< Yacquub 3 >
1 Macallimiin badan ha noqonina, walaalahayow, idinkoo garanaya inaynu heli doonno xukun ka sii weyn.
Братя мои, не ставайте мнозина учители, като знаете, че ще приемем по-тежко осъждане.
2 Waayo, dhammaanteen wax badan baynu ku gafnaa. Haddii nin ku gafi waayo hadalka, kaasu waa nin kaamil ah, wuuna xakamayn karaa jidhka oo dhan.
Защото всички ние в много неща грешим; а който не греши в говорене, той е съвършен мъж, способен да обуздае и цялото тяло.
3 Haddaba haddaynu fardaha afkooda xakame gelinno inay ina addeecaan, jidhkooda oo dhanna waynu jeedinnaa.
Ето, ние туряме юздите в устата на конете, за да ни се покоряват, и обръщаме цялото им тяло.
4 Ogaada, xataa doonniyaha, in kastoo ay waaweyn yihiin, oo dabaylo waaweynu kaxeeyaan, weliba waxaa loogu jeediyaa shukaan aad u yar meeshii ninka wada qushigiisu doonayo.
Ето, и корабите, ако да са толкова големи, и се тласкат от силни ветрове, пак с твърде малко кормило се обръщат на където желае кормчията.
5 Sidaas oo kalena carrabku waa qayb yar, waxyaalo waaweyn buuna ku faanaa. Bal eega dab yaru intuu qoryo shido.
Така и езикът е малка част от тялото, но много се хвали. Ето, съвсем малко огън, колко много вещество запалва!
6 Carrabkuna waa dab, waana dunida xaqdarrada. Carrabku wuxuu ku dhex jiraa xubnaheenna, waana kan wasakheeya jidhka oo dhan oo ololiya orodka abuurista, oo jahannamadu isagay ololisaa. (Geenna )
И езикът, тоя цял свят от нечестие, е огън. Между нашите телесни части езикът е, който заразява цялото тяло и запалва колелото на живота, ни, а сам той се запалва от пъкъла. (Geenna )
7 Cayn walba oo ah dugaag, iyo haad, iyo waxa bogga ku gurguurta, iyo waxa badda ku jiraba waa la rabbeeyaa, oo waxaa lagu rabbeeyey dabiicadda dadka.
Защото всякакъв вид зверове, птици, гадини, и морски животни се укротяват и укротени са били от човечеството;
8 Laakiin ninna ma rabbayn karo carrabka; waa shar rogrogmada, oo waxaa ka buuxda sunta wax disha.
но езикът никой човек не може да укроти; буйно зло е, пълен е със смъртоносна отрова.
9 Isla isagaynu ku ammaannaa Rabbiga iyo Aabbaha, oo isla isagaynu ku habaarnaa dadka Ilaah ekaantiisa laga abuuray.
С него благославяме Господа и Отца, и с него кълнем човеците създадени по Божие подобие!
10 Isku af baa waxaa ka soo baxa ammaan iyo habaar. Walaalahayow, waxyaalahanu waa inaanay sidaas noqon.
От същите уста излизат благословения и проклятия! Братя мои, не трябва това така да бъде.
11 Ishu miyey isku meel ka soo wada daysaa biyo macaan iyo kuwa qadhaadh?
Изворът пуща ли от същото отверстие сладка и горчива вода?
12 Walaalahayow, geed berde ahu miyuu dhali karaa saytuun, ama geed canab ahu miyuu dhali karaa midho berde ah? Sidaas oo kalena biyo dhanaanu macaan ma ay noqon karaan.
Възможно ли е, братя мои смоковницата да роди маслини, или лозата смокини? Така също не може солената вода да дава сладка.
13 Kumaa idinku dhex jira oo xigmad iyo waxgarasho leh? Shuqulladiisa ha ku muujiyo dabiicaddiisa wanaagsan, isagoo leh qabowga xigmadda.
Кой от вас е мъдър и разумен? Нека показва своите дела чрез добрият си живот, с кротостта на мъдростта.
14 Haddaad xaasidnimo qadhaadh iyo iskala qaybqaybin ku haysataan qalbigiinna, ha faanina, runtana been ha ka sheegina.
Но ако в сърцето си имате горчива завист и крамолничество, не се хвалете и не лъжете против истината.
15 Xigmaddaasu ma aha tan kor ka soo degta, laakiin waa tan dhulka iyo nafta iyo jinniyada.
Това не е мъдрост, която слиза отгоре, но е земна, животинска, бесовска;
16 Waayo, meeshii xaasidnimo iyo iskala qaybqaybinu ku jiraan, meeshaas waxaa ku jira iskuqasnaan iyo falniin kasta oo shar leh.
защото, гдето има завист и крамолничество, там има бъркотия и всякакво лошо нещо.
17 Laakiin xigmaddii kor ka timaadaa horta waa daahir, dabadeedna waa nabad iyo qabow iyo mid si dhib yar loola heshiiyo, oo waxaa ka buuxa naxariis iyo midho wanaagsan, mana leh u-kala-eexasho ama labaweji.
Но мъдростта, която е отгоре, е преди всичко чиста, после миролюбива, кротко умолима, пълна с милост и добри плодове, примирителна, нелицемерна.
18 Midhaha xaqnimada nabad waa loogu beeraa kuwa nabadda ka shaqeeya.
А плодът на правдата се сее с мир от миротворците.