< Yeremyaah 22 >

1 Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad u dhaadhacdaa guriga boqorka dalka Yahuudah, oo halkaas eraygan kaga hadal,
Bwana asema hivi, “Nenda kwenye nyumba ya mfalme wa Yuda, utangaze neno hili huko.
2 oo waxaad tidhaahdaa, Boqorka dalka Yahuudah ee carshiga Daa'uud ku fadhiyow, bal erayga Rabbiga maqal, adiga iyo addoommadaada iyo dadkaaga irdahan soo galow, wada maqla.
Ukaseme, 'Ewe Mfalme wa Yuda, wewe aliyeketi kiti cha Daudi, usikilize neno la Bwana. Nisikilizeni, enyi watumishi wake, na ninyi, watu wake mnaokuja kwa malango haya.
3 Rabbigu wuxuu leeyahay, Caddaalad iyo xaqnimo sameeya, oo kii la dhacay kii dulmay ka samatabbixiya, oo ha dulminina, hana xumaynina, hana wax yeelina qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka toona, oo meeshanna dhiig aan xaq qabin ha ku daadinina.
Bwana asema hivi, “Fanya haki na uadilifu, na mtu yeyote ambaye ameibiwa-muokoeni kutoka mkononi mwa mshindani. Usimtendee mabaya mgeni yeyote katika nchi yako, au yatima au mjane. Usifanye vurugu au kumwaga damu isiyo na hatia mahali hapa.
4 Waayo, sida xaqiiqada ah idinku haddaad waxyaalahan samaysaan, markaas boqorro carshigii Daa'uud ku fadhiisan doona ayaa irdaha gurigan soo geli doona, iyagoo fuushan gaadhifardood iyo fardo, iyaga, iyo addoommadooda iyo dadkooduba.
Kwa kuwa mkifanya mambo hayo, basi wafalme wanaoketi kiti cha Daudi wataingia milango ya nyumba hii wakiendesha gari na farasi, yeye, watumishi wake, na watu wake!
5 Laakiinse haddaad erayadan maqli weydaan, Rabbigu wuxuu leeyahay, Nafsaddaydaan ku dhaartaye guriganu cidluu noqon doonaa.
Lakini ikiwa hamsikilizi maneno haya kutoka kwangu ambayo nimeyasema-hili ndilo tamko la Bwana-basi nyumba hii ya kifalme itaharibiwa.'”
6 Waayo, Rabbigu wuxuu ku leeyahay reerka boqorka Yahuudah, Adigu waxaad ii tahay sida Gilecaad iyo sida Buur Lubnaan dhaladeeda oo kale, laakiinse sida xaqiiqada ah waxaan kaa dhigi doonaa cidla, iyo sida magaalooyin aan ciduna degganayn oo kale.
Kwa maana Bwana asema hivi juu ya nyumba ya mfalme wa Yuda, “Wewe uko kama Gileadi, au kama kilele cha Lebanoni kwangu. Hata hivyo nitakugeuza kuwa jangwa, katika miji isiyo na wenyeji.
7 Oo waxaan kuu diyaarin doonaa kuwa ku baabbi'inaya oo midkood kastaaba hubkiisii sito, oo geedahaaga la doortay oo kedarka ah way jari doonaan, oo dab bay ku dhex tuuri doonaan.
Kwa kuwa nimewaagiza waharibifu kuja juu yenu! Watu wenye silaha zao watakata mierezi yako iliyo bora na kuiacha kuanguka kwenye moto.
8 Oo quruumo badan baa magaaladan soo ag mari doona, oo midkood kastaaba wuxuu deriskiisa ku odhan doonaa, Rabbigu muxuu sidan magaaladan weyn ugu galay?
Kisha mataifa mengi yatapita kwenye mji huu. Kila mtu atamwambia yule anayefuata, “Mbona Bwana amefanya hivi kwa jiji hili kuu?”
9 Oo iyana waxay ugu jawaabi doonaan, Maxaa yeelay, axdigii Rabbiga Ilaahooda ah ayay ka tageen, oo waxay caabudeen oo u adeegeen ilaahyo kale.
Na mwingine atajibu, “Kwa sababu waliiacha agano la Bwana, Mungu wao, wakainama kwa miungu mingine, wakaiabudu.”
10 Kii dhintay ha u ooyina, hana u barooranina, laakiinse waxaad aad ugu ooydaan kii dhoofa, waayo, isagu mar dambe ma soo noqon doono, oo dalkiisii hooyo ee uu ku dhashayna ma uu arki doono.
