< Yeremyaah 15 >

1 Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Xataa haddii Muuse iyo Samuu'eel ay hortayda soo istaagaan, qalbigaygu innaba dadkan uma soo noqon kareen. Hortayda ka fogee iyaga, oo iska daa ha tageene.
Then Jehovah said to me, Though Moses and Samuel stood before me, yet my mind would not be toward this people. Cast them out of my sight, and let them go forth.
2 Oo markay kugu yidhaahdaan, Xaggee baannu tegaynaa? waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu idinku leeyahay, Kuwii dhimashadu waajib ku tahay xagga dhimashada ha tageen, kuwii seeftu xagga seefta, kuwii abaartu xagga abaarta, oo kuwii maxaabiisnimadu xagga maxaabiisnimada.
And it shall come to pass, when they say to thee, Where shall we go forth? Then thou shall tell them, Thus says Jehovah: Such as are for death, to death, and such as are for the sword, to the sword, and such as are for the famine, to the famine, and such as are for captivity, to captivity.
3 Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan korkooda ku soo dayn doonaa belaayo afar cayn ah, waana in seeftu disho, oo eeydu kala dildillaacsadaan, oo haadka samada iyo dugaagga dhulku ay wada laastaan oo ay baabbi'iyaan.
And I will appoint over them four kinds, says Jehovah: the sword to kill, and the dogs to tear, and the birds of the heavens, and the beasts of the earth, to devour and to destroy.
4 Manaseh ina Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wixii uu Yeruusaalem ku dhex sameeyey daraaddood ayaan ka dhigi doonaa inay iyagu boqortooyooyinka dunida oo dhan ku dhex rogrogmadaan hore iyo dib.
And I will cause them to be tossed to and fro among all the kingdoms of the earth, because of Manasseh, the son of Hezekiah, king of Judah, for that which he did in Jerusalem.
5 Waayo, Yeruusaalemay, bal yaa kuu tudhi doona? Yaase kuu barooran doona? Yaase u soo leexan doona inuu sidaad tahay weyddiiyo?
For who will have pity upon thee, O Jerusalem? Or who will bemoan thee? Or who will turn aside to ask of thy welfare?
6 Rabbigu wuxuu leeyahay, Waad iga tagtay, oo dib baad u noqotay, sidaas daraaddeed gacantaydaan kugu soo fidiyey, waanan ku baabbi'iyey, waayo, inaan ciqaabiddaada ka noqdo waan ka daalay.
Thou have rejected me, says Jehovah. Thou have gone backward. Therefore I have stretched out my hand against thee, and destroyed thee. I am weary with relenting.
7 Dalka irdihiisa ayaan iyaga masaf kaga haadiyey, waanan gablamiyey, dadkaygana waan baabbi'iyey, waayo, jidadkoodii kama ay soo noqon.
And I have winnowed them with a fan in the gates of the land. I have bereaved them of sons. I have destroyed my people. They did not return from their ways.
8 Tiradii carmalladooda waan ka sii badiyey cammuudda badaha, oo barbaarrada hooyooyinkood waxaan hadhkii ku soo daayay baabbi'iye. Waxaan si kedis ah ugu dejiyey cidhiidhi iyo cabsi.
Their widows have increased to me above the sand of the seas. I have brought upon them, against the mother of the young men, a destroyer at noonday. I have caused anguish and terrors to fall upon her suddenly.
9 Rabbigu wuxuu leeyahay, Tii toddoba wiil dhashay way caatowday, oo naftiina way ka baxday. Gabbalkeediina waa dhacay iyadoo ay weli maalin tahay. Way ceebowday, wayna wareertay, oo kuwooda hadhayna waxaan u gacangelin doonaa seefta cadaawayaashooda.
She who has borne seven, languishes. She has given up the spirit. Her sun has gone down while it was yet day. She has been put to shame and confounded. And the residue of them I will deliver to the sword before their enemies, says Jehovah.
10 Anigaa iska hoogay, hooyoy, waxaad ii dhashay inaan dunida oo dhan u ahaado nin rabshad iyo dirir miidhan! Weligay ninna korsocod wax uma deymin, oo ninna korsocod wax kama deyman, laakiinse mid kastaaba waa i habaaraa.
