< Yeremyaah 11 >

1 Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, isagoo leh,
Hili ndilo neno lililojia Yeremia kutoka kwa Bwana, akasema,
2 Axdigan erayadiisa dhegayso, oo dadka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganba la hadal.
“Sikiliza maneno ya agano hili, uwaambie kila mtu wa Yuda na wenyeji wa Yerusalemu.
3 Oo adigu waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Inkaaru ha ku dhacdo ninkii aan dhegaysan erayada axdigan
Uwaambie, 'Bwana, Mungu wa Israeli, asema hivi: na alaaniwe yeyote asiyesikiliza maneno ya agano hili.
4 ee aan awowayaashiin ku amray waagii aan iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar iyo foornadii birta, oo aan ku idhi, Codkayga addeeca, oo wixii aan idinku amro oo dhan yeela, oo sidaasaad dadkaygii ku noqon doontaan, oo aniguna Ilaahiin baan idiin ahaan doonaa,
Hili ndilo agano nililowaamuru baba zenu walishike siku nilipowatoa kutoka katika nchi ya Misri, kutoka tanuru ya chuma. Nikawaambia, “Sikilizeni sauti yangu na mfanye mambo yote kama nilivyowaamuru, kwa kuwa mtakuwa watu wangu nami nitakuwa Mungu wenu.”
5 si aan u oofiyo dhaartii aan awowayaashiin ugu dhaartay inaan siin doono dal caano iyo malab la barwaaqaysan, sida ay maantadan tahay. Markaasaan u jawaabay oo waxaan idhi, Aamiin, Rabbiyow.
Nisikilizeni ili nipate kukitimiza kiapo nilichoapa kwa baba zenu, kiapo kwamba nitawapa nchi iliyojaa maziwa na asali kama ilivyo leo.'” Kisha mimi Yeremia nikajibu na kusema, “Ndio, Bwana!”
6 Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Erayadan oo dhan ka dhex naadi magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo jidadka Yeruusaalemba, oo waxaad tidhaahdaa, Axdigan erayadiisa dhegaysta oo yeela.
Bwana akaniambia, “Hubiri habari hizi yote katika miji ya Yuda, na katika njia za Yerusalemu. Sema, “Sikilizeni maneno ya agano hili na mkayafanye.
7 Waayo, si aad ah ayaan awowayaashiin ugu digay tan iyo waagii aan iyaga dalkii Masar ka soo bixiyey iyo ilaa maantadan la joogo inta ka dhex leh, anigoo goor wanaagsan u digaya oo ku leh, Codkayga addeeca.
Kwa maana nimewaagiza wazee wenu tangu siku ile niliyowaleta kutoka nchi ya Misri hadi wakati huu wa sasa, nimewaonya mara kwa mara na kusema, “Sikilizeni sauti yangu.'”
8 Laakiinse ima ay addeecin oo dhegna iima ay dhigin, laakiinse midkood kastaaba wuxuu daba galay caasinimada qalbigiisa sharka ah. Sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku soo dejiyey axdigan erayadiisa oo dhan, kuwaasoo aan ku amray inay sameeyaan, laakiinse ayan samaynin.
Lakini hawakusikiliza au wala kutega masikio yao. Kila mtu amekuwa akitembea katika ukaidi wa moyo wake mbaya. Kwa hiyo nilileta laana zote katika agano hili nililoamuru kuja juu yao. Lakini watu bado hawakuitii.”
9 Oo waxaa Rabbigu igu yidhi, Dadka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganba waxaa laga dhex helay shirqool.
Kisha Bwana akaniambia, “Njama imeonekana kati ya watu wa Yuda na wenyeji wa Yerusalemu.
10 Waxay dib ugu noqdeen xumaatooyinkii awowayaashoodii diiday inay erayadayda maqlaan, oo waxay daba galeen ilaahyo kale inay iyaga u adeegaan aawadeed. Dadka dalka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba way jebiyeen axdigaygii aan awowayaashood la dhigtay.
Wameugeukia uovu wa mababu zao wa mwanzo, ambao walikataa kusikiliza neno langu, ambao badala yake walifuata miungu mingine ili kuabudu. Waisraeli na nyumba ya Yuda walivunja agano langu nililoweka na baba zao.
11 Oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan iyaga ku soo dayn doonaa masiibo ayan kari doonin inay ka baxsadaan, oo in kastoo ay ii soo qayshadaanna, innaba dheg uma dhigi doono.
Kwa hiyo Bwana asema hivi, 'Tazameni, nitawaletea majanga juu yao, majanga ambayo hawataweza kuyaepuka. Ndipo wataniita, lakini sitawasikiliza.
12 Oo markaasaa magaalooyinka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganuba waxay u tegi oo u qayshan doonaan ilaahyadii ay fooxa u shidi jireen, laakiinse iyagu innaba ma ay badbaadin doonaan wakhtiga ay dhibaataysan yihiin.
Miji ya Yuda na wenyeji wa Yerusalemu watakwenda na kuiita miungu ambayo walitoa sadaka, lakini hakika hawatawaokoa wakati wa majanga yao.
