< Ishacyaah 60 >
1 Sare joogso, oo dhalaal, waayo, iftiinkaagii waa yimid, oo ammaantii Rabbiguna way soo baxday oo ku iftiimisay.
Nyanyuka, uangaze; maana mwanga wako umekuja, na utukufu wa Yahwe umekuja kwako.
2 Waayo, bal ogow, dhulka gudcur baa dabooli doona, oo dadyowgana mugdi dam ah ayaa qarin doona, laakiinse Rabbigaa soo bixi doona oo ku iftiimin doona, oo ammaantiisana korkaagaa lagu arki doonaa.
Japokuwa giza litatanda katika nchi, na giza nene katika mataifa; Lakini Yahwe atakuja juu yenu, na utukufu wake utaonekana kwenu.
3 Oo quruumo baa iftiinkaaga u iman doona, oo boqorrona waxay u iman doonaan dhalaalka sarakiciddaada.
Mataifa yatakuja kwenye mwanga wako, na wafalme katika mwanga wako mkali uliokuja
4 Bal indhahaaga kor u qaad oo hareerahaaga fiiri. Intay isa soo wada urursadaan ayay kuu yimaadaan. Wiilashaadii meel fog bay ka iman doonaan, oo gabdhahaagana gacmahaa lagu soo qaadi doonaa.
Tazama na angalia pande zote. Wamekusanyika wao wenyewe kwa pamoja na wanakuja kwako. Watoto wako watatoka mbali, na binti zao watabebwa katika mikono yenu.
5 Markaasaad arki doontaa oo nuuri doontaa, oo qalbigaaguna farxad buu la gariiri doonaa, wuuna rayrayn doonaa, waayo, badda maalkeeda badan adigaa laguu soo leexin doonaa, oo hodantinimada quruumahuna adigay kuu iman doontaa.
Halafu wataangalia na kuwa furaha, na moyo wako utafurahia na kufurika, maana wingi wa maji utamwagwa juu yenu, utajiri wa mataifa utakuja kwenu.
6 Waxaa kuu badan doona awr iyo qaalmihii reer Midyaan iyo reer Ceefah, kulligood waxay ka iman doonaan Shebaa, oo waxay keeni doonaan dahab iyo foox. Rabbiga ammaantiisana waa la naadin doonaa.
Msafara wa ngamia utawafunika ninyi, na ngamia wa Midiani na Efa; wote watakuja kutoka Sheba; wataleta dhahabu na ubani, wataimba sifa kwa Yahwe.
7 Adhyaha reer Qedaar oo dhammuna adigay kugu soo wada ururi doonaan, oo wananka Nebayodna waxay noqon doonaan wax laguugu adeego, meeshayda allabariga dusheeda way iman doonaan, iyagoo la aqbalo, oo gurigayga ammaanta leh waan ammaani doonaa.
Makundi yote ya Kedari yatakusanika kwa pamoja kwako, kondoo wa Nebaioti watabeba mahitaji yako; watakubalika kutolewa sadaka katika madhebau yangu; na nitaitukuza nyumba yangu takatifu.
8 Waa kuwee kuwan u duulaya sida daruur oo kale, iyo sida qoolleyo buulalkooda u duulaya?
Ni nani hawa wanopaa wenyewe kama mawingu, na kama njiwa kwenye makazi yao?
9 Hubaal gasiiraduhu anigay i sugi doonaan, oo doonniyaha Tarshiish ayaa marka hore iman doona inay wiilashaadii meelo fog ka keenaan iyagoo lacagtoodii iyo dahabkoodiiba wata, oo waxay u iman doonaan magaca Rabbiga ah Ilaahaaga iyo Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil aawadiis, maxaa yeelay, isagu wuu ku ammaanay.
Pwani itanitafuta mimi, na meli ya Tarshishi huwaongoza, huwaleta watoto wenu kutoka mbali, pamoja na fedha zao na dhahabu zao, maana jina la Yahwe Mungu wenu, na Mtakatifu wa Israeli, maana amekuheshimu wewe.
10 Oo derbiyadaada waxaa dhisi doona shisheeyayaal, oo boqorradooduna adigay kuu adeegi doonaan, waayo, cadhadayda aawadeed ayaan wax kuugu dhuftay, laakiinse raallinimadayda aawadeed ayaan kuugu naxariistay.
Watoto wa wageni watajenga tena kuta zenu, n awafalme wao watawatumikia ninyi; japo katika laana yangu nimewaadhibu ninyi, lakini kwa neema yangu nitawahurumia ninyi.
11 Weliba irdahaagu had iyo goorba way furnaan doonaan, oo habeen iyo maalin toona lama xidhi doono in laguu keeno hodantinimada quruumaha iyo boqorradooda la kaxaystay.
Milango yenu itaendelea kuwa wazi; haitafungwa mchana au usiku, hivyo utajiri wa mataifa ili uweze kuletwa, pamoja na viongozi wanowaongoza.
12 Waayo, quruuntii iyo boqortooyadii aan kuu adeeginuba way halligmi doonaan, hubaal quruumahaas waa la wada baabbi'in doonaa.
Kweli, mataifa na falme ambayo hayatakutumikia wewe yatatoweka; mataifa hayo yataangamizwa kabisa.
