< Cibraaniyada 13 >

1 Jacaylka walaalnimadu ha sii jiro.
ܚܘܒܐ ܕܐܚܐ ܢܟܬܪ ܒܟܘܢ
2 Ha illoobina inaad shisheeyaha marti qaaddaan, waayo, sidaas qaar baa malaa'igo u marti qaaday iyagoo aan ogayn.
ܘܪܚܡܬܐ ܕܐܟܤܢܝܐ ܠܐ ܬܛܥܘܢ ܒܗܕܐ ܓܝܪ ܫܘܘ ܐܢܫܐ ܕܟܕ ܠܐ ܪܓܝܫܝܢ ܢܩܒܠܘܢ ܡܠܐܟܐ
3 U xusuusta kuwa xidhan sidii idinkoo iyaga la xidhan, iyo kuwa la silciyey sidii idinkoo isku jidh ah.
ܥܗܕܘ ܠܐܝܠܝܢ ܕܐܤܝܪܝܢ ܐܝܟ ܗܘ ܕܥܡܗܘܢ ܐܤܝܪܝܢ ܐܢܬܘܢ ܐܬܕܟܪܘ ܠܐܝܠܝܢ ܕܐܠܝܨܝܢ ܐܝܟ ܐܢܫܐ ܕܒܤܪܐ ܠܒܝܫܝܢ ܐܢܬܘܢ
4 Guurka hala wada maamuuso, oo sariirtuna yeynan nijaasoobin, maxaa yeelay, khaniisiinta iyo dhillayadaba Ilaah waa xukumi doonaa.
ܡܝܩܪ ܗܘ ܙܘܘܓܐ ܒܟܠ ܘܥܪܤܗܘܢ ܕܟܝܐ ܗܝ ܠܙܢܝܐ ܕܝܢ ܘܠܓܝܪܐ ܕܐܢ ܐܠܗܐ
5 Dabiicaddiinnu ha ahaato mid aan lacag jeclayn, oo waxaad haysataan raalli ku ahaada, waayo, isaga qudhiisu wuxuu yidhi, Sinaba kuu dayn maayo, oo sinaba kuu dayrin maayo.
ܠܐ ܗܘܐ ܪܚܡ ܟܤܦܐ ܪܥܝܢܟܘܢ ܐܠܐ ܢܤܦܩ ܠܟܘܢ ܡܕܡ ܕܐܝܬ ܠܟܘܢ ܗܘ ܓܝܪ ܡܪܝܐ ܐܡܪ ܕܠܐ ܐܫܒܩܟ ܘܠܐ ܐܪܦܐ ܒܟ ܐܝܕܝܐ
6 Sidaas daraaddeed innagoo ku kalsoon waxaynu nidhaahnaa, Rabbigu waa kaalmeeyahayga, oo anigu cabsan maayo; Bal maxaa dad igu samayn doonaa?
ܘܐܝܬ ܠܢ ܕܢܐܡܪ ܬܟܝܠܐܝܬ ܡܪܝ ܡܥܕܪܢܝ ܠܐ ܐܕܚܠ ܡܢܐ ܥܒܕ ܠܝ ܒܪܢܫܐ
7 Xusuusta hoggaamiyayaashiinna idiin sheegay ereyga Ilaah. Oo ka fiirsada waxa ka yimaada asluubtoodii, oo iimaankoodii ku dayda.
ܗܘܝܬܘܢ ܥܗܕܝܢ ܠܡܕܒܪܢܝܟܘܢ ܐܝܠܝܢ ܕܡܠܠܘ ܥܡܟܘܢ ܡܠܬܐ ܕܐܠܗܐ ܐܬܒܩܘ ܒܫܘܠܡܐ ܕܕܘܒܪܝܗܘܢ ܘܡܪܘ ܒܗܝܡܢܘܬܗܘܢ
8 Ciise Masiix waa isku mid shalay iyo maanta iyo weligiiba. (aiōn g165)
ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܐܬܡܠܝ ܘܝܘܡܢܐ ܗܘܝܘ ܘܠܥܠܡ (aiōn g165)
9 Waxbaridda kala duwan oo qalaadu yay idinla tegin, waayo, waa wanaagsan tahay in qalbigu nimco ku taagnaado ee uusan ku taagnaan cunto, tan kuwa ku macaamilooday aanay ku faa'iidin.