13 Dadka Yahuudah ahow, ilaahyadiinnu waxay tiro le'eg yihiin magaalooyinkiinna, oo jidadka Yeruusaalem intay tiro le'eg yihiin oo kale ayaad meelo allabaryo u qotomiseen waxaas ceebta miidhan ah, waana meelo allabaryo oo aad foox ugu shiddaan Bacal.
Kwa kuwa idadi ya miungu yako ewe Yuda imeongezeka sawa na idadi ya miji yako. Na umefanya idadi ya madhabahu ya aibu huko Yerusalemu, madhabahu ya kufukiza uvumba kwa Baali, sawa na idadi ya njia zake.
14 Sidaas daraaddeed dadkan ha u ducayn, oo iyaga aawadood kor ha ugu qaadin qaylo iyo salaad toona, waayo, anigu dheg uma dhigi doono wakhtigii ay ii soo qayshadaan dhibkooda aawadiis.
Kwa hiyo wewe mwenyewe, Yeremia, usiwaombee watu hawa. Lazima usiomboleze au kuomba kwa niaba yao. Kwa maana siwezi kusikiliza wakati wananiita katika majanga yao.
15 Taan jeclaa bal maxay gurigayga ku leedahay iyadoo kuwa badan wasakhnimo la samaysay? Ma hilibka quduuska ahu belaayada kaa qaadi kara? Markaad shar samaysid ayaad rayraysaa.
Mpendwa wangu anafanya nini nyumbani kwangu, ikiwa amekuwa na nia mbaya? Nyama za sadaka yako hazitakusaidia. Unafurahi kwa sababu ya matendo yako mabaya.
16 Rabbigu wuxuu magacaaga u bixiyey Geed saytuun oo cagaar ah, oo qurxoon, oo midho wanaagsan. Cod buuq weyn ayuu dab kula daayay, oo laamihiisiina way wada jajabeen.
Katika siku za nyuma Bwana alikuita mti wa mzeituni wenye majani, mzuri wenye matunda mazuri. Lakini atawasha moto juu yake ambayo itaonekana kama sauti ya dhoruba; matawi yake yatavunjika.
17 Waayo, Rabbiga ciidammada oo adiga ku beeray ayaa masiibo kaaga hadlay, waana xumaanta dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudah aawadeed, taasoo ay qudhoodu isku sameeyeen markay igaga cadhaysiiyeen fooxii ay Bacal u shideen.
Kwa maana Bwana wa majeshi, aliyekua amekusudia maafa juu yako, kwa sababu ya matendo mabaya ambayo nyumba ya Israeli na nyumba ya Yuda wamefanya-wamenikasirisha kwa kumtolea Baali sadaka.'”
18 Oo Rabbiguna taas wuu i ogeysiiyey, waanan ogaaday. Markaasaad falimahooda i tustay.
Bwana alinijulisha mambo haya, kwa hiyo nakayajua. Wewe, Bwana, umenifanya nione matendo yao.
19 Laakiinse anigu waxaan la mid ahaa neef baraar ah oo loo soo kexeeyo in la gowraco, oo mana aan ogayn inay shirqool ii hindiseen, oo ay yidhaahdeen, Geedka iyo midhihiisaba aynu wada baabbi'inno, oo aynu isaga ka gooyno dalka kuwa nool, si aan magiciisa mar dambe loo soo xusuusan.
Nilikuwa kama kondoo mpole unayeongozwa na mchinjaji. Sikujua kwamba walikuwa wameunda mipango dhidi yangu, “Hebu tuangamize mti na matunda yake! Hebu tumkatilie mbali na nchi ya walio hai ili jina lake lisikumbukwe tena.
20 Laakiinse Rabbiga ciidammadow, adigoo si caddaalad ah wax u xukumow, oo kelyaha iyo qalbigaba imtixaamow, haddaba bal aargoosashadaada iyaga ku kor dhacaysa aan arkee, waayo, dacwadaydii adigaan kuu soo bandhigay.
Lakini Bwana wa majeshi ndiye mwamuzi mwenye haki ambaye huchunguza moyo na akili. Mimi nitashuhudia kisasi chako dhidi yao, kwa kuwa nimekuletea kesi yangu kwako.
21 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ka leeyahay dadka Canaatood oo doondoonaya inay naftaada kaa qaadaan, oo kugu yidhaahda, Yaadan gacantayada ku dhimanine Rabbiga magiciisa waxba ha ku sii sheegin,
Kwa hiyo Bwana asema hivi juu ya watu wa Anathothi, wanaotafuta uhai wako, “wanasema, 'Usifanye unabii kwa jina la Bwana, usije utakufa kwa mkono wetu.'
22 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogow, Iyagaan ciqaabi doonaa. Barbaarradu seef bay ku dhiman doonaan, oo wiilashooda iyo gabdhahooduba abaar bay ku dhiman doonaan.
Kwa hiyo Bwana wa majeshi asema hivi, 'Tazameni, nitawaadhibu. Vijana wao wenye nguvu watakufa kwa upanga. Wana wao na binti zao watakufa kwa njaa.
23 Oo innaba iyaga midna kama hadhi doono, waayo, dadka Canaatood masiibaan ku soo dayn doonaa sannadda ciqaabiddooda.
Hakuna hata mmoja atakayeachwa, kwa maana nitaleta maafa dhidi ya watu wa Anathothi, mwaka wa adhabu yao.'”

< Yeremyaah 11 >