< Yacquub 1 >

1 Yacquub, oo ah addoonkii Ilaah iyo Rabbi Ciise Masiix, wuxuu salaan gaadhsiinayaa laba iyo tobanka qolo oo kala firidhsan.
James, a servant of God and of the Lord Jesus Christ, to the twelve tribes who are scattered abroad, greeting.
2 Walaalahayow, kolkaad jirrabaaddo kala cayncayn ah kala kulantaan, kulli farxad u tirsada,
My brethren, count it all joy when ye fall into various temptations;
3 idinkoo og tijaabinta rumaysadkiinnu inay dulqaadasho keento.
Knowing this, that the trying of your faith worketh patience.
4 Oo dulqaadashadu ha dhammayso shuqulkeeda si aad kaamil u ahaataan oo aad u dhanaataan, oo aydnaan waxba ugu baahnaan.
But let patience have her perfect work, that ye may be perfect and complete, lacking nothing.
5 Laakiin haddii midkiin xigmad u baahan yahay, ha ka baryo Ilaah, kan kulli si deeqsinimo ah u siiya isagoo aan canaanan, oo waa la siin doonaaye.
If any of you lacketh wisdom, let him ask of God, who giveth to all men liberally, and upbraideth not; and it shall be given to him.
6 Laakiin rumaysad ha ku baryo, isagoo aan shakiyayn, waayo, kii shakiyaa wuxuu la mid yahay hirka badda oo dabayshu kaxayso oo rogrogto.
But let him ask in faith, nothing wavering. For he that wavereth is like a wave of the sea driven with the wind and tossed.
7 Ninkaasu yuusan u malayn inuu Rabbiga wax ka heli doono.
For let not that man think that he shall receive any thing from the Lord.
8 Labaqalbiiluhu wuu ka rogrogmadaa socodkiisa oo dhan.
A double minded man is unstable in all his ways.
9 Walaalkii hooseeyaa ha ku faano sarraysiintiisa,
Let the brother of low degree rejoice in that he is exalted:
10 kii taajir ahuna ha ku faano hoosaysiintiisa, waayo, wuxuu u idlaan doonaa sida ubaxa cawska.
But the rich, in that he is made low: because as the flower of the grass he shall pass away.
11 Qorraxdu waxay la soo baxdaa kulaylka, wayna engejisaa cawska, oo ubaxiisuna wuu daataa, quruxda midabkiisuna way ka luntaa; sidaas oo kale ayaa taajirku ugu lumi doonaa socodkiisa.
For the sun hath no sooner risen with a burning heat, but it withereth the grass, and its flower falleth, and the grace of its fashion perisheth: so also shall the rich man fade away in his ways.
12 Waxaa barakaysan ninka jirrabaadda u sii adkaysta, waayo, goortii loo bogo, wuxuu heli doonaa taajka nolosha kan Ilaah u ballanqaaday kuwa isaga jecel.
Blessed is the man that endureth temptation: for when he is tried, he shall receive the crown of life, which the Lord hath promised to them that love him.
13 Midna yuu odhanin kolkii la jirrabo, Xagga Ilaah baa layga jirrabay. Waayo, Ilaah laguma jirrabo shar, isaguna midna ma jirrabo.
Let no man say when he is tempted, I am tempted by God: for God cannot be tempted with evil, neither tempteth he any man:
14 Mid kasta waxaa jirraba damaciisa sharka ah isagoo la jiidanayo oo la sasabayo.
But every man is tempted, when he is drawn away by his own lust, and enticed.
15 Dabadeed damacu kolkuu uuraysto wuxuu dhalaa dembi, dembiguna kolkuu weynaado wuxuu keenaa dhimasho.
Then when lust hath conceived, it bringeth forth sin: and sin, when it is finished, bringeth forth death.
16 Yaan laydin khiyaanayn, walaalahayga aan jeclahayow.
Do not err, my beloved brethren.
17 Hadiyad kasta oo wanaagsan iyo hibo kasta oo kaamil ah kor bay ka timaadaa iyadoo ka soo degaysa xagga Aabbaha nuurarka isagoo aan lahayn rogrogmad ama hoos laallaabasho.
Every good gift and every perfect gift is from above, and cometh down from the Father of lights, with whom is no variableness, neither shadow of turning.
18 Isagoo doonaya ayuu hadalka runta ah inagu dhalay si aynu u noqonno midhaha ugu horreeya oo uunkiisa.
Of his own will he hath begotten us with the word of truth, that we should be a kind of firstfruits of his creatures.
19 Waad garanaysaan tan, walaalahayga aan jeclahayow. Laakiin nin walba ha u dhaqsado maqlinta, oo ha u gaabiyo hadalka, cadhadana ha u gaabiyo;
Therefore, my beloved brethren, let every man be swift to hear, slow to speak, slow to wrath:
20 waayo, dad cadhadiisu ma keento xaqnimada Ilaah.
For the wrath of man worketh not the righteousness of God.
21 Sidaas daraaddeed iska fogeeya wasakhnimada oo dhan iyo badnaanta xumaanta; oo qabownimo ku qaata hadalka laydinku tallaalay, kan naftiinna badbaadin kara.
Therefore put away all filthiness and all that remains of wickedness, and receive with meekness the engrafted word, which is able to save your souls.
22 Noqda kuwa hadalka yeela, oo ha ahaanina kuwa maqla oo keliya oo nafsaddooda khiyaaneeya.
But be ye doers of the word, and not hearers only, deceiving your own selves.
23 Waayo, haddii mid yahay kan hadalka maqla oo keliya, oo uusan ahayn kan yeela, wuxuu la mid yahay nin wejiga abuuristiisa muraayad ku fiirinaya.
For if any is a hearer of the word, and not a doer, he is like a man beholding his natural face in a mirror:
24 Waayo, wuu isfiiriyaa, oo iska tagaa, oo markiiba is-illoobaa siduu ahaa.
For he beholdeth himself, and goeth away, and immediately forgetteth what manner of man he was.
25 Laakiin kii fiiriya sharciga kaamilka iyo xorriyadda ah oo ku sii socda, isagoo aan ahayn kan maqla oo illooba laakiin kan shuqulka yeela, kaasu waa ku barakaysnaan doonaa yeeliddiisa.
But he who looketh into the perfect law of liberty, and continueth in it, he being not a forgetful hearer, but a doer of the work, this man shall be blessed in his deed.
26 Haddii mid isu maleeyo inuu cibaado badan yahay, oo uusan afkiisa xakamayn, laakiin uu qalbigiisa khiyaaneeyo, kaas cibaadadiisu waa wax aan waxtar lahayn.
If any man among you seemeth to be religious, and bridleth not his tongue, but deceiveth his own heart, this man’s religion is vain.
27 Cibaado daahir ah oo aan nijaas lahayn Ilaaha Aabbaha ah hortiisa waxay tahay in la xannaaneeyo agoonta iyo carmallada markay dhib ku jiraan, iyo in layska dhawro wasakhda dunida.
Pure religion and undefiled before God and the Father is this, To visit the fatherless and widows in their affliction, and to keep himself unspotted from the world.

< Yacquub 1 >