< Ishacyaah 26 >

1 Oo maalintaas dalka Yahuudah waxaa lagaga gabyi doonaa gabaygan, Annagu magaalo xoog badan baannu leennahay, oo Rabbigu wuxuu derbiyo iyo qalcado nooga dhigi doonaa badbaado.
Siku hiyo wimbo huu utaimbwa katika nchi ya Yuda: Tuna mji imara; Mungu amefanya wokovu katika kuta na ngome zake.
2 Irdaha fura, quruunta xaqa ah oo runta xajisa ha soo gashee.
Fungua lango, ili mataifa yenye haki yaweze na yenye kutunza imani yaweze kuingia ndani.
3 Qofkii maankiisu isku kaa halleeyo nabad dhan baad ku dhawri doontaa, maxaa yeelay, adiguu ku aaminsan yahay.
Akili mlionayo, mtamuhifadhi yeye katika amani kamili, maana anawamini ninyi.
4 Rabbiga weligiinba aamina, waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waa dhagax daa'im ah.
Mwamini Yahwe daima; maana Yaha, Yahwe, ni mwamba wa milele.
5 Maxaa yeelay, isagaa hoos u soo dejiyey kuwii meelaha sare degganaa, oo magaaladii sarajoogga dheeraydna wuu hoosaysiiyey, oo wuxuu hoos ugu soo dejiyaa tan iyo dhulka, oo ciidduu ku soo xooraa.
Maana atawashusha wale wote wenye kiburi; mji ulio juu atushusha chini, ataushusha chini kwenye aridhi; na ataulinganisha na mavumbi.
6 Oo cagahaa ku tuman doona, waana cagaha masaakiinta iyo tallaabooyinka saboolka baahan.
Utakanyagwakanyagwa chini na miguu ya walio masikini na wahitaji.
7 Kan xaqa ah jidkiisu waa qumman yahay oo adigoo qumman ayaa wadiiqada kan xaqa ah toosiya.
Mapito ya mwenye haki yamenyooka, Wenye haki; mapito ya wenye haki umeyanyoosha.
8 Rabbiyow, annagu waxaannu kugu sugaynay jidka xukummadaada. Oo naftayaduna waxay xiiso u qabtaa magacaaga iyo xusuustaada.
Ndio, kaika mapito ya hukumu yako, Yahwe, tunakusubiri wewe; jina lako na sifa zako ni matamanio yetu.
9 Habeenka naftaydu adigay kuu xiisootay, oo ruuxa gudahayga ku jira ayaan aad kuugu doondooni doonaa, waayo, markii xukummadaadu ay dhulka joogaan ayaa dadka dunida degganu xaqnimo bartaan.
Nimekutamani wewe wakati wa usiku; ndio, roho iliyo ndani yangu ina kutafuta kwa bidii. Pindi hukumu yako itakapokuja duniani, wenyeji wa duniani watajua kuhusu haki.
10 Kan sharka ah haddii raalli laga noqdo isagu innaba xaqnimo ma barto, oo dalka qummanaanta ayuu caddaaladdarro ku samayn doonaa, oo haybadda Rabbigana ma uu fiirin doono.
Na tuonyeshe upendeleo kwa waovu, lakini hawatajifunza haki. katika nchi ya wanyofu anatenda maovu na haoni ukuu wa Yahwe.
11 Rabbiyow, gacantaadu kor bay u taagan tahay, laakiinse iyagu ma ay arkaan illowse waxay arki doonaan dadaalkaaga aad dadka u dadaashid, wayna ceeboobi doonaan, oo cadaawayaashaadana dab baa baabbi'in doona.
Yahwe, mkono wako umenyanyuliwa juu, lakini hawapati hizo taarifa. Lakini wataona bidii kwa watu na wataona aibu, kwa sababu idadi ya maadui watawatafuna.
12 Rabbiyow, nabad baad na siin doontaa, oo weliba shuqulladayadii oo dhan baad noo wada samaysay.
Yahwe, utaleta amani kwetu, maana kweli, umekamilisha kazi zetu zote.