Woe is me, my mother, that thou have bore me, a man of strife and a man of contention to the whole earth! I have not lent, nor have men lent to me, yet every one of them curses me.
11 Rabbigu wuxuu yidhi, Sida runta ah waad nabdoonaan doontaa, sida runta ah waxaan ka dhigi doonaa in cadowgu ku baryo wakhtigii masiibo jirto iyo wakhtigii dhib jiro.
Jehovah said, Truly I will strengthen thee for good. Truly I will cause the enemy to make supplication to thee in the time of evil and in the time of affliction.
12 Miyaa bir la jebin karaa, xataa birta woqooyi, iyo naxaasta?
Can a man break iron, even iron from the north, and brass?
13 Maalkaaga iyo khasnadahaaga waxaan u wada bixin doonaa sidii boolida aan loo iibsan, waana dembigaagii aad waddankaaga oo dhan ku dhex samaysay daraaddiis.
Thy substance and thy treasures I will give for a spoil without price. And that for all thy sins, even in all thy borders.
14 Oo waxaan ka dhigi doonaa inaad cadaawayaashaada ula gudubtid dal aadan innaba aqoonin, waayo, waxaa xanaaqaygii ka ololay dab idin gubi doona.
And I will make them to pass with thine enemies into a land which thou know not. For a fire is kindled in my anger, which shall burn upon you.
15 Rabbiyow, wax kastaba waad og tahay, haddaba bal i soo xusuuso, oo i soo booqo, oo iiga aargud kuwa i silcinaya. Ii dulqaado oo ha i fogayn. Ogow inaan aawadaa cay ugu adkaystay.
O Jehovah, thou know. Remember me, and visit me, and avenge me of my persecutors. Take me not away in thy longsuffering. Know that for thy sake I have suffered reproach.
16 Rabbiyow, Ilaaha ciidammadow, erayadaadii waa la helay, oo waan cunay, oo erayadaadu waxay ii ahaayeen farxaddii iyo rayrayntii qalbigayga, waayo, magacaagaa la iigu yeedhaa.
Thy words were found, and I ate them. And thy words were to me a joy and the rejoicing of my heart. For I am called by thy name, O Jehovah, God of hosts.
17 Ma aanan dhex fadhiisan shirka kuwa wax ku qosla, oo ma aanan rayrayn innaba, laakiinse keligay baan gooni u fadhiistay gacantaada i dul saaran aawadeed, waayo, waxaad iga buuxisay dhirif.
I did not sit in the assembly of those who make merry, nor did I rejoice. I sat alone because of thy hand, for thou have filled me with indignation.
18 Bal maxaa xanuunkaygu had iyo goor u sii jiraa, nabarkayguse bal muxuu la raysan waayaa, oo inuu bogsado u diidaa? Sida xaqiiqada ah ma waxaad ii noqonaysaa sidii durdur been ah, iyo sidii biyo sii gudhaya oo kale?
Why is my pain perpetual, and my wound incurable, which refuses to be healed? Will thou indeed be to me as a deceitful brook, as waters that fail?
19 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad soo noqotid, waan ku soo celin doonaa, oo hortaydaad istaagi doontaa. Oo haddaad waxyaalaha qaaliga ah nijaasta ka soocdidna waxaad noqon doontaa sida afkayga oo kale. Iyagu waa inay kuu soo noqdaan, laakiinse adigu waa inaadan xaggooda u noqon.
Therefore thus says Jehovah: If thou return, then I will bring thee again that thou may stand before me. And if thou take forth the precious from the vile, thou shall be as my mouth. They shall return to thee, but thou shall not return to them.
20 Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan dadkan kaaga dhigi doonaa derbi adag oo naxaas ah. Way kula diriri doonaan, laakiinse kaama ay adkaan doonaan innaba, waayo, waan kuula jiraa inaan ku badbaadsho oo aan ku samatabbixiyo.
And I will make thee to this people a fortified brazen wall. And they shall fight against thee, but they shall not prevail against thee. For I am with thee to save thee and to deliver thee, says Jehovah.
21 Oo waxaan kaa samatabbixin doonaa gacanta sharrowyada, waanan kaa badbaadin doonaa gacanta kuwa laga cabsado.
And I will deliver thee out of the hand of the wicked, and I will redeem thee out of the hand of the terrible.

< Yeremyaah 15 >