< Ishacyaah 29 >

1 Waxaa iska hoogtay Arii'eel, Arii'eel oo ah magaaladii Daa'uud degay. Sannad ba sannad ku dara, oo ciiduhuna sidooda ha u soo wareegeen.
Kaitonki, Ariyel, Ariyel birnin da Dawuda ya zauna! Ƙara shekara ga shekara a kuma bar shagulgulanki su yi ta kewayewa.
2 Markaasaan Arii'eel dhibi doonaa, oo waxaa jiri doona baroor iyo oohin, oo waxay ii noqon doontaa sida Arii'eel oo kale.
Duk da haka zan yi wa Ariyel kwanto za tă kuma yi kuka da makoki, za tă zama mini kamar bagaden jini.
3 Oo aniguna waan ku hareerayn doonaa, oo qalcad baan kugu weerari doonaa, oo waxaan kugu kicin doonaa tuulmooyin.
Zan kafa sansani kewaye da ke duka; zan kewaye ki da hasumiyoyi in tasar miki da ayyukan kwantona na yaƙi.
4 Oo hoos baa laguu soo dejin doonaa, oo dhulkaad ka dhex hadli doontaa, oo hadalkaaguna isagoo gaaban ayuu ciidda ka yeedhi doonaa, oo codkaaguna wuxuu ahaan doonaa sida mid ruuxaan leh oo dhulka ka yeedhaya, oo hadalkaaguna ciidduu ka shuqshuqlayn doonaa.
Za a ƙasƙantar da ke, za ki ƙi yin magana daga ƙasa; maganarki za tă yi ƙasa-ƙasa daga ƙura. Muryarki za tă zama kamar fatalwa daga ƙasa; daga ƙura maganarki zai fito ƙasa-ƙasa.
5 Laakiinse shisheeyahaaga badanu waxay noqon doonaan sida boodh, oo kuwa laga cabsado oo tirada badanuna waxay noqon doonaan sida buunsho sii bidaya, oo taasuna si kedis ah ayay dhaqso ugu noqon doontaa.
Amma abokan gābanki masu yawa za su zama kamar ƙura mai laushi, sojojinsu masu firgitarwa za su yi ta tashi kamar yayin da iska ta hura. Farat ɗaya, cikin ɗan lokaci,
6 Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu la iman doonaa onkod, iyo dhulgariir, iyo sanqadh weyn, iyo cirwareen, iyo duufaan, iyo dab ololkiisu wax baabbi'inayo.
Ubangiji Maɗaukaki zai zo da tsawa da rawar ƙasa da ƙara mai girma, da hadarin iska da guguwa da harshe na wuta mai ci.
7 Oo quruumaha badan oo Arii'eel la diriraya oo dhan, kuwaasoo iyada iyo qalcaddeeda la diriraya oo iyada dhibaba waxay noqon doonaan sida riyo ah wax habeennimo la arko.
Sa’an nan sojojin dukan al’umman da suka yi yaƙi da Ariyel, da suka fāɗa mata da kagararta suka kuma yi mata kwanto, za su zama kamar yadda yake da mafarki, wahayi da dare,
8 Oo waxay noqon doontaa sida nin gaajaysan oo ku riyooday isagoo wax cunaya, laakiinse markuu toosay arkay isagoo calooshiisu madhan tahay, amase sida nin oomman oo ku riyooday isagoo biyo cabbaya laakiinse markuu soo toosay arkay isagoo itaaldaran oo aan weli oonbeelin, oo quruumaha Buur Siyoon la diriraya oo dhammuna sidaas oo kalay wada noqon doonaan.
kamar sa’ad da mai yunwa yana mafarki cewa yana cin abinci, amma sai ya farka, yunwan tana nan; kamar sa’ad da mai ƙishirwa yana mafarki cewa yana shan ruwa, amma sai ya farka yana suma, da ƙishinsa. Haka zai zama da sojoji na dukan al’ummai da suka yi yaƙi da Dutsen Sihiyona.
9 Yaaba, oo naxa, indhihiinna xidha oo indhabbeela. Way sakhraansan yihiin, laakiinse khamri kuma ay sakhraamin, way dhacdhacayaan laakiinse wax lagu sakhraamo kuma ay dhacdhacaan.
Ku firgita ku kuma yi mamaki, ku makance kanku ku kuma zama a makance; ku bugu, amma ba da ruwan inabi ba, ku yi tangaɗi, amma ba daga barasa ba.
10 Waayo, Rabbigu wuxuu idinku riday hurdo weyn, wuxuuna awday indhihiinnii oo nebiyadii ahaa, wuxuuna daboolay madaxyadiinnii oo wax arkayaashii ahaa.
Ubangiji ya kawo muku barci mai nauyi, Ya rufe idanunku (annabawa); ya rufe kawunanku (masu duba).
11 Oo riyo kastaaba waxay idiin noqotay sidii erayadii qorniin shaabad lagu xidhay, oo loo dhiibay qof wax akhriyi kara, oo lagu leeyahay, Waannu ku baryaynaaye kan akhri, oo isna wuxuu leeyahay, Ma aan akhriyi karo, waayo, shaabad buu ku xidhan yahay.
Gare ku duk wannan wahayi ba kome ba ne sai dai maganganun da aka rufe a cikin littafi. In kuma kun ba da littafin ga wani wanda zai iya karanta, kuka kuma ce masa, “Karanta wannan, muna roƙonka,” zai amsa ya ce, “Ba zan iya ba; an rufe shi.”
12 Oo haddana qorniinkii waxaa loo dhiibaa mid aan akhris baran, oo waxaa lagu leeyahay, Waannu ku baryaynaaye kan akhri, oo isna wuxuu leeyahay, Anigu waxba ma aan akhriyi karo.
