< Xaggay 2 >

1 Oo haddana bishii toddobaad maalinteedii kow iyo labaatanaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay, oo wuxuu yidhi,
a ranar ashirin da ɗaya ga watan bakwai, maganar Ubangiji ta zo ta wurin annabi Haggai cewa,
2 Hadda waxaad la hadashaa Serubaabel ina Salaatii'eel oo ah taliyaha dalka Yahuudah, iyo Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ah wadaadka sare, iyo dadka intiisa hadhayba, oo waxaad ku tidhaahdaa,
“Ka yi magana da Zerubbabel ɗan Sheyaltiyel wanda yake gwamna a Yahuda, da Yoshuwa ɗan Yehozadak, babban firist, da kuma dukan raguwar mutane. Ka tambaye su ka ce,
3 Yaa hadhay oo idin dhex jooga oo gurigan ammaantiisii hore arkay? Haatanse sidee buu idiinla eg yahay? Sow meel aan waxba ahayn idiinlama eka?
‘Wane ne a cikinku ya ragu da ya ga wannan gida a darajarsa ta dā? Yaya yake a gare ku a yanzu? Bai yi kamar a bakin kome ba, ko ba haka ba?
4 Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Serubaabelow, xoog yeelo. Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo wadaadka sare ahow, xoog yeelo. Dadkiinna dalka jooga oo dhammow, xoog yeesha oo shaqeeya, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan idinla joogaa,
Amma yanzu ka ƙarfafa, ya Zerubbabel,’ in ji Ubangiji. ‘Ka ƙarfafa, ya Yoshuwa ɗan Yehozadak, babban firist. Ku ƙarfafa, dukanku mutanen ƙasar,’ in ji Ubangiji, ‘ku yi aiki. Gama ina tare da ku,’ in ji Ubangiji Maɗaukaki.
5 sidaan idiin ballanqaaday waagii aad Masar ka soo baxdeen, oo ruuxaygiina wuu idin dhex joogaa, haddaba ha cabsanina.
‘Wannan shi ne alkawarin da na yi da ku a lokacin da kuka fito daga Masar. Ruhuna kuwa yana tare da ku. Kada ku ji tsoro.’
6 Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Weli wakhti yar oo gaaban baa ii hadhay, oo dabadeedna waxaan gariirin doonaa samooyinka, iyo dhulka, iyo badda, iyo berrigaba.
“Ga abin da Ubangiji Maɗaukaki ya ce, ‘Ba da jimawa ba zan sāke girgiza sammai da kuma ƙasa, teku da busasshiyar ƙasa.
7 Oo quruumaha oo dhanna waan gariirin doonaa, oo waxa ay quruumaha oo dhammu jeclaystaan way iman doonaan, oo anna gurigan waxaan ka buuxin doonaa ammaan, ayaa Rabbiga ciidammadu leeyahay.
Zan girgiza dukan al’ummai, marmarin kowace al’umma kuma zai taso, sa’an nan zan cika gidan nan da ɗaukaka,’ in ji Ubangiji Maɗaukaki.
8 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Lacagta anigaa leh, oo dahabkana anigaa leh.
‘Da zinariya da azurfa duka nawa ne,’ in ji Ubangiji Maɗaukaki.
9 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ammaanta gurigan dambe waa ka sii weynaan doontaa tan kii hore. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeshan dhexdeeda ayaan nabad ku siin doonaa.
‘Ɗaukakar gidan nan na yanzu za tă fi ɗaukakar gidan nan na dā,’ in ji Ubangiji Maɗaukaki. ‘A wannan wuri kuma zan ba da salama,’ in ji Ubangiji Maɗaukaki.”
10 Boqor Daariyus sannaddiisii labaad, bisheedii sagaalaad, maalinteedii afar iyo labaatanaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay, oo wuxuu ku yidhi,
A ranar ashirin da huɗu ga watan tara, a shekara ta biyu ta mulkin Dariyus, maganar Ubangiji ta zo wa annabi Haggai cewa,
11 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddaba wadaaddada waxaad weyddiisaan wax sharciga ku saabsan, oo waxaad ku tidhaahdaan,
“Ga abin da Ubangiji Maɗaukaki ya ce, ‘Ku tambayi firist abin da doka ta ce.
12 Haddii mid darafka maradiisa ku qaato hilib quduusan, oo uu darafkiisu taabto kibis, ama fuud, ama khamri, ama saliid, ama wax kale oo cunta ah, miyey waxaasu quduus noqonayaan? Kolkaasaa wadaaddadii waxay ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen. Maya.
Idan mutum yana riƙe da naman da aka keɓe a rigarsa, sa’an nan kuma wannan rigar ta taɓa burodi, ko dafaffen abinci, ko ruwan inabi, ko mai, ko kowane irin abinci, wannan zai sa abin yă zama tsarkake?’” Firistoci suka amsa, suka ce, “A’a.”
13 Kolkaasaa Xaggay yidhi, Haddii mid ku nijaasoobo meyd oo uu taabto wax kuwan ka mid ah, miyaa kaasuu nijaasoobayaa? Oo wadaaddadiina waxay ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Wuu nijaasoobayaa.
