< Cibraaniyada 7 >

1 Malkisadaqan, oo Saalem boqorka u ahaa, wadaadkii Ilaaha ugu sarreeyana ahaa, wuxuu la kulmay Ibraahim oo ka soo noqday layntii boqorrada, wuuna barakeeyey.
Сей бо Мелхиседек, цар Салимський, священик Бога вишнього, що зустрів Авраама, як вертавсь він з побоїща царів, і благословив його;
2 Oo Ibraahim wuxuu isagii wax kasta ka siiyey toban meelood oo meel. Malkisadaq hortii waxaa magiciisii lagu fasiray, Boqorka Xaqnimada, dabadeedna, Boqorka Saalem, oo ah Boqorka Nabadda.
котрому й десятину з усього віддїлив Авраам (перше ж оце перекладом зветь ся цар правди, а потім і цар Салимський, чи то цар впокою),
3 Aabbe ma lahayn, hooyona ma lahayn, abtirsiinyona ma lahayn, oo isagoo aan lahayn bilowga maalmaha ama dhammaadka nolosha laakiin loo ekaysiiyey Wiilka Ilaah, ayuu weligiis wadaad sii ahaanayaa.
без батька, без матери, без родоводу; нї почину днїв, ні конця життя немаючи, уподоблений же Сину Божому, пробував священиком вічно.
4 Haddaba ka fiirsada ninkanu siduu u weynaa, kan Ibraahim oo madaxda awowayaashii ahi meeltobnaad ka siiyey boolidii.
Дивіте ся ж, який великий той, кому і десятину дав Авраам патриярх із вибраного.
5 Oo runtii kuwii qoladii Laawi oo helay shuqulka wadaadnimada waxay haystaan amar ay dadka kaga qaataan meeltobnaadka sida sharcigu leeyahay, kuwaas waxaa weeye walaalahood in kastoo ay kuwanu ka yimaadeen xanjaadka Ibraahim.
Тай ті із синів Левіїних, що приймають сьвященство, мають заповідь брати десятину з народу по закону, се єсть із браття свого, хоч і з чересел Авраамових вийшло воно.
6 Laakiin kii aan iyaga ku abtirsanin ayaa wuxuu Ibraahim ka qaatay meeltobnaadyo, oo barakeeyey kii ballamada loo qaaday.
Той же, хто не виводить роду свого від них, узяв десятину з Авраама, і маючого обітницю благословив.
7 Laakiin muranla'aan kan yar waxaa barakeeya kan ka wanaagsan.
Без усякого ж перечення менше від більшого благословляєть ся.
8 Oo halkan waxaa meeltobnaadyada qaata dadka dhinta, laakiin halkaas mid loo markhaati furay inuu nool yahay.
І тут беруть десятини люде, що мруть, а там - той, про кого сьвідчить ся, що він живе.
9 Waxaa la odhan kara, Laawiga meeltobnaadyada qaataana, Ibraahim meeltobnaadyo ayuu ku bixiyey.
І, щоб так сказати, через Авраама взята десятина і з Левія, що бере десятини.
10 Waayo, isagu weli xanjaadkii aabbihiis buu ku jiray kolkii Malkisadaq la kulmay.
Ще бо в череслах отецьких був, як зустрів його Мелхиседек.
11 Haddaba haddii kaamilnimo ku jirtay wadaadnimadii Laawi, waayo, iyada ayuu dadku sharciga ka hoos helaye, maxaa weli loogu baahnaa in wadaad kale ka kaco derejadii Malkisadaq oo aan lagu magacaabin derejadii Haaruun?
Коли ж звершеннє було через Левійське сьвященствб (бо під ним люде озаконені стались), то яка ж іще потреба иншому встати сьвященикові по чину Мелхиседековому, а не по чину Аароновому звати ся?
12 Waayo, wadaadnimada markii la beddelo waa lagamamaarmaan in sharcigana la beddelo.
Коли бо переміняєть ся сьвященство, мусить конче і переміна закону бути.
13 Waayo, kii waxyaalahan laga sheegay waa qolo kale oo aan nin meeshii allabariga ka shaqeeyey ka iman.
Про Кого бо се говорить ся, з иншого колїна був, з котрого нїхто не приступав до жертівнї.