13 Waxaa kuu iman doonta quruxdii Lubnaan, taasoo ah geedaha la yidhaahdo beroosh, iyo tidhaar, iyo te'ashuurba si ay u qurxiyaan meeshayda quduuska ah, oo meesha cagahayga waxaan ka dhigi doonaa mid ammaan badan.
Utukufu wa Lebanoni utakuja kwako, mti wa msonobari, mtidhari, pamoja na msonobari ili kupamba madhebau yangu; na Nitalitukuza eneo la miguu yangu.
14 Oo kuwii ku dhibi jiray wiilashooda ayaa kuu iman doona iyagoo ku hor foororsanaya, kuwii ku quudhsan jiray oo dhammuna cagahaaga hortooday ku wada sujuudi doonaan, oo waxay kugu magacaabi doonaan, Magaaladii Rabbiga, oo ah Siyoontii Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.
Watakuja kwako kukusujudia wewe, watoto wa wale wanaokunyenyekea wewe; wataisujudia miguu yako; watakuita wewe mji wa Yahwe, sayani ya Mtakatifu wa Israeli.
15 In kastoo lagaa tegey oo lagu necbaaday, oo uusan ninna ku dhex mari jirin, waxaan kaa dhigi doonaa sharaf weligeed ah iyo farxadda dadka qarniyada badan.
Badala yake uwepo wenu umetelekezwa na kuchukiwa, kwa kuwa hakuna hata mmoja anayepita ndani yenu, nitawafanya kuwa kitu cha kiburi milele, furaha kutoka kizazi hata kizazi.
16 Oo waxaad nuugi doonta caanaha quruumaha, oo waxaad nuugi doontaa naasaha boqorrada, oo waxaad ogaan doontaa inaan anigoo Rabbiga ahu ahay Badbaadiyahaaga, iyo Bixiyahaaga, iyo Kan xoogga badan ee reer Yacquub.
Pia utakunywa maziwa ya mataifa, utatunzwa katika kifua cha wafalme; utajua kwamba Mimi Yahwe, Mimi ni mwokozi na mkombozi wenu, aliye Mkuu wa Israeli.
17 Meeshii naxaasta dahab baan ka keeni doonaa, meeshii birtana lacag baan ka keeni doonaa, meeshii qorigana naxaas baan ka keeni doonaa, oo meeshii dhagaxantana bir baan ka keeni doonaa, oo saraakiishaadana waxaan ka dhigi doonaa kuwa nabdeed, oo kuwa kuu taliyana waxaan ka dhigi doonaa kuwa xaqa ah.
Badala ya shaba Nitaleta dhahabu, badaia ya chuma nitaleta fedha; badala ya mbao, shabana badala ya jiwe, chuma. Nitachagua amani kwa kiongozi wenu, na haki kiongozi wenu.
18 Dalkaaga mar dambe dulmi lagama maqli doono, oo baabbi'id iyo halligaadna soohdimahaaga dhexdooda laguma arki doono, laakiinse derbiyadaada waxaad ugu yeedhi doontaa Badbaado, irdahaagana Ammaan.
Vurugu hazitasikika katika aridhi yenu, uharibifu wala uvunjaji katika mipaka yenu; lakini mtaita kuta zenu wokovu, na malngo yenu mtayaita sifa.
19 Mar dambe qorraxdu kuuma ahaan doonto iftiinkaaga maalinnimo, oo dayaxuna nuur dhalaalaya kuma siin doono, laakiinse Rabbiga ayaa iftiin weligiis ah kuu ahaan doona, oo Ilaahaaguna qurux buu kuu ahaan doonaa.
Jua halitakuwa mwanga wenu wakati wa mchana, wala mwanga wa mwenzi wakati wa usiku hautawawakia ninyi; Lakini Yahwe atakuwa mwanga wenu wa milele, na Mungu wenu na utukufu wenu.
20 Qorraxdaadu mar dambe ma dhici doonto, oo dayaxaaguna iftiinkiisa ma ceshan doono, waayo, Rabbigu wuxuu kuu ahaan doonaa iftiin weligiis ah, oo wakhtigii baroorashadaaduna wuu dhammaan doonaa.
Jua lenu halitakuewepo wala mweni utaondoshwa na kutoweka; maana Yahwe atakuwa mwanga wenu daima, na siku za maombolezo zitakwisha.
21 Oo weliba dadkaaga oo dhammuna waxay ahaan doonaan kuwa xaqa ah, oo weligoodba dalkay dhaxli doonaan, iyagoo ah laantii beeriddayda, iyo shuqulkii gacmahayga inaan ammaanmo aawadeed.
Watu wako wote watakuwa wenye haki; watachukuwa urithi wa nchi kwa mda wote, tawi la mazao yangu, kazi ya mikono yangu, ili niweze kuitukuza.
22 Mid yarba wuxuu noqon doonaa kun, oo mid yarna wuxuu noqon doonaa quruun xoog badan. Anigoo Rabbiga ah ayaa waxan wakhtigiisa soo deddejin doona.
Mtoto atakuwa maelfu, na mdogo atakuwa taifa la wenye nguvu; Mimi Yahwe Nitayatimiza hayo mda utakapowadia.