< Ishacyaah 22 >

1 Kanu waa war culus ee dooxada muujinta ku saabsan. War maxaa idinku dhacay, oo aad dhammaantiin guryaha dushooda la korteen?
Tamko kuhusu bonde la maono:
2 Magaalada qaylada iyo bulxanku ka buuxaanay, magaalada farxadda badanay, kuwa dhexdaada lagu laayay seef laguma layn, dagaalna kuma ay dhiman.
Mji wenye kelele, mji umejaa maovu; wafu hawajauwawa kwa upanga, na hawakuuwawa kwenye vita.
3 Taliyayaashaadii oo dhammu way wada carareen, oo qaansola'aan iyagoo ah ayaa la xidhay. Inta lagaa helay oo dhan waa la wada xidhay in kastoo ay meel fog u carareen.
Viongozi wenu wamekimbia pamoja, lakini wamekamatwa pasipo na upinde, wote kwa pamoja wamekamatwa na wamekamatwa pamoja; walikimbia kutoka mbali.
4 Sidaas daraaddeed ayaan idhi, Aniga iga sii jeesta. Si qadhaadh baan u ooyi doonaa, ha isku daalinnina inaad dadkayga iiga qalbi qabowjisaan.
Hivyo basi, Msiniangalie mimi, nitalia kwa uchungu; msijaribu kunifariji kuhusiana na kuharibika kwa binti ya watu wangu.
5 Waayo, waa maalin ay naxdin iyo kutumasho iyo isku qasnaanu Sayidka ah Rabbiga ciidammada ka iman doonaan oo ay dooxada muujinta ku dhici doonaan, waana wakhti derbiyada la dumin doono oo buuraha lagu qaylin doono.
Maana kuna siku za ghasia, akanyagaye chini, na fujo za Bwana, Yahwe wa majeshi, katika bonge la maono, kuanguka chini kwa ukuta, na watu wanalia juu ya milima.
6 Oo reer Ceelaam wuxuu qaatay gabooyihii, oo gaadhifardoodyo iyo rag fardo fuushan baa la socday, oo reer Qiirna gaashaankii buu daaha ka qaaday.
Elamu chukua podo juu, na gari la watu na farasi, na kirghizameweka ngao wazi.
7 Oo waxay noqotay in dooxooyinkaagii ugu wacanaa gaadhifardoodyo ka buuxsameen, ragga fardooleyda ahuna waxay isku diyaariyeen iridda horteeda.
Siku hiyo ambapo mabonde ulioyachagua yatajaa magari, na farasi watachukua nafasi zao katika lango.
8 Oo isna wuxuu banneeyey daahii dadka Yahuudah, oo adna maalintaas waxaad aad u fiirisay hubkii guriga kaynta yiil.
Atauodoa mbali ulinzi wa Yuda; na utaona siku hiyo utaona silaha katika jumba la msitu.
9 Oo weliba waxaad aragteen in daldaloolka magaalada Daa'uud ay badan yihiin, oo waxaad isku soo wada ururiseen biyihii balliga hoose.
Umeona matawi ya mji wa Daudi, jinsi mlivyowengi, na kukusanya maji katika birika la chini.
10 Oo waxaad tiriseen guryihii Yeruusaalem, oo waxaad guryihii u dumiseen inaad derbiga adkaysaan.
Umehesabu nyumba za Yerusalemu, na umerarua nyumba chini kuuimarish ukuta.
11 Oo weliba biyihii balligii hore waxaad biyoxidheen uga samayseen labada derbi dhexdooda laakiinse ma aydaan fiirin kii waxan sameeyey, mana aydaan u jeedsan kii waa hore sameeyey.
Na umefanya hifadhi katika ya kuta mbili maana maji ya birika la zamani. Maana haukuwahusisha walioujenga mji, walioupanga mji kutoka zamani.
12 Oo Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu maalintaas dadka ugu yeedhay oohin, iyo madax-xiirnaan, iyo dhar joonyad ah guntashadiisa.
Bwana, Yahwe wa majeshi amewaita siku hiyo watu waje kuomboleza na kulia, wanyoe vichwa vyao na kuvaa nguo za magunia.
13 Oo bal eega, waxaa jira farxad iyo rayrayn, dibi la qalo iyo ido la gowraco, hilib la cuno iyo khamri la cabbo, oo waxaa la yidhaahdaa, Aynu wax cunno oo cabno, waayo, berrito waynu dhiman doonaaye.
Lakini angalia, badala yake sherehe na furaha, kuuwa ng'ombe na kuchinga kondoo, njooni tule na kunjwa mvinjo maana kesho tutakufa.
