< Yeremyaah 23 >

1 Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogay adhijirrada idihii daaqsintayda baabbi'iya oo kala firdhiya!
“Kaiton makiyayan da suka hallakar suka kuma warwatsar da tumakin makiyayanta!” In ji Ubangiji.
2 Sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay adhijirrada dadkayga daajiya, Adhigaygii waad kala firdhiseen, waadna kala erideen, oo soomana aydnaan ilaalin. Bal eega, waxaan idiin ciqaabi doonaa sharkii falimihiinna, ayaa Rabbigu leeyahay.
Saboda haka ga abin da Ubangiji, Allah na Isra’ila yana ce wa makiyayan da suke lura da mutanena, “Domin kun watsar da garkena kuka kuma kore su ba ku kuma lura da su ba, zan kawo hukunci a kanku saboda muguntar da kuka yi,” in ji Ubangiji.
3 Oo intii adhigayga ka hadhayna waxaan ka soo wada ururin doonaa waddammadii aan u kexeeyey oo dhan, waanan ku soo celin doonaa xeryahoodii, oo wax badan way dhali doonaan, wayna tarmi doonaan.
“Ni kaina zan tattara raguwar garkena daga ƙasashen da na kore su zuwa zan kuma dawo da su ga makiyayansu, inda za su yi ta haihuwa su riɓaɓɓanya.
4 Oo waxaan iyaga u yeeli doonaa adhijirro daajiya, oo mar dambe ma ay baqi doonaan, mana ay nixi doonaan, oo innaba midna kama dhimmanaan doono.
Zan sa makiyaya a kansu waɗanda za su lura da su, ba za su ƙara jin tsoro ko razana ba, ba kuwa waninsu da zai ɓace,” in ji Ubangiji.
5 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa soo socda wakhti aan Daa'uud u kicin doono biqil xaq ah, oo boqor ayuu ahaan doonaa, wuuna liibaani doonaa, oo wuxuu dhulka ku samayn doonaa caddaalad iyo xaqnimo.
“Kwanaki suna zuwa,” in ji Ubangiji, “sa’ad da zan tā da wa Dawuda Reshen adalci, Sarki wanda zai yi mulki da hikima ya kuma yi abin da yake gaskiya da kuma daidai a ƙasar.
6 Oo wakhtigiisa dadka Yahuudah way badbaadi doonaan, oo dadka Israa'iilna ammaan bay ku degganaan doonaan, oo magiciisa lagu magacaabi doonona waa Rabbiga Xaqnimadayada ah.
A cikin zamaninsa za a ceci Yahuda Isra’ila kuma zai zauna lafiya. Sunan da za a kira shi ke nan, Ubangiji Adalcinmu.
7 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa soo socda wakhti aan mar dambe la odhan doonin, Waxaa nool Rabbigii reer binu Israa'iil dalkii Masar ka soo bixiyey.
“Saboda haka fa, kwanaki suna zuwa,” in ji Ubangiji, “sa’ad da mutanen ba za su ƙara cewa, ‘Muddin Ubangiji yana raye, wanda ya fito da Isra’ila daga Masar ba,’
8 Laakiinse waxaa la odhan doonaa, Waxaa nool Rabbigii farcankii reer binu Israa'iil ka soo bixiyey oo ka soo hor kacay dalkii woqooyi, iyo dalalkii uu u kexeeyey oo dhan, oo iyana waxay degganaan doonaan dalkooda.
amma za su ce, ‘Muddin Ubangiji yana raye, wanda ya fito da zuriyar Isra’ila daga ƙasar arewa da kuma daga dukan ƙasashen da ya yashe su.’ Sa’an nan za su zauna a ƙasarsu.”
9 Qalbigaygii uurkayguu ku qarracmay waana nebiyada daraaddood, lafahayga oo dhammu way wada ruxmadaan, oo waxaan la mid ahay nin sakhraan ah oo khamri ka adkaaday, waana Rabbiga iyo erayadiisa quduuska ah daraaddood.
Game da annabawa kuwa, Zuciyata ta karai; dukan ƙasusuwana suna kaɗuwa. Na zama kamar wanda ya bugu, kamar mutumin da ruwan inabi ya sha kansa, saboda Ubangiji da kuma maganarsa mai tsarki.
10 Dalka waxaa ka buuxa dhillayo, oo habaar daraaddiis ayaa dalkii la barooranayaa. Daaqsimihii duurku way wada engegeen. Socodkoodu waa shar oo xooggooduna ma qummana.
