan inaan anigu Rabbiga ahay, oo waxay noqon doonaan dadkaygii, anna waxaan noqon doonaa Ilaahoodii, waayo, qalbigooda oo dhan way iigu soo noqon doonaan.
Nitawapanda, wala sitawang'oa. Ndipo nitawapa moyo wa kunijua; kwa kuwa mimi ndimi Bwana. Watakuwa watu wangu na mimi nitakuwa Mungu wao, hivyo watanirudia kwa moyo wao yote.
8 Rabbigu wuxuu leeyahay, Midhaha berde oo xun oo xumaantooda aawadeed aan innaba la cuni karin, hubaal sidaas oo kalaan u xoori doonaa Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, iyo amiirradiisa, iyo kuwa reer Yeruusaalem ah oo dalkan ku dhex hadhay, iyo kuwa dalka Masar degganba.
Lakini kama vile tini mbaya ambazo ni hazifai kuliwa - asema Bwana - nitatenda hivi kwa Sedekia, mfalme wa Yuda, pamoja na viongozi wake, na pamoja na wengine wa Yerusalemu ambao wanabaki katika nchi hii au kwenda kukaa katika nchi ya Misri.
9 Oo waxaan ka dhigi doonaa inay boqortooyooyinka dunida oo dhan hor iyo dib ku dhex rogrogmadaan, oo meelaha aan iyaga u kaxayn doono oo dhanba waxay ku noqon doonaan cay iyo maahmaah iyo halqabsi iyo habaar.
Nitawafanya kuwa kitu cha kutisha, wapate maafa, mbele ya falme zote duniani, aibu na somo kwa mithali, matusi, na laana mahali pote nitakapowafukuza.
10 Oo waxaan dhexdooda ku soo dayn doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, ilaa ay ka wada baabba'aan dalkii aan siiyey iyaga iyo awowayaashoodba.
Nitatuma upanga, njaa, na tauni dhidi yao watapotelea mbali kutoka kwenye nchi niliyowapa wao na baba zao.”

< Yeremyaah 24 >