ܠܝܘܠܦܢܐ ܢܘܟܪܝܐ ܘܡܫܚܠܦܐ ܠܐ ܬܬܕܒܪܘܢ ܫܦܝܪ ܗܘ ܓܝܪ ܕܒܛܝܒܘܬܐ ܢܫܪܪ ܠܒܘܬܢ ܘܠܐ ܒܡܐܟܠܬܐ ܡܛܠ ܕܠܐ ܐܬܥܕܪܘ ܐܝܠܝܢ ܕܗܠܟܘ ܒܗܝܢ
10 Waxaynu leennahay meel allabari, oo kuwa taambuugga ka adeega aanay amar u lahayn inay wax ka cunaan.
ܐܝܬ ܠܢ ܕܝܢ ܡܕܒܚܐ ܕܠܐ ܫܠܝܛ ܠܡܐܟܠ ܡܢܗ ܠܗܢܘܢ ܕܒܡܫܟܢܐ ܡܫܡܫܝܢ
11 Waayo, neefafka dhiiggooda wadaadka sare keeno meesha quduuska ah dembiga aawadiis jidhadhkooda waxaa lagu gubaa xerada dibaddeeda.
ܚܝܘܬܐ ܓܝܪ ܗܠܝܢ ܕܡܥܠ ܗܘܐ ܕܡܗܝܢ ܪܒ ܟܘܡܪܐ ܠܒܝܬ ܡܩܕܫܐ ܚܠܦ ܚܛܗܐ ܒܤܪܗܝܢ ܝܩܕ ܗܘܐ ܠܒܪ ܡܢ ܡܫܪܝܬܐ
12 Sidaas daraaddeed Ciisena si uu dadka quduus ugaga dhigo dhiiggiisa wuxuu ku xanuunsaday iridda dibaddeeda.
ܡܛܠ ܗܢܐ ܐܦ ܝܫܘܥ ܕܢܩܕܫ ܠܥܡܗ ܒܕܡܗ ܠܒܪ ܡܢ ܡܕܝܢܬܐ ܚܫ
13 Haddaba aynu isaga ugu tagno xerada dibaddeeda, innagoo qaadayna caydii la caayay isaga.
ܘܐܦ ܚܢܢ ܗܟܝܠ ܢܦܘܩ ܠܘܬܗ ܠܒܪ ܡܢ ܡܫܪܝܬܐ ܟܕ ܫܩܝܠܝܢܢ ܚܤܕܗ
14 Waayo, innagu halkan kuma lihin magaalo sii raagaysa, laakiin waxaynu doondoonaynaa tan iman doonta.
ܠܝܬ ܠܢ ܓܝܪ ܡܕܝܢܬܐ ܕܡܩܘܝܐ ܗܪܟܐ ܐܠܐ ܠܐܝܕܐ ܕܥܬܝܕܐ ܡܤܟܝܢܢ
15 Haddaba xaggiisa aynu had iyo goor Ilaah ugu bixinno allabariga ammaanta, kaas waxaa weeye dibnaha magiciisa qirta midhahooda.
ܘܒܐܝܕܗ ܢܤܩ ܕܒܚܐ ܕܬܫܒܘܚܬܐ ܒܟܠܙܒܢ ܠܐܠܗܐ ܕܐܝܬܝܗ ܦܐܪܐ ܕܤܦܘܬܐ ܕܡܘܕܝܢ ܠܫܡܗ
16 Laakiinse inaad wax wanaagsan fashaan oo wax wada wadaagtaan ha illoobina; waayo, allabaryada caynkaas ah Ilaah aad buu ugu farxaa.
ܘܠܐ ܬܛܥܘܢ ܡܪܚܡܢܘܬܐ ܘܫܘܬܦܘܬܐ ܕܡܤܟܢܐ ܒܗܠܝܢ ܓܝܪ ܕܒܚܐ ܫܦܪ ܐܢܫ ܠܐܠܗܐ
17 Hoggaamiyayaashiinna addeeca oo ka dambeeya, waayo, iyagu waxay ilaaliyaan naftiinna sidii iyagoo jawaab ka bixin doona. Taas farxad ha ku sameeyeen, oo yaanay qulubsanaan, waayo, taasu waxba idiin tari mayso.
ܐܬܛܦܝܤܘ ܠܡܕܒܪܢܝܟܘܢ ܘܐܫܬܡܥܘ ܠܗܘܢ ܗܢܘܢ ܓܝܪ ܫܗܪܝܢ ܚܠܦ ܢܦܫܬܟܘܢ ܐܝܟ ܐܢܫܐ ܕܝܗܒܝܢ ܚܘܫܒܢܟܘܢ ܕܒܚܕܘܬܐ ܢܗܘܘܢ ܥܒܕܝܢ ܗܕܐ ܘܠܐ ܒܬܢܚܬܐ ܡܛܠ ܕܠܐ ܦܩܚܐ ܠܟܘܢ
18 Noo soo duceeya; waayo, waxaannu hubnaa inaannu leennahay niyo wanaagsan annagoo doonayna inaannu wax kasta si qumman ugu soconno.