13 Rabbiyow, Ilaahayagow, sayidyo kale oo aan adiga ahayn ayaa noo talin jiray, laakiinse adiga keliya ayaannu xusuusannaa oo magacaaga soo qaadnaa.
Yahwe Mungu wetu, viongozi wengine badala yako wametutawala sisi; Lakini tunalitukuza jina lako.
14 Iyagu way dhinteen, soona noolaan maayaan, way baabbe'een, soona sarakici maayaan, oo sidaas daraaddeed waad soo booqatay oo baabbi'isay, oo xusuustoodii oo dhanna waad tirtirtay.
Wamekufa, hawataishi tena; ni maremu hao, hawatafufuka tena. Kweli, umekuja kuwahukumu na kuwaharibu wao, na umefanya kila kumbukumbu kutoweka.
15 Quruunta waad kordhisay, Rabbiyow, quruunta waad kordhisay, oo adiga waa lagu ammaanay, oo dalka soohdimihiisii oo dhanna waad wada ballaadhisay.
Umeliongeza taifa, Yahwe, umeliongeza taifa; umeheshimiwa; umeinuliwa katika mipaka yote ya nchi.
16 Rabbiyow, markay dhibaataysnaayeen way ku doondooneen, oo markaad edbinaysayna aad bay kuu baryeen.
Yahwe, katika mateso yao walikuangalia wewe; walipatwa na wasiwasi katika maombi yao maana adhabu yako ilikuwa juu yao.
17 Rabbiyow, naag uur leh oo ku soo dhowaatay shinkii ay dhali lahayd, siday u xanuunsato oo ay foosheeda ugu qayliso ayaannu hortaada ku noqonnay.
Kama mwanamke mjamzito anayekaribia kujifungua, hupatwa na uchungu na hulia kwa uchungu, hivyo ndivyo tulivyokuwa kabla, Bwana.
18 Annagu waannu uuraysannay, oo xanuunkii foosha ayaa na qabtay, oo waxaannu noqonnay sidii wax dabayl dhalay, oo dhulkana samatabbixin kuma aannu samayn, oo dadka dunida degganuna ma ay dhalan.
Tulikuwa wajawazito, tumekuwa katika mateso, lakini ni kama tumeshajifungua katika akili zetu. Hatujauleta wokovu duniani, na wakazi wa duniani hawakuanguka.
19 Kuwaagii dhintay way soo noolaan doonaan, meydadkuna way soo sara kici doonaan. Kuwiinna ciidda ku dhex jirow, soo toosa oo gabya! Rabbiyow, dharabkaagu waa sida dharabka geedaha nooleeya, oo dhulkuna meydadkuu soo xoori doonaa.
Wafu wenu wataishi; watu wenu walio kufa watafufuka. Amka na uimbe kwa furaha, njie muishio mavumbini; maana umande wenu ni umande wa mwanga, na dunia itawaleta mbele wafu wake.
20 Dadkaygow, kaalaya, qolladihiinna gala, oo albaabbadiinna soo xidha, oo wakhti yar dhuunta, intay cadhadu gudbayso.
Enendeni, watu wangu, ingieni katika vyumba vyenu na mfunge mlango nyuma yenu; jificheni kwa mda mfupi, mpaka hasira itakapopita.
21 Waayo, bal eega, Rabbigu wuxuu meeshiisa uga soo kacayaa inuu dadka dhulka deggan xumaantooda u ciqaabo. Dhulkuna wuxuu daaha ka qaadi doonaa dhiiggiisa, oo kuwa la laayayna mar dambe ma dabooli doono.
Maana, angalia, Yahwe anakaribia kutoka katika eneo lake kuwahadhibu watu waishio duniani kwa ajili ya makosa yao; dunia itaachia umwagaji wa damu, na hawatawaficha tena waliokufa.

< Ishacyaah 26 >