14 Oo Rabbiga ciidammada ayaa waxan dhegaha ii saaray. Sida xaqiiqada ah xumaantan laydinkama maydhi doono jeeraad dhimataan, ayaa Sayidka ah Rabbiga ciidammadu leeyahay.
Hili limebanika kwenye masikio yangu na Yahwe wa majeshi: Hakika maovu haya hayatasamehewa, hata utakapokufa, ''Amesema Bwana wa majeshi.
15 Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Kac, oo waxaad u tagtaa Shebnaa oo ah khasnajiga guriga u sarreeya, oo waxaad ku tidhaahdaa,
Bwana, Yahwe wa majeshi, asema hivi, ''Nenda kwa huyu kiongozi, kwa Shebana, aliye juu ya nyumba, na umwambie,
16 Waadiga qabrigaagii halkan ka qotay, oo xabaashaadiina meel sare ka qotay, oo dhagaxana hoy ka samaystay, bal maxaad halkan ku samaynaysaa? Oo yaad halkan ku haysataa?
Ni nina aliyekuruhusu kuchimba kaburi lako mwenyewe, kukata juu ya kaburi na juu ya urefu katika mahali pa kupunzikia ndani mwamba?''
17 Bal eeg, ninka xoogga badanow, Rabbigu xoog buu kuu tuuri doonaa. Aad buu kuu qaban doonaa.
Yahwe anakaribia kukutupa chini; mtu mwenye nguvu, anakaribia kukutupa chini; atakuzongazonga.
18 Oo hubaal sida kubbad oo kale ayuu kugu wadhfin doonaa dhul weyn oo ballaadhan, oo halkaasaad ku dhiman doontaa, oo gaadhifardoodyadii sharaftaaduna halkaasay joogi doonaan, adigoo ah ceebta gurigii sayidkaaga.
Atahakikisha anatuzungusha zungusha, na kutupa msukosuko kama mpira kwenye nchi kubwa. Pale utakapokufa, na pale gari lako tukufu litakapo kuwa; utakuwa aibu ya nyumba ya bwana wako!
19 Oo waxaan kaa eryi doonaa derejadaada, oo jagada aad joogtona isagaa kaa soo dejin doona.
''Nami nitakuondoa katika ofisi yako na katika kituo chako. Na utavutwa chini.
20 Oo waxaan maalintaas u yeedhi doonaa addoonkayga Elyaaqiim ina Xilqiyaah.
Na itakuwa hivi kuhusu siku hiyo nitamchukua Eliakimu mtoto wa Hilkia mtumishi wangu.
21 Oo waxaan isaga huwin doonaa shuluggaaga, oo waxaan ku adkayn doonaa dhex-xidhkaaga, oo dowladnimadaada isagaan u dhiibi doonaa, oo isna aabbe buu dadka Yeruusaalem deggan iyo reer Yahuudah u noqon doonaa.
Nitamvisha yeye kwa kanzu yenu na kumvika mkanda wenu, na nitahamisha mamlaka yenu kwenye mikono yake. Atakuwa baba wa wenyeji wa Yerusalemu na katika nyumba ya Yuda.
22 Oo furihii guriga Daa'uudna garbihiisaan saari doonaa, oo wuu furi doonaa, oo ninna ma xidhi doono, wuu xidhi doonaa, oo ninna ma furi doono.
Nitaziweka funguo za nyumba ya Daudi kwenye mabega yake; Atafungua, na hakuna atakayefunga; na atafunga na hakuna atakayefungua.
23 Oo waxaan isaga u dhuujin doonaa sida dhidib meel adag haysta, oo isna wuxuu reerka aabbihiis u noqon doonaa carshi sharaf badan.
Nami nitamuimarisha yeye, kigingi katika mahali salama, na atakuwa kiti cha utukufu katika nyumba ya baba yake.
24 Oo waxaa korkiisa laga lalmin doonaa sharaftii reerka aabbiihiis oo dhan, dhasha iyo farcanka, iyo weelasha yaryar oo dhan, koobabka iyo xataa sibraarrada waaweyn oo dhanba.
Nao wataangukia juu yake utukufu wote wa baba nyumba ya baba yake, watoto wake na uzao wake na kila chombo kidogo kutoka vikombe mpaka majagi yote.
25 Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Maalintaas dhidibkii meesha adag ku dhuuqsanaa wuu ka siibmi doonaa, oo intuu jabo ayuu dhici doonaa, oo culayskii saarnaana waa la baabbi'in doonaa, waayo, Rabbiga ayaa saas ku hadlay.
Siku hiyo- hili ndilo tamko la Yahwe wa majeshi- kigingi kilichowekwa katika mazingira imara kitatoa njia, utavunjika, na kuanguka, na uzito ulionao utaondoleawa- maana Yahwe amesema.

< Ishacyaah 22 >