Usilie kwa ajili ya aliyekufa. Usiomboleze kwa ajili yake. Lakini mlilie mtu yeyote anayeingia kifungoni, kwa maana hatarudi tena kuiona nchi aliyozaliwa.'
11 Waayo, Rabbigu wuxuu ka leeyahay Shalluum ina Yoosiyaah oo ahaa boqorkii Yahuudah, kaasoo boqor ka noqday meeshii aabbihiis Yoosiyaah, oo meeshan ka baxay, Isagu mar dambe halkan kuma soo noqon doono,
Maana Bwana asema hivi juu ya Yehoahazi, mwana wa Yosia, mfalme wa Yuda, aliyekuwa mfalme badala ya Yosia babaye, 'ametoka mahali hapa, wala hatarudi.
12 laakiinse wuxuu ku dhiman doonaa meeshii ay isaga maxaabiis ahaan ugu kaxaysteen, oo dalkan mar dambe ma uu arki doono.
Atakufa huko mahali ambapo walimchukua mateka, na hataiona tena nchi hii.'
13 Waxaa iska hoogay ninka gurigiisa xaqdarro ku dhistaa, oo qolalkiisana caddaaladdarro ku dhista, oo intuu deriskiisa adeegsado aan mushahaaro siin, oo aan shuqulkiisii waxba u siin,
Ole mtu yeyote anayejenga nyumba yake kwa uovu na vyumba vyake vya juu katika udhalimu; ambao wengine hufanya kazi, lakini hawalipwi.
14 oo yidhaahda, Anigu waxaan dhisan doonaa guri ballaadhan iyo qolal waaweyn, oo daaqado samaysta, oo saqafkiisa hoose ka dhiga qoryo kedar ah, oo rinji cas mariya.
Ole mtu yeyote atakayesema, 'Nitajenga nyumba ndefu na vyumba vya juu vipana, na hujenga madirisha mapana, na kuta zenye mwerezi, na huipaka rangi nyekundu.'
15 Ma waxaad u malaynaysaa inaad boqor tahay qoryo kedar ah oo aad ku loollamaysid aawadood? Aabbahaa isagoo wax cunaya oo wax cabbaya miyuusan caddaalad iyo xaqnimo samayn jirin? Oo markaas isagu sow ma nabdoonayn?
Je, hii ndiyo inakufanya uwe mfalme mzuri, kwamba unataka kuwa na mbao za mwerezi? Je baba yako hakula na kunywa, lakini lakini alifanya hukumu na haki? Kisha mambo yakawa mazuri kwa ajili yake.
16 Isagu miskiinka iyo saboolka baahan buu u garsoori jiray, oo markaasuu nabdoonaa. Rabbigu wuxuu leeyahay, In lay aqoonsado sow taasu ma aha?
Alihukumu maneno ya masikini na mhitaji. Ilikuwa vizuri. Je, huku siko kunijua mimi? - hili ni tamko la Bwana.
17 Laakiinse indhahaaga iyo qalbigaagu waxay keliyahoo u diyaar yihiin faa'iidadaada xaqdarrada ah, iyo inay dhiig aan xaq qabin daadiyaan, iyo inay dulmi iyo waxyeelid sameeyaan.
Lakini hakuna kitu machoni na moyoni mwako isipokuwa wasiwasi kwa faida yako isiyo ya haki na kwa kumwaga damu isiyo na hatia, kwa ukandamizaji kuwatendea jeuri wengine.
18 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ka leeyahay Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, Isaga looma barooran doono, iyagoo leh, Hoogay walaalkayow, amase Hoogay walaashayay! Oo isaga looma barooran doono iyagoo leh, Hoogay sayidow, amase Hoogay isagu sharaf badnaaye!
Kwa hiyo Bwana asema hivi juu ya Yehoyakimu, mwana wa Yosia, mfalme wa Yuda. Hawatamwomboleza wakisema 'ole, ndugu yangu! au 'Ole, dada yangu!' Hawataomboleza kwa kusema 'Ole, bwana! ' au 'ole, utukufu!'
19 Isaga waxaa loo xabaali doonaa sida dameer loo xabaalo oo kale, oo inta la jiido ayaa irdaha Yeruusaalem dibadda looga bixin doonaa.
Atazikwa maziko ya punda, ataburuzwa mbali na kutupwa nje ya milango ya Yerusalemu.
20 Lubnaan u kac oo halkaas ka qayli, oo Baashaan codkaaga kor ugu qaad, oo Cabaariim ka qayli, waayo, kuwii ku jeclaa oo dhan waa la wada baabbi'iyey.
