< Cibraaniyada 11 >
1 Rumaysadku waa hubaasha waxyaalaha la rajeeyo, iyo xaqiiqaynta waxyaalaha aan la arkin.
A vjera je već neko imanje onoga čemu se nadamo, uvjerenost u zbiljnosti kojih ne vidimo.
2 Waayo, saasaa loogu markhaati furay waayeelladii.
Zbog nje stari primiše svjedočanstvo.
3 Rumaysad ayaynu ku garanaynaa in duniyooyinka lagu abuuray erayga Ilaah, sidaas daraaddeed waxa la arko lagama samayn waxa muuqda. (aiōn )
Vjerom spoznajemo da su svjetovi uređeni riječju Božjom tako te ovo vidljivo ne posta od nečega pojavnoga. (aiōn )
4 Haabiil rumaysad ayuu Ilaah ugu bixiyey allabari aad uga wanaagsan kii Qaabiil, sidaas daraaddeed waxaa loogu markhaati furay inuu xaq yahay, Ilaahna waa ka markhaati furay hadiyadihiisii. Saas daraaddeed isagoo dhintay ayuu weli hadlaa.
Vjerom Abel prinese Bogu bolju žrtvu nego Kain. Po njoj primi svjedočanstvo da je pravedan - Bog nad njegovim darovima posvjedoči - po njoj i mrtav još govori.
5 Enoog rumaysad baa kor loogu qaaday si uusan dhimasho u arag, lamana helin, maxaa yeelay, Ilaah baa isagii qaaday, waayo, intaan kor loo qaadin ka hor ayaa markhaati loo furay inuu Ilaah ka farxiyey.
Vjerom Henok bi prenesen da ne vidi smrti te iščeznu jer ga je prenio Bog. Doista, prije prijenosa primio je svjedočanstvo da omilje Bogu.
6 Oo rumaysadla'aantiis ma suurtowdo in isaga laga farxiyo, taas aawadeed kan Ilaah u yimaadaa waa inuu rumaysto inuu jiro oo uu yahay kan u abaalguda kuwa isaga doondoona.
A bez vjere nemoguće je omiljeti Bogu jer tko mu pristupa, vjerovati mora da postoji i da je platac onima koji ga traže.
7 Nuux oo Ilaah uga digay waxyaalo aan weli la arkin ayaa cabsaday, oo rumaysad buu ku diyaariyey doonni in reerkiisu ku badbaado, sidaasuu dunida u xukumay oo ku noqday mid dhaxla xaqnimada rumaysadka ku timaada.
Vjerom Noa, upućen u ono što još ne bijaše vidljivo, predano sagradi korablju na spasenje svoga doma. Time osudi svijet i postade baštinikom vjerničke pravednosti.
8 Ibraahim kolkii loo yeedhay, rumaysad buu ku addeecay inuu tago meeshuu ku heli lahaa dhaxalka, wuuna tegey isagoo aan garanaynin meeshuu ku socdo.
Vjerom pozvan, Abraham posluša i zaputi se u kraj koji je imao primiti u baštinu, zaputi se ne znajući kamo ide.
9 Rumaysad buu ku degganaa dhulkii loo ballanqaaday sidii dhul qalaad, wuxuuna taambuugyo la degganaa Isxaaq iyo Yacquub oo ahaa kuwii la dhaxlay isku ballan.
Vjerom se kao pridošlica naseli u obećanoj zemlji kao u tuđini, prebivajući pod šatorima s Izakom i Jakovom, subaštinicima istog obećanja,
10 Waayo, wuxuu filanayay magaalo aasaas leh oo kan dhisay oo sameeyey uu Ilaah yahay.
jer iščekivaše onaj utemeljeni Grad kojemu je graditelj i tvorac Bog.
11 Saarah qudheedu rumaysad bay ku heshay xoog ay ku uuraysato, oo iyadoo dhaaftay wakhtigii dhalmada ayay dhashay, waayo, waxay ku tirisay ku aamin ah kii u ballanqaaday.
Vjerom i Sara unatoč svojoj dobi zadobi moć da začne jer vjernim smatraše Onoga koji joj dade obećanje.
12 Sidaas daraaddeedna waxaa mid sidii nin dhintay oo kale ah ka dhashay dad u badan sida xiddigaha cirka iyo sida cammuudda badda xeebteeda taal oo aan la tirin karin.
Zato od jednoga, i to obamrla, nasta mnoštvo poput zvijezda na nebu i pijeska nebrojena na obali morskoj.