14 Waa cad dahay in Sayidkeennu ka soo baxay Yahuudah, oo ah qolo aan Muuse kaga hadlin wax wadaaddo ku saabsan.
Явно бо, що з коліна Юдового вийшов Господь наш, а про се коліно Мойсей об сьвященстві нічого не сказав.
15 Oo weliba aad bay u sii cad dahay, haddii wadaad kale oo Malkisadaq u egi kaco,
І більше ще явно, що по подобию Мелхиседековому встав инший сьвященик,
16 kii aan wadaad lagaga dhigin sharciga abtirsiinyada xagga jidhka, laakiin xagga xoogga nolosha aan dhammaadka lahayn.
котрий не по закону заповіді тілесної постав, а по силї життя незотлїнного.
17 Waayo, isaga waxaa loogu markhaati furay, Adigu weligaaba wadaad baad tahay Sidii derejadii Malkisadaq. (aiōn g165)
Сьвідкув бо: "Що Ти єси сьвященик по вік по чину Мелхиседековому." (aiōn g165)
18 Waayo, amarkii hore waxaa loo buriyey itaaldarradiisii iyo faa'iidola'aantiisii,
Стало ся ж знищеннє попередньої заповіді за її неміць і невжиточність.
19 maxaa yeelay, sharcigu waxba ma uu kaamilin. Oo waxaa la keenay rajo ka wanaagsan oo aynu Ilaah ugu dhowaanno.
Нїчого бо не звершив закон, а приведене лучче впованнє, котрим наближуємось до Бога.
20 Oo isagu dhaarla'aan wadaad kuma uu noqon.
І на скілько воно не без клятьби,
21 Iyagu dhaarla'aan bay wadaaddo ku noqdeen, laakiin isagu wuxuu ku noqday dhaarta kan ku yidhi, Rabbigu waa dhaartay, kana soo noqon maayo, Adigu weligaaba wadaad baad tahay. (aiōn g165)
(ті бо сьвященики без клятьби ставали, а Сей з клятьбою через Того, хто глаголав до Него. "Кляв ся Господь, і не розкаяв ся: Ти єси сьвященик по вік, по чину Мелхиседековому") (aiōn g165)
22 Oo sidaasuu Ciise ku noqday dammiinka axdiga ka wanaagsan.
на стілько луччого завіту став ся порукою Ісус.
23 Iyaguna waxay noqdeen wadaaddo tiro badan, maxaa yeelay, dhimashada ayaa ka joojisay inay sii jiraan:
І більш їх було сьвящениками, бо смерть боронила їм пробувати;
24 Isaguse wuxuu haystaa wadaadnimadiisa aan beddelmi karin, waayo, weligiis buu sii jirayaa. (aiōn g165)
сей же, через те, що пробував по вік, непереходяче має сьвященство (aiōn g165)
25 Sidaas daraaddeed dhammaan buu u badbaadin karaa kuwa Ilaah ugu dhowaada isaga, maxaa yeelay, isagu weligiis waa nool yahay si uu ugu duceeyo iyaga.
Тимже і спасти може до кінця приходящих через Нього до Бога, будучи вічно жив, щоб посередникувати за них.
26 Waayo, wadaad sare oo caynkan ahu waa inagu habboonaa, mid quduus ah oo aan khiyaano iyo wasakh toona lahayn, oo dembilayaasha ka soocan, oo samooyinka laga sarraysiiyey,
Такого бо нам подобало (мати) Архиєрея, преподобного, безвинного, непорочного, відлученого від грішників і вищого небес,
27 kan aan u baahnayn inuu maalin walba allabari u bixiyo sida wadaaddadii sare, kolka hore dembiyadiisa aawadood, dabadeedna kuwa dadka aawadood; tan mar keliya ayuu sameeyey markuu isbixiyey.
котрий не має по всі днї нужди, як архиєреї, перше за свої гріхи жертви приносити, а потім за дюдські: се бо зробив заразом, себе принїсши.
28 Waayo, sharcigu niman itaaldaran ayuu wadaaddo sare ka dhigaa, laakiin hadalka dhaarta oo sharciga ka dambeeyey wuxuu ka dhigaa Wiil weligiis kaamil ah. (aiōn g165)
Закон бо людей поставляв архиєреями, маючих немочі, слово ж клятьби, що послї закону, Сина на віки звершеного. (aiōn g165)

< Cibraaniyada 7 >