< Ishacyaah 38 >

1 Oo waagaas ayaa Xisqiyaah bukooday, oo geeri buu u dhowaaday. Markaasaa Nebi Ishacyaah ina Aamoos u yimid, oo wuxuu ku yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reerkaaga la dardaaran, waayo, waad dhimanaysaa oo sii noolaan maysid.
У то време разболе се Језекија на смрт; и дође к њему пророк Исаија син Амосов и рече му: Овако вели Господ: Нареди за кућу своју, јер ћеш умрети и нећеш остати жив.
2 Markaasaa Xisqiyaah wejigiisii derbiga ku sii jeediyey, oo Rabbiga baryay oo yidhi,
А Језекија се окрете лицем к зиду, и помоли се Господу,
3 Rabbiyow, waan ku baryayaaye, bal haatan xusuuso sidaan hortaada ugu socday runta iyo qalbi qumman, iyo sidaan u sameeyey waxa hortaada ku wanaagsan. Xisqiyaahna aad buu u ooyay.
И рече: Ох, Господе, опомени се да сам једнако ходио пред Тобом верно и с целим срцем, и творио шта је Теби угодно. И плака Језекија веома.
4 Markaasaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Ishacyaah oo ku yidhi,
Тада дође реч Господња Исаији говорећи:
5 Tag, oo waxaad Xisqiyaah ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha awowgaa Daa'uud wuxuu leeyahay, Baryootankaagii waan maqlay, ilmadaadiina waan arkay, haddaba cimrigaagiina waxaan kuugu dari doonaa shan iyo toban sannadood.
Иди и реци Језекији: Овако вели Господ Бог Давида оца твог: Чуо сам молитву твоју, и видео сам сузе твоје, ево додаћу ти веку петнаест година.
6 Oo adiga iyo magaaladanba waan ka samatabbixin doonaa gacanta boqorka Ashuur, oo magaaladanna waan daafici doonaa.
И избавићу тебе и овај град из руку цара асирског, и бранићу овај град.
7 Oo haddaba calaamadda xagga Rabbiga kaaga imanaysa in Rabbigu samaynayo wixii uu Rabbigu ballanqaaday waxay ahaan doontaa tan:
И ово нека ти буде знак од Господа да ће учинити Господ шта је рекао.
8 bal eeg, waxaan dib u soo celin doonaa hooska derejooyinka, intuu hore uga socday toban derejo oo ah derejooyinkii Aaxaas. Sidaasay qorraxdu dib ugu soo noqotay toban derejo oo ay hore u dhaaftay.
Ево ја ћу вратити сен по коленцима по којима је сишао на сунчанику Ахазовом натраг за десет коленаца. И врати се сунце за десет коленаца по коленцима по којима беше сишло.
9 Kanu waa qorniinkii Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo uu qoray markuu bukay, oo uu haddana cudurkiisii ka bogsaday.
Ово написа Језекија цар Јудин кад се разболе, и оздрави од болести своје:
10 Anigu waxaan is-idhi, Cimrigayga oo badh ah ayaan irdihii She'ool sii mari doonaa, Oo intii cimrigayga ka hadhayna waa layga qaaday. (Sheol h7585)
Ја рекох, кад се пресекоше дани моји: Идем к вратима гробним, узе ми се остатак година мојих. (Sheol h7585)
11 Waxaan is-idhi, Ma aan arki doono Rabbiga, kaasoo ah Rabbiga dalka kuwa nool jooga, Mar dambena ma arki doono qof ka mid ah dadka dunida deggan.
Рекох: Нећу видети Господа Господа у земљи живих, нећу више видети човека међу онима који станују на свету.
12 Rugtaydii waa layga fogeeyey, oo sidii adhijir teendhadiis ayaa la iiga qaaday. Sida dharsameeye ayaan noloshaydii u duudduubay, oo wuxuu iga gooynayaa alaabtiisa uu dharka ku sameeyo, Oo maalin ilaa habeenba waad i sii dhammaystiraysaa.
Век мој прође и пренесе се од мене као шатор пастирски; пресекох живот свој као ткач, одсећи ће ме од оснутка; од јутра до вечера учинићеш ми крај.
13 Oo tan iyo aroortii ayaan fikirayay, isagu lafahayga oo dhan ayuu u jejebiyaa sida libaax oo kale, Oo maalin ilaa habeenba waad i sii dhammaystiraysaa.
Мишљах за јутра да ће као лав потрти све кости моје; од јутра до вечера учинићеш ми крај.
14 Sidii dabafallaadh iyo saratoosiye oo kale ayaan u dhawaaqay. Oo waxaan u baroortay sidii qoolley oo kale, oo indhahaygu daal bay la gudheen sidaan kor u fiirinayay, Rabbiyow, waa lay dulmay, ee i caawi.
Пиштах као ждрал и као ластавица, уках као голубица, очи ми ишчилеше гледајући горе: Господе, у невољи сам, олакшај ми.
15 Haddaba bal maxaan idhaahdaa? Isagu wuu ila hadlay, oo weliba isaga qudhiisaa waxan sameeyey. Haddaba cimrigayga oo dhan tartiib baan u socon doonaa qadhaadhka naftayda aawadiis.
Шта да кажем? Он ми каза, и учини. Проживећу све године своје по јаду душе своје.
16 Sayidow, dadku waxyaalahanuu ku nool yahay, Oo ruuxa noloshayduna wuxuu ku jiraa waxyaalahan oo dhan. Haddaba i bogsii, oo i noolaysii.
Господе, о том се живи и у том је свему живот духа мог, исцелио си ме и сачувао у животу.
17 Bal eeg, nabadgelyadayda aawadeed ayaan qadhaadh weyn u qabay, Laakiinse naftayda waad jeclaatay, oo sidaas daraaddeed yamayskii qudhunka waad ka samatabbixisay, Waayo, dembiyadaydii oo dhan waxaad ku tuurtay gadaashaada.
Ево, на мир дође ми љут јад; али Теби би мило да извучеш душу моју из јаме погибли, јер си бацио за леђа своја све грехе моје.
18 Waayo, She'ool kuguma mahadnaqi karo, oo dhimashaduna kuma ammaani karto, Oo kuwa yamayska hoos ugu dhacana runtaada rajo kama qabi karaan. (Sheol h7585)
Јер неће гроб Тебе славити, неће Те смрт хвалити, и који сиђу у гроб не надају се Твојој истини. (Sheol h7585)
19 Kan nool, kan nool oo keliya ayaa kugu mahadnaqi doona sidaan aniguba maanta yeelayo. Aabbuhu wuxuu runtaada ogeysiin doonaa carruurtiisa.
Живи, живи, они ће Те славити као ја данас: отац ће синовима јављати истину Твоју.
20 Rabbigu waa u diyaar inuu i badbaadiyo, Haddaba sidaas daraaddeed annagu cimriga noloshayada oo dhan Waxaannu guriga Rabbiga ku dhex gabyi doonnaa gabayadayda annagoo alaab xadhko leh ku cayaarayna.
Господ ме спасе, зато ћемо певати песме моје у дому Господњем док смо год живи.
21 Nebi Ishacyaah wuxuu yidhi, Ha la qaado fud berde ah, oo kasoobaxa ha la saaro, oo isna wuu bogsan doonaa.
А Исаија беше рекао да узму груду сувих смокава и превију на оток, те ће оздравити.
22 Oo weliba Xisqiyaahna wuxuu yidhi, Maxaa calaamad ii ah inaan guriga Rabbiga u kici doono?
И Језекија беше рекао: Шта ће бити знак да ћу отићи у дом Господњи?

< Ishacyaah 38 >