< Cibraaniyada 10 >
1 Waayo, sharcigu wuxuu leeyahay hooska waxyaalaha wanaagsan oo iman doona, laakiin ma leh suuradda waxyaalahaas qudheeda. Oo caabudayaasha marnaba kaamil kagama uu dhigi karo allabaryo sannad walba had iyo goor la bixiyo.
Zákon zajisté, maje stín budoucího dobrého, a ne sám obraz těch věcí, jednostejnými obětmi, kteréž po všecka léta obětují, nikdy nemůž přistupujících dokonalých učiniti.
2 Haddii kale miyaan la joojiyeen in allabaryo la bixiyo? Maxaa yeelay, caabudayaashu, iyagoo mar la nadiifiyey, mar dambe dembiyo iskama ay garteen.
Sic jinak zdaliž by již nepřestaly obětovány býti, proto že by již neměli žádného svědomí z hříchů ti, kteříž obětují, jsouce jednou očištěni?
3 Laakiin allabaryadaas waxaa sannad walba lagu xusuustaa dembiyo.
Ale při těch obětech připomínání hříchů děje se každého roku.
4 Waayo, ma suurtowdo in dibiyo iyo orgiyo dhiiggoodu dembiyo qaado.
Neboť možné není, aby krev býků a kozlů shladila hříchy.
5 Saas daraaddeed kolkuu Masiixu dunida soo galay wuxuu lahaa, Allabaryo iyo qurbaan ma aad doonaynin, Laakiin jidh baad ii diyaarisay.
Protož vcházeje na svět, dí: Oběti a daru nechtěl jsi, ale tělo jsi mi způsobil.
6 Waxyaalo la bixiyo oo la gubo oo dhan iyo dembi allabaryadiis kuma aad faraxsanayn.
Zápalných obětí, ani obětí za hřích jsi neoblíbil.
7 Markaasaan idhi, Bal eeg, waxaan u imid Inaan sameeyo doonistaada, Ilaahow. Kitaabka duudduuban wax igu saabsan baa ku qoran.
Tehdy řekl jsem: Aj, jduť, (jakož v knihách psáno jest o mně, ) abych činil, ó Bože, vůli tvou.
8 Siduu horay u yidhi, Allabaryo iyo qurbaan iyo waxyaalo la bixiyo oo la gubo iyo dembi allabaryadiis ma aad doonayn, kumana aad faraxsanayn, kuwaas oo loo bixiyo sida sharcigu leeyahay.
Pověděv napřed: Že oběti a daru, a zápalů, i obětí za hřích, (kteréž se podlé zákona obětují, ) nechtěl jsi, aniž jsi oblíbil,
9 Markaasuu yidhi, Bal eeg, waxaan u imid inaan sameeyo doonistaada. Wuxuu rujiyey kii kowaad si uu ka labaad u taago.
Tehdy řekl: Aj, jduť, abych činil, ó Bože, vůli tvou. Ruší první, aby druhé ustanovil.
10 Sida doonistaasu tahay, waxaa quduus laynagaga dhigay bixinta jidhka Ciise Masiix oo mar keliya la bixiyey.
V kteréžto vůli posvěceni jsme skrze obětování těla Ježíše Krista jednou.
11 Wadaad waluba maalin kastuu istaagaa isagoo adeegaya oo marar badan bixinaya allabaryo isku mid ah, kuwa aan marnaba dembiyo qaadi karin,
A všeliký zajisté kněz přístojí, na každý den službu konaje, a jednostejné často obětuje oběti, kteréž nikdy nemohou odjíti hříchů.
12 laakiin isagu kolkuu allabari keliya mar keliya dembiyo u bixiyey ayuu fadhiistay midigta Ilaah;
Ale tento, jednu obět obětovav za hříchy, vždycky sedí na pravici Boží,
13 isagoo markaas dabadeed sugaya ilaa cadaawayaashiisa cagihiisa hoostooda la geliyo.
Již dále očekávaje, až by položeni byli nepřátelé jeho za podnož noh jeho.
14 Maxaa yeelay, bixin keliya ayuu kaamil kaga dhigay weligood kuwa quduus laga dhigay.
Nebo jednou obětí dokonalé učinil na věky ty, kteříž posvěceni bývají.
15 Oo taas Ruuxa Quduuska ahuna markhaati ahaan buu noogu sheegaa, waayo, kolkuu yidhi,
Svědčíť pak nám to i sám Duch svatý. Nebo prvé pověděv:
16 Kanu waa axdiga aan la dhigan doono iyaga Maalmahaas dabadood, ayaa Rabbigu leeyahay; Qaynuunnadayda waxaan gelin doonaa qalbigooda, Maankoodana waan ku qori doonaa; markaasuu wuxuu ku daray;
Tatoť jest smlouva, kterouž učiním s nimi po těch dnech, praví Pán: Dám zákony své v srdce jejich, a na myslech jejich napíši je,
17 Oo dembiyadooda iyo xadgudubyadoodana mar dambe ma xusuusan doono.
A na hříchy jejich, i na nepravosti jejich nikoli nezpomenu více.
18 Markii waxyaalahan la cafiyo, wax dambe oo dembi loo bixiyaa ma jiro.
Kdežť pak jest odpuštění jich, neníť více oběti za hřích.
19 Taas daraaddeed, walaalayaalow, waxaynu haysannaa dhiirranaan inaynu meesha quduuska ah ku galno dhiigga Ciise,
Majíce tedy, bratří, plnou svobodu k vjití do svatyně skrze krev Ježíšovu,
20 oo ah waddo cusub oo nool oo uu inooga banneeyey daaha, kaas oo ah jidhkiisa.