Ƙasar ta cika da mazinata; saboda la’ana ƙasar ta zama kango makiyaya a hamada ta bushe. Annabawa suna bin mugayen muradu suna kuma amfani da ƙarfinsu a hanyar marar kyau.
11 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Nebigii iyo wadaadkiiba nijaas bay wada yihiin, oo gurigayga ayaan xumaantoodii ka helay.
“Annabi da firist dukansu biyu marasa sanin Allah ne; har ma a cikin haikalina na tarar da muguntarsu,” in ji Ubangiji.
12 Sidaas daraaddeed jidkoodu wuxuu u noqon doonaa sida meelo sibiibix ah oo gudcur ku dhex yaal. Iyaga waa lagu sii kaxayn doonaa oo halkaasay ku dhici doonaan, waayo, sannadda ciqaabiddooda masiibo baan ku soo dayn doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay.
“Saboda haka hanyarsu za tă yi santsi; za a jefar da su cikin duhu a can kuwa za su fāɗi. Zan kawo musu masifa a shekarar da za a hukunta su,” in ji Ubangiji.
13 Oo nebiyada Samaariyana nacasnimaan ku arkay. Waxay wax ku sii sheegeen Bacal magiciisa, oo dadkaygii reer binu Israa'iilna way qaldeen.
“A cikin annabawan Samariya na ga wannan abin banƙyama. Suna annabci ta wurin Ba’al suna ɓad da mutanena Isra’ila.
14 Oo nebiyadii Yeruusaalemna wax aad iyo aad u xun, baan ku arkay. Way sinaystaan, oo been bay ku socdaan, oo weliba waxay sii xoogeeyaan gacmaha xumaanfalayaasha, si aan midnaba xumaantiisa uga soo noqon. Iyagu kulligood waxay iila mid noqdeen sidii Sodom, oo kuwii degganaana sidii Gomora oo kale.
A cikin annabawan Urushalima kuma na ga wani abin bantsoro. Suna zina suna kuma rayuwar ƙarya. Sun ƙarfafa hannuwa masu aikata mugunta, domin kada wani ya juya daga muguntarsa. Dukansu sun yi kama da Sodom a gare ni; mutanen Urushalima sun yi kama da Gomorra.”
15 Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammadu wuxuu nebiyada ka leeyahay, Bal ogaada, waxaan iyaga ku quudin doonaa dacar, oo waxaan cabsiin doonaa biyo xammeetiyeed, waayo, nijaas baa nebiyada Yeruusaalem ka soo faaftay oo waxay wada gaadhay dalka oo dhan.
Saboda haka, ga abin da Ubangiji Maɗaukaki yana cewa game da annabawa, “Zan sa su ci abinci mai ɗaci su kuma sha ruwa mai dafi, domin daga annabawan Urushalima rashin sani Allah ya bazu ko’ina a ƙasar.”
16 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Nebiyada wax idiin sii sheega hadalkooda ha maqlina, waayo, wax aan waxba ahayn way idin baraan, oo waxay ku hadlaan riyo qalbigooda ka timid oo aan afka Rabbiga ka soo bixin.
Ga abin da Ubangiji Maɗaukaki yana cewa, “Kada ku saurari abin da annabawan suke muku annabci; suna cika ku da sa zuciyar ƙarya. Suna maganar wahayi daga tunaninsu, ba daga bakin Ubangiji ba.
17 Oo waxay had iyo goorba kuwa i quudhsada ku yidhaahdaan, Rabbigu wuxuu yidhi, Nabad baad helaysaan. Oo waxay mid kasta oo caasinimada qalbigiisa daba galana ku yidhaahdaan, Wax masiibo ahu innaba kugu dhici maayaan.
Suna cin gaba da ce wa waɗanda suka rena ni, ‘Ubangiji ya ce za ku zauna lafiya.’ Ga duka waɗanda suke bin taurin zukatansu kuwa sukan ce, ‘Babu lahanin da zai same ku.’
18 Waayo, bal yaa guddiga Rabbiga dhex istaagay inuu garto oo maqlo eraygiisa? Yaase eraygiisa dhegta u dhigay oo soo maqlay?
Amma wane ne a cikinsu ya taɓa tsaya a majalisar Ubangiji yă ga ko ya ji maganarsa? Wa ya saurari ya kuma ji maganarsa?