Panda milima ya Lebanoni piga kelele. Paza sauti yako Bashani. Piga kelele kutoka kwenye milima ya Abarimu, kwa maana marafiki zako wote wataharibiwa.
21 Markaad barwaaqaysnayd waan kula hadlay, laakiinse waxaad tidhi, Innaba ku maqli maayo. Oo tan iyo yaraantaadiina sidaasaad ahayd, oo codkaygana ma aadan addeecin.
Nilinena nawe wakati ulioko salama, lakini ukasema, 'Sitasikia.' Hii ilikuwa desturi yako tangu ujana wako, kwani hukusikiliza sauti yangu.
22 Dabaysha ayaa wada qaadi doonta daajiyayaashaada oo dhan, oo kuwa ku jecelna maxaabiis ahaan baa loo wada kaxaysan doonaa. Sida xaqiiqada ah markaas waad ceeboobi doontaa oo waxaad ku sharafjabi doontaa sharnimadaadii aawadeed oo dhan.
Upepo utawalisha wachungaji wako wote, na marafiki zako watakwenda kufungwa. Hakika wewe utakuwa na aibu na kufadhaika kwa matendo yako yote mabaya.
23 Kuwiinna Lubnaan deggan oo geedaha kedarka ah buulka ka samaystow, aad baad ugu taahi doontaan markii xanuun idin qabto sida naag foolanaysa oo kale!
Wewe mfalme, wewe ambaye huishi katika Nyumba ya Msitu wa Lebanoni, wewe aliyefanya kiota kati ya mierezi, utakuwa na hali ya kuhurumiwa utakapopata utungu kama wakati wa kuzaa.”
24 Rabbigu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, xataa haddii Konyaah ina Yehooyaaqiim oo ah boqorka dalka Yahuudah uu ahaan lahaa katuunka gacantayda midig, xataa markaas waan kaa rujin lahaa meeshan.
“Kama mimi niishivyo-hili ndilo tamko la Bwana-hata kama wewe, Konia, mwana wa Yehoyakimu, mfalme wa Yuda, ulikuwa alama ya mkono wangu wa kulia, ningekuangusha.
25 Oo waxaan kuu gelin doonaa gacanta kuwa naftaada doondoonaya, iyo gacanta kuwa aad ka baqaysid, oo ah Nebukadresar oo boqorka Baabuloon ah, iyo reer Kaldayiin.
Kwa kuwa nimewatia mikono ya wale wanaotaka uhai wenu na kwenye mkono wa wale ambao mnawaogopa, hata mkononi mwa Nebukadreza, mfalme wa Babeli na Wakaldayo.
26 Oo adiga iyo hooyadaadii ku dhashayba waxaan ku dhex xoori doonaa dal aydaan ku dhalan, oo halkaasaad ku dhiman doontaan.
Nitawatupa wewe na mama yako aliyekuzaa katika nchi nyingine, nchi ambayo hujazaliwa, na huko utakufa.
27 Laakiinse dalka ay u xiisoonayaan inay ku noqdaan, halkaas innaba kuma ay soo noqon doonaan.
Na kuhusu eneo hili ambalo watataka kurudi, hawatarudi hapa.
28 Ninkan Konyaah ahu ma dheri jabay oo la nacay baa? Ma weel aan la doonayn baa? Bal maxaa isaga iyo farcankiisiiba loo tuuray, oo maxaa loogu dhex xooray dal ayan innaba aqoonin?
Je! Hiki ni chombo kilichodharauliwa na kilichopasuka? Je, Konia ni chombo kilichodharauliwa? Kwa nini wamemtupa yeye na wazao wake, kumpeleka katika nchi wasiyoijua?
29 Dhulkow, dhulkow, dhulkow, bal erayga Rabbiga maqal.
Ee Ardhi, Ardhi, Ardhi! Sikieni neno la Bwana!
30 Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad ninkan ku qortaan sidii madhalays oo kale iyo nin aan cimrigiis liibaanayn, waayo, isaga farcankiisa ninna ka liibaani maayo inuu carshigii Daa'uud ku dul fadhiisto, oo uu dalka Yahuudah mar dambe ka dhex taliyo.
Bwana asema hivi, 'Andika juu ya mtu huyu Konia Yeye hatakuwa na mtoto. Hatafanikiwa wakati wa siku zake, wala hakuna hata mmoja kati ya uzao wake atakayefanikiwa au kuketi tena kwenye kiti cha Daudi na kutawala juu ya Yuda.'”

< Yeremyaah 22 >