< Ishacyaah 23 >

1 Kanu waa warka culus ee Turos ku saabsan. Doonniyaha Tarshiishow, baroorta, waayo, way baabba'day, guri iyo irid la galo midna ma leh, waxaana iyaga looga muujiyey dalka Kitiim.
Abin da Allah ya faɗa game da Taya. Ku yi kuka mai zafi, ya jiragen ruwan Tarshish! Gama an hallaka Taya aka kuma bar su babu gida ko tasha. Daga ƙasar Saifurus magana ta zo musu.
2 Kuwiinnan gasiiradda deggan ee baayacmushtariyaasha Siidoon oo badda gudbayaa ay alaab ka buuxiyeenow, aamusa.
Ku yi shiru, ku mutanen tsibiri da ku’yan kasuwan Sidon waɗanda masu ciniki a teku suka azurta.
3 Biyaha badan waxaa laga keenay sarreenkii Shiixoor iyo waxa beerihii Webi Niil laga goostay oo faa'iidadeedii ahaa, oo iyadu waxay noqotay suuqii quruumaha.
A manyan ruwaye hatsin Shihor suka iso; girbin Nilu ne kuɗin shiga na Taya ta kuma zama kasuwar al’ummai.
4 Siidoonay, ceebow, waayo, baddii way hadashay, oo qalcaddii baddu waxay tidhi, Anigu ma foolan, carruurna ma dhalin, barbaarrona ma korin, gabdhona ma korin.
Ki ji kunya, ya ke Sidon, da ke kuma, kagarar teku, gama teku ya yi magana ya ce, “Ban taɓa naƙuda ba balle in haifi’ya’ya; ban taɓa goyon’ya’ya maza ba balle in reno’ya’ya mata.”
5 Markii warku Masar soo gaadho aad bay warka Turos uga xanuunsan doonaan.
Sa’ad da magana ta kai Masar, za su razana da jin labari daga Taya.
6 Tarshiish xaggeeda u gudba. Kuwiinna gasiiradda degganow, baroorta.
Ku haye zuwa Tarshish; ku yi kuka mai zafi, ku mutanen tsibiri.
7 Tanu ma magaaladiinnii waa hore jirtay oo faraxsanayd baa oo cagaheeda meel fog u waday inay dal shisheeye degto aawadeed?
Wannan ce birnin murnanku, birnin nan na tun dā wadda ƙafafunta suka kai ta zama a ƙasashe masu nesa?
8 Yaa taladan u goostay Turos oo ahayd magaaladii taajajka bixisay, oo baayacmushtariyaasheedu amiirro ahaayeen, oo geddisleydeeduna ay ahaayeen kuwii dhulka sharafta ku lahaa?
Wane ne ya ƙulla wannan a kan Taya ita da take ba da rawanin sarauta, wadda’yan kasuwanta sarakuna ne, wadda masu cinikinta sanannu ne a duniya?
9 Rabbiga ciidammada ayaa waxaas u qasdiyey inuu jebiyo kibirka faanka oo dhan, iyo inuu ka dhigo in kuwa dhulka sharafta ku leh oo dhan la quudhsado.
Ubangiji Maɗaukaki ya ƙulla shi, don yă kawo ƙarshen girman kan dukan darajarta ya kuma ƙasƙantar da dukan waɗanda suke sanannu a duniya.
10 Reer Tarshiishow, bal dalkaaga dhex mar sida Webi Niil oo kale. Innaba wax ku celiya oo dambe ma jiraan.
Ki nome ƙasarki har zuwa wajen Nilu, Ya Diyar Tarshish, gama ba ki da tashan jirgin ruwa kuma.
11 Isagu wuxuu gacantiisa ku fidiyey badda korkeeda, oo boqortooyooyinkiina wuu gariiriyey. Rabbigu wuxuu amar ku bixiyey in la dumiyo qalcadaha Kancaan.
Ubangiji ya miƙa hannunsa a bisa teku ya kuma sa mulkokinsa suka yi rawar jiki. Ya ba da umarni game da Funisiya cewa a hallaka kagararta.
12 Oo isagu wuxuu yidhi, Dadka Siidoon oo ah sida bikrad la nijaaseeyeyow, mar dambe ma farxi doontid. Kac, oo xagga Kitiim u gudub, oo xataa halkaasna nasasho kama heli doontid.
Ya ce, “Ba za ki ƙara yin murna ba, Ya ke Budurwa Diyar Sidon, yanzu da kike ragargajiya! “Tashi, ki ƙetare zuwa Saifurus; a can ɗin ma ba za ki huta ba.”
13 Bal dalka reer Kaldayiin fiiriya, dadkaasu ma jirin. Kii reer Ashuur kuwii cidlada degganaa ayuu u aasaasay, munaaradaa la dhisay, daaraheedii waaweynaana waa la dumiyey, oo baabba' buu ka dhigay.
Dubi ƙasar Babiloniyawa, wannan mutanen da yanzu ba su da wani amfani! Assuriyawa sun mai da ita wurin zaman halittun hamada; sun gina hasumiyoyin kwanto, suka ragargaza kagararta ƙaf suka mai da ita kango.
14 Doonniyaha Tarshiishow, baroorta, waayo, qalcaddiinnii waa la baabbi'iyey.
Ku yi kuka mai zafi, ku jiragen ruwan Tarshish; an rurrushe kagararku!
15 Oo waxay wakhtigaas noqon doontaa in Turos la illoobi doono toddobaatan sannadood, oo ah sida boqor wakhtigiis. Oo toddobaatankaas sannadood markay dhammaadaan ayaa Turos waxaa laga heesi doonaa sida dhillada oo kale.
A wannan lokaci za a manta da Taya har shekaru saba’in, tsawon rayuwar sarki. Amma a ƙarshen waɗannan shekaru saba’in, zai zama wa Taya kamar yadda yake a waƙar karuwa cewa,
16 Dhilladii la illoobayay, kataarad qaado, oo magaalada ku dhex wareeg, oo luuq macaan luuqee, oo heeso badan hees, si lagugu soo xusuusto aawadeed.
“Ɗauki garaya, ki ratsa birni, Ya ke karuwar da aka manta da ita; kaɗa garaya da kyau, ki rera waƙoƙi masu yawa, saboda a tuna da ke.”
17 Oo toddobaatanka sannadood markay dhammaadaan ayaa Rabbigu Turos soo booqan doonaa, oo waxay ku soo noqon doontaa kiradeedii, oo waxay dhulka kaga dhillaysan doontaa boqortooyooyinka dunida oo dhan.
A ƙarshen shekaru saba’in, Ubangiji zai magance Taya. Za tă koma ga aikinta na karuwanci za tă kuma yi kasuwancinta da dukan mulkokin duniya.
18 Laakiinse baayacmushtarigeeda iyo kiradeedaba quduus baa Rabbiga looga dhigi doonaa, lama urursan doono, lamana kaydsan doono, waayo, baayacmushtarigeedu wuxuu u ahaan doonaa kuwa Rabbiga hortiisa jooga inay wax ku filan cunaan oo ay dhar raagaya xidhaan.
Duk da haka za a keɓe ribarta da kuɗin shigarta wa Ubangiji; ba za a yi ajiyarsu ko a ɓoye su. Ribarta za tă tafi ga waɗanda suke yi wa Ubangiji sujada, don su sami yalwataccen abinci da tufafi masu kyau.

< Ishacyaah 23 >