13 Kuwaasu kulligood rumaysad bay ku wada dhinteen, iyagoo aan helin waxyaalihii loo ballanqaaday, laakiin meel fog bay ka arkeen oo way aqbaleen, oo waxay qirteen inay dhulka ku ahaayeen shisheeyayaal iyo dad sodcaal ah.
U vjeri svi su oni umrli, a da nisu zadobili obećanja, već su ih samo izdaleka vidjeli i pozdravili priznavši da su stranci i pridošlice na zemlji.
14 Waayo, kuwa waxyaalahan oo kale yidhaahdaa waxay muujiyaan inay doondoonayaan waddan kooda ah.
Doista, koji tako govore, jasno očituju da domovinu traže.
15 Oo hadday xusuusnaayeen waddankii ay ka baxeen way heli lahaayeen wakhti ay ku noqdaan.
Dakako, da su mislili na onu iz koje su izišli, imali bi još prilike vratiti se u nju.
16 Laakiin imminka waxay aad u doonayaan waddan ka wanaagsan oo ah jannada, sidaas daraaddeed Ilaah ka xishoon maayo in loogu yeedho Ilaahood, waayo, wuxuu iyaga u diyaariyey magaalo.
Ali sada oni čeznu za boljom, to jest nebeskom. Stoga se Bog ne stidi zvati se Bogom njihovim: ta pripravio im je Grad.
17 Ibraahim kolkii la jirrabay, rumaysad buu Isxaaq allabari ahaan ugu bixiyey. Kii ballamada aqbalay ayaa wuxuu bixinayay wiilkiisii keliyaha,
Vjerom Abraham, kušan, prikaza Izaka. Jedinca prikazivaše on koji je primio obećanje,
18 in kastoo lagu yidhi, Kuwa Isxaaq ka farcama ayaa farcankaaga loogu yeedhi doonaa.
kome bi rečeno: Po Izaku će ti se nazivati potomstvo! -
19 Wuxuu ku tirinayay in Ilaah ka kicin karo xataa kuwii dhintay; oo sida masaal oo kale ayuu isagii uga helay kuwii dhintay.
uvjeren da Bog može i od mrtvih uskrisiti. Zato ga u predslici i ponovno zadobi.
20 Isxaaq rumaysad buu ugu duceeyey Yacquub iyo Ceesaw xagga waxyaalaha iman doona.
Vjerom baš u pogledu budućnosti Izak blagoslovi Jakova i Ezava.
21 Yacquubna markuu dhimanayay rumaysad buu ugu duceeyey mid kasta oo wiilashii Yuusuf ka mid ah, oo Ilaahna wuu caabuday isagoo cuskanaya ushiisa guudkeeda.
Vjerom Jakov, umirući, blagoslovi oba sina Josipova i duboko se prignu oslonjen na vrh svojega štapa.
22 Yuusufna markii dhimashadiisii dhowayd rumaysad buu kaga hadlay bixitinka reer binu Israa'iil, wuxuuna ka dardaarmay lafihiisa.
Vjerom Josip na umoru napomenu ono o izlasku sinova Izraelovih i dade zapovijed o svojim kostima.
23 Muusena markuu dhashay, waalidkiis rumaysad bay ku qariyeen saddex bilood, maxaa yeelay, waxay arkeen inuu ilmo wanaagsan yahay, kamana ay cabsan amarkii boqorka.
Vjerom su Mojsija netom rođena tri mjeseca krili njegovi roditelji jer vidješe da je djetešce lijepo i nisu se bojali kraljeve naredbe.
24 Muuse markuu weynaaday rumaysad buu ku diiday in loogu yeedho wiilkii gabadha Fircoon.
Vjerom Mojsije, već odrastao, odbi zvati se sinom kćeri faraonove.
25 Oo wuxuu ka doortay in lala silciyo dadkii Ilaah intuu wakhti yar dembi ku farxi lahaa;
Radije izabra biti zlostavljan zajedno s Božjim narodom, nego se časovito okoristiti grijehom.
26 isagoo ku tirinaya cayda lagu caayo Masiixa aawadiis inay ka qiimo weyn tahay maalka Masar, waayo, wuxuu filanayay abaalgudka.
Većim je bogatstvom od blaga egipatskih smatrao muku Kristovu jer je gledao na plaću.
27 Rumaysad buu kaga tegey Masar isagoo aan ka cabsanayn boqorka cadhadiisii, waayo, wuxuu u adkaystay sidii mid fiirinaya kan aan la arkin.