Sa’an nan Haggai ya ce, “In mutumin da ya ƙazantar da kansa ta wurin taɓa gawa, ya taɓa wani daga cikin waɗannan abubuwa, za su ƙazantu?” Firistoci suka amsa, suka ce, “I, zai ƙazantu.”
14 Markaasaa Xaggay jawaabay oo wuxuu yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadkanu waa saasoo kale, oo quruuntanuna saasoo kalay hortayda ku tahay, oo shuqul kasta oo ay gacmahooda ku qabtaanna waa saasoo kale, oo wixii ay halkaas ku bixiyaanna waa nijaas.
Sai annabi Haggai ya ce, “‘Haka yake da wannan mutane da kuma wannan al’umma a gabana,’ in ji Ubangiji. ‘Duk abin da suke yi da kuma dukan abin da suke miƙawa ƙazantattu ne.
15 Haddaba waan idin baryayaaye, maanta intii ka bilaabata iyo wixii ka dambeeyaba ka fiirsada intaan dhagaxna dhagax la dul saarin macbudka Rabbiga,
“‘Yanzu kuwa sai ku yi la’akari da wannan daga wannan rana zuwa gaba, ku tuna yadda al’amura suke kafin a ɗora wani dutse bisa wani a haikalin Ubangiji.
16 iyo tan iyo wakhtigaas oo dhan markii la doonto tulmo ah labaatan, waxaa laga helay toban keliya, oo markii loo yimaado in macsarada khamriga laga soo dhaansado konton weel, waxaa ku jiray labaatan weel oo keliya.
A lokacin, idan wani ya tafi wurin tsibin da zai auna mudu ashirin, sai yă iske mudu goma kawai. Idan kuma wani ya tafi wurin matse ruwan inabi don yă ɗebo lita hamsin, sai yă tarar da lita ashirin kawai.
17 Anigu shuqulka gacmihiinna oo dhan waxaan ku dhuftay beera-engeeg iyo cariyaysi iyo roobdhagaxyaale, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.
Na mai da aikin da kuka sha wahala kuka yi ya zama banza ta wurin saukar da burtuntuna, da fumfuna, da ƙanƙara, duk da haka ba ku juyo gare ni ba,’ in ji Ubangiji.
18 Haddaba waan idin baryayaaye maanta intii ka bilaabata iyo wixii ka dambeeyaba ka fiirsada, oo bishii sagaalaad maalinteedii afar iyo labaatanaad oo ahayd maalintii la dhigay aasaaska macbudka Rabbiga, aad uga fiirsada.
‘Daga wannan rana zuwa gaba, wato, rana ta ashirin da huɗu ga watan tara, ku lura da ranar da aka kafa harsashin haikalin Ubangiji. Ku lura da kyau.
19 Maqsinka iniino ma ku jiraan? Hubaal canabka iyo berdaha iyo rummaanka iyo saytuunka midkoodna midho ma dhalin, laakiinse maanta inta ka bilaabata waan idin barakayn doonaa.
Akwai sauran irin da ya rage a rumbu? Har yanzu, kuringar inabi da itacen ɓaure, rumman da itacen zaitun ba su ba da’ya’ya ba tukuna. “‘Amma daga wannan rana zuwa gaba zan sa muku albarka.’”
20 Markaasaa mar labaad eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay, taasuna waxay ahayd bisha maalinteedii afar iyo labaatanaad, oo wuxuu ku yidhi,
Maganar Ubangiji ta zo wa annabi Haggai sau na biyu a rana ta ashirin da huɗu ga wata cewa,
21 La hadal Serubaabel oo ah taliyaha dalka Yahuudah, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaan gariirin doonaa samooyinka iyo dhulkaba,
“Ka faɗa wa Zerubbabel gwamnan Yahuda cewa zan girgiza sammai da ƙasa.
22 waanan afgembiyi doonaa carshiga boqortooyooyinka, oo waan baabbi'in doonaa xoogga boqortooyooyinka quruumaha, waanan afgembiyi doonaa gaadhifardoodyada iyo kuwa fuushanba, oo fardaha iyo kuwa ku joogaaba way dhici doonaan, oo mid kastaaba wuxuu ku dhiman doonaa seefta walaalkiis.
Zan hamɓarar da gadajen mulki in kuma ragargaza ƙarfin ƙasashen al’ummai. Zan tumɓuke kekunan yaƙi da mahayansu; dawakai da mahayansu za su mutu, kowane ta wurin takobin ɗan’uwansu.
23 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Serubaabelow, Addoonkaygiiyow, ina Salaatii'eelow, maalintaas waan ku qaadan doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay, oo waxaan kaa dhigi doonaa sidii shaabad oo kale, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan ku doortay.
“‘A wannan rana,’ in ji Ubangiji Maɗaukaki, ‘Zan ɗauke ka, bawana Zerubbabel ɗan Sheyaltiyel,’ in ji Ubangiji, ‘in kuma maishe ka kamar zoben hatimi, gama na zaɓe ka,’ in ji Ubangiji Maɗaukaki.”

< Xaggay 2 >