Ko kuwa in kun ba da littafin ga wani wanda ba zai iya karantawa ba, kuka kuma ce, “Karanta wannan, muna roƙonka,” zai amsa ya ce, “Ban iya karatu ba.”
13 Haddaba Sayidku wuxuu yidhi, Dadkanu way ii soo dhowaadaan, oo afkooda iyo bushimahooda ayay igu maamuusaan, laakiin qalbigooda way iga fogeeyeen, oo cabsida ay iga qabaanna waa amarka dadka laga bartay,
Ubangiji ya ce, “Waɗannan mutane sun zo kusa da ni da bakinsu suka kuma girmama ni da leɓunansu, amma zukatansu suna nesa daga gare ni. Sujadar da suke mini cike take da dokokin da mutane suka koyar.
14 sidaas daraaddeed bal eega, waxaan mar kale dadkan dhexdiisa ku sii samayn doonaa waxyaalo yaab ah, waana waxyaalo yaab iyo naxdinba leh, oo xigmadda nimankooda xigmadda leh way baabbi'i doontaa, oo waxgarashada raggooda garashada lehna way qarsoomi doontaa.
Saboda haka zan firgita waɗannan mutane sau ɗaya da abubuwan banmamaki a kan abubuwan banmamaki; hikimar masu hikima za tă lalace, azancin masu azanci zai ɓace.”
15 Waxaa iska hoogay kuwa taladooda Rabbiga aad uga qariya, oo shuqulladoodana gudcurka ku sameeya, oo sii yidhaahda, Bal yaa na arka? Yaase na og?
Kaiton waɗanda suke zuwa manyan zurfafa don su ɓoye shirye-shiryensu daga Ubangiji, waɗanda suke aikinsu cikin duhu su yi tunani, “Wa yake ganinmu? Wa zai sani?”
16 Waa sidee qalloocnaantiinnu! Dheryasameeyaha ma in lagu tiriyaa dhoobada, si wixii la sameeyey, uu kii sameeyey ka yidhaahdo, Isagu ima uu samayn, wixii la suubbiyeyna uu kii suubbiyey ka yidhaahdo, Isagu waxba garan maayo?
Kuna birkitar abubuwa, sai ka ce an mayar da mai ginin tukwane ya zama yumɓu! Abin da aka yi zai ce wa wanda ya yi shi, “Ba shi ne ya yi ni ba”? Tukunya za tă iya ce wa mai ginin tukwane, “Ba ka san kome ba”?
17 Sow in yaru kama hadhin intay Lubnaan beer midho badan u rogman doonto, oo beerta midhaha badanna duud oo kale lagu tirin doono?
Cikin ɗan lokaci, za a mai da Lebanon gona mai taƙi kuma gona mai taƙi za tă zama kamar kurmi?
18 Oo wakhtigaas kuwa dhegaha la'u erayada qorniinka ayay maqli doonaan, oo kuwa indhaha la' indhahooduna wax bay mugdiga iyo gudcurka ka arki doonaan.
A wannan rana kurame za su ji maganganun littafi, daga duruduru da duhu kuma idanun makafi za su gani.
19 Oo kuwa hooseeyaana aad bay Rabbiga ugu sii farxi doonaan, oo masaakiinta dadka ku dhex jirtaana waxay ku rayrayn doonaan kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.
Masu tawali’u za su sāke yin farin ciki a cikin Ubangiji; mabukata za su yi farin ciki cikin Mai Tsarkin nan na Isra’ila.
20 Waayo, kii wax dulmi jiray siima jiri doono, oo kii wax quudhsan jirayna wuu dhammaan doonaa, oo kuwa xumaanta suga oo dhanna way baabbi'i doonaan,
Masu zalunci za su ƙare, masu ba’a za su ɓace, kuma dukan waɗanda suke da ido don mugunta za su hallaka,
21 kuwaasoo ah kuwa nin hadal aawadiis xumaanfale kaga dhiga, oo dabinka u dhiga kan iridda ku garnaqa oo kan xaqa ahna ku leexiya wax aan waxba ahayn.
waɗanda ta magana kawai sukan mai da mutum mai laifi, waɗanda suke kafa tarko wa mai ba da kāriya a ɗakin shari’a da shaidar ƙarya kuma su hana marar laifi samun shari’ar adalci.
22 Haddaba Rabbigii Ibraahim soo furtay wuxuu reer Yacquub ka leeyahay, Reer Yacquub haatan ceeboobi maayo, oo wejigiisuna mar dambe cabsi la caddaan maayo.
Saboda haka ga abin da Ubangiji wanda ya fanshi Ibrahim, ya ce wa gidan Yaƙub, “Ba za a ƙara kunyata Yaƙub ba; fuskokinsu kuma ba za su ƙara yanƙwanewa ba.
23 Laakiinse carruurtiisu markay dhexdooda ku arkaan shuqulka gacmahayga ayay magacayga quduus ka dhigi doonaan, oo waxay quduus ka dhigi doonaan kan Quduuska ah ee reer Yacquub, oo waxay ka cabsan doonaan Ilaaha reer binu Israa'iil.
Sa’ad da suka ga’ya’yansu a tsakiyarsu, aikin hannuwansu, za su kiyaye sunana da tsarki; za su san tsarkin Mai Tsarkin nan na Yaƙub, za su kuma ji tsoron Allah na Isra’ila.
24 Oo weliba kuwa xagga ruuxa ka qaldamaa garaad bay yeelan doonaan, oo kuwa iska gunuunacaana cilmi bay baran doonaan.
Su da suke marasa azanci a ruhu za su sami fahimtar; waɗanda suke gunaguni za su yarda da koyarwa.”

< Ishacyaah 29 >