Vjerom napusti Egipat, ne bojeći se bijesa kraljeva, postojan kao da Nevidljivoga vidi.
28 Rumaysad buu ku sameeyey Kormaridda iyo dhiigga rushayntiisii inuusan Baabbi'iyihii curadyadu iyaga taaban.
Vjerom je obavio pashu i škropljenje krvlju da Zatornik ne dotakne prvenaca Izraelovih.
29 Rumaysad bay ku dhex mareen Badda Cas sidii dhul engegan, laakiin markay Masriyiintu saas isku dayeen, way liqday.
Vjerom prođoše Crvenim morem kao po suhu, što i Egipćani pokušaše, ali se potopiše.
30 Derbiyadii Yerixoo rumaysad bay ku dumeen kolkii toddoba maalmood lagu warwareegay dabadeed.
Vjerom zidine jerihonske padoše nakon sedmodnevnoga ophoda.
31 Dhilladii Raxab rumaysadkeedii aawadiis lama ay halligmin kuwii caasiyiinta ahaa, maxaa yeelay, basaasyadii bay nabad ku dhowaysay.
Vjerom Rahaba, bludnica, ne propade zajedno s nepokornicima jer s mirom primi uhode.
32 Oo maxaan kale oo idhaahdaa? Waayo, wakhtigu waa igu gaabnaan doonaa haddaan wax ka sheegi lahaa Gidcoon, iyo Baaraaq, iyo Samsoon, iyo Yeftaah, iyo Daa'uud, iyo Samuu'eel iyo nebiyadii.
I što još da kažem? Ta ponestat će mi vremena, počnem li raspredati o Gideonu, Baraku, Samsonu, Jiftahu, Davidu, pa Samuelu i prorocima,
33 Rumaysad bay kaga adkaadeen boqortooyooyin, oo xaqnimo ku sameeyeen, oo ballamo ku heleen, oo afafka libaaxyada ku xidheen,
koji su po vjeri osvojili kraljevstva, odjelotvorili pravednost, zadobili obećano, začepili ralje lavovima,
34 oo xooggii dabka ku demiyeen, oo seefta afkeedii kaga baxsadeen, oo itaaldarradii kaga xoogaysteen, oo dagaal ku itaal weynaadeen, oo colalkii shisheeyaha ku eryeen.
pogasili žestinu ognja, umakli oštrici mača, oporavili se od slabosti, ojačali u boju, odbili navale tuđinaca.
35 Dumar baa waxay heleen kuwii ka dhintay iyagoo la sara kiciyey, qaar kalena waa la xanuujiyey ilaa ay ka dhinteen iyagoo aan aqbalin in la samatabbixiyo si ay ku gaadhaan sarakicid ka wanaagsan.
Žene su po uskrsnuću ponovno zadobile svoje pokojne. Drugi pak, stavljeni na muke, ne prihvatiše oslobođenja da bi ih zapalo bolje uskrsnuće.
36 Qaar kalena waxay jirrabaad ahaan ula kulmeen majaajilo iyo karbaashid iyo weliba silsilado iyo xabbis.
Drugi su opet iskusili izrugivanja i bičeve, pa i okove i tamnicu.
37 Waana la dhagxiyey, miinshaarna waa lagu kala jeexay, waana la jirrabay, seefna waa lagu gowracay, wayna warwareegeen iyagoo qaba hargo idaad iyo hargo riyood, iyagoo caydh ah oo la dhibay oo la silciyey.
Kamenovani su, piljeni, poubijani oštricom mača, potucali se u runima, u kozjim kožusima, u oskudici, potlačeni, zlostavljani -
38 Dunidu ma ay istaahilin iyagii. Waxayna warwareegi jireen lamadegaanka iyo buuraha iyo boholaha iyo godadka dhulka.
svijet ih ne bijaše dostojan - vrludali po pustinjama, gorama, pećinama i pukotinama zemaljskim.
39 Kuwaas oo dhammu, iyagoo loo markhaati furay rumaysadkoodii daraaddiis, ayaanay helin wixii loo ballanqaaday;
I svi oni po vjeri, istina, primiše svjedočanstvo, ali ne zadobiše obećano
40 waayo, Ilaah wuxuu hore u arkay wax ka wanaagsan oo inagu saabsan, inaan la'aanteen iyaga kaamil laga dhigin.
jer Bog je za nas predvidio nešto bolje da oni bez nas ne dođu do savršenstva.