19 Bal eega, duufaankii Rabbiga ayaa soo baxay, kaasoo ah cadhadiis, waana dabayl cirwareen ah, oo waxay ku dhici doontaa madaxa sharrowyada.
Ga shi, hadarin Ubangiji zai taso cikin hasala guguwa tana kaɗawa a kan kawunan mugaye.
20 Rabbiga xanaaqiisu dib u noqon maayo jeeruu sameeyo oo wada oofiyo qasdiga qalbigiisa, oo ugudambaystana aad baad u garan doontaan.
Fushin Ubangiji ba zai kau ba sai ya aikata nufin zuciyarsa. A kwanakin masu zuwa za ku gane sarai.
21 Anigu nebiyadaas sooma aan dirin, laakiinse way ordeen oo iyaga lama aan hadlin, laakiinse wax bay sii sheegeen.
Ban aiki waɗannan annabawa ba, duk da haka sun tafi da saƙonsu; ban yi musu magana ba, duk da haka sun yi annabci.
22 Haddii ay guddigayga dhex istaageen, de markaas dadkaygay erayadayda maqashiin lahaayeen, oo waxay iyaga ka soo celin lahaayeen jidkooda xun iyo sharka falimahoodaba.
Amma da a ce sun tsaya a majalisata, da sun yi shelar maganata ga mutanena sun kuma juyar da su daga mugayen hanyoyinsu da kuma daga mugayen ayyukansu.
23 Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu ma waxaan ahay Ilaah dhow, oo miyaanan ahayn Ilaah fog?
“Ni ɗin Allah na kusa ne kawai,” in ji Ubangiji, “ba Allah na nesa ba?
24 Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaa cidi isku qarin kartaa meelo qarsoon oo aanan ka arki karin? Waxaa kaluu Rabbigu leeyahay, Anigu sow kama buuxo cirka iyo dhulkaba?
Akwai wanda zai iya ɓuya a lungu har da ba zan iya ganinsa ba?” In ji Ubangiji “Ban cika sama da ƙasa ba?” In ji Ubangiji.
25 Waan maqlay wixii ay yidhaahdeen nebiyada magacayga beenta ku sii sheega oo yidhaahda, Waan riyooday, waan riyooday.
“Na ji abin da annabawa suna cewa su da suke annabcin ƙarya a sunana. Suna cewa, ‘Na yi mafarki! Na yi mafarki!’
26 Ilaa goormay waxanu ku sii jirayaan qalbiga nebiyada beenta sii sheega? Iyagu waa nebiyo sii sheega khiyaanada qalbigooda.
Har yaushe wannan zai ci gaba a cikin zukata annabawa masu ƙarya, waɗanda suke annabcin ruɗun tunaninsu?
27 Waxay u malaynayaan inay dadkayga magacayga ku illowsiiyaan riyooyinkooda midkood kastaba uu deriskiisa u sheego, sidii awowayaashoodba ay magacayga ugu illoobeen Bacal aawadiis.
Suna tsammanin mafarkan da suke faɗa wa juna za su sa mutane su manta da sunana, kamar yadda kakanninsu suka manta da sunana ta wurin yin wa Ba’al sujada.
28 Rabbigu wuxuu leeyahay, Nebigii riyo arkay, riyadiisa ha sheego, oo kii eraygayga maqlayna si daacad ah eraygayga ha u sheego. Buunshaha iyo sarreenka bal maxaa u kala dhexeeya?
Bari annabin da ya yi mafarki ya faɗa mafarkinsa, amma bari wanda yake da maganata ya yi ta da aminci. Gama me ya haɗa ciyawa da alkama?” In ji Ubangiji.
29 Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaan eraygaygu ahayn sida dab oo kale, iyo sida dubbe dhagaxa kala burburiya oo kale?
“Maganata ba wuta ba ce,” in ji Ubangiji, “kuma kamar gudumar da kan ragargaza dutse?
30 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu waxaan col ku ahay nebiyada midkood kastaba erayadayda ka xada deriskiisa.
“Saboda haka,” in ji Ubangiji, “Ina gāba da annabawan da suke satar maganganuna daga juna.
31 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, col baan ku ahay nebiyada carrabkooda ku isticmaala oo yidhaahda, Saasuu Rabbigu leeyahay.
I,” in ji Ubangiji, “Ina gāba da annabawan da suke kaɗa harsunansu sa’an nan su ce, ‘Ubangiji ne ya furta.’
