< Yacquub 5 >

1 Bal kaalaya hadda, kuwiinnan taajiriinta ahow, ooya oo ka baroorta dhibaatooyinka idinku soo degaya.
Nuže nyní, boháči, plačte, kvílíce nad bídami svými, kteréž přijdou.
2 Duunyadiinnii way qudhuntay, dharkiinniina aboor baa cunay.
Zboží vaše shnilo a roucho vaše zmolovatělo.
3 Dahabkiinnii iyo lacagtiinniiba way mirdheen, miridhkooduna markhaati buu idinku noqon doonaa, wuxuuna jidhkiinna u cuni doonaa sida dabka oo kale. Maal baad u urursateen maalmaha ugu dambeeya.
Zlato vaše a stříbro zerzavělo, a rez jejich bude na svědectví proti vám, a zžířeť těla vaše jako oheň. Shromáždili jste poklad ku posledním dnům.
4 Shaqaalayaashii beerihiinnii idiin gooyay mushahaaradoodii aad dulmiga uga reebateen way dhawaaqaysaa, qaylooyinkii kuwii beerihii gooyayna waxay galeen dhegaha Rabbiga Saba'ood.
Aj, mzda dělníků, kteříž žali krajiny vaše, při vás zadržaná, křičí, a hlas volání ženců v uši Pána zástupů vešel.
5 Dhulkaad ku barwaaqaysateen, waadna ku raaxaysateen, oo qalbiyadiinnii waxaad u naaxiseen maalinta gowracidda.
Rozkoš jste provodili na zemi a zbujněli jste; vykrmili jste srdce vaše jakožto ke dni zabití.
6 Waad xukunteen, waadna disheen kan xaqa ah. Isaguna isma kiin hor taago.
Odsoudili jste a zamordovali spravedlivého, a neodpíral vám.
7 Haddaba, walaalayaalow, dulqaata ilaa imaatinka Rabbiga. Bal ogaada, ninka beerrey ahu wuxuu sugaa midhaha qiimaha leh ee dhulka, isagoo u dulqaata ilaa uu helo roobka hore iyo kan dambe.
A protož trpěliví buďte, bratří, až do příchodu Páně. Aj, oráč očekává drahého užitku zemského, trpělivě naň očekávaje, až by přijal podzimní i jarní déšť.
8 Idinkuna dulqaata, qalbiyadiinnana xoogeeya, waayo, imaatinka Rabbigu wuu dhow yahay.
Buďtež i vy trpěliví a potvrzujte srdcí vašich; neboť se přibližuje příští Páně.
9 Ha iska cabanina, walaalayaalow, yaan laydin xukumine. Bal ogaada, xaakinku albaabbada hortooduu taagan yahaye.
Nevzdychejtež k Bohu jedni proti druhým, bratří, abyste nebyli odsouzeni. Aj, Soudce již přede dveřmi stojí.
10 Walaalayaalow, u qaata tilmaan dhibaato iyo dulqaadasho ah nebiyadii ku hadlay magaca Rabbiga.
Ku příkladu snášení protivenství a dlouhočekání, bratří moji, vezměte proroky, kteříž mluvívali ve jménu Páně.
11 Bal ogaada! Waxaynu ugu yeedhnaa kuwo barakaysan kuwii adkaystay. Waad maqasheen adkaysashadii Ayuub, waadna aragteen dhammaadkii qasdiga Rabbiga, waayo, Rabbigu waa raxmad badan yahay, naxariisna wuu leeyahay.
Aj, blahoslavíme ty trpělivé. O trpělivosti Jobově slýchali jste, a dokonání Páně viděli jste; nebo velmi jest milosrdný Pán a lítostivý.
12 Laakiin wax walba hortood, walaalahayow, ha dhaaranina; ha ku dhaaranina jannada, ama dhulka, ama dhaar kale; haahdiinnu haah ha ahaato, mayadiinnuna maya ha ahaato, yeydnan ku dhicin xukun hoostiis.
Přede všemi pak věcmi, bratří moji, nepřisahejte, ani skrze nebe, ani skrze zemi, ani kteroukoli jinou přísahou, ale buď řeč vaše: Jistě, jistě, nikoli, nikoli, abyste neupadli v odsouzení.
13 Mid dhibaataysanu ma idinku dhex jiraa? Ha ducaysto. Mid faraxsanu ma jiraa? Ha gabyo.
Jest-li kdo z vás zkormoucený? Modliž se. Pakli jest kdo mysli dobré? Prozpěvuj Pánu.
14 Mid bukaa ma idinku dhex jiraa? Ha u yeedho waayeellada kiniisadda, oo iyagu ha u duceeyeen, oo saliid ha ku mariyeen magaca Rabbiga.
Stůně-li kdo z vás? Zavolej starších sboru, a oni modltež se za něj, mažíce jej olejem ve jménu Páně.
15 Ducadii rumaysad lahu way bogsiin doontaa kii buka, oo Rabbigu waa sara kicin doonaa, oo hadduu dembaabay waa loo dembidhaafi doonaa.
A modlitba víry uzdraví neduživého, a pozdvihneť ho Pán; a jestliže jest co prohřešil, budeť jemu odpuštěno.
16 Midkiinba midka kale dembiyadiisa ha u qirto oo ha u duceeyo si aad u bogsataan. Nin xaq ah baryadiisa shaqaysa wax badan bay kartaa.
Vyznávejtež se pak jedni druhým z hříchů svých, a modlte se jedni za druhé, abyste uzdraveni byli. Mnohoť zajisté může modlitba spravedlivého opravdová.
17 Eliyaas wuxuu ahaa nin dabiicaddeenna oo kale leh. Aad buu Ilaah u baryay inaan roob di'in, roobna saddex sannadood iyo lix bilood dhulka kuma uu di'in.
Eliáš člověk byl týmž bídám jako i my poddaný, a modlitbou modlil se, aby nepršelo, i nepršel déšť na zemi za tři léta a za šest měsíců.
18 Oo kol kale ayuu Ilaah baryay, oo cirku roob buu soo daayay, dhulkuna midhihiisii buu soo saaray.
A zase modlil se, i vydalo nebe déšť, a země zplodila ovoce své.
19 Walaalahayow, haddii midkiin ka leexdo runta, oo mid soo celiyo isaga,
Bratří, jestliže by kdo z vás pobloudil od pravdy, a někdo by jej napravil,
20 ogaada in kii dembilaha qaladka jidkiisa ka soo celiyaa uu dembilihii naftiisa dhimasho ka badbaadin doono oo uu dembiyo badan qarin doono.
Věziž, že ten, kdož by odvrátil hříšníka od bludné cesty jeho, vysvobodí duši jeho od smrti a přikryje množství hříchů.

< Yacquub 5 >