ܨܠܘ ܥܠܝܢ ܬܟܝܠܝܢܢ ܓܝܪ ܕܬܐܪܬܐ ܛܒܬܐ ܐܝܬ ܠܢ ܕܒܟܠܡܕܡ ܨܒܝܢܢ ܕܫܦܝܪ ܢܬܕܒܪ
19 Oo aad baan idiinka baryayaa inaad tan samaysaan, in dhaqso laygu soo kiin celiyo.
ܝܬܝܪܐܝܬ ܒܥܐ ܐܢܐ ܡܢܟܘܢ ܕܬܥܒܕܘܢ ܗܕܐ ܕܒܥܓܠ ܐܬܦܢܐ ܠܟܘܢ
20 Haddaba Ilaaha nabadda oo ka soo celiyey kuwii dhintay Rabbigeenna Ciise oo ah Adhijirka weyn ee idaha, oo ku soo celiyey dhiigga axdiga weligiis ah, (aiōnios g166)
ܐܠܗܐ ܕܝܢ ܕܫܠܡܐ ܗܘ ܕܐܤܩ ܡܢ ܒܝܬ ܡܝܬܐ ܠܪܥܝܐ ܪܒܐ ܕܡܪܥܝܬܐ ܒܕܡܐ ܕܕܝܬܩܐ ܕܠܥܠܡ ܕܐܝܬܘܗܝ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܡܪܢ (aiōnios g166)
21 kaamil ha idinkaga dhigo wax kasta oo wanaagsan si aad u samaysaan doonistiisa, oo waxa isaga ka farxiya ha inooga dhex shaqeeyo Ciise Masiix, kan ammaanta leh weligiis iyo weligiis. Aamiin. (aiōn g165)
ܗܘ ܢܓܡܘܪܟܘܢ ܒܟܠ ܥܒܕ ܛܒ ܕܬܥܒܕܘܢ ܨܒܝܢܗ ܘܗܘ ܢܤܥܘܪ ܒܢ ܡܕܡ ܕܫܦܝܪ ܩܕܡܘܗܝ ܒܝܕ ܝܫܘܥ ܡܫܝܚܐ ܕܠܗ ܫܘܒܚܐ ܠܥܠܡ ܥܠܡܝܢ ܐܡܝܢ (aiōn g165)
22 Walaalayaalow, waxaan idinka baryayaa inaad u dulqaadataan hadalka waanada ah, waayo, waxaan idiin soo qoray dhawr eray.
ܒܥܐ ܐܢܐ ܕܝܢ ܡܢܟܘܢ ܐܚܝ ܕܬܓܪܘܢ ܪܘܚܟܘܢ ܒܡܠܬܐ ܕܒܘܝܐܐ ܡܛܠ ܕܒܙܥܘܪܝܬܐ ܗܘ ܟܬܒܬ ܠܟܘܢ
23 Ogaada in walaalkeen Timoteyos la sii daayay, kan hadduu dhaqso u yimaado, aannu idin soo wada arki doonno.
ܕܥܘ ܕܝܢ ܠܐܚܘܢ ܛܝܡܬܐܘܤ ܕܐܫܬܪܝ ܘܐܢ ܒܥܓܠ ܢܐܬܐ ܥܡܗ ܐܚܙܝܟܘܢ
24 Igu salaama kuwa idin hoggaamiya oo dhan, iyo quduusiinta oo dhan. Kuwa Itaaliya ka yimaadaa way idin soo salaamayaan.
ܫܐܠܘ ܒܫܠܡܐ ܕܟܠܗܘܢ ܡܕܒܪܢܝܟܘܢ ܘܕܟܠܗܘܢ ܩܕܝܫܐ ܫܐܠܝܢ ܒܫܠܡܟܘܢ ܟܠܗܘܢ ܕܡܢ ܐܝܛܠܝܐ
25 Nimco ha idinla jirto kulligiin. Aamiin.
ܛܝܒܘܬܐ ܥܡ ܟܠܟܘܢ ܐܡܝܢ ܫܥܡܐܐ

< Cibraaniyada 13 >