32 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, col baan ku ahay kuwa wax ku sii sheega riyooyin been ah, oo intay u warramaan dadkayga ku qalda beentooda iyo faankooda aan waxtarka lahayn. Rabbigu waxaa kaluu leeyahay, Anigu iyaga ma soo dirin, oo innaba mana amrin, oo iyagu dadkan waxba kuma tari doonaan.
Tabbatacce, ina gāba da waɗannan da suke annabci mafarkan karya,” in ji Ubangiji. “Suna faɗarsu suna ɓad da mutanena da ƙarairayinsu na rashin hankali, duk da haka ban aike su ba, ban kuwa umarce su ba. Ba su amfani wannan mutane ba ko kaɗan,” in ji Ubangiji.
33 Oo markii dadkan ama nebi ama wadaad uu ku weyddiiyo, oo uu kugu yidhaahdo, Rabbiga warkiisa culus waa maxay? Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Waa war maxay ah? Waan idin xoorayaa, ayaa Rabbigu leeyahay.
“Sa’ad da waɗannan mutane, ko annabi ko firist, ya tambaye ka, ‘Mece ce maganarUbangiji?’ Ka ce musu, ‘Wace magana? Zan yashe ku, in ji Ubangiji.’
34 Oo weliba nebigii iyo wadaadkii iyo dadkii odhan doona, Waa kan warka culus ee Rabbiga, ninkaas iyo reerkiisaba waan ciqaabi doonaa.
In annabi ko firist ko da wani dabam ya ce, ‘Wannan ne abin da Ubangiji yake cewa,’ zan hukunta wannan mutum da kuma gidansa.
35 Midkiin kastaaba wuxuu deriskiisa ku odhan doonaa, oo midkiin kastaaba wuxuu walaalkiis ku odhan doonaa, Muxuu Rabbigu ku jawaabay? Oo muxuu Rabbigu ku hadlay?
Ga abin da kowannenku yana cin gaba da ce wa abokinsa ko danginsa, ‘Mece ce amsar Ubangiji?’ Ko kuwa ‘mene ne Ubangiji ya faɗa?’
36 Oo Rabbiga warkiisa culusna mar dambe kama aad hadli doontaan, waayo, nin walba eraygiisaa war culus u noqon doona, maxaa yeelay, idinku waxaad qalloociseen erayadii Ilaaha nool oo ah Rabbiga ciidammada oo ah Ilaahayaga.
Amma kada ku ƙara ambatar ‘maganar Ubangiji’ domin kowace maganar mutum kan zama maganarsa. Ta haka kukan lalace maganar Allah mai rai, Ubangiji Maɗaukaki, Allahnmu.
37 Waxaad nebiga ku tidhaahdaa, Muxuu Rabbigu kuugu jawaabay? Oo muxuu Rabbigu ku hadlay?
Ga abin da za ku ci gaba da faɗa wa annabi, ‘Mece ce amsar Ubangiji gare ka?’ Ko kuwa ‘mene ne Ubangiji ya faɗa?’
38 Laakiinse haddaad tidhaahdaan, Waa warka culus ee Rabbiga, Rabbigu wuxuu idinku leeyahay, Idinku waxaad tidhaahdaan erayadan oo ah, Waa warka culus ee Rabbiga, oo sidaas daraaddeed baan idiinku soo cid diray anigoo idinku leh, Waa inaadan odhan, Waa warka culus ee Rabbiga.
Ko da yake kuna cewa, ‘Wannan ce maganar Ubangiji,’ ga abin da Ubangiji yana cewa kuna amfani da kalmomi, ‘Wannan ce maganar Ubangiji,’ ko da yake na ce muku kada ku ce, ‘Wannan ce maganar Ubangiji.’
39 Sidaas daraaddeed bal ogaada, Aniga qudhayda ayaa giddigiin idin illoobi doona, waanan idin xoori doonaa idinka iyo magaaladii aan idinka iyo awowayaashiinba siiyey, oo hortaydana waan idinka fogayn doonaa.
Saboda haka, tabbatacce zan manta da ku in kuma jefar da ku daga gabana tare da birnin da na ba ku da kuma kakanninku.
40 Oo waxaan idinku soo dejin doonaa cay aan weligeed idinka hadhayn, iyo ceeb had iyo goorba idinku dul waaraysa, oo aan marnaba la illoobayn.
Zan kawo muku madawwamiyar kunya, kunya ta har abada wadda ba za a taɓa manta ba.”

< Yeremyaah 23 >