< Cibraaniyada 4 >
1 Sidaas daraaddeed aynu cabsanno, inta ballan nasashadiisa lagu gelayaa jiro, inaan midkiinna u ekaan mid gaadhi waayay.
所以,幾時進入衪安息的恩許仍然存在,我們就應存戒心,免得你們中有人得不到安息,
2 Waayo, innagana war wanaagsan baa laynagu wacdiyey sidooda oo kale, laakiin hadalkay maqleen waxba uma uu tarin iyaga, maxaa yeelay, kuwii maqlay rumaysad kuma ay darin.
因為我們也蒙受了喜訊,有如我們的祖先一樣;可是衪們所聽到的話為衪們毫無益處因為衪們聽的時候沒有懷著信德。
3 Waayo, kuweenna rumaystay, nasashadaas waynu galnaa, siduu u yidhi, Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan ayaan waxaan ku dhaartay, Iyagu nasashadayda ma geli doonaan, in kastoo ay shuqulladii ka dhammaadeen aasaaska dunida.
所以我們這些信了的人,必得進入安息,就如經上說的:『我在怒中起誓說:衪們決不得進入我的安息。』其實天主的化工從創世時已經完成了,
4 Waayo, isagu meel buu maalintii toddobaad sidan ka yidhi, Maalintii toddobaad Ilaah baa shuqulladiisii oo dhan ka nastay.
因為聖經某處論及第七日說:『天主在第七天停止了自己的一切工作,開始安息。』
5 Meeshatanna mar kale wuxuu yidhi, Iyagu nasashadayda ma geli doonaan.
但這裏又說:『衪們決不得進入我的安息。』
6 Haddaba waxaa hadhay qaar gelaya, oo kuwii kolkii hore warkii wanaagsanaa lagu wacdiyey way geli waayeen caasinimo aawadeed.
那麼,既然這安息還保留著要一些人進入,而那些先聽到喜訊的人,因背信沒有進入;
7 Taas daraaddeed haddana mar kale maalintoo buu gooni u dhigay, isagoo wakhti dheer dabadeed qorniinka Daa'uud ku leh, Maanta, sidii kolkii hore la yidhi, Maanta haddaad codkiisa maqashaan, Qalbiyadiinna ha adkaynina.
因此天主重新指定了一個日子,即一個「今天」,就是在很久以後藉達味所宣示的,如上邊說過的:『今天你們如果聽見衪的聲音,不要再心硬了。』
8 Waayo, haddii Yashuuca iyagii nasiyey, Ilaah markaas dabadeed kama uu hadleen maalin kale.
假使若蘇厄實在使祖先安息了,此後天主便不會再論及別的一個日子。
9 Sidaas daraaddeed waxaa dadka Ilaah u hadha nasasho.
由此看來,為天主的百姓,還保留了一個安息的時日。
10 Waayo, kii nasashadiisa galay, isaga qudhiisuna waa ka nastay shuqulladiisii sidii Ilaah kuwiisii uga nastay.
的確,誰進入了天主的安息,衪也就停止自已的工作而安息,正如天主停止自已的正作而安息一樣。
11 Haddaba aynu u dadaalno inaynu nasashadaas galno inaan ninna caasinimadaas oo kale ku dhicin.
所以我們要努力進入那安息,免得有人照樣因背信而跌倒。
12 Waayo, hadalka Ilaah wuu nool yahay, waana shaqeeyaa, oo waa ka af badan yahay seef kasta oo laba af leh, isagoo ka dhex dusaya ilaa kala soocniinta nafta iyo ruuxa, iyo xubnaha iyo dhuuxaba, waana kala gartaa fikirrada iyo waxyaalaha qalbiga ku jira.
天主的話確實是生活的,是有效力的,比各種雙刃的劍還銳利,直穿入靈魂和神魂,關節與骨髓的分離點,且可辨別心中的感覺和思念。
13 Oo uun aan hortiisa ka muuqani ma jiro, laakiin wax waliba way qaawan yihiin oo bannaan yihiin indhihiisa hortooda, kan aynu ku tirsan nahay.
沒有一個受造物,在天主面前不是明顯的,萬物在衪眼前都是袒露敞開的,我們必須向衪交賬。
14 Haddaba innagoo leh wadaad sare oo weyn, kan samooyinka sii dhex maray, kaas oo ah Ciisoo Wiilka Ilaah ah, aynu qirashadeenna xajinno.
我們既然有一位偉大的,進入了諸天的司祭,天主子耶穌,我們就應堅持所信奉的真道,
15 Waayo, ma aynu lihin wadaad sare oo aan itaaldarradeenna ka nixi karin, laakiin waxaynu leennahay mid si walba loo jirrabay sideenna oo kale, oo aan weliba dembi lahayn.
因為我們所有的,不是一位不能同情我們弱點的大司祭,而是一位在各方面與我們相似,受過試探的,只是沒有罪過。
16 Haddaba aynu carshiga nimcada dhiirranaan ugu soo dhowaanno si aynu naxariis u qaadanno oo aynu u helno nimco ina caawisa wakhtiga baahida.
所以我們要懷著依恃之心,走近恩寵的寶座,以獲得仁慈,尋到恩寵,作及時的扶助。