< Hoosheeca 13 >

1 Markii reer Efrayim hadleen waxaa jiray gariir, oo dalka Israa'iil ayay isku dhex sarraysiiyeen, laakiinse markay Bacal ku gardarnaadeen ayay dhinteen.
Efraimu alipozungumza, kulikuwa na tetemeko. Alijikuza katika Israeli, lakini akawa na hatia kwa sababu ya ibada ya Baali, naye akafa.
2 Oo haatan aad bay u sii dembaabaan, oo waxay lacagtooda ka samaysteen taswiiro la shubay kuwaasoo ah xataa sanamyo ay u samaysteen sida ay waxgarashadoodu tahay, oo dhammaantoodna waxaa weeye nin saanac ah sancadiis, oo waxay ka sheegaan, Dadka allabariga bixiya weylaha sanamyada ah ha dhunkadeen.
Sasa wanafanya dhambi zaidi na zaidi. Wanatengeneza sanamu za chuma kutoka kwenye fedha zao, sanamu kwa kadiri ya ufanisi wao, zote ni kazi ya mafundi. Watu wanasema juu yao, 'Watu hawa watoao dhabihu na kumbusu ndama.'
3 Haddaba sidaas daraaddeed waxay noqon doonaan sida daruurta subaxnimo, iyo sida sayaxa aroor hore baabba'a, iyo sida buunshaha dabayshu ka kaxayso goobta hadhuudhka lagu tumo, iyo sida qiiqa sholadda ka baxa.
Kwa hiyo watakuwa kama mawingu ya asubuhi, kama umande unaoondoka mapema, kama makapi yanayotokana na upepo kutoka kwenye sakafu, na kama moshi utokao kwenye bomba.
4 Laakiinse anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar, oo waa inaydaan aqoonsan ilaah kale aniga mooyaane, oo badbaadiye kale ma jiro innaba aniga mooyaane.
Lakini mimi ndimi Bwana, Mungu weko, tangu nchi ya Misri. Hutamjua Mungu mwingine bali mimi; wala zaidi yangu, hakuna mkombozi mwingine.
5 Anigu waan idin iqiin markii aad dhex joogteen cidladii ahayd dalka abaarta badan.
Nilikujua jangwani, katika nchi yenye kame.
6 Markii ay wax daaqeen ayay dhergeen, oo markay dhergeen dabadeed ayaa qalbigoodii kor u kacay, haddaba sidaas daraaddeed bay ii illoobeen.
Wakati ulipokuwa na malisho, ulishiba; na wakati uliposhiba, moyo wako ukainuliwa. Kwa sababu hiyo umenisahau.
7 Sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku ahay sida libaax oo kale, oo sida shabeel ayaan jidka ku ag dhawri doonaa.
Nitakuwa kama simba; kama chui nitaangalia kando ya njia.
8 Oo waxaan iyaga uga hor iman doonaa sida orso gabneheedii laga gablamiyey, oo waxaan jeexjeexi doonaa xuubkii wadnahooda, oo halkaasaan iyaga ku baabbi'in doonaa sidii gool libaax oo kale, oo waxaa iyaga dildillaacsan doona dugaagga.
Nitawaangamiza kama dubu aliyenyang'anywa watoto wake. Nami nitararua vifua vyao, na huko nitawaangamiza kama simba, kama vile mnyama wa mwitu atakayerarua vipande vipande.
9 Dadka Israa'iilow, baabbi'inna waxaa sabab u ah cadownimada aad ii qabtaan anoo caawiyihiinna ah.
Nitawaangamiza, Israeli; nani atakayekusaidia?
10 Haddaba magaalooyinkiinna oo dhan ha idinku badbaadiyee meeh boqorkiinnii? Oo meeye xaakinnadiinnii aad ka tidhaahdeen, Na sii boqor iyo amiirro?
Mfalme wako yuko wapi, ili akuokoe katika miji yako yote? Wako wapi wakuu, ambao kwao umeniambia hivi, 'Nipe mfalme na wakuu'?
11 Anigoo xanaaqsan ayaan boqor idin siiyey, oo haddana anigoo cadhaysan ayaan idinka qaaday.
Nimekupa mfalme kwa hasira yangu, nikamchukua kwa ghadhabu yangu.
12 Xumaantii reer Efrayim waa xidhxidhan tahay, oo dembigoodiina meel baa lagu kaydiyey.
Uovu wa Efraimu umehifadhiwa; hatia yake imehifadhiwa.
13 Oo waxaa iyaga ku soo kor degi doonta murugtii naag foolanaysa. Iyagu waa sida wiil aan caqli lahayn, waayo, haatan waa wakhtigii uusan ku sii raagin meeshii carruurtu ka soo dhalan jireen.
Atakuwa na uchungu wa kujifungua, lakini ni mwana mjinga, kwa maana wakati wa kuzaliwa, hatatoka tumboni.
14 Anigu waxaan iyaga ka soo furan doonaa xoogga She'oolka, oo waxaan ka soo badbaadin doonaa dhimashada. Dhimashoy, meeye belaayooyinkaagii? She'oolow, meeday baabbi'intaadii? Toobaddu indhahayga way ka qarsoonaan doontaa. (Sheol h7585)
Je, nitawaokoa na mkono wa kaburi? Je, nitawaokoa na kifo? Ewe Mauti yako wapi mapigo yako? Ewe kaburi kuko wapi kuharibu kwako? Huruma itafichwa na macho yangu. (Sheol h7585)
15 In kastoo uu walaalihiis dhexdooda ku dhal badan yahay, waxaa iman doonta dabayl bari ka timid, taasoo ah neefta Rabbiga oo cidlada ka soo baxaysa, oo ishiisa biyood way engegi doontaa, oo durdurkiisuna wuu iska gudhi doonaa, oo waa laga wada dhici doonaa khasnadda alaabta qaaliga ahu ugu jirto.
Ingawa Efraimu anafanikiwa kati ya ndugu zake, upepo wa mashariki utakuja; upepo wa Bwana utapiga kutoka jangwani. Kijito cha maji cha Efraimu kitauka, na kisima chake hakitakuwa na maji. Adui yake atapora ghala lake la kila kitu cha thamani.
16 Reer Samaariya gardarradooda way qaadi doonaan, waayo, way ku caasiyowdeen Ilaahoodii. Seef baa lagu layn doonaa, dhallaankoodana dhulkaa lagu tuuri doonaa, oo naagahooda uurka lehna waa la dooxi doonaa.
Samaria itakuwa na hatia, kwa sababu amemuasi dhidi ya Mungu wake. Wataanguka kwa upanga; watoto wao wadogo watavunjwa, na wanawake wao wajawazito watatambuliwa wazi.

< Hoosheeca 13 >