(Tou cestou novou a živou, kterouž nám způsobil skrze oponu, to jest tělo své, )
21 Oo waxaynu haysannaa wadaad weyn oo ka sarreeya guriga Ilaah.
A kněze velikého nad domem Božím,
22 Taas daraaddeed aynu ugu soo dhowaanno qalbi run ah iyo hubaal rumaysad, iyadoo qalbiyadeenna laga nadiifiyey niyo shar leh, jidhkeennana lagu maydhay biyo daahir ah.
Přistupmež s pravým srdcem, v plné jistotě víry, očištěná majíce srdce od svědomí zlého,
23 Aynu aad u xajinno qirashada rajadeenna liicliicashola'aan, maxaa yeelay, kan inoo ballanqaaday waa aamin.
A umyté tělo vodou čistou, držmež nepochybné vyznání naděje; (nebo věrnýť jest ten, kterýž zaslíbil.)
24 Oo midkeenba midka kale ha ka fikiro si aynu isugu guubaabinno kalgacayl iyo shuqullo wanaagsan.
A šetřme jedni druhých, k rozněcování se v lásce a dobrých skutcích,
25 Yeynan iska daynin isku ururkeenna sida ay tahay caadada dadka qaarkood, laakiin aan isdhiirrigelinno, khusuusan markaad aragtaan inay Maalintu soo dhowaanayso.
Neopouštějíce společného shromáždění svého, jako někteří obyčej mají, ale napomínajíce se, a to tím více, čímž více vidíte, že se ten den přibližuje.
26 Haddaynu badheedh u dembaabno kolkaynu aqoonta runta helnay dabadeed, allabari dambe oo dembiyo loo bixiyaa ma hadho.
Nebo jestliže bychom dobrovolně hřešili po přijetí známosti pravdy, nezůstávalo by již oběti za hříchy,
27 Laakiin waxaa u hadha filasho cabsi leh oo xukun, iyo dab kulul oo baabbi'in doona kuwa Ilaah ka geesta ah.
Ale hrozné nějaké očekávání soudu, a ohně prudká pálivost, kterýž žráti má protivníky.
28 Ninkii diida sharciga Muuse kolkii laba ama saddex nin ku markhaati furaan ayuu naxariisla'aan dhintaa.
Kdož by koli pohrdal zákonem Mojžíšovým, bez lítosti pode dvěma neb třmi svědky umírá.
29 Taqsiir intee le'eg oo ka sii xun baad u malaynaysaan inuu istaahili doono kii Wiilka Ilaah ku joogjoogsaday, oo dhiigga axdiga oo isaga quduuska lagaga dhigay ku tiriyey wax aan quduus ahayn, oo caayay Ruuxa nimcada?
Což se vám zdá, čím přísnějšího trestání hoden jest ten, kdož by Syna Božího pošlapával, a krev smlouvy, kterouž byl posvěcen, za nehodnou drahého vážení by měl, a Duchu milosti potupu učinil?
30 Waayo, innagu waynu naqaan kan yidhi, Aarsasho anigaa leh; oo waan abaalmarin doonaa. Mar kalena waxaa la yidhi, Rabbigu dadkiisa wuu xukumi doonaa.
Známeť zajisté toho, jenž řekl: Mně pomsta, já odplatím, praví Pán. A opět: Pán souditi bude lid svůj.
31 Waa wax aad cabsi u leh in lagu dhaco gacmaha Ilaaha nool.
Hroznéť jest upadnouti v ruce Boha živého.
32 Laakiin xusuusta maalmihii hore, kolkii laydin iftiimiyey dabadeed, oo aad u adkaysateen dagaal weyn oo xanuunno badan leh.
Rozpomeňtež se pak na předešlé dny, v nichž osvíceni byvše, mnohý boj utrpení snášeli jste,
33 Mar waxaa laydinku bandhigay cay iyo dhibaatooyin, marna waxaad wax la wadaagteen kuwa sidaas oo kale loo galay.
Buďto když jste byli i pohaněními i ssouženími jako divadlo učiněni, buďto účastníci učiněni byvše těch, kteříž tak zmítáni byli.
34 Waayo, waad u naxariisateen kuwii xidhnaa, farxad baadna ku aqbasheen dhicitinka maalkiinna la dhacay, idinkoo og inaad idinka qudhiinnu maal ka wanaagsan oo raagaya haysataan.
Nebo i vězení mého čitelni jste byli, a rozchvátání statků svých s radostí jste strpěli, vědouce, že v sobě máte lepší zboží nebeské a trvanlivé.
35 Sidaas daraaddeed ha iska tuurina dhiirranaantiinna abaalgudka weyn leh.
Protož nezamítejtež smělé doufanlivosti své, kteráž velikou má odplatu.
36 Waayo, waxaad dulqaadasho ugu baahan tihiin si aad u qaadataan wixii laydiin ballanqaaday markaad doonista Ilaah samaysaan dabadeed.
Než potřebíť jest vám trpělivosti, abyste vůli Boží činíce, dosáhli zaslíbení.
37 Wakhti yar dabadeed Kii iman lahaa wuu iman doonaa, mana raagi doono.
Nebo ještě velmi, velmi maličko, a aj, ten, kterýž přijíti má, přijde, a nebudeť meškati,
38 Laakiin kayga xaqa ahu rumaysad buu ku noolaan doonaa; Oo hadduu dib u noqdo, naftaydu kuma farxi doonto isaga.
Spravedlivý pak z víry živ bude. Pakli by se jinam obrátil, nezalibuje sobě duše má v něm.
39 Innagu ma ihin kuwa halaagga dib ugu noqda, laakiin waxaynu nahay kuwa rumaysad leh si naftu u badbaaddo.
Ale myť nejsme poběhlci k zahynutí, ale věřící k získání duše.